Home Blog Page 1317

Bukaanno ka bogsaday qaraxii Zoppe oo dalka dib ugu soo laabtay

0

Shan ka mid ah dhaawacyadii bishii December loo qaaday dalka Masar aya dib loogu celiyay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad ay soo hagaagtay.

Bukaanada ka bogsaday dhaawacii ka so gaaray qaraxii isgoyska zoobe ka dhacay 14kii bishii Octobar aya garoonka diyaaradaha ee magaalada qaahira waxaa ku sii sagootiyay Safiir ku xigeenka Safaarada Masar Ilyaas sheikh Cumar ahna sii hayaha Safaarada, waxaana uu ku wareejiyay lacago deeq ah oo ay iska soo aruursheen jaalliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Masar.

Mid kamid ah bukaanada oo la hadlay Wakaaladda Wararaka Soomaaliyeed ee SONNA aya u mahadceliyay garab istaaga ay u muujiyeen Masuuliyiinta Safaarada iyo dowladda Masar.

“alxamdullilah xaaladeyda aad ayey u wanaagsan tahay waxan hadda u socda dalkeyga sida u jeedid waa caafimaad qabaa, waxaan fursadan uga faa’ideysanaya inan u mahad celiyo Safaaradeena oo si wanaagsan inoo caawisay mudadii aan isbitaalka ku jirnay, mudane ilyaas oo ahaa masuulkii qaabilsana isbitaalka nalagu dabiibayay wan u mahadcelinaya, waxaa uu inoo muujiyay dareen walaalnimo iyo mid mas’uuliyadeed sido kale waxaan u mahadcelinaya dhaqaatiirta isbitaalka oo maalin iyo habeen naga caawinayeen si aan caafimaad u helno, madaxda iyo shacabka dowladda Masar aad baan ugu mahad celinaya, madaxda dalkeenna Soomaaliya iyagana wey ku mahadsan yihiin dadaalka ay ku bixiyeen dhaqaatiir dibada ah in nalagu so daaweeyo,”, sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadkii lagu soo daweeyay Isbitaalada dalka Masar.

Sidoo kalle safiir ku xigeenka ahna siihaya safaarada mudane ilyaas sheikh cumar oo isna la hadlay Wakaaladda sonna aya yiri,“sida u jeedid caawa waxa garoonka ka baxayo dad gaaraya 10 ruux oo 5 kamid ah ay yihiin eheladda 5 qof oo bukaan ah oo 4 isbitaal oo kuwa ciidanka lagu dhabiibaya, waxaan ku wareejiyay deeq lacageed oo ay iska soo aruursheen jaaliyadda Soomaaliyeed ee masar illahay mahadiisa waxaa ah inay heleen adeegyadii caafimaad ay u baahnaayeen oo idil, waxa arrintaasna uga mahad celineyna dowladda Masar oo walaalaheeda Soomaaliya mar walba la garab taagan hiil.

Waxaa kaloo uu intaasi raaciyay oo yiri, “waxaa xusid mudan in lacagta tigidhada ay ka bixisay dowladda Masar oo aan uga mahadcelineyno, sidoo kale waxaan u mahadcelinaya Madaxweyne mudane Maxamed Cabdullahi farmaajo iyo Raiisul wasaare Xasan Cali kheyre oo muujiyay sida ay uga go,an tahay iney shacabkooda wax u qabtaan, kuna dadaalay iney bukaanadan helaan adeeg caafimaad oo dibadda ah, waxan raba inan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar aan ku bogaadiyo sida ay mar walba ula shaqynayaan mas’uuliyiinta Safaaradda, waxaad gudateen waajibaadka idinka saarna walaalihiina weyna gaarta deeqda ku caawiseen”.

Wariyaha SONNA ee Magaalada Qaahira Mowliid Moha ayaa sheegaya in Bukaanadan helay adeega caaffimaad ee ay u baahnaayeen ay noqonaya kuwa ugu horreeya ee dalka dib ugu laabto, maadaama Dhaawacyada soo gaaray Magaalada Qaahira caasimada Dalka Masar ay tiradoodu tahay 15 ruux, waxana la filayaa in inta dhiman ay dalka dib ugu laabtaan bilaha soo socda.

Shirkii dib u heshiisiinta oo lagu soo geba gebeeyay Doolow.

0

Shirkani dib u heshiisiinta oo loo qabtay bulshada kunool Gobolka Gedo ayaa lagu soo geba gebeeyey degmada Doolow ee Gobolkaasi.

Waxaa ka qeybgalay Masuliyintan ka tirsan Dowlad Gobaledka Jubbaland,gaar ahaana Wasiirka Amniga Cabdirashiid Xasan Cabdinuur,  Wasiiru ku xigeenka Arrimaha Gudaha Cabdiraxman Maxamed Xasan, Guddomiye kuxigeenka Gobalka Gedo sheikh Maxamed Xuseen Isaaq Al-qaadi Guddomiyasha Degmoyinka Gobalka Gedo iyo Bulsshada Rayidka.

Shirkan oo socday muddo 5 maalmood ah ayaa looga hadlayay dib u heshiisiinta iyo isdhexgalka bulshada Gobolkaasi,iyadoo waxyaabihii shirkaasi ku saabsanaa ay si wada jir ah u soo dhaweeyeen bulshada gobolkaasi.

Guddomiye kuxigeenka Gobalka Gedo sheekh Maxamed Xuseen Isaak Al-qaadi Wasiirka Amniga Dowlad Gobaledka Jubba Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Wasiiru ku xigeenka Arimaha Gudaha ayaa bulshada ku dhaqan gobolkaasi ugu baaqey in ay nabadda iyo horumarka ka wada shaqeeyeen.

Waxaa uu shirkani bilow u yahay qorshe la doonayo in sidi loo heli lahaa wadiiiqooyin sahlaya dhismaha Golayaashii deegaanka ee Gobolkaasi Gedo.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo tababar u furay 25 macalimiin ah.

0

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda  Federaalka  Soomaaliya  Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa maanta Siminaar Socon doona shan malmood ugu  furay magaalada muqdisho 25 macalimiin oo ka kala yimiid Gobollada Dalka iyo gobolkan Banaadir.

Siminaarkan ayaa lagu bixinayaa Casharo la Xariira maareynta iyo qorsheynta tayada heerka Waxbarashada oo la siin doono guddoonada iyo kormeerayaasha Waxbarsho.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Xasan Maxamed Cali ayaa kula dardaarmay  maclimiinta tababarkan qaadanaysa in ay ka faa’iideestan casharada lagu bixnaayo tababarkan.

Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya  ayaa daahfuray siminaarkan,isagoo macalimiinta u rajeyay in ay waxyaabaha ay ka faa’idaystaan in bulshada ay ku celin doonaan.

Dhanka kale Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan  oo ay Wehlinayeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarshada Hidaha iyo Tacliinta Sare Xasan  Maxamed Cali,Xoghayaha  Wasaaradda Waxbarshada Hidaha iyo Tacliinta Sare iyo Xubno ka tirsan howl wadeenada Wasaaradda  ayaa  Kormeer ku tagay Xabsiga Dhexe ee Xamar,iyadoo uu halkaasi ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan iyo Taliye ku xigeenkiisa.

Wasiirka Waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo uu weliyo Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa kormeerey iskuulka ay Wax ku bartaan maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Xamar, xiligaasi oo maxaabiista la siinayay Cashiro la xariira Taariikhda Dalka.

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa ugu deeqay Dhalinyarada maxaabiista ah ee wax ka barta Iskuulka Xabsiga dhexe Xamar Agab waxbarasho.

Galmudug oo dhisaysa Dekadda magaalada Hobyo” Sawirro”

0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane C/qaadir Cali Jaamac Qalabxoor oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Galmudug ay dhisayso Dekadda Magaalaada Xeebeedka Hobyo.

Mudane C/qaadir Cali Jaamac Qalabxoor wareysiga uu siiyay Radio Muqdisho waxaa uu ku sheegay in Maamulka Galmudug Gobolada dhexe ay ka go,an tahay Dhismaha Dekadda Magaalada qadiimiga ah ee Hobyo inta lagu guda jiro Sanadkaan 2018.

Wasiirka Dekadaha Galmudug iyo Wafdi balaaran oo uu hugaaminaayo ayaa dhawaan Socdaal ku tagay Magaalada Xeebeedka Hobyo iyo deegaano kale oo hoos yimaada Magaalada gaar ahaan kuwa dhaca dhulka Xeebta ah isagoona ugu baaqay Ganacsatada iyo maal qabeenada kasoo jeeda Gobolada dhexe in ay u istaagaan ka qeyb qaadashada Hormarka Mudug iyo Galguduud.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliya ee Galmudug Mudane Axmed Ducaale Xaaf ayaa horay u sheegay in uu Maamulkiisu hirgalin doono Goobihii adeegyada aas aasiga ah loogu qaban jiray bulshada Soomaaliyeed sida, Garoomada iyo Dekadaha Galmudug.

Sucudiga oo amray in la kordhiyo mushaarka shaqaalaha Dowladda.

0

Shaqaalaha dowladda Sucuudi Carabiya ayaa la siin doona lacago looga caawinayo canshuuraha cusub ee lagu kordhiyay iibka alaabaha iyo sare u kaca qiimaha shidaalka.

BoqorKa Sucudi Carabiya boqor Salmaan Bin Cabdalla, ayaa amar ku bixiyay in mushaharka shaqaalaha dowlada lagu kordhiyo bil kasta in ka badan 260 doolar laga bilaabo sanadka soo scocda.

Talaabadan ayaa lagu caawinayaa dadka ay ku adkaatay maciishada caadiga ah, taasi oo ka dhalatay sare u kaca qiimaha shidaalka iyo kordhinta canshuuraha.

Boqortooyada Sucudi Carabiya ayaa aad u laba jibaartay sicirka shidaalka ee gudaha Sucudi Carabiya, waxaana lagu soo rogay inta badan alaabaha ay ka mid ka yiiin raashiinka iyo adeeegyada kale canshuur gaareysa boqolkiiba 5%.

Dowladda Sucudi Carabiya waxay dooneysa inay yareyso ku tiirsanaanta shidaalka ee dalkeeda, kaddib markii uu dhawaan aad u sabeeyay sicirka shidaalka ee suuqyada caalamka.

Dowladda Isu-tagga Imaaraat-ka Carabta ayaa sidoo kale canshuur gaareysa bqolkiiba 5% kusoo rogtay alaabaha la iibiyo.

Amarka boqorka ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta isticmaala adeegyada gaarka ah sida caafimaadka iyo adeegyada waxbarasho ay dowladdu ka caawin doonto bixinta canshuuraha.

Sidoo kale ciidamadda milatariga ee jiida hore uga jira dagaalka ka soconaya Yamen ee ka dhanka Xuutiyiinta ayaa sidoo kale loo qoondeeyay lacaga gaaraya in ka badan $1,000.

Ciidamada Amaanka oo Xalay Howlgalo ka sameeyay Degmada Buulo barde.

0

Wararka ka imaanaya magaalada Buula burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada ammaanku ay dad u qabteen qarax miino oo shalay ka dhacay Degmada Buulo barde ee Gobolka Hiiraan oo ka mida deegaanada hoos yimaada Maamulka Hirshabeele.

Ciidamada Amaanka Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Buulo barde ee Gobolka Hiiraan ayaa intii ay wadeen Howlgalka waxaa ay gacanta kusoo dhigeen dad lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen ama ay ku lug lahaayeen Qaraxii shalay ka dhacay Degmadaasi.

Qaraxani oo ahaa minada nuuca dhulka lagu aaso ee loo isticmaalo Remote Control ayaa waxaa ku geeriyooday 1 qof halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen isagoona ka dhacay Duleedka Bari ee magaaladaasi,gaar ahaan wadada isku xirta Garoonka diyaarada iyo Buula Burde,sida uu soo sheegayo wariyaheena C/naasir Geesey.

Qaraxyada nuucaana ee lagu dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa Mas’uuliyadiisa sheegata Maleeshiyaadka Nabad iyo Nolal diidka ah ee Al-shabaab hasa yeeshee Ciidamada Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa u taagan ka Hortagida falalka Guracan ee Maleeyshiyadu u maleegayaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Shir weynihii wadatashiga ee nabadgeliyada iyo horumarka caasimadda oo dib u dhac ku yimid

0

Mudane Taabid Cabdi Maxameed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa  ku faah fahiyay dib u dhaca ku yimid shirkii wadatashiga looga hadli lahaa nabadgeliyada iyo horumarinta Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Taabid ayaa sheeagay in sababo farsamo darted uu u baaqaday Shirkii Wadatashiga Nabadeynta iyo Hormarinta Gobolka Banaadir oo lagu waday in 7da bishan uu ka furmo magaalada Muqdisho,kaasi oo horey uu ugu dhawaaqey Duqa Muqdisho..

Wuxuu sidoo akle shirkiisa jaraa’id ku sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu dib ka soo sheegi doono waqtiga uu dhacayo shirkaasi wadatashiga ah.

Mudane Taabid Cabdi Maxamed Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dabayaaqadii bishii December shaaciyay in 7 bashan ;la qaban doono shirweyne looga hadlayayo nabadgeliyada iyo horumarka caasiamadda.

Boliiska Soomaaliya oo saraakiil cusub loo dhaariyey

0

Munaasabad lagu dhaarinayey saraakiil aqooyahanno ku soo biiray ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo uu ka qeyb-galay wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda lagu dhaarinayey 199 sargaal oo ku soo biiray ciidanka Boliiska Soomaaliya, ah Jaamiciyiin ayaa dhacdey sugsiga tababarrada cidanka Boliiska ee Jeneraal Kaahiye, waxaana goob-joog ka ahaa wasiirka Amniga Soomaaliya, taliyaha ciidanka Boliiska, taliye ku xigeenka, wasiiru dowlaha Maaliyadda iyo xildhibaanno Barlamaanka Soomaaliya ka tirsan.

Saraakiisha aqoonyahannada Boliiska ee la dhaariyey ayaa ballan-qaaday in ay gudan doonaan waajibaadka Qaran ee ay u dhaarteen..

Wasiiru dowlaha Maaliyadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim, ayaa kula dardaarmay saraakiisha in ay ku dedaallaan ka soo dhallaalidda waajibaadka Qaran ee loo igmaday, maadaama ay heystaan fursaddii ugu fiicneyd.

Taliyaha ciidanka Boliiska Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay in Dufcaddan ay tahay tii ugu badneyd, Mustaqtalka dhowna askari walba oo ciidanka ka tirsan uu noqon doono aqoonyan Soomaaliyeed, hoggaanka Boliiskuna ay dedaal xooggan u geli doonaan arrintaas.

Ugu dambeyn wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa yiri “ciidanka Boliiska waa saaxiibka shacabka, waxaana lagama maarmaan ah in ay noqdaan aqoonyahanno wax ku soo kordhin kara dalkooda, Xukuumadduna ay wakhi badan ku bixin doonto sidii loo soo dhammeystiri lahaa waxyaabaha ay u baahan yihiin”.

 

 

Taariikhda Wasiirrada cusub ee la magcaabay

0

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya ee cusub mudane Axmed Ciise Cawad waxa uu dhashay sannadkii 1955-tii heerarkiisa waxbarasho ayaa kala ahaa, waxbarashada koowaad ee Jaamacadda waxa uu ku qaatay Concordia University Montreal, waxbarashada Master-ka ayuu ku diyaariyey Institute of peace and Security ee dalka Ethiopia.

Mar Cawad ayaa diyaariyey Shahaadada PHD Candidate Sudan, gaar ahaan Jaamacadda Sudan University of Science and Technology.

Shaqooyinka Ambassador Cawad

Waxa uu soo noqdey Sargaal ka tirsan Qaramada Midoobey sannadihii 2005-tii ilaa 2015-kii dhammaadkeeda, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyey Dalka Suudaan isagoo ka mid ahaa saraakiishii loo diray gobolka Darfur.

Sannadkii 2016-kii wixii ka dambeeyey waxa uu ahaa Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Mareykanka.

4-ta Jannaayo ayaa loo magcaabay wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad kaddib wareegto ka soo baxdey xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Taariikhda wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya

Cabdi Maxamed Sabriye waxa uu ku dhashay degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud sannadkii 1957-dii, Waxbarashadiisa dhexe iyo sare waxa uu ku soo qaatay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo, waxa uu ka baxay Jaamacadda Gaheyr, shahaadada Master-ka ayuu ka diyaariyey Newcastle University ee dalka Uk.

Shaqooyinka

Waxa uu ka soo shaqeeyey Mr Sabriyey Sideetameeyadii Wasaaraddii Howlaha Guud iyo Wakaaladdii Hindisaha Qaranka, 1994-tii waxa uu ka soo shaqeeyey Waaxda Bey’ada ee ururka Midowga Africa, xaruntiisu tahay Addis Ababa iyo hey’adda Q.M u qaabilsan horumarinta ee UNDP.

4-ta Jannaayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa u magcaabay wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya.

Taariikhda Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) Wasiirka  Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) waxa uu dhashay sannadkii 1970-kii, waxa uu ku dhashay magaalada Caynaba ee gobolka Sool .

Waxbarashada

Maareeye waxa uu bartay Cilmiga maamulka iyo ganacsiga oo uu ka gaaray Master Degree, sidoo kale waxa uu bartay oo uu Diploma ka qaatay Machad lagu barto xiriirka caalamiga iyo machad lagu barto maamulka iyo Maareyntaw, waa qoraa,buugaagta uu qoray waxaa ugu caansan, buugga weyn ee uu ka uruuriyey shuruucdii Soomaaliya ee lagu magcaabo Fundamintal Laws and Ragultion Somalia Since 1960-kii waa magaca buugga uu qoray.

Shaqooyinka

Siyaasadda Soomaaliya waxa uu ku soo biiray sannadkii 2000, oo uu noqdey xildhibaannadii Barlamaankii KMG ee lagu dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, ilaa hadda waa mudane ka tirsan golaha shacabka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu soo noqdey wasiirkii warfaafinta sannadkii 2005-2007, sidoo kale waxa uu noqdey wasiirkii dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha, waxa uu noqdey wasiirkii Shaqada, shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada 2009-2010-kii, waxa uu mar kale noqdey wasiirkii Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska 2015-2017-kii bilowgeedii.

4-ta Jannaayo waxaa loo magcaabay wasiirka Ganacsiga iyo Warshadahada Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)

Guddoomiye Jawaari oo kulan dhiiragelin la qaatay howl-wadeenna golaha shacabka

0

Ujeedka Kullanka Maanta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu la qaatay Howlwadeenada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa waxaa uu ahaa dar dar gelinta howlaha shacabka iyo sidii loo wada shaqeyn lahaa.

kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha shacabka ayaa qaar ka mid ah howl wadeenada Golaha Shacabka oo kulanka ka hadlay waxa ay Gudoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyeen howlaha shacabka uu ummadda  u hayo, xaaladaha ay ku suganyihiin guud ahaan howl wadeenada Golaha Shacabka ,waxayna sidoo kale Guddoonka Golaha ay ku amaaneen hogaankiisa Wanaagsan.

Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ”Jawaari” ayaa aad u amaanay howsha adag ee ay dalka iyo dadka u hayaan howl wadeenada Golaha shacabka ,isagoo sidoo kale u mahad celiyay hay’adaha Amniga iyo Warbaahinta kaalintii ay ka qaateen baahinta howlaha Golaha shacabka.

kullanka maanta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu la qaatay guud ahaan howl wadeenada Golaha shacabka ayaa waxa uu howlwadeenada ku dhiira gelinayaa in ay sii laba laabaan howsha adag ee ay Qaranka u hayaan.