Imtixaankii dowladda oo loo hakiyey Roobabka daโ€™aya

Date:

Muqdisho(SNTV):โ€“Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay in la baajiyey Imtixaannaadkii Shahaadiga ee shalay ka bilowdey dalkaย  sababa la xiriira Roobab xooggan oo ka daโ€™aya caasimadda gobollada dalka qaarkood.

C/raxmaan Daahir Cusmaan Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa yiri โ€œRoobab aad u xooggan baa ka bilowdey magaalada Muqdisho xalay iyo saakana ka daโ€™aya kuwaas oo saameeyey dhammaan dhaq-dhaqaaqii magaalada, sidaa darteedna suurogal ma ahan in la sii wado Imtixaannaadkii Shahaadiga ee dalka ka bilowdey, balse dib ayeey u billaaban doonaan haddii ay xaaladda Roobabka yaraadaanโ€.

Roobabkaan ayaa lagu soo warramayaa in ay ka daโ€™ayaan Dhulka Soomaalida oo dhan iyo waddamada daristaย  qaar sida Jabuuti Kenya iyo Itoobiya, waana sababa isbaddelka Cimilada ku aaddan.

Duufaanno ku dhufta Xeebaha Soomaaliya ayaa laga digayey maalmahan oo dhan, welina waxaa taagan walaaca laga qabo arrintaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale