Madaxweynaha Puntland oo Xarigga Ka Jaray Waddada Wasaaraddaha ee Puntland.

Date:

Garoowe(SNTV):–Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taarikhdu tahay 10 June 2018 ayaa waxa uu xarigga ka jaray waddada Wasaaraddaha ee Puntland, waddadaas oo laga hirgeliyey magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ku weheliyey xafladda furitaanka waddada Wasaaraddaha maamulka dagmada Garoowe, qaar kamida golaha xukuumadda, saraakiil katirsan madaxtooyada, Ganacsato iyo Marti sharaf kale.

Waddadan cusub ee Wasaaraddaha ayaa dheerakeedu yahay 1.5 KM, waxaana ku baxday lacag gaaraysa 200,000$, iyadoona  ay dhistay shirkad laga leeyahay Turkiga taasi oo ah shirkadii dhistay Garoonka diyaarada magaalada Garoowe ee Gen. Mohamed Abshir.

Dhismaha Waddada ayaa waxaa lagu dhisay barnaamijkii  Puntland ee isku tashiga waxaana bixsay Dawladda Gobelleedka Puntland dhammaan kharshkii ku baxay hirgelinta mashruucan oo kamid noqonaya wadooyinka ugu bilicda wanaagsan guud ahaan Puntland marka lafiiriyo tayada dhismaha waddada iyo nashqadayntaba.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyey xarig jarkii waddada Waasaaraddaha ayaa sheegay in waddadan ay tahay wado halbowle ah oo faa’iidooyin badan wadanka kusoo kordhindoonta oo ay ugu horyso bilicda iyo isku socodka gaadiidka.

Ugu danbeyn, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay waddadan in ay ku timaaday isku tashigii Puntland, wax badana lagu qabtay isku tashigaa uuna rajeenayo in wax badan oo  danbe lagu qaban doono, isla’markaana waxaa uu madaxweynuhu sheegay in dadka latuso inay wax qabsan karaan ayagoon cid kale wax kasugin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...