Home Blog Page 1309

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo gaaray Dhuusamareeb

0

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug,waxayna halkaasi kula kulmeen Mas”uuliyinta Galmudug sida Wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenka Amniga Galmudug.

Wafdiga ka socda Qaramada Midoobay iyo Mas’uuliyiinta Galmudug ayaa waxay kormeer ku tageen Xarumihii ay ka dagi lahaayeen Magaalada Dhuusamareeb.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Amniga Galmudug Mahad Xassan Maxamed ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen Wafdiga ka socday Qaramada Midoobay,wuxuuna sheegay inay kala hadleen arimo ay ka mid yihiin Amniga iyo Siyaasada Galmudug.

Dhanka kale Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Galmudug ay u qorsheysan tahay inay Al-Shabaab kala wareegaan Meelaha ay ka joogaan Galmudug.

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa Bilihii la soo dhaafay waxa ay socdaalo is daba jog ah ku imaanayeen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug waxa ayna wadaan Qorshayaal lagu hor marinayo Deegaanada Galmudug.

 

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta oo Xafiiska la wareegay

0

Munaasabaddan oo aheyd mid ay xilka ku kala waregeyen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta iyo Wasiirka cusub ee dhowaan loo magacabay wasaaradda Howlaha Guud  ayaa waxa goobjoog ka ahaa Ra’iisal wasaare ku- xigeenka dalka Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal wasaaraha mas’uuliyiinta Wasaradda iyo xildhaabano ka tirsan barlamaanka Soomaaliya.

Ugu horeyn, waxaa munaasabadda ka hadlay wasiirkii hore ee wasaaradda howlaha guud Eng, Saadiq Abdullahi Cabdi, isagoona sheegay  in xilka uu meerto yahay haddane loo baahan yahay in laga wada qeyb qaato dhismaha iyo horumarka dalka,wuxuuna u mahad celiyay  cid walba oo garab ka siisay ka shaqeynta howlaha guud ee dalka.

Wasiirka Wasaradda howlaha guud Xukumadda Federaalka Soomaaliya C/fitaax Maxamed Ibraahim ( Geesey ) ayaa ugu horeyn uga mahad celiyaay dowrkii  iyo shaqaddi wanaagsaneyd  uu qabtay Wasiir Saadiq islamrkaana sheegay in Wasaradda howlaha guud ay ahmiyad weyn uu leedahay dalka.

Ra’iisul waasare ku xigeenka dalka Mahdi  Maxamed Guuleed (Qadar ) oo gaba gabada munaasabadda ka hadlay ayaa isna ku aamanay dowrki iyo wada shaqeyntii wanaagsaneyd ee kala dhaxeyaay wasiir saadiq, wuxuuna  shegaay  in Wasaradda howlaha guud ay tahay lafdhabarta kabayaasha dhaqaalaha iyo harumraka dalka.

Shir looga hadlayay Xasilinta dalka oo ka furmay Muqdisho

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib-uheshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Mohamed Sabriye ayaa shir guddoomiyey shir meeqaamkiisu sarreeyo oo looga hadlayay xasilinta dalka,kaasi oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo intiisa badan diiradda lagu saarayay xasilinta dalka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, mas”uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya madax ka socotay maamul goboleedyada dalka  iyo baasha caalamka,waxayna soo gudbiyeen qorshayaasha ay u diyaariyeen arrimaha amniga iyo horumarinta adeegyada aas aasiga ah.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Eng; Yariisow oo shirka ka hadlay waxa uu sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu wado dadaalo lagu xasilinayo amniga caasimada oo hada meel wanaagsan maraya,iyadoo lagu guulestay fashilinta falal dhowr ah oo amniga lidi ku ah.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib-uheshiisiinta ee Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya muadne Cabdi Mohamed Sabriye wuxuu shirka ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xasilinta dalka iyo bad baadinta shacabka,isagoona baaq nabadeed u diray Soomaaliland iyo Puntuland in ay joojiyaan colaada ka taagan deegaanka Tukaraq,

shirka ayaa marka uu soo idlaaday waxaa Warbaahinta qaranka la hadlay guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Eng: Yariisow),wuxuuna sheegay in la isku afgartay in laga shaqeeyo adkeynta amniga iyo horumarinta adeegyada Bulshada ay u baahan yihiin.

Golaha Shacabka oo hakiyay kulammadoodii caadiga ahaa

0

Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa Maanta Kalfadhiga 3aad Kulankiisa 11aad waxay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ee Muqdisho.

Kulanka Golaha Shacabka Soomaaliya oo uu shir Gudoominayay Af-hayeenka Golaha Shacabka ee Soomaaliyeed Maxamed mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Maanta waxaa uu ku Saabsanaa Ajenda la xiriira su’aalo weydiin loogu balansanaa Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya,

Waxaa kulankii Maanta lagu go’aamiyay in Maalmaha ka haray Bisha barakeysan ee Ramadaan ay hakad galayaan kulumada Barlamaanka Golaha Shacabka  Soomlaaiyeed sidoo kalena ay guddoonku soo sheegi doonaan xilliga ay si toos ah u furmayaan kulamada kadib Bisha Ramadaan.

Ajenda Maanta oo ahaa su’aalo weydiin loogu ballansanaa Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa baaqday ka dib markii uu codsi soo jeedin ka yimid Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha Shacabka Soomaaliya oo dalbaday in dib loo dhigo su’aalo weydiinta sababo la xiriira dhameystirka macluumaadka Wasaaradda Waxbarashada oo ay guddigu codsadeen in ay keeni doonan kulamadda kale ee kan xiga.

Markii la soo gaba gabeeyay kulankii Maanta ayaa waxay Guddoomiye Mursal iyo ku xigeenkiisa Muudeey soo Indha indheeyeen dayac tirka iyo dib u habeynta lagu sameynayo dhismaha Aqalka Golaha Shacabka Soomaaliyeed oo howlo dib u hagaajin ah ay socdaan.

Dayactirka iyo dib u dhiska imminka ka socda xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa haatan maraysa meel aad u wanaagsan, waxaana la filayaaa in dhawaan lasoo gabagabeeyo.

Taliyeyaasha Ciidamada Asluubta iyo Booliska oo kormeeray Ciidan tababar uu uga socdo dugsiga Gen. Kaahiye

0

Muqdisho (SNTV), Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa kormeeray Ciidamo cusub oo tababar uu uga socdo Dugisga tababarka Ciidanka Booliska ee Gen. Kaahiye.

Ciidankaan oo la isugu keenay Xarunta gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa salaam sharaf waxay halkaasi ku siiyeen Taliyeyaasha Ciidamada Asluubta iyo Booliska, waxayna soo bandhigeen gaada ka ciyaar iyo dhoola tusk a turjumaya casharada la baro.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko  oo Ciidankaasi la hadlay, ayaa sheegay in ujjeedka loo tababarayo ay tahay inay noqdaan kuwa shacabka Soomaaliyeed ay ku faa’iidaan, islamarkaana looga baahan yahay in Qaranka si daacad ah ay ugu adeegaan.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan, ayaa Ciidanka tababarka uu u socdo u jeediyey khudbad dardaaran ah, waxaana uu u sheegay inay yihiin jiil cusub oo laga rabo in Qaranka lafdhabar ay u noqdaan.

Guddiyada amniga iyo Arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka oo ka shiray amniga xildhibaanada iyo xarunta Golahaasi

Muqdisho(SNTV) Guddiyadda Arrimaha Gudaha iyo Difaaca ee Golaha Shacabka oo Kulan ku yeeshey magaalada Muqdisho ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamidka yihiin adkeynta ammaanka xarunta Golaha Shacabka.

Kulankaan oo ay si wadajir ah ushir guddoominayeen Guddoomiyayaasha labada Guddi ee Arrimaha Gudaha iyo Difaaca Mudane Xuseen Carab Ciise iyo Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa looga hadlay Amniga Xarumaha Golaha Shacabka uu ku shaqeeyo Iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka amaankooda sidii loo adkeyn lahaa.

Intii uu kulankaasi socday ayaa Guddiyada Wadajirka ah ee labada dhinac ayaa warbixino ku aadan ajandayaasha lag ahadlayay ka dhageystay guddoomiyaasha labadd aguddi,iyagoo isla gartay in muhiim ay tahay xoojinta amnigga xarunta uu ku shaqeeyo Golaah Shacabka.

Kulankaan ay yeesheen Guddiyadaan ayaa imaanaya Xili dhawaan Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga uu kulamao Xog-wareysi ah uu la qaatay Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha iyo Saraakiisha Ciidanka qeybahiisa kala Duwan.

Guddiga Miisaaniyada,maaliyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka oo warbixin ka dhageystay Wasiirka Maaliyadda XFS

Muqdisho(SNTV);- Guddiga Miisaaniyadda,Maaliydda,qorshaynta iyo la Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka ayaa Maanta la  kulmay Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Mudane Cali Cabdi Cusmaan  oo uu Dhinac Fadhiyay Kuxigeenka Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Somali islamarkaana ay fadhiyeen inta badan Xubnaha Guddiga ayaa Ajandaha Kulanka waxa uu ahaa:-

* Warbixin la Xariirta Kororka Dakhliga 4-tii Bilood ee la soo dhaafay.

* Odoroska Miisaaniyadda 2018 haddii ku-celis la sameenayo.

* Sare u qaadida Dakhliga iyo ilaha Dakhliga ka imaanayo.

* Sharciga Canshuuraha Meesha uu Marayo.

* Deeqaha Soo Mara khasnadda Dhexe iyo Kuwa aan soo Marin iyo qodobo kale oo Muhiim ah.

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda oo ay wehliyaan Mas’uuliyiin Ka tirsan Wasaaradda ayaa warbixin kasiiyay Guddiga howlaha Wasaarada ilaa hadda u qabsoomay,  Sidoo kale Wasiirka ayaa  Faahfaahiyay Dhamaan Su’aalihii uu Guddiga weydiiyay.

Dhanka kale,Guddiyadda Arrimaha Gudaha iyo Difaaca ee Golaha Shacabka oo Maanta Kulmay ayaa waxay ka hadleen Amniga Xarumaha Golaha Shacabka uu ku shaqeeyo Iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Kulankaan oo ay si wadajir ah u guddoominayeen Guddoomiyayaasha labada Guddi ee Arrimaha Gudaha iyo Difaaca Mudane Xussein Carab Ciise iyo Marwo Fowsiyo Maxamed Sheikh ayaa Guddiyadda Wadajirka ah ee labada Guddi Warbixin ka dhagaystay Guddoonka labada Guddi.

Kulankaan ay Maanta yeesheen Guddiyadaan ayaa imaanaya Xili dhawaan Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga uu kulamao Xog-wareysi ah uu la qaatay Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha iyo Saraakiisha Ciidanka qeybahiisa kala Duwan.

 

Jowhar iyo Howl-wadaag oo isku arkay tartan aqooneedka bisha Ramadan

Muqdiso (SNTV)-Degmooyinka Howl-wadaag iyo Jowhar oo ka kala tirsan Shabeelaha Dhexe iyo Benaadir ayaa caawa isku arkay wareega 1-aad ee tartan aqooneedka bisha Ramadan

Ugu horreynba waxaa nasiib u yeelatay in su’aalaha lagu bilaabo degmada Howl-wadaag oo 7-dii su’aal ee loogu tala galay ka jawaabtay mid qura, sidoo kale su’aalo 5-ah oo ay garan waayeen jowhar ka jawaabi weyday, waxa ayna sidaas ku heleen dhibo gaarayo 2-dhibcood.

Jowhar oo Iyana u muuqatay  mid aan shideyn dab-yar ayaa  habeenkan garatay 2-kamid ah 7-dii su’aal ay xaqqa u lahaayeen, sidoo kale waxa ay fursad ahaan kaga faa’ideysteen laba kamid ah su’aalo ay lumiyeen Howl-wadaag, waxa ayna wadarta guud isu geyn ay heleen 8-dhibic.

Wareegga 2-aad ee tartanka waxaa ku biiray degmada jowhar halka ay howl-wadaag ay kamid noqotay degmooyinka ku haray wareegga 1-aad.

Habeen dambe Tartan aqooneedka  ay tabineyso warbaahinta Qaranka isla markaan uu taaba gelinayo Maamulka gobalka  Benaadir  waxaa wada  ballansan Xudur iyo Kaxda oo ka kala tirsan Bakool iyo Benaadir.

 

 

 

Hay’adaha u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka oo Shaqo-howleed u jooga Nairobi

0

Nairobi(SNTV):–Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, Gudigga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa Banbax-howleed socon doona maalmo uga bilowday magaalada Nairobi.

Saddexda hay’ad oo yeelanaya kulan wadajir ah ayaa ka arrinsan doona xoojinta wadashaqeynta iyo sidii loo dar-dargelin lahaa Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka.

Xubnaha Wasaaradda uga qaybgalaya kulankaas ayaa waxaa kamid ah Agaasimaha Guud iyo qaar kamid ah La-taliyayaasha Wasaaradda, halka Xildhibaano kamid ah Gudigga Baarlamaanka iyo xubno kamid ah Gudigga Madaxabanaan ay iyagana kulanka ka qaybgalayaan.

Ugu dambayn, Banbax-howleedkan ayaa muujinaya wada-shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa saddexda hay’adood waxeyna yididiilo weyn gelineysa dadka Soomaaliyeed ee indhaha ku haya Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka.

Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka XFS oo maanta lacagihii ay qaban jirtay ku wareejisay Wasaaradda Maaliyadda

0

Muqdisho(SNTV);– Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lacagihii ay qaban jirtay ku wareejisay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa ka qeyb qaadaneysa korarka dakhliga iyo hufnaanta nidaanka Maaliayadeed ee dalkeenna.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay Tallabada lagu mideynayo hanaanka Maaliyadda dalka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Prof: C/llaahi Sheikh Cali “ Qalloocow” ayaa sheegay in nidaamkan dakhli wareejinta uu yahay mid lagu horumarinayo nidaamka maaliyadeed ee dalka,isagoona mas’uuliyiinta Wasaaradda Batroolka iyo macdanta ku ammaanay sida hufnaanta leh ee lacagihii ay qaban jireen Wasaaradda Maaliyadda ugu wareejiyeen.

Arrintaan ayaa waxay qeyb ka tahay hanaan la doonayo in Shacabka Soomaaliyeed kula socdaan lacagaha kala duwan ay qaadaan Hay’adaha Dowladda,iyadoo hanaanka Kombiyuutarka uu sahlayo daahfurnaan iyo isla-xisaabtan cad oo dhanka maaliyadda ah.

Wasaaradda Batroollka iyo Macdan ee  Doowlad Federaalka Somaaliya ayaa  ah hay”addii shanaad ee maanta ku Wareejisa Lacagahii ay qaban jirtay Wasaaradda Maaliyadda.