Home Blog Page 1283

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Guddiga maalgashiga

0

Muqdisho (SNTV)–Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo uu wehliyey Wasiiru dowlaha Wasaaradda ayaa maanta Xaruunta Wasaaraddaasi kulan kula yeesheen Guddiga Maalgashiga Shisheeye.

Kulankaasi waxaa looga hadlay dar dar gelinta howlaha guddiga ee ku wajahan in dalku helo maalgashi shisheeye oo fursad u noqon kara koboca dhaqaale ee dalka sida uu sheegay Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa u muujiyey Guddiga in ay hortaalo masuuliyad adag, waxaana uu ku kula dar daarmay in ay abuuraan waji cusub oo sahlaya in caalamku uu ku dhiirado maalgashi dalka ay ku sameystaan.

Guddiga Maalgashiga Shisheeye waxaa xubno ka ah Wasaaradaha Ganacsiga, qorsheynta, Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, haqada iyo Arrimaha Bulshada, Bankiga dhexe iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, waxaana qorshaha guddigu uu yahay in dalku helo maalgashi caalami ah.

Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga oo Maanta la Wareegay Xilkiisa

0

Muqdisho (SNTV) -Waxaa Maanta si rasmi ah Xilka ula wareegey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashandhigga Mudane Xasan Cali oo dhawaan uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kadib Munaasabad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, waxaana goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka iyo Xubno ka tirsan Guddiga Difaaca Golaha Shacabka iyo Saraakiil Ciidan.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal C/llaah Cali (Caanood) oo ugu horeyn ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhhiga.

Mudane Maxamuud Cali Xagaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka ku Wareejiyay Wasiirka difaaca ayaa Warbixin guud ka siiyay Wasiirka Cusub Howlaha ka socda Wasaaradda.

Wasiirka Gaashandhigga  Mudane Xasan Cali ayaa uga mahaceliyay Waxyaabihii ay qabteen Wasiiradii ka horeeyay, isagoona balaa qaaday in Howsha uu halkeeda ka sii wadi doono.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo gabagabadii Munaasabada ka Hadlay ayaa kula dardaarmay Wasiirka Cusub ee Wasaarada difaaca dalka in uu si hufan u guto waajibaadka loo igmadey.

Duqa Muqdisho oo Xarunta Dawladda Hoose ka furay Shir looga hadlayay Arrimaha Dawladaha Hoose ee dalka

0

Muqdisho (SNTV)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa maanta ka furay Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar Shirka Dawladdaha Hoose oo ay ka soo qeyb galeen, Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Dawlad Gobolleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yarisow oo ku soo dhaweeyey Caasimadda dalka masuuliyiinta ka socotay dawlad Gobolleedyada dalka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in awoodda la baahiyo lana gaarsiiyo heerka ugu hooseeya, si loo xaqiijiyo in dadka shacabka ah ay dooran karaan hoggaamiyeyaasha ay ayagu doonayaan.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale ammaanay dadaallada ay fidiyeen Wasaarrada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee ay sare ugu qaadayaan xoojinta nidaamka federaalka ah . Isagoo xusay in Maamul hoosaad oo huffan uu muhiim u yahay wanaajinta nolosha dadka Soomaaliyeed.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo ka hadlay ahmiyad uu maamulkiisu siiyey dhismaha Golleyaasha deegaanka ayaa xusay in la diyaariyey qorshihii lagu dhisi lahaa Golleyaasha, si dadka loogu diyaariyo doorashooyinka la qorshaynayo sanadka 2020.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamul Gobolleedka Galmudug Mudane Maxamed Xayir Nuur oo ku hadlayay magaca Dawlad Gobolleedyada ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir qabsoomidda shirkan, isla markaana waxuu ku boggaadiyey dhinacyada ka qeyb-galaya in meel cad looga soo wada jeesto dhismaha Golleyaasha deegaanka oo aas-aas u ah Dimoqoraadiyadda iyo u diyaar garowga Doorashooyin ka qabsooma dalka oo dhan.

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku tegay Kenya

0

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo saaka ka ambabaxay Caasimadda Muqdisho ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha oo wafdigiisa ay ka mid yihiin Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Saraakiil Ciidan ayaa waxaa garoonka Jommo Kenyatta kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Monica Juma iyo Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee kenya Mudane Cali Maxamed Sheikh.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maaanta galinka dambe la kulmi doono Dhigiisa Kenya Uhuru Kenyaata, iyagoona ka wada hadli doona arrimo quseeya Labada Dal.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed oo la hadlay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in Booqashada Madaxweynaha ay qaadan doonto Hal maalin.

 

151-dhalinyaro laga soo daayay xabsiyada Libya oo Muqdisho soo gaaray

0

Dhalinyarada Liibiya laga soo celiyay waxa ka muuqday dhibaatooyinkii ay kala soo kulmeen Magafayaasha qaarkood markii ay diyaarada ka soo dageen inta ay socon waayeen ayaa lagu qaaday gawaarida yar yar ee looga talagalay dadka baahiya qaar ah qaba kuwana iyaga uu dhaawac qaba ayaa la keenay.

Maryam Yaasiin waa ergayga gaarka ah ee xafiiska raisa’wasaaraha Soomaaliya u qaabisal Xaquuda Tahriibayaasha iyo Carruurta, waxa ay sheegtay in dadaal badan ay ku bixisay dawladda Soomaaliya sidii dhalinyaradan loo keeni laahaa dalkooda.

Cabdisamad Cabdulqaadir oo ka mid ah 151-da dhalinyada ah ee maanta Liibiya laga keenay ayaa la ilmeeyey farxad, waxaana uu ugu horayn la xiriiray Hooyadiis oo joogta magaalada Burco, markaas oo uu ku wargaliyey inuu ku jiro xaalad walwal la’aan ah.

Mark Lewis oo ah sargaalka ka tirsan Hey’adda Socdaalka Aduunka ee IOM waxa uu la socday diyaaradii keentay dhalinyarada laga soo badbaadiyay Liibiya, waxaana uu sheegay in doorkooda ay ku taageerayaan dawladda Soomaaliya shaqada adag ee dhalinyarada dibadda ku xiran lagu soo badbaadinayo.

Wasiirka Dastuurka Xukuumadda FS Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo  ka mid ahaa masuuliyiinta soo dhaweysay dhalinyarda ayaa isna xusay in dawladdu ay mar walba ku dadalayso badbaadada muwaadiniinta oo xaq aas aasi ah.

Dr Axmed Cabdikariim Nuur Axmed Daahir oo ah Gudoomiyaha Hey’adda Qaran ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha ayaa sheegay in dawladdu ay caawinaad gaar ah siinayso dhalinyaradan inta ay dib ugu soo laabanayaan noloshoodii caadiga ahayd, lana midoobayaan ehelkooda.

Maxkamadda Ciidamada oo dil ku xukuntay Raggii weeraray Hotel Naasa Hablood2

Muqdishu (SNTV)-28-kii October 2017 ayay aheyd xilli galb gaab ah saacadda Muqdisho markii maleeshiyada ka tirsan Al-sabaab ay weerar isugu jiro Ismiidaan iyo dagaal toos ah ay ku qaadeen Hotel Naasa Hablood Laba ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa  eedeysanayaasha kala ah :-

1-Farxaan Maxammed Samatar , 2-C/naasir Dhaqane Xasan, 3-Abshir Xaaji Maxammed Buule

Waxa uu ku soo eedeeyay in raggan la soo qabtay iyagoo isku dayaya in ay ka baxsadaan goobta dagaalka kedib iska cabin xoog leh oo ay kala kulmeen ciidamada ammaanka, sidoo kale xafiiska ayaa soo bandhigay hubka eedeysanaayasha oo isugu jiro bam-booyinka gacanta iyo Ak-47, waxa ayna  sidoo kale hor keeneen Maxkamadda Markaatiyaal ay ku jiraan Saraakiisha Ciidamada amniga ee habeenkaas howl-galka wax ka waday, waxa ayna sheegeen in raggan oo iska dhigay ciidamada amniga ay  ka soo qabteen, midkoodna dhaawac uu ahaa meel aan ka fogeyn  halka ay mashaqadu ka dhacday.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa ka koobneyd 5- xubnood, mid kamid ah ayaa is qarxiyay ka hor  dagaalka  inta aysan gudaha ugu gelin 4-ta kale, dagaal kedib ayaa 4-tii maleeshiyada aheyd midkood is qarxiyay kaasi oo ku xirneyd walxaha qarxa, waxaana seddaxda kale ay isku dayeen in ay goobta ka baxsadaan hasa ahaate ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen.

Maxkamadda  darajada 1-aad oo dhowr jeer dhageystay kiiskan ayaa ugu dambeyn saakay xukun dil ah ku riday, sida uu subaxii hore ee saakay warbaainta u sheegay guddoomiyah Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Weerarkaasi dadka ku dhintay waxa ay isugu jireen Siyaasiin hore oo xil soo qabtay, kuwa hadda qaar oo  haayay xilal,  saraakiil amni, haween iyo caruur, waxaana inta la xaqiijiyay geeriyooday 18-qof halka ay 47-kale oo ay ku dhaawacmeen.

 

AMISOM Explores Air And Water Transport To Avert Floods And IEDs On Somali Roads

0

In recent months, African Union Troops have suffered multiple ambushes in the hands of al-Shabaab militants resulting to the delay of military supplies and infantry vehicles.

Recent floods in most parts of Somalia have also made it impossible for AMISOM troops to use improvised roads in Lower Shabelle region where roads are non-existent.

The Uganda contingent, Mogadishu which covers 75,000 sq km — the largest of Amisom-controlled areas — is the most stretched.

The farthest point from force headquarters on the western side is Baraawe, 240 kilometres from Mogadishu. On the northern side, the distance is 90 kilometres. It takes one to two weeks by convoy to reach the farthest soldier in Baraawe with the risk of losing two or three vehicles.

A runway that will help AMISOM transport suppliers by air is currently under construction and will be complete in the next two months.

Somali enjoys one of the longest coastlines in Africa, making it easier and more efficient to deliver supplies via waters but when army based are only a few kilometers away from each other, the troops are forces to use road which is full of obstacles.

For example, it took a convoy of five infantry fighting vehicles with AMISOM soldiers to cover a mere six kilometers from the headquarters Battle Group XXII at Ceeljaale to the next base of the First Infantry Battalion at Shalamboot. It took two hours from Shalamboot to the 19th battalion base at Buufow, a distance of two hours.

Floods and improvised explosive devices along the way are some of the challenges faced by AMISOM troops, by building the airstrips troops will avoid the hustle of having to scan for IEDs, losing vehicles and avoid getting casualties but above all, supplies will reach their destination on time.

Maxaa kala qabsaday tartamayaasha degmooyinka Shangaani iyo Wadajir?

Muqdiso (SNTV)-Tartan aqooneedka caawa waxaa ku wada ballansanaa degmooyinka Shangaani iyo Wadajir oo ka wada tirsan gobalka Benaadir.

Degmada Shangaani ee gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey 7-Su’aal, waxa ay ka jawaabeen 2-su’aal oo kamid ah su’aalihii ay xaqqa u lahaayeen, waxa ay ka faa’iideysteen mid kamid ah fursad ay soo lumiyeen dhiggeeda wadajir, wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Shangaani ay heleen waxay noqotay  6-dhibcood.

Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay 7-su’aal, waxa ay ka jawaabeen 4-su’aal, , waxa ay ka faa’iideysteen fursad qura  oo soo hareer martay Shangaani, sidaasi darteed dhibcaha  ay heleen tartameyaasha Degmada Wadajir waxay noqotay toban 10-dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga 2-aad  ee tartanka halka ay ka mid noqotay Shangaani degmooyinka ku haray wareegga 1-aad

Tartanka ay tabineyso warbaahinta Qaranka isla markaana uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir, waxaa ku wada ballansan habeen dambe Degmooyinka Deyniile iyo Baydhabo oo ka kala tirsan Benaadir iyo Koonfurgalbeed.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay munaasabad lagu dhaarinayay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare

Muqdisho, 29-ka May, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeybgalay munaasabad lagu dhaarinayay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaanta koowaad siinayso dib-u-habeynta garsoorka dalka.

“Muddooyinkii la soo dhaafay dadkeennu waxa ay ka hadlaayeen caddaalad darro dhinac walba ah oo baahsan. Waxaan ku samaynaynay daraasad meesha dhibku ka taagan yahay iyo xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka. Waxaa noo soo baxday in loo baahan yahay dib-u-habayn, dib-u-habayntaasina maanta ayay bilaabatay, waxaana noogu xigi doona in aan dhisno Golaha Adeegga Garsoorka.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda xilka culus ee uu u magacaaabay, isaga oo ka codsaday laamaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba in ay gacan ku siiyaan sidii uu u gudan lahaa xilka culus ee loo igmaday.

Guddoomiye Baashe oo hadal kooban jeediyay dhaarinta kaddib ayaa yiri: “Helitaanka garsoor hufan, madax-bannaan, dhexdhexaad ah, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeega caddaalad, waxa uu aasaas u yahay in la helo caddaalad oo iyaduna saldhig u ah wax kasta oo saameeya nolosha bini’aadamka.”

“Haddii ay noqoto horumar, haddii ay noqoto amni iyo haddii ay noqoto kor-u-kac dhaqaale dhammaantood waxaa aasaas u ah in la helo caddaalad, helitaanka caddaaladduna waa masuuliyad wadareed saaran qof kasta oo muwaadin ah oo Soomaaliyeed, aniguna waxaan ahay qofka masuuliyadda koowaad ay ka saaran tahay.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu duceeyay Guddoomiyaha cusub inuu Alle u fududeeyo xilka, wuxuuna faray goleyaasha dowladda in ay soo dhameystiraan dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka oo wax weyn ka taraya dib-u-habeynta iyo hufnaanta garsoorka dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu magacabaayo Guddiga Dib-u-eegista Dacwadaha iyo Cabashooyinka oo si dhaw ula shaqeynaya Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare. Guddigan oo ka kooban sharci yaqaanno iyo culumada diinta ayaa dib u dhegeysanaya dacwadaha lagu muransan yahay iyo xukunnada ay sida khaldan u rideen hay’daha Garsoorka dalka.

Munaasabadda lagu dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan, Guddoomiye K/Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Ra’iisul Wasaare K/Xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Wasiirka Caddaalada Mudane Xasan Xaaji, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Saalax Axmed Jaamac, Garsooreyaasha Maxkamadda Sare, Xeer-ilaaliye K/Xigeenka Qaranka iyo Taliyeyaasha Booliiska iyo Asluubta.

Madxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Peter De Clercq

0

Garoowe (SNTV) Madaxweynaha Dawlad Gobaleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 29 May 2018 ayaa waxa uu qasriga madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wafdi uu hogaamineyey ku-xigeenka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Peter De Clercq.

Weftigan balaaran ee uu hogaaminayey Peter De Clercq ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxa xafiiska (OCHA) Mr. Justin Brady iyo Agaasimaha ROLSIG (UNSOM) Mr. Staffa Tillander iyo sidoo kale saraakiil ka tirsanUnsom iyo UNDP.

Madaxweynaha Dawlad Gobaleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulanka uu maanta la qaatey ku-xigeenka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Peter De Clercq waxaa uu ugaga mahad celiyey booqashada ay ku yimaadeen Puntland, iyadoona madaxweynuhu sheegay in ay Puntland wada shaqayn dhow la leedahay Hay’adaha caalamiga ah ee ka hawl gala geeska afrika iyo guud ahaanba dalalka caalamka.

Kulankan maanta uu Madaxweynaha Puntland la yeeshay Mr. Peter De Clercq ayaa waxaa uu ku saabsanaa arimaha bani’aadanimda iyo xuquuqda dadka tabaalaysan ee reebobka duufaanada wata iyo abaaruhu aafeeyeen, kuwaas oo roobabkii dabaylaha watay ee ku dhuftay soomaaliya iyo wadamo badan oo deriska ah barakac baahsan iyo waxyeelo u geysteen.

Mr. Peter De Clercq ayaa dhankiisa sheegay inuu aad iyo aad ugaga mahad celinayo kulanka uu kulaqaatay Madaxweynaha Puntland xafiiskiisa iyo sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Puntland, isagoona dhinaca kalena uu sheegay inuu soo maray gobolada waqooyiga Soomaaliya oo iyagana duufaanadii iyo roobabkii ka da’ay todobaadkii lasoo dhaafay khasaare baaxad leh oo naf iyo maal ahba u geysteen.

Sidoo kale Peter De  Clercg ayaa sheegay inuu haatana Puntland u yimi sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaalada dadka reer guuraaga ah iyo kuwa ku teedsan dhul xeebadka Puntland ee duufaanadii iyo roobabkii sanadku halakeeyeen, islamar’ahaantaanaa ay wax uga ogaan lahaayeen xaalada bai’aadanimo iyo raadkii abaarahu ka tageen.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dawlad Gobaleedka Puntland ayaa sheegay in roobabkii duufaanada watay ee ka da’ay Puntland ay dad wax yeeleeyeen, Maamulka Puntland-na uu ka gurmaday amuurtaasi intii taagtiisaa aheyd,  balse khasaaraha dhabta ah si loo ogaado ayay Puntland u xilsaartay xeel dheerayayaal xaqiiqo raadiyeyaal ah oo kasoo warbixiya raadadka abaaruhu ka tageen iyo khasaaraha ay geysteen duufaanadii iyo roobabkii isku lamaanaa.