Home Blog Page 1297

Kim John-Un iyo Trump oo gaaray Singapore iyo Shir madaxeedka oo ka berri furmaya Sentosa.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa gaaray wadanka Singapore halkaasi oo lagu wado in uu ka dhaco kulan madaxeedka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Kan Kuuriyada Waqooyi ee Kim John.

Shir Madaxeedka labada hogaamiye ayaa loo ballan san yahay inuu si rasmi ah uga qabsoomo jasiiradda Sentosa ee dalka Singapore maalinta talaadada ah ee 12-ka June oo berri ku beegan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo inta uusan gaarin Singapore ka hadlay kulanka isaga iyo Kim John Un ay ku yeelan doonaan Singapore ayaa sheegay in ay tahay fursadda keliya ee lagu abaari karo nabadda.

Vivian Balak rishnan oo ah wasiirka Arrimaha dibadda ee wadanka Singapore ayaa ku qortay boggeeda Twitter-ka sawirka Kim kadib markii uu soo gaaray jasiiradda dalkaasi Singapore.

Waa markii ugu horreeysay oo uu Madaxweyne Trump kulan la yeesho Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim John-Un dkaasi oo lagu wado in ka dib kulanka ay yeeshaan isaga iyo Trump uu si cad u sheego in uu ka tanaasulo hubka Niyukliyeerka ee uu dalkiisu leeyahay.

Talyaaniga oo udiiday doon sidday tahriibayaal in ay ka gudbaan dekedda Talyaaniga “Sawirro”

0

Dowladda Taliyaaniga ayaa sheegtay in ay u diiday tahriibayaasha in ay ka gudbaan dekedaheeda si ay u gaaraan Yurub.

Matteo Salvini oo ah Wasiirka Arrimaha gudaha Taliyaaniga ayaa sheegay inuu diiday in doon sidday 600 oo qof tahriibayaal ah oo doonayay Yurub ay kusoo xirtaan dekadda Talyaaniga.

Mr Matteo, oo ah wasiirka cusub ee Arrimaha gudaha Talyaaniga, kana tirsan xisbiga garabka midig, oo qoraal u diray agaasinka dekedda jasiirada Malta ayaa ka dalbaday in markabka muhaajiriinta uu kusoo xirto dekadda Valletta, ee xarunta Malta.

Malta ayaa sheegtay in Wakaaladda SOS oo fadhigeedu yahay Jarmalka ay ku guuleeysatay in ay soo badbaadiso dadka muhaajiriinta ah waqti ay ku sugnaayeen biyaha dalka Liibiya.

SOS Mediterranean ayaa intaasi ku dartay in ay jiraan tahriibayaal badan oo la soo badbaadiyay kadib markii doontii ay saarnaayeen ay ku waxyeeloowday gudaha badda.

Dowladda cusub ee dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in aysan oggolaan doonin in doonyaha sida beni’aadannimada leh uga soo badbaadiyay dadka qaxootiga ah ay kusoo xirtaan dekedaha Talyaaniga.

Hadalkan ayaa soo shaac baxay kadib markii dalka yar ee kuyaala Mediterranean-ka ee Malta ay albaabadeeda u furto, sida ay sheegtay warbaahinta dalka Talyaaniga.

Ku dhowaad 33,000 oo muhaajiriin ah ayaa gaaray dalalka Yurub sanadkan iyaga oo sii maray badda.

Malta ayaa sheegtay in aysan wax ka galin howlaha badbaadada, waxaana hadalkaasi uu mugdi geliyay rajadii laga qabay in la hormariyo diblomaasiyadda aanan wanaagsanayn ee Talyaaniga iyo Maalta kuwaasi oo labaduba ka wada tirsan Midowga Yurub.

 

Eng. Yarisow oo Boggaadiyey Dardarta ay ku socdaan howllaha Doorashooyinka 2020.

Muqdisho, 10 June 2018 – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maanta soo xiray shir labo maalin soconayay oo looga hadlayay sidii bulshada Soomaaliyeed loo bari lahaa Habka codeynta Doorashooyinka oo soo qaban-qaabiyey Guddiga doorashooyinka Dalka ayaa boggaadiyey dardarta ay ku socoto u diyaar garowga doorashooyinka 2020.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa sheegtay in Qorshaha Istaratiijiga ah ee bulshada lagu barayo habka codeynta iyo shuruucda Doorashooyinka uu sal u noqon doonno howlaha uu wado Guddiga, isla markaanan uu bixin doono waddo lagu hirgeliyo nidaam huffan si loo helo doorasho la isku halayn karo oo qof iyo codkiisa sanadka 2020.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa rajo ka muujiyay in casharrada, waayo aragnimada iyo aqoonta ay kororsadeen ka qeybgalayaasha ay ka caawin doonto in bulshada Soomaaliyeed la baro nidaamka doorashooyinka, maadaama aysan aqoon u lahayn codeynta isla markaana ay bulshada ku yar yihiin dadka wax qora waxna akhriya, tani oo keenaysa in xili hore la bilaabo barashada hannaanka codeynta.

Mudane Yarisow waxuu sheegay dimoqraadiyadda iyo in tallada dib loogu celiyo shacabka ay kamid tahay ajendayaasha Dawladda dhexe iyo Maamulkiisu ay ku shaqeeyaan, maadaama lagu go’aamiyey in la qabto doorashooyin “Qof iyo Cod” ah sanadka 2020 shirkii Madaxda Qaranka, Maamul Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir ee dhowaan ka dhacay Baydhabo loogana fadhiyo guddiga in ay howshaas dar-dargeeliyaan.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa shaqooyinka muhiimka ah ee aad u haysaan bulshada Soomaaliyeed, bacdamaa lagu heshiiyey in sanadka 2020 ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah shaqada ugu badan ee arrintaas lagu hirgelinayo hortiina ayay taallaa, anaguna waxaan diyaar u nahay wixii tallo iyo tusaaale aad nooga baahan tihiin.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho oo ka hadlayay munaasabadda xiritaanka.

Eng. Yarisow ayaa ugu baaqay Guddiga Doorashooyinka Qaranka in wax walba lagu wajaho sinnaan iyo caddaalad, si kalsooni loo geliyo shacabka Soomaaliyeed iyo dhinacyada doorashada galaya, maadaama laga guurayo nidaamkii horey loogu dhaqmayay 28-kii sanno ee la soo dhaafay. Waxuna dhinaca kale xusay in Maamulka Gobolka Banaadir uu waddo u diyaar garowga doorashooyinka oo ugu horreyso dhismaha Golleyaasha deegaanka Caasimadda, si shacabka u soo doortaan hoggaankooda.

Guusha Kismaayo & Isku aadka afar dhammaadka tartan aqooneedka

Muqdisho (SNTV)-Waxaa wareegga ugu dambeeyo ee dhammaadka wareegii 3-aad caawa ku wada  tartamay degmooyinka Kismaayo & Xamar-jajab oo ka kala tirsan Jubbada-Hoose iyo Benaadir.

Tartameyaasha Degmada Xamar-Jajab ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey 7-Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen labo su’aal,  mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen. wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ay heleen waxay noqotay 4- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay 7-su’aal, waxa ay ka jawaabeen saddex  su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen labo su’al oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Xamar Jajab, wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kismaayo waxay noqotay10-dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka oo ah wareegga ugu dambeeyay ee sideed dhamadka, halka tartamayaasha Degamda Xamar Jajab ay noqotay degmadii ugu dambeysay ee loo diiwaan geliyo in ay ku hartay dhammaadka wareegga 3-aad.

Intaas kedib ayaa guddiga tartan aqooneedka bisha ramadan waxa ay go’aamiyeen  in habeen dambe wareegga 4-dhammad ay wada tartami doonaan demooyinka  Hodan & Warta Nabadda oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, halka isla habeen dambe qeybta dambe ay wada ballansanyihiin  Kismaayo & Shibis oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir.

Maamulka Gobalka Benaadir ayaa sanad kasta taaba geliyo tartanka, waxaana tabintiisa iska leh warbaahinta qaranka tartan aqooneedka Bisha Ramadan.

Ciidanka Booliska Soomaaliya oo maanta Qalab Ciidan lagu wareejiyey

0

Muqdisho (SNTV)- Taliska Ciidanka Booliska Dawladda Ingiriiska, ayaa maanta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay soo gaarsiiyey Qalab Ciidan oo ka kooban , Jaakadaha Xabadda Celiya, Katiinadaha  dambiileyaasha lagu xiro, iyo Dharka dhaxanta laga xirto, waxaana Qalabkaasi guddoomay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

Dr Cabdi Aakhiro, Guddoomiyaha Somali Support Association  oo ah Hey’adda  Booliska Ingiriiska ay u wakiisheen in qalabkaasi la gaarsiiyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa S/guuto Bashiir Warbixin ka siiyey qalabkaasi iyo Noocyada  kala duwan ee  ka kooban yahay.

Guddoomiyaha Hey’adda Somali Support Association  Dr Cabdi Aakhiro, ayaa sheegay in Deeqda qalabkaan ay ka timid Ciidanka Booliska UK, islamarkaana Hay’addiisa  loo soo wakiishay inuu gaarsiiyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isaggoo tilmaamay in waxbadan ay ka badali doonaan qalabkaan habka shaqo ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Xafiiska Warfaafinta Maaxtooyada Soomaaliya oo bilaabay barnaamij lagu ciidsiinayo carruurta ay ka geeriyoodeen wariyeyaashii Soomaaliyeed

0

Muqdisho(SNTV):–Xafiiska Warfaafinta Maaxtooyada Soomaaliya ayaa bilaabay barnaamij lagu ciidsiinayo carruurta agoonta ah ee ay ka geeriyoodeen wariyeyaashii Somaaliyeed tan iyo sanadkii 2007dii.

Madaxtooyada Soomaaliyaa ayaa ilaa haatan diiwan gelisay ku dhawaad boqol caruur ah oo la xaqiijiyey in ay ka geeriyoodeen Wariyeyaal Soomaaliyeed, iyadoona wajiga koowaad ee barnaamijkan lagu bartilmaamsanayo agoonta saxafiyiintii ka hawl geli jiray magaalada Muqdisho.

Madaxa Xiriirka Warbaahinta ee Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabirisaaq Jaamac Cilmi (Black) oo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ay ka wareysatay olalahan ayaa xaqiijiyey in ujeedka laga leeyahay arrinkan uu yahay sidii loo maamuusi lahaa wariyeyaashii Soomaaliyeed ee geeriyooday, iyagoona ka soo shaqeeyey dalka marxalad adag ee la soo maray.

“Waxaan rajaynaynaa in intan ay ka mug-weynaadaan qorsheyaasha iyo barnaamijyada ku wajahan qooysaska ay ka tageen wariyeyaashii Soomaaliyeed, gaar ahaan carruurtooda oo runtii xaq badan ku leh dadka Soomaaliyeed, maadama inbadan oo ka mid ah ay naftooda u horeen dalkooda, argagixisada Alshabaabna ay u bar-tilmaamsatay arrinkan.”

Cabdirisaaq Black oo hormuud ka ah olalahan ayaa sheegay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay barnaamijkan lagu ciidsiinayo agoomaha saxafiyiinta, maadama isagu uu ka mid ahaa wariyeyaashii ay dhibaateysay kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, si dhawna uu u dareemi karo culeyska ay la nool yihiin qoysaskaasi.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa soo jeediyey in la asteeyo sanduuq dhaqaale oo gaar ah u qooysaska iyo agoomaha ay ka tageen wariyeyaasha Soomaaliyeed, si loogu kabo baahiyahooda nolaleed gaar ahaan caafimadkooda, barbaarinta iyo waxbarashadooda.

Madaxweynaha Puntland oo Xarigga Ka Jaray Waddada Wasaaraddaha ee Puntland.

Garoowe(SNTV):–Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taarikhdu tahay 10 June 2018 ayaa waxa uu xarigga ka jaray waddada Wasaaraddaha ee Puntland, waddadaas oo laga hirgeliyey magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ku weheliyey xafladda furitaanka waddada Wasaaraddaha maamulka dagmada Garoowe, qaar kamida golaha xukuumadda, saraakiil katirsan madaxtooyada, Ganacsato iyo Marti sharaf kale.

Waddadan cusub ee Wasaaraddaha ayaa dheerakeedu yahay 1.5 KM, waxaana ku baxday lacag gaaraysa 200,000$, iyadoona  ay dhistay shirkad laga leeyahay Turkiga taasi oo ah shirkadii dhistay Garoonka diyaarada magaalada Garoowe ee Gen. Mohamed Abshir.

Dhismaha Waddada ayaa waxaa lagu dhisay barnaamijkii  Puntland ee isku tashiga waxaana bixsay Dawladda Gobelleedka Puntland dhammaan kharshkii ku baxay hirgelinta mashruucan oo kamid noqonaya wadooyinka ugu bilicda wanaagsan guud ahaan Puntland marka lafiiriyo tayada dhismaha waddada iyo nashqadayntaba.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyey xarig jarkii waddada Waasaaraddaha ayaa sheegay in waddadan ay tahay wado halbowle ah oo faa’iidooyin badan wadanka kusoo kordhindoonta oo ay ugu horyso bilicda iyo isku socodka gaadiidka.

Ugu danbeyn, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay waddadan in ay ku timaaday isku tashigii Puntland, wax badana lagu qabtay isku tashigaa uuna rajeenayo in wax badan oo  danbe lagu qaban doono, isla’markaana waxaa uu madaxweynuhu sheegay in dadka latuso inay wax qabsan karaan ayagoon cid kale wax kasugin.

Duqa Muqdisho oo amray in la burburiyo dhismaha Piazza Libera ee Ceelgaab

0

Muqdisho, 10 June 2018 – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta amray in la burburiyo dhismaha Piazza Libera ee Ceelgaabta bacdamaa goobtaas ay tahay mid dan guud si loogu soo celiyo sideedii hore.

Duqa Muqdisho ayaa kal hore hakiyey dhismaha goobtan ka dibna u direy baaris rasmi ah. Iyadoo la fulinayo awaamiirta Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayuu Duqa Muqdisho maanta bixiyey amarkan burburinta.

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa yiri “Markaan xilka qabtay ayaan hakinay dhismahan, ka dib baaris dheer waxaa soo baxday inaan si sharciga waafaqsan loo bixin dhulkaas, uuna ahaa yahayna weli mid dan guud. Sidoo kale markii aan la tashiyo la sameeyey Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaan ku go’aaminey inaan dhulalka dawladda la bixin karin iyadoon loo marin nidaamka sharciga ah.”

Eng. Yarisow ayaa sidoo kale u diray digniin dhammaan dadka degan dhulalkii danta guud sida Jardiinooyinkii iyo xarumaha dawladda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u banneeyaan, ciddii awaamiirtan diidana sida tan oo kala loo burburin doono goob walba oo dhise sharci darro ah laga sameeyo.

Eng. Yarisow ayaa ugu danbeyntii sheegey inuu doonayo in Caasimadda lagu soo celiyo sidii ay ahaan jirtey berisamaadkii oo goobihii jardiinooyinka iyo xarumaha bila bilicda magaalada dib loo dhiso, si bushada uga wada faa’iideysato.

Ciidanka Xoogga Dalka oo burburyay Saldhigyo ay Alshabaab ku lahaayeen duleedka Kismaayo qasaarana Gaarsiiyay

Kismaayo(SNTV)- Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Jubbaland iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa nabadiidka Al-shabaab kala wareegay degaanka baarsanguuni oo Magaalada kismaayo u jira 50km,hlkasi oo qasaarooyin loogu geystay Alshabaab.
In kabadan 25 kamid ah horjoogayaasha iyo maleeshiyada Alshabaab ayaa lagu soo waramaya in lagu dilay howlgalkaasi qorsheysnaa,sida ays heegeen saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka ee hoggaaminaysay howlgalkaasi.

Taliyaha qeybta 43Aad ee ciidanka Xoogga dalka Janaraal Ismaciil saxardiid oo la hadlay idaacadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in lagu guuleestay howlgalkii ka socday nawaaxiga baarsanguuni,isagoona tilmaamay in howlgalka ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxiibada Caalamiga ah.

“Ciidamada xoogga dalka oo taagero ka helayo ciidamo mareykan ah ayaa ku guuleestay xureynta degaanka baarsanguuni waxaana degaanka laga weeraray labo jiho oo ciidamada ku qabsadeen degaanka sidoo kale waxaan la wareegnay hub iyo saanad ciidan oo ay lahayeen nabadiidka Al-shabaab’’ayuu yiri Saxardiid.
Sidoo kale Janaraal  Saxardiid waxa uu xusay in howlgalka ay ciidamada ay kusoo qabteen ku dhawaad 35 maleyshiyaad ka tirsan nabadiidka.

“Waxaan gacanta ku dhigay maleyshiyaad iyo horjogayaal ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo tiradooda gaareysa 35 nabadiidka Al-shabaab,Awooda ciidamada Xoogga dalka markii ay u dulqaadan waayeen ayay surta gal noqotay in ay ciidamada gacanta ku dhigaan horjogayaasha iyo maleyshiyaadkaan ka tirsan nabadiidka Al-shabaab”.ayuu intaasi ku daray Janaraal Saxardiid.

Firxadka maleeshiyada Alshabaab ayaa laga dareemayay deeganao ka tirsan Jubadda Hoose,kuwaasi oo u sii cararay deegaanada howdka ah ee Jubboyinka,balse waxaa weli daba joogaa Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Ra’isul wasaare Kheyre oo shacab iyo ciidan kula saxuurtay qeyba kamid ah Muqdisho

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul Wasaaraha Xukumadd Federalka Soomaaliya ayaa kormeer Amni waxa uu ku sameeyey inta badan degmooyinka Gobolka Benaadir, halkaasi oo uu ku booqday iyadoo roob da’ayo ciidamada amniga oo waajiboodkooda qaran gudanaya.

Wasiirka amniga, saraakiisha ciidamada amniga iyo  ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobalka ayaa ku wehliyay kormeerka Ra’uisul wasaarahu sameeyey xalay xilli dambe.

Ciidamada ayuu ku dhiiri geliyay in ay waajibkooda gutaan isagoo sidoo kale Ra’isul wasaaraha daba socday amarkii Madaxweynaha ee ahaa in loo fududeeyo shacabka isku socodka.

Intii uu ku jiray kormeerkiisa ayuu Ra’isul wasaare Kheyre la qeybsaday saxuurta dadweynaha qeyba kamid ah waddada warshadaha iyo Suuqa-weyn ee Bakaaraha.

Kormeerkaasi kedib waxaa warbaahinta la  hadlay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobalka Benaadir, waxa uuna safarka Ra’isul wasaaraha ku sheegay in uu ugu kuur gelayay xaaladda amni.

Ra’isul wasaaraha ayaa badi ciidamada amniga ku dhiiri geliyay shaqada ay hayaan isagoona booqday habeenada qaar fariisimaha ciidamada amniga ay ku lee yihiin  daafaha iyo gudaha magaalada Muqdisho.