Eng. Yarisow oo Boggaadiyey Dardarta ay ku socdaan howllaha Doorashooyinka 2020.

Date:

Muqdisho, 10 June 2018 – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maanta soo xiray shir labo maalin soconayay oo looga hadlayay sidii bulshada Soomaaliyeed loo bari lahaa Habka codeynta Doorashooyinka oo soo qaban-qaabiyey Guddiga doorashooyinka Dalka ayaa boggaadiyey dardarta ay ku socoto u diyaar garowga doorashooyinka 2020.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa sheegtay in Qorshaha Istaratiijiga ah ee bulshada lagu barayo habka codeynta iyo shuruucda Doorashooyinka uu sal u noqon doonno howlaha uu wado Guddiga, isla markaanan uu bixin doono waddo lagu hirgeliyo nidaam huffan si loo helo doorasho la isku halayn karo oo qof iyo codkiisa sanadka 2020.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa rajo ka muujiyay in casharrada, waayo aragnimada iyo aqoonta ay kororsadeen ka qeybgalayaasha ay ka caawin doonto in bulshada Soomaaliyeed la baro nidaamka doorashooyinka, maadaama aysan aqoon u lahayn codeynta isla markaana ay bulshada ku yar yihiin dadka wax qora waxna akhriya, tani oo keenaysa in xili hore la bilaabo barashada hannaanka codeynta.

Mudane Yarisow waxuu sheegay dimoqraadiyadda iyo in tallada dib loogu celiyo shacabka ay kamid tahay ajendayaasha Dawladda dhexe iyo Maamulkiisu ay ku shaqeeyaan, maadaama lagu go’aamiyey in la qabto doorashooyin “Qof iyo Cod” ah sanadka 2020 shirkii Madaxda Qaranka, Maamul Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir ee dhowaan ka dhacay Baydhabo loogana fadhiyo guddiga in ay howshaas dar-dargeeliyaan.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa shaqooyinka muhiimka ah ee aad u haysaan bulshada Soomaaliyeed, bacdamaa lagu heshiiyey in sanadka 2020 ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah shaqada ugu badan ee arrintaas lagu hirgelinayo hortiina ayay taallaa, anaguna waxaan diyaar u nahay wixii tallo iyo tusaaale aad nooga baahan tihiin.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho oo ka hadlayay munaasabadda xiritaanka.

Eng. Yarisow ayaa ugu baaqay Guddiga Doorashooyinka Qaranka in wax walba lagu wajaho sinnaan iyo caddaalad, si kalsooni loo geliyo shacabka Soomaaliyeed iyo dhinacyada doorashada galaya, maadaama laga guurayo nidaamkii horey loogu dhaqmayay 28-kii sanno ee la soo dhaafay. Waxuna dhinaca kale xusay in Maamulka Gobolka Banaadir uu waddo u diyaar garowga doorashooyinka oo ugu horreyso dhismaha Golleyaasha deegaanka Caasimadda, si shacabka u soo doortaan hoggaankooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Switzerland oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoontay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Switzerland Marwo Karin Keller-Sutter oo Warqadaha Aqoonsiga ka...

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay Qoysas danyar ah oo ku suugan duleedka Guriceel

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), ayaa gargaar raashin...

R/W Xamse “Tallaabo ayaa laga qaadi doonaa cid kasta oo dhib u gaysata haweenka Soomaaliyeed”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧...