Ciidanka xoogga Dalka oo degaanno badan ka saaray Argagixisada Al-Shabaab

Date:

Muqdosho-(SNTV)-Taliyaha Guutada 52–aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal. Axmed Maxamed Maxamuud (Tareedisho) ayaa sheegay inay dileen Malleeshiyaad badan oo ka tirsanaa nabad diidka Al-Shabaab.

Jeneraal;Tareedisho oo u warramayay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale Sheegey inay howl-aggaladii ugu dambeeyay ee ay ka fuliyeen Gobolka Hiiraan ay ku dileen 168 xubnood oo ka tirsanaa Malleeshiyaadka argagixisada ee Al-Shabab degaanno badanna ay ka saareen.

Weerarrada lagu baacsanayo Al-qaaciddada oo socda tan iyo Bishii Maarso ee Sanadkan oo ahaa kuwo qorshaysan ayaa waxaa lagaga fara maroojiyay Argagixisada degaanno badan oo ay ka mid yihiin, Mubaax, Ceel Cali Axmed, Yasooman iyo Tuulooyin kale.

Waxaa sidoo kale halkaasi lagu gaarsiiyay nabad diidka Al-Shabaab qasaara xooggan, iyadoo dhammaan goobihii laga saaray laga furtay Hub iyo Gaadiid dagaal, iyadoo ay Ciidamada xoogguna ku raad joogaan firxadkooda.

Jeneraal; Tareedisho ayaa sheegay inay Ciidamadu haatan niyad fiican u hayaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab maaddaama ay taakulayn buuxda ka haystaan Dowladda dhexe iyo Shacabka ku dhaqan degaannada ay imminka ku dhuumaalaystaan, Geed kasta iyo goob walba oo ay tagaanna ay uga daba tagi doonaan kana saari doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....