Home Blog Page 1298

Shir madaxeedka G7 oo laysku maan dhaafay kadib War-murtiyeedka shirka “Sawirro”.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump dafiray soo dhoweeyn uu horey u soo dhoweeyay war murtiyeed laga soo saaray dhammaadka shir madaxeedka wadamada G7 isagoo dalka Kanada ku eedeeyay waxa ugu ku tilmaamay “Daacad darro”.

Waxa uu sheegay in wadamada kale ay ku soo rogeen canshuur baaxad weyn dalka Mareykanka.

War murtiyeedka, oo looga hadlay “shuruuc ku saleeysan habka ganacsiga”, ayaa la gaaray xilli ay xiisad ka taagan canshuurta tariifada ee laga qaado walxaha biraha iyo qalabka biraha dhismaha ee lala soo dego.

R/wasaaraha Kanada Justin Trudeau ayaa wacad ku maray in horey loo wado canshuuro aargoosi ah oo lagu soo rogayo waxyaabaha laga keeno dalka Mareykanka marka la gaaro 1-da bisha July ee nasoo aadan.

Isagoo ka hadlayay shirjiraa’id, waxa uu ku tilmaamay in ay ahayd “aflagaado” go’aanka Trump waxa uu ku sheegay walaacyada Amniga qaranka si uu cudur daar ugu sameeyo tariifooyinka canshuuraha ee uu kusoo rogay ganacsiga biraha ee metallic aluminum-ka.

“waa wax lag shalaayo laakiin waxa ay noqon doontaa xal la kala cadeeyo marka aan horey ugu dhaqaaqno talaabooyin aargudasho leh 1-da bisha July,” sidaasi waxaa sheegay Mr Trudeau. “dadka Kanada waa dad xushmad badan oo xaqiiqada ku taagan balse ma noqon doono kuwa lagu riixo waxyaabahaasi.” Ayuu yiri Justin Trudeau.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo dhinaciisa ka hadlay arrintan ayaa hadaladiisa aad uga fogaa oo aanan kusoo darin ereyadii uu horey u jeediyay hadda kahor, labada mas’uul ayaa si fagaare ah iyo hadallo si gaar ah uu ula yeeshay ayaa Mr Trump, xafiiskiisa waxa laga soo saaray hadalkan.

Midowga Yurub ayaa sheegay in ay ku dhagan tahay war murtiyeedka kasukoow go’aanka madaxweyne Trump kasoo baxay.

“waxa aan taageersanahay ballanqaadyada laga sameeyay eek u jira war murtiyeedka G7,” sidaasi waxaa laga soo xigtay ilo wareed sare oo kasoo baxay dalka.

Madaxweynaha Mareykanka oo bartiisa twitter-ka soo dhigay xilli uu ku socday shir madaxeedka kale ee uu kaga qayb galayo dalka Singapore ayaa sheegay inuu isagu amray saraakiisha Mareykanka “in aysan soo dhoweeyn war murtiyeedka iyadoo uu xilligan Mareykanku dib u eegis kusameeynayo canshuuraha baabuurta uu sameeyo mareykanka”.

Waxa uu sheegay in tallaabada ay ku saleeysanayd bayaanka been abuurka ah ee shirka jiraa’id ee R/wasaare Justin Trudeau, xaqiiqadana ay tahay in Kanada ay wado sidii ay ugu soo rogi lahayd canshuur baaxad leh dadka beeraleyda ah, shaqaalaha iyo shirkadaha dalka Mareykanka “.

Isagoo ugu dambeeyntii ku tilmaamay Mr Trudeau inuu yahay qof “aan daacad ahayn oo liita “.

Mr. Trump ayaa goor hore saxiixay bayaanka war murtiyeedka ay ku heshiiyeen dhammaan wadamada ku bahoobay Ururka G7 kasukoow muranka ka taagan xagga ganacsiga.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Caddeeyay in la Joogo Xilligii Awoodda loo soo Celin Lahaa Shacabka Soomaaliyeed

0

Muqdisho, June 09, 2018—-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta ka qeyb galay shir ay Muqdisho ku yeesheen Guddiga madaxa bannnaan ee doorashooyinka qaranka, ayaa sheegay in shaqada dhabta ah ee guddiga ay xilligaan bilaaw tahay, loogana baahanyahay in sida ugu dhaqsaha badan ay kusoo gudbiyaan wadooyinka ugu haboon ee loo marayo doorashada dalkaan ka dheceysa 2020-ka maadaama shirkii Beydhabo lagu qabtay dhawaan lagu oggolaaday oo lagu heshiiyay in doorasho qof iyo cod ah ay dhacdo ka dhacdo Soomaaliya.

Gudoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka, Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ayaa ugu horeyn uga mahad celisay Ra’iisul wasaaraha sida uu guddiga ugu dhiirri geliyo in ay fududeeyaan shaqooyinka la xariira arimaha doorashooyinka, waxa ayna uga warbixisay howlaha ilaa hadda uu qabtay guddigu, iyada oo hoosta ka xariiqday in ay u xayirnaayeen heshiiska oo wax badan uga xirnaayeen hase yeeshee markaan ay wax walba cadyihiin loona baahanyahay in ficil iyo wax qabad loo gudbo.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay danta kaliya ee laga leeyahay doorasho qof iyo cod ah dalkaan ay ka dhacdo in ay tahay in awoodda loosoo celiyo Shacabka iyo in qabiilka looga boxo Axsaab siyaasadeed, waxaas oo dhanna ay suuragal noqonayaan hadii Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranku uu guto waajibaadka ka saaran suura gelinta in dadka Soomaaliyeed ay codeeyaan.

“Waxaa lagu heshiiyay in 2020-ka in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. Shaqada dhabta ah hadda ayey u bilaabatay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka. Cudur daar dambe ma jiro. Waa in shacabka loo soo celiyaa awoodda”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Khayre.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa shirka ka sheegay in la joogo xilligii madaxdu ka cabsan laheyd shacabka oo rabitaanka shacabka la fulin lahaa, waxa uuna ballan qaaday in xukuumaddu ay fududeyn doonto dhamaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah howsha muhiimka ah ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinku u hayaan qaranka Soomaaliyeed.

Degmooyinka Warta-Nabadda & Jilib oo ku kala baxay su’aalihii dheeraadka ahaa

Muqdisho (SNTV)-Habeenkan caawa ah waxaa ku wada ballansanaa wareegga 3-aad ee tartan aqooneedka bisha Ramadan degmooyinka Warta Nabadda & Jilib oo ka kala tirsan goballada Benaadir iyo Jubbada-Dhexe.

Tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey 7- Su’aal, ma jirin hal su’aal o oay ka jawaabeen oo waa ay iska qaldeen dhamaan todobadii su’aal ee la weydiiyay, balse waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamaayasha Degmada Jilib,  guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ay heleen waxay noqotay 2-dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Hal  su’aal,  mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Jilib waxay noqotay 2- dhibcood.

Tartamayaasha labada degmo ayaa isku garab dhacay oo ay noqdeen isku dhibco, waxaana uu guddiga ku daray su’aallo dheeri ah oo lagu kala saarayay labada tartame, waxaana su’aashii koowaad la weydiiyay tartamaayasha Degmada Jilib waana ay iska qaldeen, waxaana ka faa’iideystay dhiggooda Warta Nabadda, iyagoo sidoo kale ka jawaabay toodii gaarka ahayd, waxana ay la yimaadeen 4 dhibcood iyo labo dhibac oo ay horey u wateen.

Warta Nabadda 6- dhibcood iyo Jilib oo heshay 2- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadd ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka, halka tartamayaasha Degamda Jilib ay ku biireen degmooyinka ku haray wareegga 3-aad ee tartan aqooneedka.

Tartanka ay tabineyso warbaahinta Qaranka isla markaana uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir waxaa habeen dambe ku wada ballansan  Kismaayo & Xamar-jajab  oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose.

Madaxwayne Farmaajo oo amray hay’adaha amniga inay wadooyinka furaan.

Madaxwaynaha JFS ayaa amray hay’adaha amniga dalka inay shacabka u furaan wadooyinka Muqdisho, si loo sahlo isku socodka dadwaynaha iyo gaadiidka.

Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hadal qoraal ah oo lagu faafiyey bartiisa Twitter-ka ku sheegay in amniga lagu xoojin karo wadashaqayn hay’adaha ammaanka iyo shacabka ka dhaxaysa, taas oo ah mid muhiim ah.

Madaxwaynaha ayaa shacabka u jeediyey inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka oo har iyo habeen u taagan inay dadwaynaha ka ilaaliyaan dhagarta argagixisada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo daah furay wadatashiga diyaarinta Buugga waxbaridda cod-bixiyaha iyo wacyi-galinta Arrimaha Doorashooyinka

Muqdisho (SNTV:-Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta daah furay wadatashiga diyaarinta Buugga waxbaridda cod-bixiyaha iyo wacyi-galinta Arrimaha Doorashooyinka.

Muddo labo malamood ah ayuu socon doonaa wadatashigan ku aadan Diyaarinta Buugga waxbaridda Cod-bixiyaha iyo wacyi-galinta Arrimaha  doorashooyinka waxaana ka qeyb-galayaasha oo ka kala socda Hay’adaha Waxbarashada, Bahda saxaafadda iyo Ururada bulshada rayidka ah ay aragtidooda ku biirinayaan diyaarinta Buugaan iyo sida looga mira dhalin karo wacyi-galinta bulshada ee ku aadan doorashada qof iyo cod ah ee la filayo in dabayaaqada sanadka 2020 dalka ay ka dhacdo.

Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) Gudoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa sheegtay in wacyigalintu tahay qodobka ugu  muhiimsan ee istiraatiijiyadda Guddiga uu leeyahay.

” wadatashigan waxaan u bilaawnay in aragtida bulshada la dhageysto iyo sida manhajka loogu dari karo waxbarashada doorashooyinka ,anaga istiraatiijiyadeena oo ah 7-qodob waxaa ugu humiisan qeybta wacyigalinta waana dardargalin doonaa” sidaas ayay tiri Gudoomiye Xaliimo Yarey

Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo katirsan Golaha shacbka kuna hadleysay magaca xisbiyada siyaasadeed ayaa talaabo hormar ah ku sifeysay in dadka lagu baraarujiyo arrimaha doorashooyinka lana helo wacyigalin arrintaasi ku saabsan

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay shirka waxa uuna  balanqaaday in ka xukuumad ahaan ay Guddiga doorashooyinka qaranka ku garab taagan yihiin hirgalinta doorasho qof iyo cod ah.

Guddiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ku howlan diyaar garow ku aadan in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020 iyadoo dhawaan ay Madaxda Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ku heshiiyeen sida loo wajahayo doorashadaasi.

 

Hay’adda Socdaalka iyo jisniyadda JFS oo Xafiis lagu qabto howlaha Hay’adda ka furatay Magaalada Hobyo

0
Hobyo(SNTV):–Hay’adda Socdaalka iyo jisniyadda ayaa markii ugu horeysay xafiis lagu qabto howlaha Hay’adda waxa ay ka furatay Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.
Xafiiskan laga furay magaalada Hobyo ee Maamulka Galmudug ayaa waxa uu qaban doona bixinta Basaboorka iyo kontoroolka dhaqdhaqaayada ka socda Garoonka Diyaaradaha iyo Dakada Hobyo.
Munaasabda xariga looga jarayay xafiiska ayaa waxaa ka soo qeybgalay maamulka dagmada iyo dadka deegaanka waxa ay dhamaantood sheegeen in  baahi weyn loo qabay howlaha ay Qaranka u heyso Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, isla markaana ay uga mahadcelinayan masuuliyiintii ka soo shaqeysay in xafiiskan la furo.

Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray waddada isku xirta Madaxtooyada & Dekadda.

Muqdisho (SNTV)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa Maanta xariga ka jaray Wadada ka soo baxda Madaxtooyada Soomaaliya ee tagta Dekadda Muqdisho.

Guddoomiye Yariisow ayaa xarig ka jarista waxa ku wehliyay Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda iyo Guddoomiye ku xigeenka Howlaha Guud iyo Maamulka degmada Xamar-Jajab.

Yariisow  oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in waddadan ay muhiim u tahay bulshada gobolka Banaadir, waxa uu sidoo kale sheegay in waddadan ay isticmaali lahaayeen Madaxda Caalamka ee booqanaya Madaxtooyada.

Guddoomiye Eng Yariisow ayaa tilmaamay in Maamulkiisa uu ahmiyad siinayo dhismaha waddooyinka Muqdisho si loo fududeeyo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng C/raxmaan Yariisow ayaa booqday Idaacadda Risaala oo ay ka socdaan  howlo dhismo iyo ballaarin maqalka ah, Waxa  uu ku Bogaadiyay idacadda Risaala in ay U shaqeeyaan Shacabka.

Wasiir Beyle”Waxaan u gudubnay Wajigii Sadexaad ee Deyn Cafinta oo aan fileyno inuu noqdo kii ugu dambeeyey”

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho waxa uu faahfaahiyay wixii u qabsoomay bishii tagtay wasaaradda Maaliyadda.

Wasiir Beyle waxa uu sheegay Bankiga dhexe iyo hay’adda  lacagta Aduunka inay ku qanceen hufnaanta nidaamka maaliyadda dalka, ayna ka gudbeen wajiga labaad ee habka deen cafinta Soomaaliya, isagoo sheegay in iminka  laguda galay wajigii ugu dambeeyay ee deen cafinta oo ay horyaalaan shuruudo hor leh.

“Laba Arrimood ayaa noo suura galay, waa tan koowaadee waxaan soo gaba gabeynay wajigii labaad oo warqadina ay kasoo baxday la leeyahay Soomaalidu wey kasoo baxeen, waxaa taasi noogu xigay in uu inoo bilowday wajigii sadexaad oo aan fileyno inuu yahay kii ugu dambeeyey oo hadii aan ka gudubno aan kamid noqoneyno aduunyada kale”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Maaliyadda Soomaaiya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa tilmaamay in hagaajinta maamulka Maaliyadda Soomaaliya ay sababtay in Bankiga aduunka ay sanadkaan  ugu yaboohaan Soomaaliya  140-milyan oo doolar  halka midowga yurubna ay ku deeqeen 100M.

Wasiirka Maaliyadda waxa uu tilmaamay inay hubinayaan sida ay ku yimaadeen deymaha lagu leeyahay Soomaaliya ayna la xiriireen dalalka deymahaasi sheegtay.

Mideynta canshuur qaadista hey’adaha dowladda oo qeyb ka ahaa sharuudaha deyn cafinta ayaa ka mid ah waxyaabaha wasaaradda maaliyadu ay ku guuleysatay

“Shuruudaha ugu adag ee ugu waaweynaa waxa weeyaan inaan kordhino dakhliga wadankeena Gudihiisa kasoo xarooda”ayuu intaasi raaciyey wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirku  waxa uu intaa ku daray in ciidanka iyo Howl-wadeenada safaaradaha inay hubinayaan inay akoono ku qaataan mushaaraadkooda si loo xaqiijiyo inaan lacago kaash ah gacanta lagu qaadan.

“Shantii kun ee ugu horeysay ee ciidankeena kamid ah ayaan Akoono u sameynay inta kalena wey ku xigeysaa, qof waliba oo ciidan ah iyo qof waliba oo shaqaale ah iyo cid waliba oo dowladda wax ka qaadataa waa iney farihiisa meel yaalaan Akoonkiisa wax lagu shubaa arin badan bey xalineysaa taasi”ayuu yiri wasiirka.

Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in sidoo kale la ogaan doono safaaradaheena dibadda hadii ay jiraan lacago soo gala iyo halka lagu bixiyo, iyo tirada shaqaalaha ka howlgala safaaradaha Dibadda ee Soomaaliya.

Dibad baxyada Gaza: Wararkii ugu dambeeyay “Sawirro”

In ka badan labo bilood falastiiniyiinta Gaza ayaa dhigayay mudaharaadyo meel udhow deegaanada xeeyndaabka ay joogaan ciidamada Israa’iiliyiinta ah, kaasi oo ay ku dalbanayaan in lasiiyo  xaqa ay u leeyihiin in ay dib ugu laabtaan guryahooda iyo deegaanadii laga ceyriyay qoysas kooda muddo haatan laga joogo 70-sanadood. kahor.

Dibadbaxii ugu weynaa oo dhacay bishii March ayaa lasoo gabagabeeyey 15-kii bishii May ee lasoo dhaafay, si ay astaan ugu noqoto waxa ay dadka Falastiin ugu yeereen Nakba, ama masiibada–tixraac lagu qasbay in meesha laga saaro 750,000 oo falastiiniyiin ah, kuwaasi oo laga saaray guryihii iyo tuulooyinkii ay ku noolaayeen si meesha loogu diyaariyo deegaamaynta Israa’iiliyiinta.

Taniyo markii ay dibad baxayaasha bilaabeen 30-kii bishii March, ciidamada Israa’iil waxa ay toogasho ku dileen 124 falastiiniyiin ah deegaanka la hareereeyay ee xeebta islamarkaana waxaa ay dhaawacyo halkaasi kasoo gaareen in ka badan 13,000 qof.

Saraakiisha caafimaadka ee marinka Gaza ayaa sheegaya in askarta Israa’iil ay dilleen tiro falastiiniyiin ah xiligii dibadbaxyada meel udhow deyrka ay isra’el xoogga ku dhistay.

Yuusuf Al-Fasix oo ah 29-sano jir a ayaa lagu dilay isagoo ka qayb galayay dibad baxa Bariga jiidda Qaza.

Sida ay sheegtay wakaaladda Wararka Wafa ee Falastiin, Askarta Israa’iil ayaa dhaawacay In ka badan 600 qof oo Falastiiniyiin ah, kuwaasi oo uu ku jiro sawir qaade Muxamed Abed al-Baba, kaasi oo ka dhaawacmay lugta.

Al-Baba, ayaa u shaqeeyn jiray AFP waxaana uu u qaabilsanaa magaalada Jiida Qaza sanadkii  2000, askarta Israa’iiliyiinta kasoo toogteen meel 200 mitir u jirta xeyn-daabka Bariga magaalada Jabalia ee waqooyiga Qaza.

Lebanon oo shaqaalaha UNHCR ka joojisay rusqaddii shaqada

Wasiirka Arimaha Dibadda Lubnaan ayaa ku eedeeyay Hay’adda Qaramada Midoobay in ay fidanayso cabsida islamarkaana ay niyad jebin ku hayso dadka qaxootiga ah ee kasoo cararay dagaalada Siiriya.

Lubnaan ayaa amartay in la joojiyo codsiyada deegaamaynta oo ay soo gudbinayaan shaqaalaha Hay’adda qaxootiga qaramada midoobay ee UNHCR, waxaana ay ku eedeeysay in ay taasi niyad jab ku tahay dadka qaxootiga ah ee ku laabanaya gurigooda hooyo.

Gebran Bassil oo ah wasiir katirsan xukuumadda Lubnaan ayaa sheegay in ay hay’addu hakad gelisay soo noqoshada qaxootiga iyadoo fidisay warar ku aadan cabsidaasi.

Mr. Bassil ayaa intaasi ku daray inuu qaadi doono talaabooyin dheeraad ah oo looga soo horjeedo hay’addaasi.

Bayaan ay soo saartay dowladda islamarkaana ay ku saxiixan tahay wasaaradda Arrimaha dibadda Lubnaan, ayaa lagu sheegay in shaqaalaha hay’adda Qaramada Midoobay ee qaxootiga u qaabilsan ay ka shaqeeynayaan sidii niyad jab loogu beeri lahaa qaxootiga Siiriya iyagoo waydiinaya su’aalo qeyexan kuwaasi oo cabsi gelinaya xaaladahooda dhinaca amniga ee gudaha dalkaasi Syria iyo sidii dib loogu celin lahaa iyadoo aysan jirin aragti guud oo caalami ah oo lagu eegay arrintani.

UNHCR waxa ay si qeyexan u sheegtay in ay ka shaqaynayso in aysan dadkaasi dib ugu laaban dalkooda, taasina ma ahan waajibaadka saaran iyaga,”

“Waajibaadka UNHCR ayaa ah in ay dadka u xaqiijiso waxa ay sameeynayaan”, laakiin waxa dhacaya ayaa ka baxsan Arimahani”,  sidaasi ayaa waxaa lagu qoray bayaanka Wasaaradda A/dibadda ee dalka Lubnaan.