Maxaa kala qabsaday tartamayaasha degmooyinka Shangaani iyo Wadajir?

Date:

Muqdiso (SNTV)-Tartan aqooneedka caawa waxaa ku wada ballansanaa degmooyinka Shangaani iyo Wadajir oo ka wada tirsan gobalka Benaadir.

Degmada Shangaani ee gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey 7-Su’aal, waxa ay ka jawaabeen 2-su’aal oo kamid ah su’aalihii ay xaqqa u lahaayeen, waxa ay ka faa’iideysteen mid kamid ah fursad ay soo lumiyeen dhiggeeda wadajir, wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Shangaani ay heleen waxay noqotay  6-dhibcood.

Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay 7-su’aal, waxa ay ka jawaabeen 4-su’aal, , waxa ay ka faa’iideysteen fursad qura  oo soo hareer martay Shangaani, sidaasi darteed dhibcaha  ay heleen tartameyaasha Degmada Wadajir waxay noqotay toban 10-dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga 2-aad  ee tartanka halka ay ka mid noqotay Shangaani degmooyinka ku haray wareegga 1-aad

Tartanka ay tabineyso warbaahinta Qaranka isla markaana uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir, waxaa ku wada ballansan habeen dambe Degmooyinka Deyniile iyo Baydhabo oo ka kala tirsan Benaadir iyo Koonfurgalbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...