Home Blog Page 1315

Shir ku saabsan amniga Soomaaliya oo lagu qabtay Garoowe/

0

Garoowe-(SNTV)-Waxaa Magaalada Garoowe Shalay ka furmay  shirka amniga Dowlada Federaalka iy maamul Goboleedyada Dalka, kaas oo looga hadlay xaalada ammaanka ee Dalka guud ahaa iyo sidii laysaga kaashan lahaa arrimaha nabad gelyada.

Kulankan ayaa sidoo kale laysku weydaarsanayay aragtiyo ku aaddan sida looga gudbi karo caqabadaha ka jira dhanka ammaanka iyo sidii guul kama dambays ah looga gaari lahaa Kooxaha liddiga ku ah nabad gelyada Dalka ee ay ugu horreeyaan Al-Shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale waxaa Shirkan lagu falanqeeyay tayaynta iyo dibu dhiska hay ‘adaha ammaanka, tiro koobka Ciidanka Booliiska Soomaaliyed,  wada shaqaynta Wasaaradaha amniga ee heer maamul Goboleed iyo heer Federaal  Iyo xoojita Ciidamada Dalka ee ka howl-gala Gobollada iyo qodobbo kale oo xal u ah sidii nabad waarta loo gaadhsiin lahaa Soomaaliya.

Wasiirku xigeenka Wasaaradda amniga gudaha ee Soomaaliya C/naasir Siciid Muuse, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dedaallo dheeri ah ku bixinayso sidii loodardar gelin lahaa qorshaha dib u dhiska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, iyadoo maamulladana laga doonayo iney fududeeyaan taabba gelinta Ciidankan, kaas oo ka shaqayn doona sugidda amniga Dalka oo idil.

“Shirkan muhiimaddiisu waa inaan helnaa Ciidan Boliis ah oo Soomaaliyeed, oo ay dhammaystiran yihiin Agabkii ay u baahnaayeen, ayuu yiri wasiir ku xigeenku”.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland, C/xakiin C/laahi Cumar , ayaa sheegay inuu amniga Soomaaliya ku hagaagi karo in maamullada Dalka ka jira lagala shaqeeyo sugiidda nabad gelyada iskaashi buuxana ay ka wada yeeshaan Dowladda dhexe.

Wasiirka amniga puntland Axmed C/lahi Yuusuf, ayaa sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedyadu ay si wada jira ah uga shaqayn doonaan sidii loos oo Afjari lahaa kooxaha cadawga ku ah nabad gelyada Soomaaliya.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo go’aan ka soo saartay SKA

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baaritaan ku sameysay heshiis la sheegay in lala galay shirkadda SKA, waxa ayna caddeyneysa dowladdu in heshiiskaas uusan waafaqsaneyn habraaca sharciga ah iibka Qaranka.

Muwaadiniin Soomaali lagu dilay Columbus oo la aasay.

0

Columbus (SNTV)-Boqolaal Soomaali ah ayaa ka soo qeybgashay aas si wada jir ah loogu sameeyay labo dhalinyaro oo maalinimadii sabtida lagu dilay mid kamid ah xaafadaa magaalada Columbus.

Dhalinyaradan waxa ay wada saarnaayeen halgaari waxaana loo tooktay si isku mid ah.

Booliska oo goobta yimid ayaa qaaday medka kuna wargaliyay laamaha amaanka in la dilay labo dhalinyara ah oo wali aan la hayn dadkooda waxaase maalin kadib ogaaday eheladooda oo lagu wareejiayay.

Maanta ayaa lagu aasay Qabuuraha Muslimiinta ee Columbus Ohio waxaana ka soo qeybgalay dad aad u baddan oo ka murugsan Dilalka loo geystay dhalinyaradaasi oo lagu kala magacaabi jiray C/laahi Sacid Sharif  oo 30 jir ahaa & Cabdiqaaliq  Sacid Maxmed oo 20 jir ahaa.

Ehelada labadan dhalinyarada ahaa waxa ay noo xaqiijiyeen in aysan ilaa iminka helin wax faahfaahin ah oo la xariirta dilkooda baaritaan aysan ka hordhici karina uu socdo.

Culumadii iyo waxgaradkii ka hadlay meesha ayaa aad uga walaacay dilkan iska socda ee aan ilaa iminka cidna maxkamad la soo taagin

Sanadkii hore 2017 ayay ahayd markii 8 dhalinyaraa lagu dilay Columbus kuwaas oo sida la sheegay Soomaalida dhexdeeda ay mushkiladu ahayd.

Ciidamada danbi baarista iyo Boolisku waxa ay aad uga wal walsan yihiin Cabsida aan micnaha lahayn ee haysa dadka Soomaaliyeed kuwaas oo hadii ay danbiilaha sheegaan u arkaya in iyaga la layn doono taasna ay tusaale xun u tahay sidii guul looga gaari lahaa arintaasi.

W/D: Deeqo Shire (Deeqo SONNA)

 

Ciidanka Booliska oo Gacanta Kusoo dhigay Horjooge ka tirsan Aragagixisada Daacish.

0

Muqdisho(SNTV)–Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooyo waxay kusoo qabteen Horjooge ka tirsan Argagixisada Daacish, kaasi oo markii lasoo qabaneynayey Wadada Afgooye aado ku aasayey waxyaabaha Qarxa.

Horjoogahan oo Ciidanka Booliska ay ku soo bandhigeen Muqdisho ayaa lagu magacaabaa Jaamac Xuseen Xasan, waxaana horay uu uga tirsanaa Nabad diidka Alshabaab sida uu sheegay.

“Markii hore waxaan ka tirsnaa Alshabaab waxaana xiligaas ka howlgali jiray deegaanka Beerxaani, kadib waan ka soo tagay Waxaana Ku biiray Kooxda Daacish waxaana aaday Gobolka Bari” ayuu yiri Horjooge  Jaamac

Jaamac ayaa qirtay in gacantiisa uu ku dilay dad fara badan, isaggoo xusay muddo seddex sano ah inuu ka mid ahaa Kooxda Argagixisada Daacish.

Ciidanka ayaa Horjooge Jaamac waxay lasoo qabteen Labo qof oo dumar, kuwaasi oo Argagixisada u qidmeynayey, una qaabilsanaa dhanka Shirqoolka.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo la kulmay Masuuliyiin ka socday Hey’adda UNOPS ee Qaramada midoobay “Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiin ka socday hey’adda UNOPS ee Qaramada midoobay u qaabilsan mashaariicyada.

Taliyaha, ayaa Hey’addaasi kala hadlay arrimo badan oo ay kamid ahaayeen siddii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac ka dhaxeeya, taageerada booliska Soomaaliya ee dhinaca dhismaha, tababarka iyo Qalabeynta Ciidanka iyo taakuleynta laamaha ammaanka dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa uga mahad celiyey Qaramada midoobay sida hagar la’aaneed ee ay uga qeyb qaataan Horumarka dalka iyo taageerada ay siiso Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

 

shir qaab dhismeedka Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug oo lagu qabtay Dhuusomareeb

0

Cadaado (SNTV), si loo sameeyo isla Xisaabtan iyo Fulinta Adeegyo Bulsho oo  Taya leh, ayaa Maanta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose ee Galmudug waxa ay Qabatay Shir ay ku soo Bandhigaso Qaab dhismeedkA iyo Waajibaadka Wasaarada, waxaana ka soo Qaybgalay inta Badan Wasiirada Wasaaradaha Galmudug iyo Xildhibaano,  iyaddoo Muddo Dheer la falanqeeyey Qaab dhismeedka Wasaaradaha iyo Fulinta Waajibaadka loo igmaday.

Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha Dawlad goboleedka Galmudug Marwo Sacdiyo Maxamed Cumar, ayaa ka warbixisay Shirka iyo waxyaabaha looga Hadlayey ayna ka mid yihiin wajibaadka Wasaarada laga rabo iyo Hiigsigeeda.

Markii uu shirku soo xirmay, ayaa Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlad goboleedka Galmudug, Mudane  Maxamed Xayir Nuur, ayaa waxa uu sheegay inay ka doodeen Qaab dhismeedkii Wasaaradu ku shaqayn lahayd, ayna dhowaan hor gayn doonaan Kulanka Golaha Wasiirada.

Wasaaradaha Maamulka Galomudug, ayaa Dhowaanahaanba waday Dardar galinta Shaqooyinka Kala duwan ee loo xil saaray, waxaana Meesha aan ka marnayn Shirar lagu qabanayey Magaalada Dhuusamareb ee Caasimada Maamulka, si kor loogu qaado fulinta Howlaha Muhiimka ah.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo la kulmay dhiggiisa Dawladda Kuwait “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA), Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,  ayaa saaka gaaray Dalka Kuwait,  isaggoo ay la socdaan Ganacsato iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaraddaasi.

Wasiirka, ayaa  waxaa madaarka ku soo dhoweeyey dhigiisa dalka Kuwait , waxaana kulan saacado socday ay kula yeesheen  Hotel Sheraton Kuwait.

Wasiir Maareeye oo beryahanba ku mashquulsanaa suuq geynta waxsoosaarka Soomaaliya, ayaa wuxuu hore u sii qaatay waxyaalo fara badan oo uu ku muujinayo wanaagga dhaqanka iyo Waxsoosaarka Soomaaliya sida Moos, Cambe, liin, Isbaandhays iyo Alaab dhaqan oo kale.

Waxyaabahaasi kala duwan ee Waxsoosaarka dalka ka turjumaya , ayaa waxuu Wasiirka  ugu  talo galay in uu Soomaaliya ugu soo jiido maalqabeenada dalalka carabta oo uu doonayo in ay dalka maalgashadaan, si dhalinyarada Soomaaliyeed shaqo u helaan.

 

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Qadar ee Soomaaliya “Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV), Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qadar u fadhiya Soomaaliya Mr Hassan Hamza Asad Hashem, waxayna kawada hadleen xiriirka labada dal, habkii loo abuuri lahaa iskaashi caalami ah oo dhexmara Soomaaliya iyo Qadar iyo weliba sidii labada wadan uga wada shaqayn lahaayeen dhanka maalgashiga iyo ganacsiga.

Ra’iisalwasaare ku xigeenka Dalka Md Mahdi ayaa Dalka Qadar iyo shacabkiisa uga mahadceliyay taageerada joogtada leh ee ay la garab taagan yihiin Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay xiriirka labada dal uu yahay mid soo jireen ah.

Safiirka Qadar ee Soomaaliya Mr Hassan Hamza Asad Hashem, ayaa dhankiisa Ra’iisalwasaare ku xigeenka uga mahadceliyay sida uu Dawladda Qadar u qadariyo, isaga oo ballan qaaday in DOHA sii wadi-doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

 

Wasaaradda Gargaarka iyo Masiibooyinka oo gudoontay lacag lagu caawinaayo barakacyaasha

0

Shir jaraa’iid ay maanta si wadjir ah ugu qabten magaalada muqdishi si hayaha wasiirka waasaradda gar gaarka iyo mareynta masiiboonyina dowlada soomaaliya cilmi cumar ceynsane AMB saleka agaasimaha waaaxda sama falka ee wasaarada arimaha dibada ee dalka koonfur Africa iyo madaxa Hay’ada cunada aduunka ee WFP ayaa  doowlada south Afirca lacag 500.000 kun oo doolarka mareykanka ku wareejisay  wasaaradda gargaarka iyo mareynta masoobinyka taa oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka baracayaasha ee ku nool guud ahaan soomaaliya waxaana  gob joog ka ahaa wasiir dowlaha xafiisa Ra’isulwasaaraha C/llaahi Xamud Maxamed.

Lacagtaan ayaa ah hab elektaronig ah dadkana ay ku qadan donaan raashin oo kaliya waxa una socon doonaa mudo 6 bilood ah, sidoo kale waxaa la gaarsiin donaa meelaha ay jiraan  dhibaatooyinka ay sababeen fataahadaha wabiyada iyo guud ahaan dalka oo dhan dadka ka faa’iidaysan doona waxa ay gaarayaan ilaa 500 kun oo qoys  oo midkiiba gaareysa 100 doollar.

AMB Saleka Agaasimaha waaxda sama falka iyo wasaaradda arrimaha dibada ee dalka koonfur afrika ayaa sheegay in ay ugu talagaleen dadka danyarta, soomaliya iyo south africa ay yihin laba dal oo cilaaqaad dheer uu ka dhxeeyo.

Madaxa Hay’adda Cunada Aduunka ee WFP mr laurenta Bukera ayaa u mahadceliyay dalalka deeq bixiyaasha sida dalka koonfur Africa ee maanta deeqdaan soo gaarsiisay soomaaliya.

Siihayaha wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta masiibonyina ee Dowladdda Federalka Soomaaliya Mudane Cilmi Cumar Ceynsane oo la wareegay lacagta waxa uu ka war bixiyay sida loo bixin doono sidoo kale waxa uu mahd celiyay dowlada South Afiraca oo deeqdaan ugu talagalshay dadka yarta ah.

Mudanayaasha Gabdhaha ee ka tirsan Aqalka Sare oo booqday Xabsiga Dhexe

0

Xubnaahaasi ayaa waxa ay la kulmeen taliyaha guud ee ciidanka Asluuubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud  Bashiir Maxamed Jaamac  oo xafiiskiisa uu ku soo dhaweeyay  waxa uuna uu  warbixin ka siyayay shaqada ka socta taliska.

Ujeedka  boqashada shaqo ee ay ku yimadeen xildhibaanadan ka tirsan Aqalka sare ayaa eheed sidii ay u ogaan lahaayeen gabdhaha ku jira ciidanka Asluubta Soomaaliyeed kuwaas ka mid noqanaya Ciidamada xaslinta Caasimadda.

Sidoo kale waxaay boqdeen qeybaha kala duwan ee ay  ka koobantahay warshada, iyagoo ku riyaaqay howlaha ka soocda warshada iyo dadaalada ka socda taliska.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta soomaaliyeed janaraal Cabdikariim Cali Afrax ayaa u mahadceliyay boqashada ay ku yimadeen  taliska Ciidanka Asluubta Sanatarada Aqalka sare  waxa uuna kula dardaarmay in ay sii lab jibaraan howlah shaqo ee Qaranka ay u hayaan.