Duqa Muqdisho oo Xarunta Dawladda Hoose ka furay Shir looga hadlayay Arrimaha Dawladaha Hoose ee dalka

Date:

Muqdisho (SNTV)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa maanta ka furay Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar Shirka Dawladdaha Hoose oo ay ka soo qeyb galeen, Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Dawlad Gobolleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yarisow oo ku soo dhaweeyey Caasimadda dalka masuuliyiinta ka socotay dawlad Gobolleedyada dalka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in awoodda la baahiyo lana gaarsiiyo heerka ugu hooseeya, si loo xaqiijiyo in dadka shacabka ah ay dooran karaan hoggaamiyeyaasha ay ayagu doonayaan.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale ammaanay dadaallada ay fidiyeen Wasaarrada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee ay sare ugu qaadayaan xoojinta nidaamka federaalka ah . Isagoo xusay in Maamul hoosaad oo huffan uu muhiim u yahay wanaajinta nolosha dadka Soomaaliyeed.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo ka hadlay ahmiyad uu maamulkiisu siiyey dhismaha Golleyaasha deegaanka ayaa xusay in la diyaariyey qorshihii lagu dhisi lahaa Golleyaasha, si dadka loogu diyaariyo doorashooyinka la qorshaynayo sanadka 2020.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamul Gobolleedka Galmudug Mudane Maxamed Xayir Nuur oo ku hadlayay magaca Dawlad Gobolleedyada ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir qabsoomidda shirkan, isla markaana waxuu ku boggaadiyey dhinacyada ka qeyb-galaya in meel cad looga soo wada jeesto dhismaha Golleyaasha deegaanka oo aas-aas u ah Dimoqoraadiyadda iyo u diyaar garowga Doorashooyin ka qabsooma dalka oo dhan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la yeeshay Wasiirka Gaadiidka Cumaan 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

26 April, Muqdisho – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Gobleedka Koonfur Galbeed, Mudane...

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka ka dhici doona Degmada Wanlaweyn

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...