Kim John-Un iyo Trump oo gaaray Singapore iyo Shir madaxeedka oo ka berri furmaya Sentosa.

Date:

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa gaaray wadanka Singapore halkaasi oo lagu wado in uu ka dhaco kulan madaxeedka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Kan Kuuriyada Waqooyi ee Kim John.

Shir Madaxeedka labada hogaamiye ayaa loo ballan san yahay inuu si rasmi ah uga qabsoomo jasiiradda Sentosa ee dalka Singapore maalinta talaadada ah ee 12-ka June oo berri ku beegan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo inta uusan gaarin Singapore ka hadlay kulanka isaga iyo Kim John Un ay ku yeelan doonaan Singapore ayaa sheegay in ay tahay fursadda keliya ee lagu abaari karo nabadda.

Vivian Balak rishnan oo ah wasiirka Arrimaha dibadda ee wadanka Singapore ayaa ku qortay boggeeda Twitter-ka sawirka Kim kadib markii uu soo gaaray jasiiradda dalkaasi Singapore.

Waa markii ugu horreeysay oo uu Madaxweyne Trump kulan la yeesho Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim John-Un dkaasi oo lagu wado in ka dib kulanka ay yeeshaan isaga iyo Trump uu si cad u sheego in uu ka tanaasulo hubka Niyukliyeerka ee uu dalkiisu leeyahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...