Duqa Muqdisho oo amray in la burburiyo dhismaha Piazza Libera ee Ceelgaab

Date:

Muqdisho, 10 June 2018 – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta amray in la burburiyo dhismaha Piazza Libera ee Ceelgaabta bacdamaa goobtaas ay tahay mid dan guud si loogu soo celiyo sideedii hore.

Duqa Muqdisho ayaa kal hore hakiyey dhismaha goobtan ka dibna u direy baaris rasmi ah. Iyadoo la fulinayo awaamiirta Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayuu Duqa Muqdisho maanta bixiyey amarkan burburinta.

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa yiri “Markaan xilka qabtay ayaan hakinay dhismahan, ka dib baaris dheer waxaa soo baxday inaan si sharciga waafaqsan loo bixin dhulkaas, uuna ahaa yahayna weli mid dan guud. Sidoo kale markii aan la tashiyo la sameeyey Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaan ku go’aaminey inaan dhulalka dawladda la bixin karin iyadoon loo marin nidaamka sharciga ah.”

Eng. Yarisow ayaa sidoo kale u diray digniin dhammaan dadka degan dhulalkii danta guud sida Jardiinooyinkii iyo xarumaha dawladda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u banneeyaan, ciddii awaamiirtan diidana sida tan oo kala loo burburin doono goob walba oo dhise sharci darro ah laga sameeyo.

Eng. Yarisow ayaa ugu danbeyntii sheegey inuu doonayo in Caasimadda lagu soo celiyo sidii ay ahaan jirtey berisamaadkii oo goobihii jardiinooyinka iyo xarumaha bila bilicda magaalada dib loo dhiso, si bushada uga wada faa’iideysato.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta...

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu furayaa Shirka Madasha Arrimaha...

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha SoDMA

Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada...