Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Guddiga maalgashiga

Date:

Muqdisho (SNTV)–Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo uu wehliyey Wasiiru dowlaha Wasaaradda ayaa maanta Xaruunta Wasaaraddaasi kulan kula yeesheen Guddiga Maalgashiga Shisheeye.

Kulankaasi waxaa looga hadlay dar dar gelinta howlaha guddiga ee ku wajahan in dalku helo maalgashi shisheeye oo fursad u noqon kara koboca dhaqaale ee dalka sida uu sheegay Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa u muujiyey Guddiga in ay hortaalo masuuliyad adag, waxaana uu ku kula dar daarmay in ay abuuraan waji cusub oo sahlaya in caalamku uu ku dhiirado maalgashi dalka ay ku sameystaan.

Guddiga Maalgashiga Shisheeye waxaa xubno ka ah Wasaaradaha Ganacsiga, qorsheynta, Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, haqada iyo Arrimaha Bulshada, Bankiga dhexe iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, waxaana qorshaha guddigu uu yahay in dalku helo maalgashi caalami ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...