Madxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Peter De Clercq

Date:

Garoowe (SNTV) Madaxweynaha Dawlad Gobaleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 29 May 2018 ayaa waxa uu qasriga madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wafdi uu hogaamineyey ku-xigeenka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Peter De Clercq.

Weftigan balaaran ee uu hogaaminayey Peter De Clercq ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxa xafiiska (OCHA) Mr. Justin Brady iyo Agaasimaha ROLSIG (UNSOM) Mr. Staffa Tillander iyo sidoo kale saraakiil ka tirsanUnsom iyo UNDP.

Madaxweynaha Dawlad Gobaleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulanka uu maanta la qaatey ku-xigeenka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Peter De Clercq waxaa uu ugaga mahad celiyey booqashada ay ku yimaadeen Puntland, iyadoona madaxweynuhu sheegay in ay Puntland wada shaqayn dhow la leedahay Hay’adaha caalamiga ah ee ka hawl gala geeska afrika iyo guud ahaanba dalalka caalamka.

Kulankan maanta uu Madaxweynaha Puntland la yeeshay Mr. Peter De Clercq ayaa waxaa uu ku saabsanaa arimaha bani’aadanimda iyo xuquuqda dadka tabaalaysan ee reebobka duufaanada wata iyo abaaruhu aafeeyeen, kuwaas oo roobabkii dabaylaha watay ee ku dhuftay soomaaliya iyo wadamo badan oo deriska ah barakac baahsan iyo waxyeelo u geysteen.

Mr. Peter De Clercq ayaa dhankiisa sheegay inuu aad iyo aad ugaga mahad celinayo kulanka uu kulaqaatay Madaxweynaha Puntland xafiiskiisa iyo sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Puntland, isagoona dhinaca kalena uu sheegay inuu soo maray gobolada waqooyiga Soomaaliya oo iyagana duufaanadii iyo roobabkii ka da’ay todobaadkii lasoo dhaafay khasaare baaxad leh oo naf iyo maal ahba u geysteen.

Sidoo kale Peter De  Clercg ayaa sheegay inuu haatana Puntland u yimi sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaalada dadka reer guuraaga ah iyo kuwa ku teedsan dhul xeebadka Puntland ee duufaanadii iyo roobabkii sanadku halakeeyeen, islamar’ahaantaanaa ay wax uga ogaan lahaayeen xaalada bai’aadanimo iyo raadkii abaarahu ka tageen.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dawlad Gobaleedka Puntland ayaa sheegay in roobabkii duufaanada watay ee ka da’ay Puntland ay dad wax yeeleeyeen, Maamulka Puntland-na uu ka gurmaday amuurtaasi intii taagtiisaa aheyd,  balse khasaaraha dhabta ah si loo ogaado ayay Puntland u xilsaartay xeel dheerayayaal xaqiiqo raadiyeyaal ah oo kasoo warbixiya raadadka abaaruhu ka tageen iyo khasaaraha ay geysteen duufaanadii iyo roobabkii isku lamaanaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...