Home Blog Page 1316

Wasiirka cusub ee Ganacsiga oo xilkiisa la wareegay

0

Xaflad uu xilka kula kala wareegayeen wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Khadro Axmed Ducaale iyo wasiirka cusub ee dhawaan loo magacaabay Wasaaradaas Mudane Maxamed Cabdi Xaiyr Maareeye ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradaasi.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Ra’’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar,Wasiirka wasiir kuxigeenka,Wasiiru Dowlaha xubno katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Khadra Axmed Ducaale Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa faah faahin ka bixisay ugu horeyn waxqabadka Wasaaradda mudadii ay xilka haysay,waxaana ay sheegaty in ay ku guuleysatay howlo badan oo horyaalay Wasaaradda,waxayna ugu mahadcelisay dhamaan mas’uuliyiintii la shaqeysay mudadii ay xafiiska joogtay dowrkii ay ku lahaayeen dardargelinta howlaha Wasaaradda.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxmed Cabdi Xayir Maareeye ayaa uga mahadceliyay Wasiir Khadra waxqabadkeeda,isagoo balanqaaday in uu ku dadaali doono sidii loo horumarin lahaa waa jibaadka loo igmaday.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) ayaa ku ammaanay Wasiirka hore ee Wasaaradda Ganacsiga Marwo Khadro Axmed Ducaale,gudashada Waajibaadkeeda shaqo,wuxuuna dhanka kala kula dardaarmay Wasiirka cusub Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye in uu waajibaadkisa uu si hufan u guto.

 

War-Saxaafadeed : Madaxweyne Farmaajo Oo Socdaal u Kuur Gelid Ah Ku Maraya Qeybo Ka Mid Ah Gobollada Dalka.

0


Garoowe, 7 Janaayo 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada Garoowe halkaas oo uu kulamo wadatashi ah kula yeelanayo Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Mudane Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Camey, Guddoomiyaha Barlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland iyo shacabka magaalada Garoowe.

Madaxweynaha oo meel fagaare ah kula hadlay dadweynihii isu soo baxay ayaa uga mahadceliyay sida diirran ee ay isaga iyo wafdigiisa u soo dhaweeyeen.

“Waxaan u imid inaan arko xaaladda halkan ka jirta, ayna ugu horreyso inaan nabadda xoojinno oo ka shaqeyno dib-u-heshiisiinta, waxaana jeclahay inaan tago dhawr magaalo oo aan la kulmo cuqaasha, aqoonyahanka, bulshada rayidka ah iyo ardayda Jaamacadaha.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Golaha Xukuumadda Puntland oo lagaga hadlay arrimaha amniga iyo horumarinta dhaqaalaha, waxa uuna warbixinno ka dhageystay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Puntland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa socdaalkan oo qaadan doona dhawr maalmood waxa uu ku mari doonaa qeybo kamid ah deegaannada Puntland si uu ugu kuur galo nolasha iyo baahiyaha dadka ku dhaqan gobolladaas.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail:media@presidency.gov.so

 

Madaxweyne Farmaajo Oo Goordhow Xariga Ka Jaraya Garoonka Diyaaraha Garoowe Oo Dib u Dayactir Lagu Sameeyey.

0

Waxaa magaalada Garoowe ka socota qaban qaabo ku aadan sidii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmajo uu xarigga uga jari lahaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Garowe,kadib markii la soo geba gebeeyey dayactirkii lagu sameeyey.

Ammaanka magaalada ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo xafaldda xarig jarka lafilayo in goor dhow ay ka bilaabato halkasi,boqolaal dadweynaha ku dhaqan magaalada Garoowe, mas’uuliyiinta Puntland iyo marti sharaf kale ayaa qeyb ka ah munaasabadda xarig jarka ah.

Wadooyinka magaalada Garoowe waxaa lagu arkayaa ciidamo farabadan oo amniga sugaya,sidoo kale waxaa waddooyinka ku xardhan boorar ay ku dhajisanyiin sawirka madaxweynaha JAmhuuriyadda Soomalaiya taasi oo qeyb ka ah soo dhaweynat madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa socdaalkiisa wuxuu qaadan doonaa muddo maalmo ah,isagoo booqan doona magaalooyin kale oo ka tirsan maamulada Puntalnd iyo Galmudug.

Madaxweynah Jamhuuriyadda soomaaliya Oo Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada Puntland

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa guddoomiyey shir ay magaalada Garowe ku yeesheen Xubnaha Golaha Wasiirrada dowlad Goboleedka Puntland.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Mudane Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Camey Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Qodobada shirkan lagaga hadlay ayaa waxaa ka mid ah xoojinta amniga,horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta wada shaqeynta Dowlada Federaalka Somaliya iyo Dowlada Goboleedyada Dalka iyo horumarinta adegyada bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo warbixino ka dhageystay xubno ka mid ah Golaha Wasiirradda ee Puntland ayaa sheegay ahmiyadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta hay’adaha heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed.

Sidoo Kale, Madaxweynaha waxaa uu u shegay masuuliyiinti ka qeyb galaayey shirka in ay qaataan masuuliyadda ka saran dib u soo celinta midnimada iyo wada jirka Soomaaliya, lana yeesho wada shaqeyn dhab ah maadaama masuul kasta uu xil weyn ka saaran yahay samata bixinta shacabka Soomaaliyeed iyo in loo abuuro mustaqbal ka tarjumaya himilada iyo hanka shacabka.

Qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada Puntland ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ka xog wareystay xaalada guud ee dalka iyo qorsheyaasha ku aadan horumarinta arimaha Bulshada heer Federaal.

Xaflad Casho Soo Dhoweyn Iyo Sagootin Lagu Kala Maamuusay Wasiirka Cusub Iyo Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa xaflad casho-sharaf soo dhoweyn iyo sagootin iskugu jirtay ku kala maamuustay Wasiirka cusub ee Wasaaradda H.E. Amb. Ahmed Isse Awad iyo Wasiirkii hore H.E. Amb. Yusuf Garaad Omar Ahmed oo wareejinaya xilka.

Munaasabadan oo hadallo kooban ay ka kala jeediyeen labada Wasiir ee xilka ku kala wareegi doona muddo 24 saac gudahooda ayey wada muujiyeen sida laga maarmaanka ay u tahay u adeegidda dalka, dadka iyo ilaalinta danta qaran oo la waafajinayo siyaasadda dibadda, waxa ayna wada tilmaameen muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo ka guul keenidda ajandayaasha xaqiijinaya horukaca iyo taabagalka Soomaaliya oo nabad ah oo barwaaqo ah.

Xafladdan cashada ah ayaa kulmisay Safiirro, Wasiirro hore, diblomaasiyiin iyo dad ka dhex muuqda qeybaha bulshada, waxa ayna ku idlaatay jawi guul leh.

Profiling-ka wasiirrada cusub

0

SNTV oo si kooban idin ugu diyaariyey taariikh nololleedyada wasiirrada cusub ee Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha iyo Ganacsiga.

 

Wasiiradii Dhawaan La Magacaabay Oo Maanta La Dhaariyay…

0

Waxaa maanta si rasmi ah loo dhaariyay sedexdii Wasiir oo u dhawaan magacaabay R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,kuwaasi oo lagu hor dhaariyay kulanka guddiga Joogtada aha ee Golaha Shacabka.

Munaasbaadda dhaarinta ah waxaa goob joog ka ahaa guddoonka Golaha Shacabka iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar,waxaana lagula dardaarmay dhaarintooda ka dib in ay si hufan u gutaan waajibaadka qaran ee horyaala.

Wasiirada la dhaariyay ayaa kala ah,Eng. Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka arrimaha Gudaha,Axmed Ciise Cawad Wasiirka arrimaha dibadda iyo Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha,kuwaasi oo dhawaan lagu magacaabay degreeto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiirada ayaa maanta la kulmay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre,iyadoo sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibadda uu kulan salaan ah kula qaatay garoonka diyaaradaha Muqdisho Madaxweynaha JFS oo xiligaasi ku sii jeedey magaalada Garoowe.

Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo maanta dalka soo gaaray ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweyey mas’uuliyiin uu kamid yahay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Oo Soo Dhaweeyay Fanaanad Nakruumo Iyo Wariye Luul Cali X.

0

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalkiisa C/raxmaan Cumar Cusmaan Eng: Yariisow iyo Masuuliyiin kale ee ka tirsan Wasaaradda warfaafinta ayaa soo dhaweeyey Fanaanad Faadumo Cali Jaamac Nagruuma iyo Luul Cali Xasan Luula oo kamid aheyd Wariyaashii hore ee ka soo shaqeeyey Radio Muqdisho.

Intii uu socday kullanka lagu soo dhaweynayey oo sidoo kale ay ka qeyb galeen Madaxda Kooxda Fanka ee Waabari iyo Faniiniintaba, ayaa waxaa ay ka sheekeeyeen xilliyadii kala duwaanaa ee ay soo mareen, waxaana ay sheegeen inay aad ugu hiloobeen dalkooda oo muddo badan banaanka ka joogeen.

C/kariim Faraax Qaarey Maareeye ku xigeenka Golaha Murtida iyo Madadaalada ee Tiyaatarka Qaranka ayaa sheegay in tani muhiim gaar ah u leedahay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Fanaanada Qaranka Faadamumo Cali Nagruuma ayaa dhankeeda sheegtay inay Muddo badan ku maqneyd dalka dibadiisa, balse aad ayay ugu faraxsan tahay inay maanta ku sugan tahay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya.

“Ujeeda aan u nimid halkaan waa in aan dadkeena tusno in dalkeenu nabad yahay, waxaana allah ka baryaa dalkeena oo wanaagsan iyo Soomaaliya oo dadkeedu iswada raacsan yahay”

Luul Cali Xasan Luula oo ka mid aheyd Hal-dooradii Radio Muqdisho ayaa sheegtay in aan marnaba farxadeeda la qiyaasi karin, ayna joogto meeshii ugu horreynteedii ay shaqo ka bilowday.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisa C.raxmaan Cumar Cismaan oo soo dhaweeyey Fanaaniinta ayaa tilmaamay inay aad u soo dhaweynayaan Faaduma Nagruuma iyo Luul Cali Xasan, kuwaas oo muddo badan aanan arkin Soomaaliya, balse hadda jooga gaar ahaan Xaruntii ay ka howlgali jireen.

“Waxaan idinku soo dhaweynaa Wasaaradda Warfaafinta oo aad shaqo badan ka soo qabateen xilligii aad ka shaqeyn jirteen, waxaad soo marteen waqti badan aad u wanaagsan, balse waxaa dhacay dhibaato badan hadana waxaan ku soconaa waddadii aan kaga soo kabso laheyn, waxaana rajeyneynaa in aad qeyb ka qaadataan arrintaas.

intaas kadib Faadumo Cali Jaamac Nakruuma iyo Luul Cali Xasan Luula ayaa soo arkay qeybta Keydka ee Radio Muqdisho iyo qeybaha kale ee Radio Muqdisho iyo Tv-ga Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Oo Garowe Gaaray Si Diiranna Loogu Soo Dhoweeyey

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa Goor-dhow ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamul-goboleedka Puntland.

Madaxweyanaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garawe ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Maamul-goboleedka Puntland, Odoyaasha Dhaqanka, Ardeyda wax ku barata Deegaankaasi iyo Dadweyne aad u fara badan, iyadoo soo dhaweyntiisa ay u diyaar-garoobeen maalmihii la soo dhaafay, waxaana Magaaladaasi lagu xardhay calamo iyo caleemo qoyan, islamarkaana waxaa garoonka la dhigay Roogga Cas.

Magaalada Garowe Waddooyinkeeda waxaa lagu dhejiyey boorar uu ku yaalo Sawirka Madaxwynaha dalka oo halku dhigiisu yahay “mudane Madaxweyne ku soo dhowow dhulka Uduga Puntland iyo Danta,Dadka iyo Dalka, iyadoo Barxadda Garoowe oo ah halku ugu caansan Magaalada ayaa waxaa lagu suray layrar aad u qurux badan iyo Calanka Soomaaliya.

Safarka Madaxweynaha ayaa inta joogo Puntland, waxa uu booqan doonaan dhowr deegaan oo ka tirsan Maamulkaasi, iyadoo Wararka laga helayo Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya uu sheegayo in Garowe, kadibna uu safar ku soo kala bixin doono Magaalooyin kale oo ka tirsan, Maamul-goboleedyada Puntland iyo Galmudug.

Madaxweynaha JFS Oo Maanta Dhagax Dhigay Dugsiga Xaawo Taako

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed farmaajo ayaa Saaka dhagax dhigay Dugsiga hoose dhexe Xaawo Taako ee Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir.

Dugsiga hoose dhexe ee Xaawo Taako oo ah dugsi qadiimi ah oo soo jiray tan iyo Xukuumaddii Daakhiliga aheyd, ayaa markii ugu dambeeysay loo bixiyay Halyeeyaddii Xaawo Taako, kaasi oo ahaa markaasi dugsi hoose dhexe, balse waxa uu ku buruburay dagaaladdii sokeeye ee ka dhacay dalka.

Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Xafiiska Madaxweynaha JFS Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in Madaxweynaha uu maanta dhagax dhigay Dugsigaasi, kaasi oo looga gol leeyahay in la badiyo goobaha Waxbarashada, si kor loogu qaado tayada iyo tirada Dugsiyada Dalka.