Home Blog Page 1708

Guddoomiyaha Barlamaanka oo soo xiray shir looga hadlayay waxqabadka Xukuumadda

0

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa soo xirey kulan looga hadlayey dar-dargelinta waxqabadka Xukuumadda, kaasi oo socday muddo labo cisho, waxaana soo qaban qaabiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo ay ka soo qeyb galay Xubnaha Golaha Wasiirada.

Barnaamijkan oo hal Ku dhiggiisu ahaa “Kororka kalsoonida shacabku waa dakhliga Xukuumada” ayaa si ballaaran looga dooday rajada dadka Soomaaliyeed iyo daruufahooda gaar ka ah,waxana intii uu socda baahidooda laga dhagaystay qaar Ka mid ah shacabka kuwaa soo lagu marti qaaday shirka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa gudnaanadka Shirka faah faahin dheer ka bixiyay qorshaha horyaala Xukuumada iyo qaabka loo marayo fulintooda, waxana uu si gaar ah diirrada ugu saaray Midnimada iyo Wadajirka ka dhaxeeya hay’addaha sare ee Qaranka, sida Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Xukuumaddiisa.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ujeedku uu yahay in dalka loo sameeyo aasaas wanaagsan oo mustaqbalka horseedi kara helista dowlad adag oo sharciga iyo kala dambeynta sugta, isla markaana caddaalad u sameysa shacabka Soomaaliyeed oo dhan. Isagoo kula dar-daarmay Golaha Wasiirada in ay la yimaadan howlkarnimo , derder geliyaana howlaha horyaala si aan marnaba dib u dhac ugu imaan shaqada. Sidoo kale waxaa uu Ra’iisul Wasaaruhu hoosta ka xariiqay sida ay mar walba laogama maarmaan u tahay ilaalinta hantida qaranka , ku dhaqanka sharuucda iyo qawaaniinta dalka udagsan.

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa xusay in Xukuumadda uu hoggaamayo ay ka go’an tahay xiriir wanaagsan oo iskaashi iyo wax-wada qabsi ku dhisay lala yeesho Caalamka, shirkanina uu yahay mid dhabaha u xaaraya sidii loo heli lahaa Dawladda ku dhisan isla xisaabtan iyo wada shaqayn. wuxuuna sidoo kale soo hadal qaaday sidii loo dajin lahaa barnaamij sal-ballaaran oo looga xaajoonayo deymaha lagu leeyahay dawladda Soomaaliya.

Guddomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo soo xiray kulanka ayaa halkaasi ku soo bandhigay qorshaha ay Ku wada shaqeyn doonaan Baarlamaanka iyo Xukuumadda, isagoo tilmaamay in uu si wanaagsan ula shaqaynayo Xukuumadda, isla markaana loo baahan yahay in Wasaaradaha iyo Guddiyada Baarlamaanka ee wada shaqeyntu ka dhaxayso xiriir wanaagsan yeeshaan si meesha looga saaro wax walba oo caqabad ku ah shaqooyinka ka dhexeeya labada Hay’adood.

Madaxweynaha oo soo gaabiyay safarkii Ethiopia, kuna soo wajahan Muqdisho

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo gaabiyay safarkiisa uu ku joogo dalka Ethiopia si uu uga qayb galo aas Qaran oo loo sameynayo Wasiirkii howlaha guud ee xalay lagu dilay Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu horeyn waxaa shacabka iyo ehelada marxuumka looga tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Marxuum Cabaas Siraaji oo xalay lagu dilay Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdiga la socda ee ku sugan magaalada Adis Ababa ayaa soo gaabiyey booqashadii ay ku joogeen dalka Ethiopia, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda ay wafdiga Madaxweynaha soo gaaraan magaalada Muqdisho oo loogu sameynayo Aas Qaran.

Dowladda Soomaaliya waxay u xaqiijineysaa qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabkaba in baaritaan dhab ah lagu sameyn doono falkan. Cid walba oo ku lug yeelata waxaa la marsiin doonaa sharciga.

Marxuumka waxaa lagu yaqaanay waddaniyad, karti iyo hufnaan, waxa uuna naftiisa iyo waqtigiisa u huray dalkiisa iyo dadkiisa. Waxa uu ahaa shakhsi muhiim ah oo ka baxay qaranka Soomaaliyeed oo idil. Geeridiisa aad bey noo wada taabatay.

Waxaan Alle Subxaanahu Watacaalaa uga baryeynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qaranka iyo qoyska uu ka baxayna samir iyo iimaan haka siiyo. Aamiin

Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeysay geeridii Cabaas Siraaji, Wasiirkii Howlaha Guud

0

Muqdisho 3 May 2017 – Madaxda Qaranka ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta laheyd ee Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji oo caawa fiidkii xabad gaarigiisa lagu furay darteed u geeriyooday.

Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa xidig soo baxaya oo iftiimaya lahaana mustaqbal ifaya. Marxuum Cabaas waxuu tusaale fiican u ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed, madaxda Qarankana aad bey ugu hanweynaayeen.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Eng. Yarisow ayaa yiri “Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa shaqsi dhalinyaro ah oo si aad ah uga dhexmuuqday golaha wasiirada. Waxuu ahaa shaqsi leh mustaqbal wanaagsan. Waxuu ka mid ahaa dhalinyaradii xerada Qaxootiga Dhadhaab ku soo koray oo wax ku soo bartay, ka dibna dalkiisa hooyo dib ugu soo laabtay si uu waddanka wax ugu qabto.”

Madaxda Qaranka ayaa dhammaan shacabka ka codsaday inay murugada naxdinta leh la qeybsadaan qoyskii marxuumka iyo dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed oo uu u ahaa tusaale fiican oo aad uga dhexmuuqday golaha wasiirada. Wasiir Cabaas maanta ayuu Muqdisho ku daahfuray Mashruuca Tayeynta Shaqaalaha oo uu maalgelin uga soo helay Bankiga Horumarinta Afrika.

Innaa Lillaahi wa Innaa Illaahu Raajicuun, Geeridu waa xaq, Wasiirkii Howlaha Guud waqtigiisa ayaa dhamaaday, falka geeridana baaris baa lagu sameyn doonaa oo shacabka lala wadaagi doonaa sida wax u dhaceen.
DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta
media@moi.gov.so sidiqfaarax@gmail.com

Wasiir Cabbaas: Shakhsi Muhiim Ah oo Ka Baxay Qaranka

0

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka tacsiyeynaysaa geerida naxdinta leh ee ku timid Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Marxuum Cabbaas Siraaji oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Marxuumka waxaa lagu yaqaanay waddaniyad, karti iyo hufnaan, waxa uuna naftiisa iyo waqtigiisa u huray dalkiisa iyo dadkiisa. Waxa uu ahaa shakhsi muhiim ah oo ka baxay qaranka Soomaaliyeed oo idil. Geeridiisa aad bey noo wada taabatay.

Dowladda Soomaaliya waxay u xaqiijineysaa qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabkaba in baaritaan dhab ah lagu sameyn doono falkan. Cid walba oo ku lug yeelata waxaa la marsiin doonaa sharciga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdiga la socda ee ku sugan magaalada Adis Ababa waxay soo gaabiyeen booqashadii ay halkan ku joogeen, waxa ayna berri dib ugu laaban doonaan magaalada Muqdisho si ay uga qeybgalaan aaska qaran ee loo sameynayo marxuumka.

Waxaan Alle Subxaanahu Watacaalaa uga baryeynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qaranka iyo qoyska uu ka baxayna samir iyo iimaan haka siiyo. Aamiin

Innaa Lilaahi Wa innaa ilayhi raajicuun

Joint Communiqué Issued During the Official Visit of President Farmaajo to Ethiopia

Upon the invitation of H.E. Hailemariam Dessalegn, Prime Minister of the Federal Democratic Republic of Ethiopia, H.E. Mohamed Abdullahi Mohammed, President of the Federal Republic of Somalia, paid an official visit to Ethiopia from 3 to 5 May 2017.

Upon his arrival at Bole International Airport, H.E. Mohamed Abdullahi Mohammed, President of the Federal Republic of Somalia, was accorded a warm welcome by H.E. Hailemariam Dessalegn, Prime Minister of the Federal Democratic Republic of Ethiopia, high-ranking government officials, members of the diplomatic corps, and members of the Somalia community.

The visit was aimed at further strengthening the already existing fraternal ties during the assumption of office by a new leadership in Somalia. During the visit, the two leaders, accompanied by their respective delegations, held extensive and fruitful discussions on bilateral, regional and international issues of common interest. They also recalled their meetings in Mogadishu during the inauguration of the newly elected President and in Nairobi for the Refugees Summit. The discussions were held in a frank and cordial manner that characterizes the historic friendship existing between the two countries.

Desirous of invigorating the commendable bond of fraternity between the two countries, the two leaders exchanged views on ways and means to further consolidate their cooperation in various fields. Furthermore, the two leaders agreed to forge closer ties based on the principles of good neighborliness, mutual respect and the promotion of mutual interest.

The two leaders committed to fully implement previously signed agreements to revitalize the already existing mechanisms of cooperation. Accordingly, they expressed their readiness to create a high-level joint cooperation committee to further the collaboration between the two countries. They reaffirmed that both countries need to have strong economic cooperation. Accordingly, they expressed the need to encourage free movement of goods and services between their respective countries for mutual benefit.

H.E. Prime Minister Hailemariam Dessalegn congratulated H.E. President Mohamed Abdullahi Mohamed on the recent remarkable achievements in Somalia including the successful conduct of Parliamentary and Presidential elections and the peaceful transfer of power.

H.E. Prime Minister Hailemariam Dessalegn also expressed appreciation for the commitment made by the Federal Government of Somalia and federal member states leaders to tackle the security problems, including through urgent reform of the Somali security sector and a renewed Somalia campaign to defeat al-Shabaab.

The two leaders reaffirmed their commitment to bolster their support to AMISOM in the latter’s endeavor to stabilize Somalia. Furthermore, they vowed to take practical measures to avail all necessary resources to develop a well-functioning Somalia National Army that can effectively deal with al-Shabaab and progressively take over from AMISOM.

Both leaders expressed their concern on the return of piracy in the Indian Ocean and urged the international community to redouble efforts to support the Somalia National Coast Guard and to increase the capability of the Somalia Police Forces to enforce the rule of law in order to control the criminal activities both on shore and off shore.

The two leaders expressed their common concerns on the critical humanitarian crises in the Horn of Africa region based on the spirit of the Mogadishu Declaration on Regional Cooperation on the Current Drought, and the Nairobi Declaration on Durable Solutions for Somalia Refugees, and called on national, regional and international collaborative efforts to effectively and timely respond to regional crises including drought, famine and migration.

The two leaders called on the upcoming London Conference on Somalia to recognize Somalia’s ownership of the process, and to accommodate Somalia’s peace and development objectives as well as to consider a New Partnership Agreement between Somalia and the international community. They also urged the countries in the IGAD region to speak with one voice to make the most of the present opportunities for Somalia.

At the end of the visit, H.E Mohamed Abdullahi Mohamed, President of the Federal Republic of Somalia, expressed his gratitude to H.E Hailemariam Desalegn, Prime Minister of the Federal Democratic Republic of Ethiopia, for the warm welcome and hospitality accorded to him and to members of his delegation since their arrival in Ethiopia and marked the visit as a milestone in enhancing the already existing excellent relations. H.E. President Mohamed Abdullahi Mohamed underlined that Somalia stands ready to invest and develop the fundamental infrastructure necessary to enhance economic cooperation between the two countries.

H.E Hailemariam Dessalegn, Prime Minister of the Federal Democratic Republic of Ethiopia, expressed his thanks to H.E Mohamed Abdullahi Mohamed, President of the Federal Republic of Somalia, for accepting his invitation to pay an official visit to the Federal Democratic Republic of Ethiopia. The Prime Minister underlined on the importance of the visit to forge a stronger bond between the two fraternal countries.

End of Communiqué

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo si wayn loogu soo dhaweeyay Magaaladda Addis Ababa

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Waxaa soo dhoweeyay wafdiga madaxweynaha Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo uu ka mid yahay R/wasaaraha Wadanka Itoobiya.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug oo tartan ah isdhexgalka dhalinyarada ku soo gunaanaday Caabudwaaq

0

Tartankan ciyaareed ee Nabadda iyo ishex galka dhalinarada oo ay kawada qayb galeen kooxo ka kala socday xaafaaha Degmada Caabudwaaq ayaa ciyaartii u dambaysay waxaa isugu soo haray kooxaha Ubax iyo Oktoobar waxaanay guushu ay raacday kooxda Ubax oo kaga adgaatay hal iyo waxba kooxda oktoobar.

Wasaraada Dhalinyarada iyo cayaaraha ee Dawlada Goboleedka Gamudug oo dhigtay koobkan oo ay kooxuhu ku loolamayeen ayaa abaalmarino kala duwan Gudoonsiisay kooxaha soo gaaray kaalmaha hore iyo sidoo kale ciyaaryahanadii ugu wanaagsanaa tartanka.

Gudoomiyaha Isboortiska degmada Caabudwaaq Maxamed Risaaq Dhagaburo iyo Gudoomiyaha Olombikada Galmuug Mahad cabdullahi jaamac  iyo
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Cumar cabdi Maxamed ayaa si wad jir ah  u abaalmariyay cayaartoya , masuuliyiintan ayaa sheegay in ujeedka tartanka loo qabtay uu ahaa isdhaxgalka bulshada si loo dhiiri geliyo nabada.

Suxuufiyiinta Soomaaliyeed waa geesiyaal naftooda u hura dalkooda

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay saxaafadda ugu hambalyeynaysaa maalinta caalamiga ah ee Xoriyadda Hadalka iyo Fikirka (Freedom of Expression) ee 3da May, 2017. Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta iyo horumarinta xoriyadda hadalka iyo saxaafadda sida uu qabo qodobka 18aad ee Dastuurka dalka.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ka hadlayey munaasabadan maalinta Xoriyadda Hadalka ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay dhiirigelinta Xoriyada Hadalka. Eng. Yarisow ayaa yiri “Suxuufiyiinta Soomaaliyeed waa geesiyaal naftooda u hura maalin walba horumarka dalka iyo gaarsiinta wararka xaqiiqada ah bulshada. Dalkeenna waxaa jirta warbaahin madax badannaan oo kaalin wayn ku leh wacyi gelinta bulshada iyo in dadku ay helaan macluumaadka ay u baahan yihiin. Warbaahintaas oo sidoo kale ka qeyb qaadata dhowrista xuquuqda aadanaha, dimoqoraadiyadda iyo dib-u-dhiska waddanka Soomaaliya.”

Wasaaradda Warfaafintu waxa ay la tashiyo joogto ah la yeelataa ururrada metela saxaafadda iyo wariyeyaasha kuwaas oo aan kala shaqeyno abuuridda jawi ay warbaahintu si xor ah howladeeda ugu gudato. Wadatashiyadaas waxaa ka dhashay in wasaaraddu ay aqbashay in dib-u-eegis lagu sammeeyo Xeerka Saxaafadda oo ay wariyeyaashu cabasho ka keeneen qodobbo ku jira.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Waxa aan ka tacsiyaynaynaa dhammaan howl-wadeennadii saxaafadeed ee la dilay ama la dhaawacay ayaga oo howshooda gudanaya. Dhinaca kale, sida uu qabo Xeerka Saxaafadda iyo xeerarka kaleba waa in howl-wadeennada saxaafadeed la siiyaa xuquuqdooda sida in amnigooda la sugo, tababarro xirfadooda kor loogu qaadayo la siiyo, in la hubiyo in ay helaan mushaaraad joogta ah, iyo in la baro sidii ay naftooda u badbaadin lahaayeen.”

Ugu dambeyn, Wasiir Eng. Yarisow ayaa ku booriyey Saxaafadda in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka iyo nabadda, iyaga oo si aad ah isaga ilaalinaya waxyaabaha xadgudubka ku noqon kara sharafta iyo karaamada dalka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta
media@moi.gov.so sidiqfaarax@gmail.com

Madaxweynaha Hirshabeelle oo u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay Ee Galmudug

0

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee  Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Maanta Lagu doortay  Magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah  maamulka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa sheegay doorashada ka dhacday Magaalada Cadaado in ay tahay mid taariikhi ah oo horumar u ah reer Galmudug,waxaana uu xusay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo helida Xasilooni siyaasadeed, waxaana uu u rajeeyay Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf in ilaah u fududeeyo xilka culus ee loo doortay.

“Doorashadda dhacday maanta ee lagu doortay Madaxweynaha, waxay caddeyn u tahay sida Soomaaliya u dhaqaaqday iyo horumarka la gaaray iyo sidoo kale sida shacabka Soomaaliyeed ugu bisil-yihiin ka qeyb-galka dowladnimada, Waxaan Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf u rajeynayaa in uu Alle la garab galo gudashada waajibka loo igmaday” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha  Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay baarlamanka Dowlad Goboleedka Galmudug sida wanaagsan ee ay ugu guuleysteen qabashada doorashada madaxtinimada ee Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ugu baaqay guud ahaan maamulka Galmudug gaar ahaan Madaxweynaha la doortay in uu u guntado sidii loogu guuleysan lahaa wadahadalada  Ahlusuna Waljamaaca  si xal siyaasadeed looga gaaro maamulka Galmugna uu u noqdo mid guud ahaan Deegaanka Galmudug gaarsiiya adeegyada iyo maamulka dowliga ah.

Ugu dambentii  Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Goboleedka Hirshabeelle si buuxda ula shaqeyn doonta maamulka Galmudug horeyna wada shaqeyn ay u lahaayeen isaga oo ku booriyey dhammaan shacabka Hirshabelle iyo maamul gobolleedyadda dalka ka jira inay la shaqeeyaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Cusub ee Galmudug oo loo Dhaariyay Mas’uuliyadda Cusub ee loo Dhiibay

0

Doorashadii maanta ka socotay Magaalada Cadaado ee lagu dooranayay Madaxweynaha Cusub ee Galmudug yeelan doonto ayaa la soo gaba gabeeyay iyadoo Xubnaha baarlamaanka  Galmudug ay madaxweyne u Doorteen Axmed Ducaale Geelle Xaaf  oo isla Goobtii lagu doortay lagu dhaariyay.

Musharrixii la tartamayay Axmed Ducaale Geelle Xaaf  ee Axmed Shariif Cali Hilowle  ayaa Hambalyo u diray  Madaxweynaha Cusub ee Galmudug.

“Doorashadii maanta Dhacday  waxa ay ahayd mid xor ah oo xalaal ah waa layga guuleystay idinkoo madaxweyne u doorateen  Axmed Ducaale waan la shaqayn doonaa Intii dooratayna waxaan ka dalbanayaa in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha Cusub”  Ayuu yiri  Axmed Shariif Cali Hilowle oo ahaa Musharrixii la tartamayay. Madaxweynaha la doortay.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay  intii dooratay iyo intii la tartantay oo uu ka guuleystay, isagoo ballan qaaday in uu  ka shaqayn doono  Howsha adag ee loo doortay, dowladda Dhexe ee  Federaalka Soomaliya  ayuu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan Arrimaha Galmudug.

Wasiir Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Cabdi  Faarax Juxaa ayaa  u mahad celiyay Guddigii Doorashada Madaxweynaha galmudug Howshii ay Soo qabteen, isagoo sheegay in ugu dambayn Galmudug ay yeelatay Madaxweyne .

Wasiir Juxaa ayaa kula dardaarmay Madaxweynaha Cusub  sii amba qaadista Howsha adag ee hortaalla  oo ay ka mid tahay  wada hadalladii dhawaanahaan u socday galmudug iyo Ahlusunna.