Ciidanka Xoogga Dalka oo burburyay Saldhigyo ay Alshabaab ku lahaayeen duleedka Kismaayo qasaarana Gaarsiiyay

Date:

Kismaayo(SNTV)- Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Jubbaland iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa nabadiidka Al-shabaab kala wareegay degaanka baarsanguuni oo Magaalada kismaayo u jira 50km,hlkasi oo qasaarooyin loogu geystay Alshabaab.
In kabadan 25 kamid ah horjoogayaasha iyo maleeshiyada Alshabaab ayaa lagu soo waramaya in lagu dilay howlgalkaasi qorsheysnaa,sida ays heegeen saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka ee hoggaaminaysay howlgalkaasi.

Taliyaha qeybta 43Aad ee ciidanka Xoogga dalka Janaraal Ismaciil saxardiid oo la hadlay idaacadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in lagu guuleestay howlgalkii ka socday nawaaxiga baarsanguuni,isagoona tilmaamay in howlgalka ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxiibada Caalamiga ah.

“Ciidamada xoogga dalka oo taagero ka helayo ciidamo mareykan ah ayaa ku guuleestay xureynta degaanka baarsanguuni waxaana degaanka laga weeraray labo jiho oo ciidamada ku qabsadeen degaanka sidoo kale waxaan la wareegnay hub iyo saanad ciidan oo ay lahayeen nabadiidka Al-shabaab’’ayuu yiri Saxardiid.
Sidoo kale Janaraal  Saxardiid waxa uu xusay in howlgalka ay ciidamada ay kusoo qabteen ku dhawaad 35 maleyshiyaad ka tirsan nabadiidka.

“Waxaan gacanta ku dhigay maleyshiyaad iyo horjogayaal ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo tiradooda gaareysa 35 nabadiidka Al-shabaab,Awooda ciidamada Xoogga dalka markii ay u dulqaadan waayeen ayay surta gal noqotay in ay ciidamada gacanta ku dhigaan horjogayaasha iyo maleyshiyaadkaan ka tirsan nabadiidka Al-shabaab”.ayuu intaasi ku daray Janaraal Saxardiid.

Firxadka maleeshiyada Alshabaab ayaa laga dareemayay deeganao ka tirsan Jubadda Hoose,kuwaasi oo u sii cararay deegaanada howdka ah ee Jubboyinka,balse waxaa weli daba joogaa Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...