Wasaaradda A/Gudaha Koonfur Galbeed oo ka warbixisay qorshaha awood qaybsiga ee goleyaasha deegaanka ee Baydhaba.

Date:

19-Luulyo 2018, Muqdisho (SNTV) Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamul gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in ay wado sidii lagu soo gabo gabeeyn lahaa shirarka awood qaybsiga beelaha ee goleyaasha deegaanka degmada Baydhaba ee xarunta Maamul Gobolleedka Koonfur Galbeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dibuheshiisiinta ee Koonfur Galbeed oo khadka telefoonka ugu waramayay warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay habsami u socodka howlaha awood qaybsiga beelaha goleyaasha deegaanka ee degmada Baydhabo ee xarunta dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, isagoo xusay in maamulka uu kudhow yahay inuu dhammeystiro wejiga koowaad ee dhismaha goleyaasha deegaanka oo ay kamid yihiin Baydhabo iyo Baraawe.

Cumar Maxamed Macalim C/laahi ayaa sheegay in wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ay gelisay juhdi si ay u hirgeliso dhismaha dhismaha goleyaasha deegaanka degmooyinka Baydhabo iyo Baraawe isagoo sheegay in haatan socdaan howlaha awood qaybsiga goleyaasha deegaanka ee beelaha wada daga tuulooyinka hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta Maamul gobolleedka Koonfur Galbeed.

Mar uu ka hadlayay xiliga rasimiga ah ee lagu wado in lasoo afjaro shirarka dhismaha goleyaasha deegaanka,  Cumar Maxamed Macalim ayaa sheegay in Wasaaraddu qorshaynayso in ay soo afjarto dabayaaqadka bisha August waqtigaasi oo lagu wado in ay degmada Baydhabo yeelato gole deegaan oo ay dadku soo doorteen.

’’wejiga koowaad afardegmo ayay ahayd, waxa aan ku guuleeysanay labo degmo, labo degmo hadda ayaan gacanta ku haaynaa, sida Baydhabo iyo Baraawa”

Cumar Maxamed Mucalim ayaa yiri ” Waxaa noogu xigi doono wejiga labaad oo shan degmooyin noo qorshaysan Buur-hakaba, Waajid, Diinsoor, Wanla weyn iyo Qansax-dheere’’ Ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ayaa horey ugu guuleysatay dhismaha goleyaasha deegaanka ee demooyinka Xudur iyo Berdaale oo ka kala tirsan Bay iyo Bakool.

Dhismaha Gole deegaan ayaa ah gole loogu talo galay in ay ka shaqeeyaan horumarinta deegaanka ay matalaan islamarkaana ay ka shaqeeyaan soo celinta adeegyada aas aasiga u ah bulshadaasi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa maamul gobolleedyada iyo beesha caalamka ayaa si wadajir ah uga shaqeeynaya hirgelinta mashruuca Wadajir Frame work oo ah dhismaha goleyaasha deegaanka kaasi oo wejigiisa koowaad uu yahay mid ka kooban 26-degmo laga hirgeliyo gobollada dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...