Home Blog Page 1307

Qaar kamid ah dhaawacyadii loo qaaday Turkiga oo Muqdisho lagu soo celiyay (sawirro)

0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga oo kaashaneysa Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi ayaa markii saddexaad dalkaasi ka soo sagootisay 9-ruux oo ka mid ah dhaawacyadii la geeyay Ankara ee ku dhaawacmay Qaraxii 14tii October ka dhacay Muqdisho,kuwaasi oo hadda xaaladooda caafimaad soo hagaagtay.

9-ka ruux oo xalay Garoonka diyaaradaha magaalada Akara ay ka sagootiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga, mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka Turkiga, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi iyo Ardayda wax ka barata dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa waqti badan gelisay xaaladda Bukaanada iyo ka warqabkooda iyadoo gacan wanaagsan ka heleysay Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga oo habeen iyo maalin u soo jeeday sidii dadka walaalahood ee Qaraxa ku soo dhaawacmay loo caawin lahaa.

Waxaana howshaan dhexda u xirtay habeen iyo maalina kor taagnaa bukaanadaas xoghayaha labaad ee safaaradda C/qaadir Maxamed Barqadle  iyo Suleymaan Maxamed Kaarshe oo runtii muujiyay dowrkii loo baahnaa ee kaga aadanaa safaaradda Soomaaliya e dalka turkiga.

Sidoo kale, caawinta dadka Bukaanada ah waxaa gacan lama ilaawaan ah ka geystay Jaaliyadda Soomaaliyeed oo muujiyay door wanaagsan oo Soomaalinimo ku saleysan.

Dhaawacyadani waxaa ka mid ahaa Mumtaz Hassan Ali oo ahayd lix jir oo la geeyay dalka Turkiga ku jirtay Xaalad koomo ah, waxaana dib loo soo celiyay iyadoo oo ay wehliso Hooyadeed oo  farxad ka muuqato waliba caafimaad qabta Alle mahadii.

Magacyada dhaawacyadii soo bogsooday waxaa ka mid ahaa:-

  1. Hussein Hassan Ahmed.
  2. Samira Sheikh Mohamed.
  3. Adam Muse Hassan.
  4. Alas Elmi Qobey.
  5. Mumtaz Hassan Ali.
  6. Abdalla Omar Mayew.
  7. Bille Adan Farah.
  8. Said Abdi Jeele.
  9. Ali Diriye Farah.

 

Munaasabad looga hadlayay horumarinta Afka hooyo oo maanta lagu qabtay Muqdisho (sawirro)

0

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay gudoomiyaha Akadeemiyada, Cilmiga Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed, maareeyaha golaha murtida iyo madadaalada, golaha abwaannada, qoraayaal dhallinyaro ah, aqoonyahanno, bahda waxbarashada iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Munaasabadaasi waxaa lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo ay halkaasi ka jeediyeen dhallinyaro  Soomaaliyeed, taas oo ku qotontay baahida loo qabo horumarinta  Afkeenna hooyo, waxeyna ujeeddada xafladaasi aheyd sidii loo heli lahaa goobo wax akhris oo laga hirgeliyo dalka.

Gudoomiyaha Akadeemiyada, CIlmiga, Fanka, iyo Suugaanta Soomaaliyeed, C/qaadir Nuur Xuseen “Maax” oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Akadeemiyadu ay dhiirigelineyso dadka hammiga u leh horumarinta Afkeenna hooyo, isagoo soo dhaweeyay helitaanka goobo wax akhris oo laga hirgeliyo dalka oo dhan, wuxuuna dhallinyarada naadiga Akhriska iyo qorista Banaadir ugu deeqay boqol buugaag ah oo la dhigo xarumaha akhriska ee la qorsheynayo in laga hir geliyo qeybo ka mid ah gobollada dalka

Maareeyaha golaha Muqrida iyo madadaalada Abwaan Cabdi Dhuux ayaa wax wanaagsan ku tilmaamay in maanta ay soo baxaan dhallinyaro Soomaaliyeed oo  u istaagtay horumarinta Afkeenna hooyo isagoo intaasi raaciyay in isaga iyo golaha abwaaniinta Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin taageero dhinac kasta ah.

Xoghayaha Naadiga Akhriska iyo Qorista Banaadir, Khadar Cabdi C/llaahi oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in naadigu qorsheynayo sidii loo furi lahaa goobo wax akhris oo laga hirgeliyo Muqdisho iyo gobollo kale oo dalka ah, isagoo ka codsaday bulshada Soomaaliyeed in ay gacan ka siiyaan arrintaasi.

Si kastaba ha ahaatee arrintani ayaa qeyb kaha qorshaha ay akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed ay ku dhiirrigelineyso dhallinyarada hammiga u leh horumarinta Afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya oo albaabada u xiray meel lagu farsameyn jiray wax yaabaha maanka dooriya. Sawirro.

0

Howlgal Ciidamada amniga Soomaaliya ay  ka sameeyeen degmada Kaaraan ee gobolkan Banaadir ayaa waxa ay gacanta  ku dhigeen goob lagu Karin jiray wax yaabaha maanka dooriya iyo Saddex ka mid ah dadkii karinayay iyo kuwii ka ganacsanayay wax yaabahaas maanka dooriya.

Gudoomiyaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir Cabdi Fitaax Xaaji Nuur ayaa bartiisa  Facebooka ku shaaciyay muqaalo iyo sawirro muujinayo howlgal ay sameeyeen ciidamada amniga oo waaxda Nageyle ka sameynayo howlgalo lagu soo afjarayo goob lagu diyaarin jiray wax yaabaha maanka dooriya sida calaqa.

waxa uu soo bandhigay  Digsiyadii iyo Caagagii Calaqa lagu sameynayay iyo dhammaan agabkii ay isticmaalayeen ragga ku howlanaa sameynta Calaqa kuwaas oo uu sheegay in ay qeyb ka ahaayeen kuwa dhibaatada ku hayay Shacabka degmada Kaaraan.

Howlgalka  ayaa imaanayo xilli shalay banaanbax cabasho ah ay dhigeen Shacabka degmada Kaaraan, intaas kadib howlgal la sameeyay ayaa lagu soo qabtay 11 Nin oo sida la sheegay ka mid ahaa maleeshiyaad dhibaato ka waday Suuqa degmada Kaaraan.

 

Madaxweyne Gaas oo magacaabay Taliye Booliis iyo ku xigeenadiisa,,

0

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto ku magacaabay taliyaha ciidamada Booliiska Puntland iyo ku xigeenadiisa.

Wareegtada ayaa sidan u qorneyd:

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland.

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa S/GUUTO Cabdulaahi Shire (Dool) loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boosliska Puntland.

Waxaa G/Sare Bile Faarax Cali loo magcaabay Taliye ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Puntland.

Waxaa G/Sare Cusmaan Xassan Cuuke loo magcaabay Taliye ku xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska Puntland.

Xeerkani wuuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxwaynuhu saxiixo wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=

 

Imisa mashruuc ayuu dhagax dhigay madaxweyne Farmaaji 17-kii maalmood uu safarka ahaa..

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shalay Saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyey socdaalkii Nabadda iyo dib u heshiisiinta, isagoona sheegay in si dhow uu ula soconayo dhammeystirka fulinta mashaariicda uu dhagax dhigay.

Sidoo kale,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in dhawaan uu magacaabayo guddi ka shaqeeya, dabagalka fulinta mashaariicda horumarineed ee uu ka dhagax dhigay deegaannadii uu socdaalka kusoo maray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Guddigaan uu magacaabayo ujeedkooda tahay sidii dabagal ay ugu sameyn lahaayeen mashaariicdii uu soo ballan qaadey, si  loo la socdo dhaqan galkooda,wuxuuna dhanka kale madaxweynaha uu sheegay in aay Dowladda ka go’an tahay in aay kaalinteeda ka qaadato.”

Hadaba Halkaan Hoose waxaana idin kugu soo gudbineynaamashaariidii uu dhagax dhigay madaxweyne Farmaajo

  1. Wado Laami isku xirta Garoowe & Eyl (222km)
  2. Wado Laami isku xirta Kala Bayr & Caluula(376km)
  3. Wado Laami isku xirta Galkacyo & Hobyo (264km)
  4. Wado Laami isku xirta Hobyo & Caabudwaaq (355km)
  5. Dayactirka laamiga isku xira Dhuusamreeb & Gaalkacyo (235km)
  6. Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta-Gaalkacyo-Galmudug
  7. Xabsiga dhexe ee Galmudug – Galkacyo
  8. Xarunta xanaaneynta agoonta Ahlusuna – Dhuusamareeb
  9. Dugsiga Farsamada Gacanta – dhuusamareeb
  10. Dhismaha Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb
  11. Dhismaha xabsiga magaalada Dhuusamareeb 12. Dhismaha Jaamacadda Umadda Gaalkacyo
  12. Dhismaha Jaamacadda Umadda Cadaado
  13. Dhismaha Jaamacadda Umadda Dhuusamareeb
  14. Dhismaha Jaamacadda Umadda Caabudwaaq
  15. Dhismaha Xabsiga Caabudwaaq
  16. Garoonka diyaaradaha Cadaado
  17. Dhismaha Dekedda Hobyo

 

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud oo Shaaciyey in dhawaan la daah Furaayo Mashaariic Hormarineed

0

Shir Jiraa’id uu xafiiska ku qabtaay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib dhiska iyo Gureynta Xukuumadda Soomaaliya  Eng Saadaq Cabdulahi Cabdi  ayaa ahaa mid uu ugu hadlayaay waxqabadka Wasaaradda mudada Sideeda  bilood ee la soo dhaafay, isagona sheegaay iney waddaan  qorshayaal lagu horumarinaayo  dhismiyaasha dalka.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska ayaa marka hore sheegay in mudada kooban ay xafiiska joogaan u qabsoomay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin tayeenta iyo qiimeynta shaqaalah sii loo ogaado iney qaban karaan fuulin karaan mashaariicda waaweyn ee dalka

Sidoo kale, Wasiirka Saadaq oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri” Waxan fulinaay mashaaric oo ay ugu horeysaay  tijaabooyin iyo daraasad lagu sameeyay dhismiyaashi bur buray oo ugu horeysaay  bankagi  ganacsigi keydka Soomaaliyeed iyo Wasaradda Waxbarashada, waxa inoo soo baxdaay in Wasaradda iyo injineerada iyo dhamaan qeybaha kala duwaan ee waxyaha kale iney fuliyaan howlaha loo igmaday Wasaaradda ,waxa jiro in wasaaradda mudada ay jirtaay daahfuurtay waddo 4km iyo bar oo isku xirto  afgooye iyo carbiska oo ay iska kaashadeen dowlada norwey iyo ganacsato Soomaaliyeed  waa marki ugu horeysay dadka soomaaliyeed isku tashaadan iney dalkooda dhistaan uu soo istaagaan.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya Eng Saadaq C/llaahi Cabdi ayaa hoosta ka xariiqay in heer gaba gaabo ah maraayo dhameystirka Mashruuca dhismaha Muqisho iyo Afgooye, isagoo dhanka kale tilmaamay in dhawaan daahfurmi doona mashruucaas oo ka koobaan 23km oo ka bilabanayo E- control Afgooye  ilaa iyo Carbiska.

Dhanka kale,Wasiirka Wasaradda Howlaha Guud iyo dib uu dhiska Xukumadda Soomaaliya Eng Saaadaq C/llaahi Cabdi  ayaa ugu baaqaay Hay’adaha caalamiga iyo shirkadaha dhismiyaasha ee  ka howl gala dalka iney iska soo diwaan galiyaan Wasaradda si loola socdo waxqabadkooda.

“Dhamaan shirkadaha iyo shaqalaha ka shaqeyo dhismaha dalka ee an wali iska soo diiwan galinin wasaradda waxa la faraya  iney isa soo diiwaan galiyaan waxan kalo baaqa uu diraya shirakadaha ajaanibta  ee ku howlaan dhismiyasha guriyaha iney ayagona isa soo diiwan galiyaan”,Ayuu yiri Wasiir Saadaq C/llaahi Cabdi.

 

Ra’iisulwasare Kheyre oo Kulmo Gooni-goni ah la qaatey Madaxda ka qeyb galeysa shirka dhaqalaha aduunka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo  Magaalada Davos ee Dalka Switzerland kaga qeyb galaya shir looga hadlayo Arrimaha dhaqaalaha ayaa kulan gaar ah la yeeshay  dhigiisa Norway Erna Solberg Kulanka labada dhinac oo qaatay daqiiqado badan ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo labada dal quseeya oo ay ka mid ahaayeen sii xoojinta xiriirka labada Dal u dhaxeeya iyo sidii Norway u sii kordhin laheyd taageerada ay siiso Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre,Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa marka hore Dowladda Norwey kaga mahad celiyay taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliya, Wuxuuna sheegay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya in Norwey si gaar ah kaga qeyb qaadato Horumarka Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay Dalalka ka tirsan Qaaradda Afrika ee lagu marti qaaday ka qeybgalka shirka Magaalada Davos, waxaana ku matalaya Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa magaalada Davos kula kulmay madax kala duwan oo ay ka mid yihiin madaxweyne ku-xigeenka dalka Koonfur Africa Cyril M. Ramaphosa, Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska Mr.Tony Blair iyo Mas’uuliyiin kale oo uu kala hadlay sidii taageero xooggan loo sii lahaa Soomaaliya.

Maxaa laga Dhaxley Safarkii Socdaalka Nabad ee Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa socdaal qaatay muddo 17 maalmood ah waxa uu ku maray Gobollada Nugaal, Bari, Mudug iyo Galguuud oo kamid ah Goboladda ugu ballaaran ee Soomaaliya, halkaas oo uu ugu kuur-galay baahiyaha nololeed ee dadka iyo arrimaha dib u heshiisiinta, waana socdaalkii ugu horreeyey ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu ku maro Gobolada dalka tan iyo markii uu xilka madaxweynimo uu qabtey.

waxaan qoraalkaan ku soo Goobeynaa wixii laga dhaxlay Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu ku maray Deegaanadaasi.

Xoojinta Dowladdnimada: Madaxweyne Farmaajo ayaa qaar ka mid ah deegaanadii uu tagay lagu ku soo dhoweeyey qaarkood ay ilmeeyeen markii Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay arkeen, iyaggoo sheegay in waligood aysan arkin dowlad Soomaaliyeed oo guryahooda kusoo booqaneysa, waxay wax ka badashay Aragtida Beesha Caalamka ee ku aadan in Ammaanka Soomaaliya aan la isku haleyn karin, taasi oo noqotay inay san waxba ka jirin.

Nabadeyn iyo Dib u heshiisiinta: Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxay Nabadeyn iyo Heshiis ay kala dhex dhigeen deegaano dhowr ah oo ay kamid tahay Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, halkaasi oo Maleeshiyaad kala taageersan Puntland iyo Galmudug dhowr jeer ay ku dirireen Waxaana Go.aan lagu gaarey in aysan dib u diririn dadka wada daga deegaanadaasi.

Qancinta Beelaha wada dago Galmudug: Safarka Madaxweynaha JFS uu ku maray qeybo kamid Deeganada Galmudug ayuu ku guuleystay ka miro dhalinta heshiiskii ay wada gaareen Mamulka Galmudug iyo ahlu-suna kuwaa oo mudo isku qilaafsanaayo hanaanka maamulka Gobollada dhexe.

Madaxweynaha ayaa labadaasi Maamul u suurta galiyey in ay si siman u wada qeybsadaan hanaanka dowladnimo,madaxweynaha ayaana ku dhawaaqey in Dhusamareeb ay tahey Magaalo Madaxda Dowlad Gobolledka Galmudug,Halka Magallada Cadaado ay noqotey Xarunta Barnamaanka galmudug halkaasine lagu xaliyey tabashooyinkii ay qabeen dadka wadadaga deeganadaa.

Mashaariicda Hormarineed: Boosaaso Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa xarigga ka jaray dhismaha xafiisyada Shirkadda isgaarsiinta ee Golis.

Gaalkacayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhagax dhigay, Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed iyo xabsiga dhexe ee Galmudug oo laga hirgelinayey Gaalkacayo.

Dhusamareeb: Madaxweyne farmaajo ayaa magaallada dhuusa mareeb ka hirgaliyey mashaariic isku jira kaabayaasha dhaqallaha,xabsiga magaalada dhusamareeb,Xarunta Agoomaha iyo dayactirka laamiyada isku xira degmooyinka gobollada dhexe.

Guriceel Madaxweynaha ayaa u balanqaadey in shacabka guriceel ku nool ay heli doonaan mashaariic ay ka mid tahay kor u qaadista xirfadaha shaqo iyo horumarinta adeegyada caafimaadka.

Caabudwaaq Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galey furitaanka laanta Jaamacadda Ummadda ee magaalada Caabudwaaq waxa uuna  ugu baaqay bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug in ay ka wada shaqeeyaan xoojinta midnimada iyo Nabadda waxaana uu madaxweynaha dhagax dhigey Garoonka iyo xabsiga caabudwaaq.

Hobyo Madaxweynaha Jamuuriyada federaalka soomaliya ayaa Dhagax dhigey dekada hobyo oo laf dhabar hormarka Ganacsiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dib ugu soo laabtey Caasimada Dalka ee Muqdisho ayaa sheegay in dhawaan uu magacaabayo guddi ka shaqeeya dabagalka fulinta mashaariicda horumarineed ee uu ka dhagax dhigay deegaannadii uu socdaalka kusoo maray
Madaxweynaha oo Saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyey socdaalkii Nabadda iyo dib u heshiisiinta isagoona sheegay in si dhow uu ula soconayo dhammeystirka fulinta mashaariicda uu dhagax dhigay.

 

W/Q Hamdi Abdilaahi Hussein

 

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabaya guddi ka shaqeeya dabagalka mashaariicdii uu dhagax dhigay

0

 

Muqdisho, 24 Jan, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhawaan uu magacaabayo guddi ka shaqeeya, dabagalka fulinta mashaariicda horumarineed ee uu ka dhagax dhigay deegaannadii uu socdaalka kusoo maray.

Madaxweynaha oo Saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyey socdaalkii Nabadda iyo dib u heshiisiinta, isagoona sheegay in si dhow uu ula soconayo dhammeystirka fulinta mashaariicda uu dhagax dhigay.

“Maalmaha soo socda waxaan magacaabayaa guddi dabagal ku sameeya mashaariicdii aan soo ballan qaadey, si aan ula soconno dhaqan galkooda. Dowladda waxaa ka go’an in ay kaalinteeda ka qaadato.”

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo qurbajoogta Soomaliyeed in ay kaalin ka qaataan dib u dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

“Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada iyo qurba joogta Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan mashaariicda horumarineed iyo dib u dhiska dalkooda.”

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ayaa uga mahadceliyey shacabka sida wadaniyadda leh ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna ku tilmaamay mid ka tarjumeysa biseylka iyo hanka ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed dowladnimada iyo wadajirka.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Galmudug dadaalka ay ugu jiraan horumarinta, xasilinta, nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada ku dhaqan deegannadaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa socdaal qaatay muddo 17 maalmood ah waxa uu ku maray Gobollada Nugaal, Bari, Mudug iyo Galguuud, halkaas oo uu ugu kuur-galay baahiyaha nololeed ee dadka iyo arrimaha dib u heshiisiinta.

 

DHAMMAAD

 

Wasaaradaha Arimaha Dastuurka iyo arimaha gudaha oo kulan la qaatey Gudiga madax banaan ee doorashooyinka

0

Kulan wadajir ah oo u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Guddiga Madaxbanaan ee Arrimaha Federaalka iyo Xuduudaha ayaa Muqdisho ka dhacay.

Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa ujeeddadiisu ahayd in afarta hey’ad ay k awada hadlaan wadashaqayntooda gaar ahaan hawlaha ay gaarka u leeyihiin iyo kuwa ka dhaxeeya ee ay tahay in si wadajir ah ay uga wadashaqeeyaan.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa ay Hey’adaha ku soo bandhigeen qorsho-hawleedkooda, kadibna waxaa laga dooday sida ay tahay in loo wadashaqeeyo.

Guddiyada Madaxbanaan ayaa waxa ay Wasaaradaha ka codsadeen in ay u soo dedejiyaan diyaarinta shuruucda muhiimka u ah ee ay ku xiran yihiin oawlaha ay qorsheysteen in ay sanadkan qabtaan.

Dhanka kale, Wasaaradaha ayaa ballan qaadeen in ay fulin doonaan codsiga Guddiyada si sanadkan ay guul uga gaaraan hawlaha ay qorsheysteen.

Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa maalmihii dambe waday in ay xiriir wanaagsan oo wadashaqeyneed la yeelato hey’adaha ay hawsha kala dhaxeyso si guul looga gaaro Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka.