Home Blog Page 1282

Sarkaal ka socda Kuuriyada Waqooyi oo Mareykanka kula kulmay Mike Pompeo

Wakiilka Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Yong Chol ayaa la kulmay Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo kadib markii ay munaasabadda kulanka lagu qabtay dhismo ku yaalla dhismaha Manhattan ee magaalada Newyork ee dalka Mareykanka.

Kulankani ayaa sida la sheegay waxaa diiradda Lagu saaray qorshayaal badan oo ku jira kulan madaxeedka Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya kaasi oo lagu wado in la qabto bisha June ee nagu soo fool leh.

Labo kulan oo kale oo dheeraad ah lagu wadaa inuu dhexmaro Wakiilka Waqooyiga Kuuriya oo ah ninka gacanta midig ugu qaabilsan Madaxweyne Kim John-Un, kaasi oo horey u ahaa madaxii hay’adda Jaajuuska ee Waqooyiga Kuuriya iyo Pompeo oo horey u ahaa Madaxii Sirdoonka CIA-da ee dalka Mareykanka  iyadoo kulamadaasi lagu wado in qabsoomaan khamiista maanta ah.

Ergayga gaarka ah ee hogaamiyaha dalka Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa gaaray magaalada New York City.  Ninkan oo da’diisu lagu sheegay 72-sano jir ayaa lagu yaqaanaa inuu kamid yahay dadka ugu awoodda badan ee Waqooyiga Kuuriya.

Waxa uu ninkan sida lasheegay ka cayaaray door dhexdhexaad ah shir madaxeedkii dhowaan dhexmaray Kim Jong-un dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in.

Taxanaha kulamadani ayaa yimid kahor inta uusan qabsoomin kulan madaxeedka heerka sare ee la qorsheeyay in 12bisha June uu ku dhexmaro gudaha dalka Singapore Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Kuuriya Waqooyi ee Kim Jong-un.

Wakiilo ka socda Hay’adaha Dowladda FS iyo Bulshada Rayidka oo Tababar loogu qabtay Kenya

0

Mumbasa(SNTV) Tababarkan oo loo qabtay wakiilo ka kala socoda hay’adaha kaladuwan ee Dowladda Soomaaliya iyo Ururada bulshada Rayidka ayaa lagu qabtay magaalada Mombasa ee dalka Kenya,si aqoontooda maamuleed sare loogu qaado.

Waxaa tababarkan ka qeyb galaya ilaa 30 qof oo ka kala socoday hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiilo ka socda ururada bulshada Rayidka Soomaaliyeed,waxaana lagu baranayay dib uga kabashada musiibooyinka iyo sida loo maareynkaro intuba.

Qaban qaabada tababarkan ayaa waxaa lahaa Urur Goboleedka IGAD oo ugu talagalay in loogu faa’ideeyo bulshada Soomaaliyeed fahanka dhibaatooyinka ka dhalan kara musiibooyinka dabiiciga iyo iyo sida loo maareeyo,iyadoo dadkii ka qeybgalayna looga fadhiyo in waxyaabihii ay ka faa’ideysteen ay ugu adeegaan bulshada.

Tababarkaan ayaa ku soo beegmaya xili ay Soomaaliya ka dhaceen daad iyo fatahaad ay sameeyeen webiyada Jubba iyo Shabeelle oo saameyn naf iyo maal ah ku yeelatay dadka iyo duunyadda.

Ciidamada Xasilinta Caasimadda oo gacanta ku dhigeen Rag hubeysan

0

Muqdisho(SNTV) Howlgaladii ugu dambeeyey oo ay sameeyeen Ciidamada Xasilinta Caasimadda ee Muqdisho 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ayaa waxaa ka mid ahaa howlgal lagu soo qabtay ilaa 11 qof oo lagu soo qabtay xaafado ku yaala degmada Dherkiinley, iyagoo sita hubkooda oo ay bulshada ku dhibaatayn jireen.

Mudane C/llaahi Maxamed Tuulax oo ah guddoomiye kuxigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay isago ku sugan Saldhig Galbeed ee Dherkiinley oo ragaasi lagu soo bandhigay ayaa ku ammaanay ciidamada sida ay ugu diyaarsan yihiin ka hortagga dadka kooxaha bulshada dhibaataynaya.

Wuxuu sidoo kale C/llaahi Maxamed Tuulax uu ku booriayay shacabka in ay ciidamada kala shaqeeyeen sidii amniga loo sugi lahaa,waxaana dadka la soo qabtay haatan ay gacanta ugu jiraan ciidanka amniga si sharciga loo marsiiyo.

Tan iyo markii ay bilabatay bisha Ramadaan waxaa sii xoogeysanayay howlgalada Ballaaran oo ay wadaan ciidamada Xasilinta caasimadda Muqdisho,kuwaasi oo baaritaano xoog leh ku sameynaya isu socodka dadka iyo gaadiidka,si looga hortago kooxaha falalka amni dari geysanaya.

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiisyo

0

Jabuuti(SNTV):–Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Isse Awad iyo wafdi uu hoggaaminayo oo muddo laba cisho ah booqasho ku joogay dalka Jabuuti ayaa la kulmay Madaxda Dalkaasi.

Mudane Amb. Ahmed Isse Awad  waxa uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ballaaran ee laba dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Labada Wasiir ayaa kala saxiixay heshiisyo seddex ah oo uu ku jiro mid ku qotoma iskaashiga ammaanka.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Isse Awad oo ay ku wehliyeen socdaalkiisa Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo Siihayaha xilka Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Mudane Khaliif Cali Xaashi Cilmi ayaa shalay waxa ay booqasho sharafeed ugu tageen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane, Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo sidoo kale booqdey xarunta Golaha Baarlamaanka iyo Machadka Diblomaasiyadda dalkaasi.

 

Syria oo aqoonsatay goballo ka go’ay Georgia

0

Xukuumadda Georgia ayaa sheegtay in ay gebi ahaanba joojin doonto xiriirka dhinaca diplomaasiyadda ee ku aadan Suuriya kadib markii ay dowladda Suuriya sheegtay in ay u qoonsan tahay Abkhazia iyo Koonfurta Ossetia meelo ka madaxbanaan dalka Goergia.

David Dondua, oo ah ku xigeenka Arrimaha Dibadda Georgia ayaa sheegay in talaabadaasi ay qaadeen ay jawaab u tahay hadalka kasoo yeeray dowladda Suuriya islamarkaana ay u jareen calaaqaadka xagga diplomaasiyadda.

Hadalkani ayaa soo shaacbaxay kadib markii ay dowladda Suuriya daboolka ka qaaday in ay xarumo safaarado ah ay ka furayso Koonfurta Ossetia iyo Abkhazia iyadoo tallaabo taasi lamid ah ay billaabeen Abkhazia iyo Konfurta Ossetia kuwaasi oo danjirayaashooda udiray dhinaca dalka Suuriya.

Kasukoow dalka Suuriya, wadamada Venesuela, Nicaragua, Vanuata iyo Nauru ayaa kamid ahaa dalalka sidoo kale aqoonsaday labada deegaan oo aanan weli la raacin dhinaca Ruushka.

Madaxweynaha Suuriya ayaa xiriir aad u dhaw la leh dhiggiisa dalka Ruushka, ee madaxweyne Viladmir Putin, taniyo markii uu dalka Ruushka ciidamo badan badan iyo diyaaradaha dagaalka uu ku daabulay dalka Suuriya dabayaaqadkii sanadkii 2015-kii si u gacan siiyaan ciidamada dowladda Suuriya.

Taniyo xiligaasina ciidmada Dowladda Suuriya ayaa qabsananayay dhulal badan oo horey ugu jiray gacanta kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda dowladda, waxaana taasi loo nisbeeyaa in ay tahay caawimaadda dhinaca militariga Ruushka ay siiyeen dowladda Suuriya.

David Dondua oo ah ku xigeenka A.Dibadda Georgia ayaa sheegay in dalkiisu uu ku dhaqaaqay tallaabo uu ku meel marinayo joojinta xiriirka xagga dibloomaasiyadda eek ala dhaxeeyay Suuriya, kadib markii Dimishiq ku dhawaaqday in ay aqoonsatay gobolladaasi.

Mr. David ayaa intaasi ku daray in xukumadda madaxweyne Asad ay si weyn u taageersaneyd gardarrada militari ee uu Ruushka kula kacay Georgia, qabsashada sharci darrada ah ee Abkhazia iyo (Koonfurta Ossetia) iyo waxa uu ugu yeeray isir tirtirka sanado badan ka socday halkaasi, sida laga soo xigtay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Georgia.

 

 

Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Guddoomiyaha G/banaadir oo caawa kormeeray qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka

0

Muqdisho (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Yariisow iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska , ayaa caawa kormeeray Xarunta dambi baarista Ciidanka Booliska, Taliska Ciidanka ilaalada Nabad gelyada Wadooyinka, Xarunta gaadiidka C.B.S, Dugsiga tababarka ee Gen. Kaahiye  iyo Xarunta Caruurta Agoonta ee Ciidanka Booliska.

Taliyaha iyo guddoomiyaha, ayaa u kuur galay sida xilliga habeenkii ay shaqeeyaan xarumahaasi, waxaana halkaasi ay kula kulmeen Ciidanka iyo Saraakiisha Madaxda ka ah  xarumaha ay kormeereen, iyaggoo  ka wareystay shaqada ay hayaan iyo howlaha nabad gelyada Caasimada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Yariisow, ayaa Xarunta Agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  kula afuray Qaar kamid ah Saraakiisha Booliska, Ciidanka iyo Caruurta xaruntaasi lagu barbaarinayo.

Madaxweyne Farmaajo oo wada hadallo la yeeshay Madaxweyne Kenyatta

Nairobi, 30ka May, 2018:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho hal cisho ah ku jooga dalka Kenya ayaa maanta wada hadallo kula yeeshay Madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkan Mudane Uhuru Muigai Kenyatta.

Madaxweyneyaasha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada ammaanka, la dagaallanka kooxaha argagixisada ah, ganacsiga iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Kenya sida ay dowladdiisu u garab taagan tahay Soomaaliya, isaga oo bogaadiyay kaalinta ay Kenya ka qaadaneyso Hawlgalka Nabad iIaalinta Midowga Afrika ee AMISOM si looga adkaado kooxaha argagixisada ah.

Waxyaabaha kale ee ay labada Madaxweyne ka wada hadleen waxaa ka mid ah iskaashiga dhaqaale ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay isu socodka dadka iyo badeecadaha. Waxaa sidoo kale la isla gartay in la sugo ammaanka xudduudaha labada dal si looga hortago in kooxaha argagixisada ahi ay isaga gudbaan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay in la sameeyo guddi wadajir ah oo u kuurbgala xaaladda degmada Balad Xaawo, isla markaasna soo diyaariya warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ka jirta xuduudda u dhaxeysa labada dal.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay taageero joogta ah siineyso shacabka iyo dowladda Soomaaliya, waxa uuna intaas ku daray in dowladdiisu ay aaminsan tahay in midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya ay tahay lama taabtaan.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiir Ku Xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud, Wasiir Ku Xigeenka Wasaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble iyo masuuliyiin kale.

Golloha Wasiiradda Soomaaliya oo Ansixiyay Hindise Shirciyeedyadda Dambiyadda Kufsiga iyo Sharciga Nakhshadeynta Magaalooyinka

Muqdisho(SNTV):— Shirka Golloha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Muadane Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyay Hindise Sharciyeedka Dambiyadda Kufsiga iyo Hindise Sharciyeedka Nakhshadeynta Magaalooyinka Soomaaliya. Sidoo kalana waxaa warbixino kala duwan laga dhagaystay qaar kamid ah gollaha wasiiradda iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Ugu horeyn, Wasiirka amniga Gudaha Mudane Maxmed Abuukar Islow Ducaale, ayaa ka war bixiyay amniga guud ee dalka iyo dar-dar gelintiisa, guulaha laga gaaray iyo qorshayaasha hor-tebinta leh ee khuseeya sare u qaadidda amaanka si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan nabad ay isku haleyn karaan.

Gollaha Wasiiradda ayaa dood iyo falaqeyn dheer ka dib waxay isla garteen in la ansixiyay Sharciga Dambiyada Kufsiga oo ay golaha hor keentay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuq Insaanka Soomaaliya, sidoo kalena waxay meelmariyeen ansixita Sharciga Nakhshadeynta Magaalooyinka oo kulankii hore ay soo gudbisay wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib u dhiska, waxayna sheegeen golluhu in sharicahn uu baahi badan dalku haatan u qabo.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed S.G. Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, oo ka qeyb galay shirka ayaa mudanayaasha uga warbixiyay Qorshaha Suggidda Amniga Caasimadda, ee (SAMA), isaga oo sheegay in ay meel wanaagsan marsiinayaan, tallaabooyin wanaagsanna ay qaadeen tan iyo markii la bilaabay dar-dar gelinta Sugidda Amniga Caasimadda.

Ugu danbeyntii, Wasiirka Qorsheynta XFS Jamal Maxamed Xasan, ayaa ka war bixiyay qorshaha soo ka bashada abaaraha iyo Fatahaadaha. Wuxuuna ku dheeraaday soo bandhigidda dhibaatooyinka laga dhaxli karo abaaraha soo noq-noqda iyo sidoo kale duufaantii dhawaan ku dhufatay qeybo kamid ah dalka.

Shir looga hadlayay sidii loo dedejin lahaa Mashaariicda horumarineed ee Noraway oo Muqdisho lagu qabtay

0

Muqdisho(SNTV) Shirkani oo ujeedkiisu ahaa dardargelinta mashaariicda horumarineed oo dowladda Norway ay kawaddo Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho,iyadoo uu ka qeybgalay Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha, Xukuumadda Soomaaliya Jamaacal Maxamed Xasan iyo darjiraha Norway ee Soomaaliya.

Mudadii uu socday shirkan ayaa ayaa lagu gorfeeyey sidii loo dedejin lahaa mashaariicdaasi horumarineed gaar ahaan dhibaatooyinka fatahaadaha iyo roobadka,iyadoo sidoo kale looga hadlaya xoojinta xiriirka ka dhexeey labada dowladood Soomaaliya iyo Norway,waxaana qeyb ka ahaa guddi dowladda Soomaaliya ugu xilsaaran dabagalka mahsaariicdaasi.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha, dowladda Soomaaliya oo la hadlay awarbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyaay waxyaabaha looga hadlaya shirkooda.

“Waxaan maanta ka wada hadalnay mashaariic cusub oo laga fulinayo dalka,waxaa ila jooga danjiraha Noraway ee Soomaaliya,oo runtii shaqo badan ka qabtay wanaajinta xiriirka labada dal,waxaan ka wada hadalnay in si dhaqsi ah wax looga qabto meelahii ay ku dhufteen dabeylaha iyo roobabka oo magaalaad Muqdisho ay kujirto,iyo meelo badan oo kamid ah gobolada dalka anagoo maalmaha soo socda aan qiimeyn ku sameyn doono arrimahaasi,aad bay u mahadsanyihiin dhamaan dadkii soo qaban qaabiyay shirkan”.Ayuu yiri Wasiir Jamaal.

Dhinaca kale Danjirah Dowladda Norway ee Soomaaliya Baybiyan Mihaynis ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo fulin lahaa mashaariicdaasi oo dowladda Norway ugu talagashay in ay ku taageerto Soomaaliya.

Dowladda Norway ayaa kamid ah wadamada sida gaarka ah u taageera Soomaaliya.

Dayniile oo bar-bar dhac ay la gashay Baydhabo guul u noqotay!

Muqdisho (SNTV)- Caawa tartan aqooneedka waxa uu dhexeeyay degmooyinka Baydhabo iyo Deyniil oo ka kala tirsan Goballada Bay iyo Benaadir.

Tartameyaasha Degmada Deyniile ee gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey 7-su’aal, waxa ay ka jawaabeen 3- su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareeer martay tartamayaasha Degmada Baydhabo, sidaa darteed  tartameyaasha Degmada Deyniile waxa ay heleen 6-dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Baydhabo ee gobolka Baay waxaa dhankooda la weydiiyay 7-Su’aal, waxa ay ka jawaabeen 3- su’aal,  waxa ay ka faa’iideysteen hal suaal oo soo hareer martay Deyniile, sidaasi darteed  tartameyaasha Degmada Baydhabo waxay heleen  6- dhibcood.

Tartamaasha labada degmo ayaa isku mari waayay su’aalihii ay ku tartamayeen, waxaana ay la yimaadeen min lix dhibcood dood dheer kaddib tartamayasha Degmada Baydhabo ayaa jebiyay xeerka tartanka u degsan, maadaama ay dood ka keenen su’aal ka faa’iideysi ahayd balse markii laga qanciyay ay ku raali noqon waayeen.

Guddoomiyaha Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka Maxamed Abuukar Axmed Ma’da oo ka hadlay tartanka ayaa sheegay in maadaama waqti dheeri ah loo baahday la isku dayay in la qanciyo tartamayaasha degmada Baydhabo, marba hadii  ay si qalad ah uga jawaabeen su’aashii ka faa’iideysiga ahayd, isla markaana ay ku xadgudbeen sharciga tartanka u yaalo ee dhanka anshaxa ah.

“Waxaan caddeynayaa markii aan kulan dheer ah qaadanay, oo tartamayaasha Degmada Baydhabo aan ku qancin waynay inay tartamayaan, maadaama tartanku uu ahaa mid bar baro ah, guddiga waxa uu go’aamiyay in dhibcihii tartanka lagu wareejiyay Tartamayaasha Degmada Deyniile” ayuu yiri Guddoomiyaha guddiga tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Guddiga waxaa kaloo uu sheegay in jadwalka tartanka wax laga badalay, kaasi oo laga dhigay 9:30 pm halka markii hore uu ahaa 10:00 pm.

Tartamayaasha Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka.

Tartanka ay tabineyso warbaahinta Qaranka isla markaana uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir waxaa ku wada ballansan degmooyinka  Kismaayo & Dhuusamareeb oo ka kala tirsan Gobollada Jubada Hoose iyo Galgaduud.