Home Blog Page 1308

Ra’iisul wasaaraha XFS oo qudbad ka jeedin doona shirka dhaqaalaha Aduunka

0

Ra’iisul wasaaraha Xakuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaca ah uu khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyo shirka Dhaqaalaha Aduunka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Swezerland Faadumo C/llaahi Insaani oo la hadashay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in Maanta uu R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre khudbad ka hor jeedin doono  madaxda ka qeyb galeysa Shirka dhaqaalaha Aduunka oo sanadkan lagu qabtay Magaalada Davos ee Dalka Swezerland.

Faadumo C/llaahi Insaani ayaa tilmaantay in R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre uu khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa kuna aadan baahiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya uu ka jeedin doono shirkaasi.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la filayaa inuu shirka kadib kulamo kala duwan la qaado Madaxda Shirka ka qeyb galaysa isagoona hor dhigi doona Baahiyada ay qabaan bulshada Soomaaliyeed iyo sida Caalamku Maalgashi buuxa ugu samaysan lahaa Dalka Soomaaliya oo ah Dal ku fiican Maalgashi dhaqaale.

Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya oo isbaddel ku sameysay wakiilladii u joogay Safaaradaha dibedda

0

Warkaan oo ka soo baxay xafiiska wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya mudane Maxame Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa lagu shaaciyey in shaqadii laga joojiyey 14, wakiilladii u joogay xarumaha Safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay waddamada dibedda.

Lifaaqa Hoose ka Akhriso Wareegtada wasiirka Ganacsiga Soomaaliya

Shirweynaha Qaran ee Siyaasadda Sugnaanta Cuntada iyo Horumarinta Beeraha oo Muqdisho lagu qabtey

0

R/wasaare ku xiggeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ahne ku simaha Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirweynaha  Qaran ee Siyaasadda Sugnaanta Cuntada iyo Horumarinta Beeraha oo socon doono Muddo Seddex Maalin ah, kaasi oo looga arrinsanayo siddii loo dajin lahaa siyaasadan oo muhiim u ah Wax soo saarka Dalka iyo Wax ka qabashada Abaaraha soo laablaabtay.

Shirweynaha Qaran, ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiradda Beeraha ee Dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyada, Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha XFS, Xubno ka socday Hay’adda Cunada iyo Beeraha Adduunka iyo Ganacsato Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Xildhibaan Saciid Xuseen Ciid oo Shirweynaha Qaran ka hadlay, ayaa  waxa uu tilmaamay inay ka go’antahay siddii loo xoojin lahaa wax soo saarka dalka.

R/wasaare ku xiggeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in Xukuumadda dedaal ay ugu jirto siddii loo kobcin lahaa wax soo saarka Beeraha iyo Dhaqaalaha Dalka, si wadankeena uu u gaaro Horumar ballaaran.

Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigey wadooyin muhiim u ah isku socodka bulshada

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo goor dhow gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhagax dhigay Dekeda ay yeelaneyso Degmada Hobyo, taasoo ah deked istiraatiiji ah.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay wado isku xirta Hobyo iyo Caabudwaaq, taasoo noqon doonta Kastamka.

Dhismaha Dekeda Hobyo ayaa muhiim u noqon doona Deegaanada Galmudug iyo gobolada kale ee bartamaha Soomaaliya, waxaa kaloo ay muhiim u tahay Itoobiya oo noqon karta meelaha ugu dhow ee ay wax kala soo degi karto, maadaama Itoobiya aysan laheyn Deked.

Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqey in Cadaado ay tahay Xarunta Barlamaanka Galmudug

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado kula kulmay Odayaasha iyo waxgaradka Cadaado, isagoona kala hadlay Tabashooyin ay qabeen.

Madaxweyne Farmaajo oo dhageystay Warbixinta Odayaasha iyo Waxgaradka ayaa u sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay qanciso cid kasta oo tabasho qabta, wuxuuna ku dhawaaqay in Magaalada Cadaado ay tahay Xarunta Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Odayaasha iyo Waxgaradka la kulmay Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay Soo jeedintiisa, waxayna kaga mahad celiyeen sida Madaxweynaha uu diyaar ugu yahay qancinta dadka tabashooyinka qaba.

Dhinaca kale Madaxweyne ayaa dhagax dhigay Garoonka diyaaradaha Magaalada Cadaado oo dib u dhis lagu sameynayo.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Masuuliyiin oo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug ayaa goobjoog ka ahaa Munaasabada dhagax dhiga Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado.

 

 

Wasaaradaha cadaaladda Dowlada Gobolleedyada oo kulan la qaatey Wasaarada Cadaaladda XFS

0

Kulankaan oo ahaa mid wadatashiga ah waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyadoo mudadii uu socday lagu dhageystay warbixin ay soo jeediyeen gudiga farsamada oo ku sabsaneyd Awoodaha  hay,addaha Cadaalada iyo sharuucda kala hageeysa Garsoorka iyo Maxakamada dalka.

waxaana looga hadlayay qaybyo qoraalka Awoodaha hay,addaha Cadaalada, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, Xeerilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Gudoomiyaha maxkamad sare ee dalka Ibraahiim Iidle Sulebaan, Wasiir ku xigeenka Dastuurka Dr Xuseen Cabdi Cilmi, Wasiirada Cadaalada Dawlad gobleedyada.

“waxaan magacaawnay guddi farsamo oo ka shaqeeyo sida ay noqoneyso qaabka cadaalada dalka, waxa ayna soo saareen qabyo qoraal kaas oo aan  kuwada shaqeyneynay waxaana ka dhashay is faham guud” sidaa waxaa yiri Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

sidoo kale kulanka ayaa ka soo qeyb galeen Wasiirada Cadaalada ee Dawlad goboleedyada Jubbland, Hirshabeelle, Galmudug ,Koofur Galbeed, Puntland, iyo wakiilo ka kala socday Asluubta, Maxakamadaha iyo Cadaalada, ayaa waxaa la isku afgartay in la dardargaliyo talooyinka wax ku oolka ah ee logu hagaajinayo Cadaalada.

Wasiirka Cadaalada ayaa wada dadaalo lagu hormarinaayo cadaalada iyo garsoorka dalka wasiiirka ayaa sidoo kale sheegey in kulan loga hadlaayo arimaha cadalada lagu qaban doonaa magaalada jowhar ee xaruunta gobolka shabelaha dhaxe.

Madaxweyne Farmaajo oo gordhow gaarey Magalada Hobyo

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Hobyo ee Gobalka Mudug sida Wakaalada Telefishinka Qaranka uu u Xaqiijiyay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed.

Wasiiro, Xildhibaano, Masuuliyiin kala duwan iyo Bulshada Magaalada Hobyo ayaa si diiran u soo dhaweeyay Wafdiga iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Ammaanka Magaalada Hobyo ayaa si weyn loo adkeeyey,waxaana la filaya wafdiga madaxweyanaha in uu kulamo la qaato masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Madaxweynaha Jamuuriyada Federalka Soomaaliya oo gaarey Magaallada Cadaado

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa  gaaray Magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Cadaado,iyadoo Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, Xildhibaano siyaasiin, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay soo dhaweeyeen Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la qorsheynayaa in maanta uu u ambabaxo Magaalada Hobyo ee Gobalka Mudug, waxaana qaban qaabo xoog leh ay ka socotaa Hobyo oo shacabka ay u diyaar garoobayaan soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha, iyadoo amaanka si weyn loo adkeeyay.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaallo iyo wadatashiyo ku saabsan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo saldhig u ah qorshaha socdaalka uu ku maray qeybo ka mid ah gobollada dalka .

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa  ku wehelinaya Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo.

Golaha Horumarinta Qorsheynta Qaranka oo maanta shir uga furmay Muqdisho

0

Golaha Horumarinta Qorshaha Qaranka Soomaaliyeed  ayaa maanta shirkooda caadi ahaa ee bishii mar ay isugu  yimaadaan ku yeeshay magaalada Muqdisho,kaasi oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirada Qorsheynta Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Dowladda dhexe.

Waxaa kullanka diiradda lagu saaray Qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin hanaanka wadajirka ah fulinta mashaariicda dalka iyo sanadka saddexda qodob ee ugu muhiimsan ee Dowlad Goboleedyada laga fuliyo.

Kullanka markii uu soo idlaaday kadib ayaa waxaa warbaahinta faah faahin ka siiyay waxyaabihii looga hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Soomaaliya C/qaadir Aadan Maxamed oo sheegay in kullanka mudada uu socdo si wada jir ah loo eegi doono mashaariicda la doonayo in laga fuliyo deegaanada Dowlad Goboleedyada.

Sidoo kale,waxaa kullanka ka hadlay Wasiirada Qorsheynta Maamulka Goboleedyada dalka waxayna si qoto dheer ah u faah faahiyeen dadaalada ka socda deegaanadooda iyo sida loga jawaabey abaaraha,waxayna sidoo kale tilmaameen iney jiraan mashaariic hadda laga fulinayo oo ay garwadeyn ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kullanka oo socon doona labo maalin ayaa ka qeyb galayaasha waxay ugu danbeyn soo bandhigi doonaan aragti mideysan oo laga qaadanayo qodobada muhiimka ah ee laga hadley.

Ra’iisul wasaare Khayre oo u amba-baxay dalka Switzerland 

0

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland,isagoo ka qeyb gali doona shirka dhaqaalaha adduunka oo halkaasi ka furmi doona dhawaan.

Waxaa ka qeyb geli doona Shirkaasi Madax ka socota Dowladaha Afrika qaarkood, iyadoo shirkaasi diiradda lagu saari doono horumarinta dhaqaalaha adduunka iyo sidii loo taageeri lahaa dalalka soo koraya oo Soomaaliya ay ku jirto.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  ayaa lagu wadaa inuu kulamo gooni gooni ah uu la yeesho Madaxda ka qeyb galeysa shirkan.

Shirkani ayaa u muuqda in uu muhiimad gaar ah uu u leeyahay Soomaaliya,maadaama ay ka qeyb galayaan hoggaamiyaal ka kala socoda wadamada ku horumaray dhinaca Dhaqaalaha oo uu kujiro Mareykanka,waxaana lagu casuumay Soomaaliya iyo wadamo kale oo Afrika kamid ah qaar kood.