Guddomiya-yaasha aqalka sare iyo golaha shacbiga oo qaabilay wakiilka midowga Africa

Date:

Muqdisho(SONNA);- Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Muddane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Middowga Afrika ee Soomaaliya ahna  Madaxa AMISOM Danjire Francisco Madeira ,ayagoo ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta Golaha Aqalka Sare iyo Middowga Africa.

Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ku ammaanay Wakiilka Midowga Africa booqashada uu ugu yimid xarunta Golaha Aqalka sare iyo siday ugu heelan yihiin taageerada Soomaaliya.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka AMISOM Danjire Francisco Madeira ayaa kormeeray dhammaan waaxaha xarunta Aqalka sare ay ka kooban tahay,isagoona bogaadiyay howsha adag ee Xildhibaanada Aqalka sare u hayaan Ummada Soomaaliya.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya Mudane Amb: Mohamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayuu Kulan gaar ah La Qaatay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa U Qaabilsan Arimaha Soomaliya ahna Madaxa AMISOM Danjire Francisco Madeira,ayagoona ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta AMISOM iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧...

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Dekadda Muqdisho oo yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha

-Dekadda Magaalada Muqdisho waxaa shalay si toos ah ugu...