Home Blog Page 1296

Taliyaha Hogaanka Howl-galinta CXD oo booqday Degaanadii Al-shabaab laga Xureeyay ee Jubbooyinka

Kismaayo(SNTV):–Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha howl-galinta ciidanka xoogga dalka General Maxamed Sheekh Madoowe ayaa booqday Deegaanada Jubboyinka ee dhawaan laga xureeyay Maleyshiyada Nabadiidka Al-shabaab

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ayaa booqday deegaanada kala ah Baar-sanguuni,kaban iyo Tuulo hoos tagta Degmada jamaame, iyagoona u kuur galay Amniga deegaanadaasi.

Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga dalka General Cismaaciil Saxardiid  ayaa ugu warbixiyay Taliyaha hogaanka howl-galinta ciidanka goobaha ciidamada xoogga dalka ay ka xureeyeen Nabadiidka Al-shabaab.

General Maxamed  Sheekh Madoowe Taliyaha ayaa duleedka Degaanka Kaban kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, isagoona sheegay in loo diyaar garoobay dagaalka ka dhanka ah Nabadiidka Al-shabaab.

Taliyaha Hogaanka Howlgalinta Ciidanka xoogga dalka General Maxamed Sheekh Madoowe ayaa Ciidamada Kula dar-daarmay in ay shacabka u naxaan, isla markaasna ay ku wargaliyaan Shacabka in ay yihiin Ciidan Qaran oo u taagan difaacooda.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradaha Maaliyadda, Warfaafinta & dowladda Hoose

Muqdisho(SNTV):—-Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeer howleed ku tegay wasaaradaha Maaliyadda iyo Warfaafinta si uu ugu kuur galo habsami u socodka howlaha ballaaran ee wasaaraduhu u hayaan Qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ku hor-maray Xarunta wasaaradda maaliyadda waxuuna kula kulmay wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo uga warbixiyay horumarka ballaaran ee dhanka maaliyadda laga gaaray iyo meesha ay marayaan arimah Cafinta Deymaha oo maraya jiro wajigii ugu danbeeyay (SMP3).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaa kadib booqday wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen wasiirka wasaaradda, Amb. Daahir Maxamuud Geelle, wasiir ku xigeenka, agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyaha.

R’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa soo indha-indheeyay Raadiyow Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), waxuuna warbixinno ka dhageystay agaasimayaasha raadiyaha iyo TV-ga oo uga warbixiyay sida howluhu u socdaan, intaas kadib Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka warfaafinta ayaa qaatay kulan gaar ah oo wasiirku uga warbixinayay wixii u qabsoomay tan iyo markii uu dhawaan la wareegay wasaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirada faray in ay laba jibbaaraan dadaallada si loo xaqiijiyo hadafka guud ee ah Soomaaliya oo mar labaad cagaheeda isku taagto, looguna gudbo horumar iyo barwaaqo.

R’iisul Wasaaraha ayaa sidaas oo kale kormeer ku tegay xarunta Gobalka Banaadir, isaga oo kulan la qaatay gudoomiyaha, kuxigeennadiisa iyo Xog-hayaha guud, oo uga warbixiyay horumaradii ugu danbeeyay ee gobalku ku tillaabsaday.

Kormeerka ayaa qeyb ka ahaa howlaha kor-joogteyna ee R’iisul wasaaruhu kula socdo shaqooyinka wasiirradda xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta, si mar waliba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha u yaalla.

Wasiirka Amniga XFS oo saxiixay heshiis 40 Milyan ku kacaya oo Booliiska lagu dhisayo

0

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuuker Isloow Ducaale ayaa maanta Heshiis dib loogu dhisayo Ciidanka Booliska Soomaaliya Heer Federalka iyo Heer Dowlad Goboleed la saxiixday Peter De Clercq oo ah ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Heshiiskaan oo ay ku baxayso In ka badan 40 Milyan oo Dollar ayaa waxa bixinaya Midowga Yurub , Ingiriiska iyo Dowlada Jarmalka oo ka mid ah Dalalka Midowga Yurub laakiin si gaara u taageerta Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Munaasabada Heshiiska lagu saxiixayay waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, Masuuliyiin ka kala socday Dowlad Federaalka, Wasiirada Amniga Dowlad Goboleedyada Dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xubno ka socday Beesha Caalamka.

Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii dib u dhis xoogan loogu sameyn lahaa qeybaha kala duwan ee ciidamada dalka, oo Habeen iyo Maalin naftooda u huray Shacabka,  iyadoo Dowladaha saaxiibka dhow la ah ay balanqaadeen inay kaalin muuqata ka qaadan doonaan sidii loosoo celin lahaa Awoodii ay lahaayeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya.

Kismaayo & Warta-Nabadda oo isugu soo haray gaba-gabada tartan aqooneedka bisha Ramadan

Muqdisho (SNTV)-Tartanka caawa waxaa wada ballansanaa degmoooyin 4-ah oo isugu soo  haray afar dhammaadka tartanka,  Qeybta hore ee tartanka ayaa waxaa isku arkay degmooyinka Warta-Nabadda & Hodan halka qeybta dambe ee tartanka ay  is arkeen degmooyinka Kismaayo & Shibis.

Tartameyaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey 7- Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Hal su’aal,  mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen. sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Hodan ay heleen waxay noqotay 2- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay 7– su’aal, waxa ay ka jawaabeen saddex  su’aal, waxa  ayna  ka faa’iideysteen labo su’al oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Hodan, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Warta Nabadda waxay noqotay 10- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga ugu dambeeya ee tartanka, halka tartamayaasha Degamda Hodan ay u tartami doonto kaalinta 3-aad.

Dhanka kale isla habeenkan caawa ah waxaa tartan aqooneedka bisha Ramadan ee warbaahinta Qaranka ku tartamay degmooyinka kismaayo & Shibis.

Tartameyaasha Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey 7- Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen afar su’aal,  mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen. sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Shibis ay heleen waxa  ay noqotay 8- dhibcood.

Kismaayo

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay 7- su’aal, waxa ay ka jawaabeen shan  su’aal, iwaxa ayna  ka faa’iideysteen hal su’al oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Shibis, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kismaayo waxay noqotay 12- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa caawa u soo gudbay wareegga ugu dambeeya ee tartanka, halka tartamayaasha Degamda Shibis ay u tartami doonto kaalinta 3-aad.

Tartanka ay tabineyso warbaahinta Qaranka isla markaana uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir waxaa habeen dambe kaalinta 3-aad u wada tartami doono degmooyinka Hodan & Shibis oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada oo lacag ciidsiin ah u qeybiyey kudhawaad 100 carruur ah oo ay dhaleen wariyaashii ku dhintay Muqdisho

Muqdisho(SNTV):–Carruurtan oo ay ka tageen 25 wariye oo Muqdisho ku dhintay laga soo bilaabo 2007-dii ayaa waxaa maanta loo qeybiyay lacag ciidsiin ah oo uu ugu tala galay Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka warbaahinta ee Madaxtooyada Soomaaliya.

C/risaaq Jaamac Cilmi Black oo ah madaxa xiriirka warbaahinta ee Madaxtooyada ayaa sheegay in Xafiiska warfaafintu uu diyaar u yahay in uu kaalin muuqata ka qaato daryeelka agoonta wariyaasha, sidoo kalana uu dhiirigalinayo qorshe kasta oo wax loogu qabanayo carruurtaas.

“Waxaan u soo jeedineynaa warbaahinta in ay u istaagaan sidii loo abuuri lahaa Sanduuq dhaqaale oo agoonta wariyaasha ka caawiya, barbaarintooda waxbarashadooda iyo caafimaadkooda.” ayuu yiri Black.

Dhinaca kale C/laahi Cusmaan Faarax oo ku hadlay magaca guddi wariyaal ah oo Xafiiska warfaafinta kala shaqeeyay raadinta iyo tirakoobka agoonta ayaa sheegay in wariyaasha Soomaaliyeed ay dhiiri-galin u tahay in garab istaag loo muujiyo carruurtii ay ka dhinteen saaxiibadooda shaqo, lana ciidsiiyo maadaama waalidiintoodu ay geeriyooday iyaga oo bulshada Soomaaliyeed u adeegaya.

Agaasimaha Radio Shabeele Abuukar Sky oo isna munaasabadda lacagta lagu qeybinayay ka hadlaya ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horreysay oo si wada jir ah xaqul-ciid loo siiyo carruurtii ay wariyaashu ka dhinteen, waxa uuna intaas ku daray in ay muhiim tahay in la sii joogteeyo ka warqabka agoonta wariyaasha.

Munaasabaddan lacag qeybinta oo ka dhacday Beerta Nabadda ee Muqdisho waxaa goobjoog ka ahaa, Abwaan Cusmaan C/laahi Guure maareeyaha tiyaatarka qaranka, C/fitaax Maxamuud Siyaad Arizona Agaasimaha warfaafinta ee Gobolka Banaadir, C/laahi Xirsi Kulmiye Agaasimaha bariga iyo bartama Afrika ee Telefishinka Universal, Abuukar Sheikh Maxamuud Sky Agaasimaha Radio Shabeele, Wariye C/risaaq Catoosh, wariyaal iyo qaar ka mid ah waalidiinta carruura agoonta ah.

Generaal Thomas Waldhauser” Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii looga hortagi lahaa ficilada foosha xun ka hor inta aysan dhicin.”

Muqdisho(SNTV);– War ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareynkanka ee Afrikaa ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareynkanka oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii kordhin doonaan dadaalada lagu doonayo in lagu yareeyo qatarka Argagixisada Soomaaliya sida Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish,kuwaasi oo hadda awoodooda Militari ay hoos u sii dhaceyso.

Taliyaha Ciidamada Mareynkanka ee Afrika General Thomas Waldhauser,ayaa sheegay in Ciidamada Mareynkanka ay la talin iyo caawinba ay siiyaan Gobolka,oo ay ka mid yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Midowga Africa ee ka howlgala Soomaaliya (AMISOM),wuxuuna carabka ku adkeeyay iney ku dadaalayaan sidii ay ku dhisi lahaayeen istaraatijiyada Bariga Africa.

“Istaraatiijiyadayada Bariga Afrika waa in la dhiso Awooda saaxiibadayada si loo hubiyo in laga adkaado rabshadaha ururada xag-jirka ah, ee doonaya inay waxyeellada soo gaarto gobolka, rabana in ay waxyeeleeyaan qaarada yurub, ugu dambeyntii waxay doonayaan in ay waxyeeleeyaan Mareykanka, ,” ayuu yiri General Thomas Waldhauser, Taliyaha Ciidamada Mareynkanka ee Afrika.

Sidoo kale,Generaal Thomas Waldhauser “ayaa sheegay in si fudud uga shaqeyn doonaan  sidii looga hortagi lahaa ficilada foosha xun ka hor inta aysan dhicin.”

Warka ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareynkanka ee Africa ayaa ku soo aadaya xilli, June 8, 2018, howlgal si wadajir ah Jubbaland uga fuliyeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareynkanka laguna bartilmaameedsaday Kooxda Argagixisada Al-Shabaab lagu dilay askari ka tirsan Ciidanka gaarka ah ee Mareynkanka afar kalena lagu dhaawaca.

Mareynkanka oo duqeymo dhowr ah ka fuliyay Soomaaliya ayaa ku dilay dagaalyano iyo Saraakiil ka tirsan Kooxda Argagixisada Al-Shabaab,kuwaasi oo dhibaato badan ku hayay dadka Shacabka ah.

Mid ka mid ah Dugsiyda waxbarashada ee Soomaalida Sweden oo ku guuleystay kaalinta koowaad

0

Stockholm-(SNTV)-Dugsiga hoose dhexe ee Kista International School oo ay maamulaan  aqoonyahanno ku bahoobay ururka waxbarashada ee Alkowneyn ayaa Sanadkan kaalinta koowaad ka galay Dugisiga ugu wanaagsan ee heerka waxbaridda ubadka, ka dib markii daraasd lagu sameeyay in ka badan Kun Dugsi oo ku yaalla Dalkan Sweweden.

Warbixintan ayaa lagu soo bandhigay xeritaanka Sanad Dugsiyeedka  2017/2018 iyo sagootinta Ardayda ka aflaxday Fasalka Sagaalaadka ee u gudbeysa Dugsiga sare, waxaana munaasabadan oo si qurux badan loo soo agaasimay  abaalmarinno kala duwan lagu guddoonsiiyey qaar ka mid ah waaliddiinta firfircoon iyo Ardadayda heerarkooda kala duwan.

Sheekh Daahir Jeyte oo kamid ah maamulka iskuulkaasi ayaa faah faahin ka bixiyay guulaha Iskuulkaasi uu gaaray iyo qiimeynta dowladda Swedan ay ku sameysay iskuulaadka waxbarasho ee kuyaala dalkaasi.

“Marka hore ilaahay ayaa mahadda iska leh,marka xigtana shaqalaah ka shaqeeya ayaan u mahadcelinayaa oo guushaasi qeyb ka qaatay,kadib juhdigii la geliyay,hanoqoto waalidiinta Caruurta,macalimiinta dhamaantooda,sababtoo ah iskuulkaana waxaa la aas aasey 2010,raacii dhexe ee 2015-2016 waxaan galnay kaalinta 4-aad wadanka oo
dhan,sanadkaan ilaahay mahaddiisa waxaan soo galnay kaalinta koowaad,487 iskuul ayaan kaalinta koowaad kaga jirnaa,taasi waxay ku
timid ilaahay oo inoo fududeeyay iyo juhdigii aan bixinay,waxaana kamid ah caawinaada caruurta,gaar ahaan meel ka baxsan iskuulka marka ay joogaan”.ayuu yiri Sheekh Daahir.

Dhammaan ka qayb galayaasha Xafladdan lagu sagootinayay Ardaydan ka gudubtay Dugsiga dhexe iyo Waaliddiintii halkaasi ku sugnayn ayaa si weyn ula dhacday habka Wax barista dhallaanka oo isugu jira Soomaali iyo Swedesh, waxanay ballan qaadeen inay kalsoonida ay ku qabaan sii Laba laabi doonaan.

Madaxweyne Axmed Madoobe”Way sii socon doonaan howlgalada ka dhanka ah Alshabaab”

Kismaayo(SNTV)- Kadib howlgal ballaaran oo lagu qaarijiyay maleeshiyaad iyo horjoogayaal badan oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab oo ka dhacay deegaanada Waqooyi ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa halkaasi tagay madaxweynaah Jubbaland Axmed Madoobe.

Ujeedka socdaalkiisi oo uu ahaa ukuur-galka xaaladda deegaanadaasi ayuu madaxweynaaha wuxuu warbixinno ka dhageystay saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka lagula dagaalamaya maleeshiyada Alshabaab.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa siweyn ugu ammaanay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland sida ay u dhabar jebiyeen dhagarta kooxda Shabaab,wuxuuna intaasi ku daray in ay sii socondoonaan howlgalada ka dhanka Ah Alshabaab.

Madaxweynahu waxaa uu tagay dhamaan deegaanadii ugu danbeeyay ee Al-shabaab laga saaray isagoo Ciidamada ku booriyay in ay u dhabar adaygaan halganka ay wadanka ku xoraynayaan,wuxuuna intaasi sii raaciyay in dhul dambe oo laga qabtay Alshabaab aan dib ugu soo laaban doonin.

Wuxuu ugu baaqay shacabka ku nool deegaanada Jubbaland in ay ciidamadu kala shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa nabadgeliyada deegaanadaasi,iyagana laga dulqaado dhibaatooyinka ay ku qabaan kooxaha argagixisada ah ee Alshabaab.

Booqashada madaxweynaha Jubbaland ayaa ku soo beegmaysa kadib dagaal deegaanka Baarsanguuni uu ku dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo Maleeshiyada Shabaab,dagaalkaasi oo jab xoogan lagu gaarsiiyay Alshabaab.

Soomaaliya oo ka baxdey Liiska waddamada ugu amni darrada xun adduunka.

Warbixintaan oo sannadle ah ayaa lagu qiimeeyaa waddamada ugu amniga badan iyo tobanka dalk ee ugu  amni darrada badan caalamka,  sida ay baahiso Hey’adda Globol Law and Order Index ee falanqeysa Arrimaha Amniga caalamka iyo deganaanshihiisa.

Soomaaliya oo ku dhowaad 30 sannadood ku jirtay xaalado degnaasho la’aan ayaa hadda u muuqata mid uga xuub siibaneysa si  tartiib-tartiib ah oo ay aamisan tahay ahey’adda Globol Law and Order Index.

Liiska 10-ka dalka ee ugu badni darrada  badan  waxaa safka hore ka galay waddamada kala ah.

  1. Sierra-Leone
  2. Botswana
  3. Dominican Republic
  4. Mexico
  5. South Africa
  6. Liberia
  7. Gabon
  8. South Sudan
  9. Afghanistan
  10. Venezuela

Warbixinta ayaa diiradda saartay dalka Venezuela oo kalinta koowaad ka galay waddamada ugu amni darrada badan caalamka, tan oo tusaale cad u ah in Soomaaliya ay horey u qaadday  tallaabooyin amni iyo mid dhaqaale oo ay hey’adaha cilmibaarits iyo dabagalka caalamka si weyn u hadal hayaan.

Warbixinta ayaa qireysa in dalalka 10-ka ah  cel-celis ahaan maalintiiba ay ka dhacaan dilal loo fuliyey si argagax leh iyo weerarro geysta khasaare dhisamasho oo baaxad leh.

Soomaaliya ayaa ku dedaaleysa in ay cagaha u dhigto amnigeeda, xilli ay socdaan dhismaha iyo dib u habbeynta hey’adaha iyo ciidammada amniga, waa mid ka mid ah fursadaha tusaalaha u ah dowladda Federaalka Soomaaliya in laga saaro Liiska dalalka degnaansho la’aanta amni uu ka jiro, sida ku cad warbixinta hey’adda Globol Law and Order Index.

 

 

 

 

 

Madaxda Masar iyo Ethiopia oo ku heshiiyey wadaagga biyaha wabiga Nile

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa madaxwaynaha dalka Masar kala hadlay wadaagga biyaha wabiga Nile oo wadamo badan oo gobolka ah ay ka faa’iidaystaan.

Dr Abiy Axmed oo socdaal rasmi ah ku tagay Qaahira ayaa madaxwaynaha Masar Cabdil Fitaax Alsisi u xaqiijiyey in Ethiopia aysan doonaynin sad dheeraad ah oo ay ka hesho biyaha wabiga, ayna diyaar u tahay daris wanaag iyo nabad ku wada noolaasho.

Ethiopia ayaa biyo xireenka Abaay ku maalgalinaysa 4-bilyan oo Doller, kaas oo ah kan ugu wayn Africa, taas oo wadamada Nile la wadaaga ku abuurtay shaki ku aadan inay waayaan saamigooda.