Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo Maanta Dalka dib ugu soo laabtay

Date:

Muqdisho(SNTV):–Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa goor-dhow Dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu ka soo qeyb-galay shirkii Wadamada Islaamka ee looga hadlay Arrimaha Falastiin kaa soo ka dhacay Dalka Turkiga.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafdigii uu hogaaminayay ee halkaasi ugu qaybgalay shirka wadamada Islaamka ayaa kulan la qaatay intii halkaasi ay joogeen madax ka tirsan dowladda Turkiga.

Ra’iisul Wasaare ku-xugeenka Mudane Mahdi ayaa ka lulmay dhigiisa dalka Turkiga, waxaana ay ka wada hadleen heshiisyada dhinacyada ganacsiga iyo iskaashiga horumarinta kaabayaasha, Islamarkaana loo fulin lahaa heshiisyo dhawr iyo toban gaaraya oo la xiriira dhinaca horumarka.

Sidoo kale kulanka labada Mas’uul ayaa looga hadlay sidii ganacsatada Soomaaliyeed ay uga faa’iidaysan lahaayeen Suuqyada Turkiga, si badeecooyinkooda ay u gaarsiiyaan suuqyada Yurub.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....