Ciidanka xoogga Dalka oo degaanno badan ka saaray Argagixisada Al-Shabaab

Date:

Muqdosho-(SNTV)-Taliyaha Guutada 52–aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal. Axmed Maxamed Maxamuud (Tareedisho) ayaa sheegay inay dileen Malleeshiyaad badan oo ka tirsanaa nabad diidka Al-Shabaab.

Jeneraal;Tareedisho oo u warramayay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale Sheegey inay howl-aggaladii ugu dambeeyay ee ay ka fuliyeen Gobolka Hiiraan ay ku dileen 168 xubnood oo ka tirsanaa Malleeshiyaadka argagixisada ee Al-Shabab degaanno badanna ay ka saareen.

Weerarrada lagu baacsanayo Al-qaaciddada oo socda tan iyo Bishii Maarso ee Sanadkan oo ahaa kuwo qorshaysan ayaa waxaa lagaga fara maroojiyay Argagixisada degaanno badan oo ay ka mid yihiin, Mubaax, Ceel Cali Axmed, Yasooman iyo Tuulooyin kale.

Waxaa sidoo kale halkaasi lagu gaarsiiyay nabad diidka Al-Shabaab qasaara xooggan, iyadoo dhammaan goobihii laga saaray laga furtay Hub iyo Gaadiid dagaal, iyadoo ay Ciidamada xoogguna ku raad joogaan firxadkooda.

Jeneraal; Tareedisho ayaa sheegay inay Ciidamadu haatan niyad fiican u hayaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab maaddaama ay taakulayn buuxda ka haystaan Dowladda dhexe iyo Shacabka ku dhaqan degaannada ay imminka ku dhuumaalaystaan, Geed kasta iyo goob walba oo ay tagaanna ay uga daba tagi doonaan kana saari doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...