Home Blog Page 1264

Hey’adda Socdaalka Soomaaliya oo kordhineysa xarumaheeda

0

Kismaayo(SNTV):–Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col: Maxamed Aaden Koofi ayaa kormeer shaqo ku tagey magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Jubbaland.

Agaasimaha oo safarkiisa uu ku wehlinayey madaxa howlaha ee HSJ ayaa la kulmey saraakiisha laanta HSJ u qaabilsan deegaanada Jubbaland, wuxuuna ka dhageystey warbixino la xariira shaqada.

Agaasimaha ayaa habeenimadii xaley aqalka madaxtooyada ku booqdey madaxweynaha Jubbaland, waxayna ka wada hadleen howlaha ballaaran ee HSJ ka heyso deegaanada Jubbaland.

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa ku guda jirta fulinta qorshaha wajiga 3aad ee dib u howlgelinta barahii socdaalka xuduudaha dhulka iyo ballaarinta xaruumaha adeegga baasaboorka iyo Kaarka aqoonsiga.

Madaxweynaha JFS oo ku wajahan Magaalada Addis Ababa.

0

Muqdisho(SNTV Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u ambabaxay Magaaladda Addis-Ababa, halkaasi uu kaga qeybgalayo shir aan caadi ahayn oo madaxda waddamada IGAD ay isugu imaanayaan.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda Koonfurta Suudaan oo ay ka soo korortay xaalad amni xumo, kadib markii ay markale is fahan la’aan soo dhex gashay Madaxda Dalkaas.

Madaxda urur goboleedka IGAD ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii xal looga gaari lahaa xaaladda wadanka Koofurta Suudaan, iyadoo sidoo kale magaalada Addis Ababa ay horay u sii gaareen madax ka socota koofurta Suudaan.

Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo oo looga hadlay u diyaar Garowga Maalmaha Xoriyadda

0

Muqdisho, June 20, 2018–Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo oo shir guddoominayey Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa looga hadlay amniga, daadajinta adeegyada asaasiga ah, sidii kor loogu qaadi lahaa ololaha nadaafadda iyo bilic soo celinta magaalada, u-diyaar garowga maalmaha xoriyadda ee foodda nagu soo haya.

Ugu horeyn, ayaa warbixinno la xiriira xaaladaha degmooyinka laga dhageystay qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka, iyagoona ka hadlay xaaladda degmooyinkooda, islamarkaana tilmaamay in meel wanaagsan uu marayo daadajinta adeegyada iyo wada shaqeynta shacabka iyo Maamulka.

Warbixinta amniga oo laga dhageystay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed C/laahi Maxamed ayaa lagu xusay in qorsheyaasha sugidda amniga Caasimaddu uu meel wanaagsan marayo, iyadoo shacabka laga codsaday in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta kala dhaxeysa hay’adaha amniga.

Duqa Muqdisho ayaa kulanka ka sheegay in maamulkiisu uu mudnaan siiyey sidii amni buuxa loogu heli lahaa Caasimadda, kaas oo horseed u yihiin guddoomiyeyaasha degmooyinka, Taliyeyaasha ciidamadda iyo shacabka oo iskaashanaya.

Madaxda Maamulka Gobolka iyo kuwa heer degmo ayaa ka arrinsaday u diyaar garowga maalmaha Xoriyadda ee 26-ka Juun iyo 1da Luuliyo oo qorshuhu yahay in magaalada Caasimadda lagu qabto munaasabado lagu maamuusayo qiimaha ay leeyihiin maalmaha xoriyadda.

Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo ayaa intii uu socday waxuu Duqa Muqdisho warbixinno la xiriira Nadaafadda iyo bilicda, dakhliga, amniga iyo siyaasadda ka dhageystay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Ku-xigeennada Goddoomiyaha ee Arrimaha, Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed C/laahi Maxamed, Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, iyo Xog-hayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen.

Ugu danbeyn, Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho in loo istaago horumarinta Caasimadda, isagoo u sheegay shaqsiyaadka deegaamaystay dhulalka danta guud in gacanta dawladda dib loogu soo celin doono, ugana digay ganacsatada Soomaaliyeed in dhaqaalahooda ay geliyaan dhulalka danta guud ah.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyey Lacagta cusub ee Shillin Soomaaliga ah

Muqdish (SNTV), Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Mudane Bashiir Ciise Cali oo maanta la hadlay Warbaahinta, ayaa ka warbixiyey Lacagta cusub ee Shillin Soomaaliga ah ee dalka loo soo daabacayo iyo hawlaha lagu horumarinayo Bankiga dhexe ee dalka.

Ugu horeyn guddoomiyaha, ayaa sheegay in Lacagta cusub ee dalka loo soo daabacayo ay ka kooban tahay qeybo badan, isaggoo tilmaamay in lacacagtaasi ay tahay mid ay adag tahay in Copy laga sameeyo oo lagu been abuurto.

“Lacagta Cusub waxay ka kooban tahay Afar qeybood oo kale ah  1,000 Sh.so, 2,000 Sh.so, 5,000 Sh.so iyo 10,000 Sh.so, Lacagta Cadadka ugu badan ee lasoo daabacayo waa 1,000 Sh.so (Kun Shillin Soomaali), waxaa ku xigga 2,000 Sh.so (Labo Kun Shillin Soomaali), waxaa ugu cadad yar  5,000 Sh.so iyo 10,000 Sh.so (Shan Kun iyo Toban Kun oo  Shillin Soomaali ah), Marka ugu horreeysa afartaas qeyb ayaa lasoo saari doonaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Bankiga dhexe.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Mudane Bashiir Ciise Cali, ayaa dhanka kale sheegay in muddadii dib loo howl galiyey Bankiga dhexe ay kasoo wareegtay Toban sano, ayna muddaasi u qabsoontay waxyaabo badan oo horumar ah, isaggoo carabaabay in hadda ay ku guda jiraan Casriyeenta habka shaqo ee Bankiga, si shaqada loo sii dardar geliyo.

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalo xeebeedka Warsheekh ee Gobolka Shabeelle Dhexe .

Muqdisho (SNTV), Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dawlad goboleedka Hirshabeelle, mudane Maxamed Cabdi Waare oo qeyb ay ka yihiin  Madaxweyne ku xiggeenka maamulkaasi, Wasiiro iyo Xildhibaano, ayaa maanta gaaray  Magaalo xeebeedka Warsheekh ee Gobolka Shabeelle Dhexe.

Wafdigaasi, ayaa waxaa soo dhaween u sameeyey  Masuuliyiinta magaaladda Warsheekh, Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Hirshabeelle, mudane Maxamed Cabdi Waare iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa kulan la qaatay Maamulka degmadda Warsheekh, waxaana ay kawada hadleen  amniga,horumarka degmadda iyo arrimo kale.

Horumarro aad uwayn ayay gaartay Degmada Warsheekh waxaana maanta ka shaqaynaya Cisbitaal wayn oo hoos imaanaya maamulka Degmada  si bilaash ahna bulshada ugu adeegi doono..

Degmada Warsheekh ayaa sidoo kale laga hirgaliyay meel weyn oo loo isticmaali doono Soollarada nalalka ay wada isticmaali doonaan dhammaan shacabka Degmada Warsheekh.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay dhiggiisa Norway

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, oo ku sugan magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalkaasi, Erna Solberg.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa kawada hadlay adkeynta Xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway, horumarka, maal-gashiga, kobcinta dhaqaalaha, iyo taageerada hay’adaha amniga Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa u sheegay dhiggiisa dalka Norway, Erna Solberg in Dowladda Soomaaliya ay horumar ka sameysay siyaasadda, dhaqaalaha, la dagaallanka musuq-maasuqa isaga oo ka codsaday Dowladda Norway in taageero ballaaran ay la garab istaagto Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Erna Solberg ayaa soo dhaweysay horumarrada Baaxadda leh ee Soomaaliya ay ku tilaabsaneyso, waxa ayna shaaca ka qaaday in Norway ay ka go’antahay garab istaagga Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa dhanka kale kulan la qaatay wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dalka Norway Nikolai Astrup isaga oo kulamo looga hadlay qorshayaal muhiim u ah shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed horay ula yeeshay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Wasiirka arrimaha dibadda Norway iyo agaasimaha Xarunta Wadatashiga arimaha Bini’aadninimada.

Xasan Xuseen Xaaji oo kormeeray xarun lagu dhaqanceliyo dhalinyarada

0

Wasiirka wasaaradda  Cadaaladda iyo Garsoorka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Sarindi  ee Muqdisho taasoo  lagu dhaqanceliyo dhallinyarada ka soo goosata malleeshiyaadka Shabaab.

Wasiirka ayaa markii uu gaaray xaruntaasi waxa uu warbixin ku saabsan xaaladda nololeed ee dhallinyaradaasi ka dhageystay saraakiisha maamulka iyo kuwa ammaanka ee xaruntaasi.

Intaasi kaddib wasiirka waxa uu ku soo wareegay dhammaan qeybaha ay ka koobantahay xaruntaasi, isagoo u kuurgalayay xaaladda nololeed, caafimaad, waxbarasho iyo jiifkooda sida uu yahay.

Xasan Xuseen Xaaji wasiirka Caddaladda iyo Garsoorka Soomaaliya ayaa aad ugu ammaanay mas’uuliyiinta xaruntaasi daryeelka wanaagsan oo ay u fidiyeen dhallinyarada ka timid Shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu ay gacan buuxda ka geysandoonto dhaqancelinta dhallinyradaasi, isagoo dhinaca kale tilmaamay in wasaaraddu ay wax ka qabandoonto cabashooyin ka soo gaaray dadweynaha oo ku saabsan dhinaca garsoorka.

?
?
?

 

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasha ah ku  xukuntay Sarkaal  dilay  Askari.

Muqdisho (SNTV)-Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda Ciidamada hor keenay  dacwad ka dhan ah  Xidigle Xoogga Dalka Mowliid Cali Cabdi oo dil bareer ah u geystay Ex, Dable Axmed Nuur Xuseen oo ay ka wada tirsanaayeen Urur  ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigay Cadeymihii laga qoray eedeysanaha, warqadda dhimashada marxuumka ay qolyaha caafimaadka ku cadeeyeen dhimashada, qorigii lagu dilay iyo laba askari oo goob joog u ahaa falkaasi.

Intaas kedib ayaa waxaa doodda qaatay Qareenkii difaacayay eedeysanaha, waxa uuna maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha dambiga geystay uu difaacayay naftiisa isagoo qiil kaga dhigay in uu ka da’weynaa, balse ay ka xun yihiin wixii dhacay oo dil ah taa bedelkaadna ay diyaar la yihiin Diyada Marxuumka.

Garsoorayaasha Maxkamadda oo eegaya  Eedda Xeer Ilaalinta, Cadeymaha Warqadaha Dhimashada, Markaatiyaasha, Qorigii lagu dilay Marxuumka iyo Qiraalka uu ka hor cadeeyay Maxkamadda aya go’aan ku gaareen In Mowliid Cali Cabdi uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, waxa ayna Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Dil-Toogasha ah  oo ah Qisaasta Ex, Dable Axmed Nuur Xuseen iyadoo sidoo kale ka xayuubisay Darjadii Ciidan uu lahaa, Sida uu u sheegay Warbaahinta Garsoor G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Dambiilaha dil ka geystay waxaa u furan rafcaan oo u qaadan karo Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda.

  

Nikki Haley oo sheegtay in ay ka baxday Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Q/Midoobay

Muqdisho (SNTV) Mareykanka ayaa ka baxay Gollaha xuquuqda Aadanaha Q/Midoobay , Safiirka Mareykanka u fadhisa Q.Midoobay Nikki Haley ayaa sheegtay in arrintani ay ka dambeeysay kadib markii ay oggaatay in ay jirto daacad darro iyo dhinac u xaglin looga soo horjeedo Israel.

Nikki Haley, Ergayga Mareykanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in guddiga uu yahay mid xaqiraad iyo xushmad dhac ah ku ah.

Golaha Xuquuqda Aadanaha oo fadhigoodu yahay magaalada Geneva islamarkaana la sameeyay sanadkii 2006-dii, ayaa waxaa soo wajahay cambaareeyn taasi oo u oggolaatay in su’aalo kulul laga laga weydiiyo wadamada xubinta ka ah kuwaasi oo kusaabsan arrimaha dhanka xuquuqda aadanaha oo lagu eedeeyo in ay gaystaan.

Dad u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in talaabada mareykanka ay dhaawacayso dadaalada kormeerka iyo ka hadalka tacadiyada xuquuqul insaanka ee ka dhaca dacalada dunida.

Kudhawaaqista go’aanka aan kaga fadhiisanayo golaha, ayay ku sheegtay Ms Haley in ay tahay golaha oo kusoo baxay “daacad darro iyo iyadoo uu noqday mid lagu shaqeeysanayo” kaasi oo soo bandhigay ” cadaawad aan dhammaad lahayn oo lo ohayo Israel”. Ayay tiri Haley.

Waxa ay ka hadlaysay iyadoo barbar taagan xoqhayahaA/Dibadda Mareykanka  Mike Pompeo, kaasi oo ku cambaareeyay golaha inuu yahay ” mid difaacaya kuwa geysta falalka beni’aadanimada ka baxsan”.

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweyne Farmaajo “Heshiis kasta oo aan galnay wuxuu ku salaysnaa soo celinta magaca Dalka”

0

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi gaar ah siiyey Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyey muhiimadda heshiiska taariikhiga ah ee dhexmaray waddamada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha JF Soomaaliya waxa uu adkeeyey Madaxbannaanida iyo ilaalinta qarannimada Soomaaliya, isagoona sheegay in xiriir iyo heshiis kasta ay la galeen caalamka uu ku salaysnaa soo celinta magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo sare u qaadista maqaamka ay ku leedahay dunida.

Madaxweynaha oo wax laga weydiiyey heshiiskii dhawaan ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa yiri”Inta badan Madaxda Adduunka markii aan hor fariisanno waxaan kala hadli jirnay Amni oo kaliya, balse booqashadaan uu Soomaaliya noogu yimid Dr.Abiya  waxa uu ahaa mid ku saabsan kor u qaadista xiriirka labada dal, iyadoona lagu saleynayo iskaashi, wax wada qabsi iyo isixtiraam. Dalkastana uu ixtiraamayo madaxbannaanida, jiritaanka iyo qarannimada dalka kale.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in heshiiskan mira dhalkiisu uu muhiim u yahay shacabka Soomaaliyeed maadaama dalkaasi uu suuq weyn u noqon karo ganacsatada Soomaaliyeed, isagoona meesha ka saaray cabsida laga muujiyey heshiiskan, maadama arrimahan ay asaas u ahaayeen safarrada Gobolka uu ku maray Dr.Abiye oo heshiisyo ku saabsan dekadaha iyo ganacsiga uu la soo galay dalalka Suudaan iyo Jabuuti.

“Waxaan aaminsanahay in aan soo gaarnay heer aan kala hadli karno dalalka kale, gaar ahaan kuwa dariska ah isu socodka xorta ah ee dhaqaalaha iyo bulshada. Waxaan aaminsannahay in ay guul tahay in nala kala xaajoodo arrimahan iyadoona dowladuhu ay aaminsanyihiin in Soomaaliya soo kabsatay, lagu kalsoonaan karo lagalana xaajoon karo horumarka.”