Tacsi, Marxuum, Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan

Date:

Muqdisho, May 18, 2018 – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa Awad, Wasiiru dowlaha H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Wasiir kuxigeenka H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud, Xoghayaha joogtada Wasaaradda, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Mohamed Sheikh Hassan Osman “Tunni” oo xalay oo taariikhdu ku beegnayd May 17, 2018 ku geeriyooday Magaalada Ajman ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta.

Ambassador Mohamed Sheikh Hassan Osman ayaa kahor gobonnimada Soomaaliya, waxa uu ahaa Xoghayaha gaarka ah ee Wasiirkii Talyaaniga uga wakiilka ahaa Soomaaliya, isagoo heerkiisa aqooneed iyo xirfadeed si aad ah uga bartay gumeystihii xilligaasi dalka gacanta ku hayay.

Marxuum Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan waxa uu ka mid ahaa lixdii safiir ee ugu horreysay ee gobollada Waqooyi iyo Koonfur laga kala xulay oo  Soomaaliya u matalay dal dibadeed.

Intii u dhexeysay 1960-1965, waxa uu ahaa Danjirihii Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, isagoo noqday Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo dalkaasi loo wakiisho.

Sidoo kale waxa uu ahaa Danjire aan deganayn ee Ururka Midowga Yurub.

Intii u dhexeysay 1965-1967, waxa uu ahaa Danjirihii Soomaaliya ee dalka Jarmalka.

Intii u dhexeysay 1967-1969, Waxa uu ahaa Danjirihii Soomaaliya ee dalka Masar.

Intii u dhexeysay 1969-1970, Waxa uu ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada.

Danjire Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan, waxa uu ka mid ahaa dad xirfadlayaal sare ah oo Soomaali ah oo la howl bilaabay aas’aasidda Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta, isagoo ahaa intii u dhexeysay 1977-1997 lataliyaha Madaxweyinihii ugu horreeyay dowladdaasi H.H. Sheikh Zayed bin Sultan Al Nahyan ee arrimaha sharciga iyo mashaariicda Aasiya iyo Afrika.

Marxuum Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan oo da’diisu ahayd 89 sano-jir, ayaa ku dhashay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose sanadkii 1929.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa, ehelladiisa, asxaabtiisa iyo Ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...