Guddiga Amniga Qaranka oo go’aanno ka soo saaray waddooyinka xiran ee caasimadda

Date:

Guddiga Amniga Qaranka oo kulan ku yeeshay caawa magaalada Muqdisho ayaa soo saaray awaamiir ku aaddan amniga caasimadda iyo Dekedda Muqdisho.

Madaxweynaha J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu yeeray guddiga Amniga Qaranka, si looga jawaabo cabashooyin ka yimid shacabka caasimadda, dood dheer oo ay yeesheen guddiga keddib waxa ay soo saareen qodobbada soo socda.

Guddiga waxa uu falanqeyn iyo doodo keddib  boggaadiyey ciidammada amniga sida ay uga jawaabbeen ficillada argagixisada, isla markaana ay u hor joogsadeen nabad-diidka oo doonayey in ay  shacabka masaakiinta ah u geystaan khasaare xooggan

Guddiga waxa uu tacsi u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeelloobey falalkii u dambeeyey ee Argagixisada Al-shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho.

Iyadoo si dhaqsi leh looga jawaab celinayo cabashada shacabka Guddiga Amniga  Qaranka ayaa  go’aamiyey in muddo 48 saacadood ah lagu furo waddooyinka xiran sida  Soddonka, Maka Al-mukarramma, Afisyooni iyo kuwa kale ee la midka ah, ciidammada amniguna ay gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta iyo xasllinta nabadgelyada caasimadda.

Guddigu waxa ay ku amreen Wasaaradaha, Maaliyadda, Gaadiidka,   iyo maamulka gobolka Benaadir in ay  dib u eegis ku sameeyaan hannaanka isticmaalka waddooyinka caasimadda, bacdamaa ay sii kordheen tirada Gaadiidka iyo Bajaajyada ee soo galeysa gobolka Benaadir.

Sidoo kale Guddiga ayaa isku raacay in Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha, Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir la yimaadeen qorshe sida ugu dhaqsiyaha badan 24-saac ku shaqeyn karto Dekedda Muqdisho, tan oo ka jawaabeysa baahiyaha Ganacsi ee  ay qabaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...