151-dhalinyaro laga soo daayay xabsiyada Libya oo Muqdisho soo gaaray

Date:

Dhalinyarada Liibiya laga soo celiyay waxa ka muuqday dhibaatooyinkii ay kala soo kulmeen Magafayaasha qaarkood markii ay diyaarada ka soo dageen inta ay socon waayeen ayaa lagu qaaday gawaarida yar yar ee looga talagalay dadka baahiya qaar ah qaba kuwana iyaga uu dhaawac qaba ayaa la keenay.

Maryam Yaasiin waa ergayga gaarka ah ee xafiiska raisa’wasaaraha Soomaaliya u qaabisal Xaquuda Tahriibayaasha iyo Carruurta, waxa ay sheegtay in dadaal badan ay ku bixisay dawladda Soomaaliya sidii dhalinyaradan loo keeni laahaa dalkooda.

Cabdisamad Cabdulqaadir oo ka mid ah 151-da dhalinyada ah ee maanta Liibiya laga keenay ayaa la ilmeeyey farxad, waxaana uu ugu horayn la xiriiray Hooyadiis oo joogta magaalada Burco, markaas oo uu ku wargaliyey inuu ku jiro xaalad walwal la’aan ah.

Mark Lewis oo ah sargaalka ka tirsan Hey’adda Socdaalka Aduunka ee IOM waxa uu la socday diyaaradii keentay dhalinyarada laga soo badbaadiyay Liibiya, waxaana uu sheegay in doorkooda ay ku taageerayaan dawladda Soomaaliya shaqada adag ee dhalinyarada dibadda ku xiran lagu soo badbaadinayo.

Wasiirka Dastuurka Xukuumadda FS Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo  ka mid ahaa masuuliyiinta soo dhaweysay dhalinyarda ayaa isna xusay in dawladdu ay mar walba ku dadalayso badbaadada muwaadiniinta oo xaq aas aasi ah.

Dr Axmed Cabdikariim Nuur Axmed Daahir oo ah Gudoomiyaha Hey’adda Qaran ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha ayaa sheegay in dawladdu ay caawinaad gaar ah siinayso dhalinyaradan inta ay dib ugu soo laabanayaan noloshoodii caadiga ahayd, lana midoobayaan ehelkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...