Imtixaankii dowladda oo loo hakiyey Roobabka da’aya

Date:

Muqdisho(SNTV):–Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay in la baajiyey Imtixaannaadkii Shahaadiga ee shalay ka bilowdey dalka  sababa la xiriira Roobab xooggan oo ka da’aya caasimadda gobollada dalka qaarkood.

C/raxmaan Daahir Cusmaan Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa yiri “Roobab aad u xooggan baa ka bilowdey magaalada Muqdisho xalay iyo saakana ka da’aya kuwaas oo saameeyey dhammaan dhaq-dhaqaaqii magaalada, sidaa darteedna suurogal ma ahan in la sii wado Imtixaannaadkii Shahaadiga ee dalka ka bilowdey, balse dib ayeey u billaaban doonaan haddii ay xaaladda Roobabka yaraadaan”.

Roobabkaan ayaa lagu soo warramayaa in ay ka da’ayaan Dhulka Soomaalida oo dhan iyo waddamada darista  qaar sida Jabuuti Kenya iyo Itoobiya, waana sababa isbaddelka Cimilada ku aaddan.

Duufaanno ku dhufta Xeebaha Soomaaliya ayaa laga digayey maalmahan oo dhan, welina waxaa taagan walaaca laga qabo arrintaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...