Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga oo Maanta la Wareegay Xilkiisa

Date:

Muqdisho (SNTV) -Waxaa Maanta si rasmi ah Xilka ula wareegey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashandhigga Mudane Xasan Cali oo dhawaan uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kadib Munaasabad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, waxaana goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka iyo Xubno ka tirsan Guddiga Difaaca Golaha Shacabka iyo Saraakiil Ciidan.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal C/llaah Cali (Caanood) oo ugu horeyn ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhhiga.

Mudane Maxamuud Cali Xagaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka ku Wareejiyay Wasiirka difaaca ayaa Warbixin guud ka siiyay Wasiirka Cusub Howlaha ka socda Wasaaradda.

Wasiirka Gaashandhigga  Mudane Xasan Cali ayaa uga mahaceliyay Waxyaabihii ay qabteen Wasiiradii ka horeeyay, isagoona balaa qaaday in Howsha uu halkeeda ka sii wadi doono.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo gabagabadii Munaasabada ka Hadlay ayaa kula dardaarmay Wasiirka Cusub ee Wasaarada difaaca dalka in uu si hufan u guto waajibaadka loo igmadey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...