Home Blog Page 1263

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo manta kulan yeeshay

Muqdisho (SNTV), Kulanka Guddiga joogtada ah ee golaha shacabka Baarlamaanka JFS oo uu shir guddoominayay ku-simaha madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa waxaa ugu horeyn warbixino looga dhageystay guddiga joogtada ah ee golaha.

Sidoo kale dhismaha ka socda xarunta guddoonka iyo gudiyada ee villa Hargeysa, ayaa looga hadlay kulanka guddiga joogtada ah ee golaha shacabka,waxaana sidoo kale inta uu kulanka uu socday aad looga hadlay dhibaatooyin wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo ay kala kulmaan dadka shacabka ah ee wadadaasi ku safra.

Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan, ayaa sidoo kale kormeeray dayacir lagu sameynaya xarunta golaha shacabka oo hadda heer gabogabo ah maraya.

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Furumaha hore ee dagaalka Ciidamada Xoogga ugu geeyay Raashin Bisil

Muqdisho (SNTV), Golaha dhalinyarada dowlad goboleedka Jubbaland oo ay ku mideysan yihiin dhalinyarada ku dhaqan degaanada Maamulkaasi, ayaa bilaabay Olole lagu dhiiragalinayo ciidamada Xoogga dalka ee dagaalka kula jira Nabadiidka Al-shabaab.

Dhalinyaradaan Soomaaliyeed, ayaa gaaray deegaanada baarsanguni ,kaban Araare iyo maano muufo halkaasi oo dhawaan laga xoreeyay nabadiidka Al-shabaab, waxayna ciidamada u geeyeen Raashin bisil.

Qaar ka mid ah dhalinyarada Raashinka u geeyay ciidamada, ayaa ugu mahad celiyay Ciidanka xoogga dalka sida u wadaan howlgalada dalka looga xoreynayo nabadiidka Al-shabaab, waxaana ay tilmaameen in hiil ay la garab taagan yihiin geesiyaasha Qaranka.

Abaandullaha qeybta 43Aad ee Ciidanka xoogga dalka G/dhaxe  Cabdi ibraahim, ayaa dhalinyarada  Jubbaland  uga mahad celiyey dhalinyaradaasi sida ay u garab istaagan yihiin  ciidamada qalabka sida iyo sida ay uga qeyb qaadanayaan howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Al-shabaab.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Maamulka Jubbaland ,ayaa howlgalo ka dhan ah nabadiidka Al-shabaab ka wada degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Jubbooyinka.

Injineerro Turki ah oo soo booqdey Muqdisho

0

Muqdisho, 21 June 2018 – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiikiisa ku qaabilay khubaro iyo Injineero ka socday dalka Turkiga, waxana uu kala hadlay sidii ay dawladda hoose uga caawin lahaayeen dib-u-dhiska Caasimadda.

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa sheegay in ujeedka injineerada iyo khubaradan u casuumeen ay tahay sidii ay dib ugu howlgelin lahaayeen xarunta gaadiidka iyo dayactirka Warshadda sameysa laamiyada, Interlogga, bulukeetiga iyo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen Qorshaha magaalada (Master Plan).

“Waxaa maanta Muqdisho nagu soo booqday Injineero iyo khubaro ka socday Turkiga, ujeedkuna waxuu yahay in laga wada shaqeeyo horumarinta Caasimadda, gaar ahaan fulinta mashaariic horumrineed iyo in dib loo howlgeliyo xarunta Gaadiidka Gobolka Banaadir oo muddooyinkaan aan shaqeyn, sidoo kale waxaan isla garanay in warshadda sameysa laamiyada, Interlogga iyo Bulakeetiga oo dhammaantood muhiim u ah dib u soo kabasha Caasimadda.”Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Duqa Muqdisho iyo khubarada ka socotay Turkiga ayaa isla qiray baahida loo qabo in mashaariic horumarineed Caasimadda laga hirgeliyo sida dhismaha wadooyinka, guryaha iyo mashaariico kale oo shaqo abuur u noqoneya dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho.

Siyaasadda Sharciga Trump ee soo galootiga oo u wareegtay Kongareeska si loo meelmariyo

Muqadisho (SNTV) Siyaasadda Mareykanka ayaa dagaal xooggan ugu jirta sidii ay wax uga qaban lahayd caruurta soo galootiga ah oo laga gooni yeelay waalidiintooda arrintani oo si weyn u hortaala golaha Kongareeyska Mareykanka, kadib markii uu Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump saxiixay nidaam sharci ah oo lagu joojinayo siyaasadda dhinaca socdaalka soo galootiga.

Wakiilada Aqalka ayaa lagu wadaa in ay u codeeyaan dood weyn oo laga yeelan doono socdaalka taasi oo lagu maalgelin doono darbiga weyn ee uu soo jeediyay in laga dhex dhiso Mareykanka iyo Mexico si loo yareeyo socdaalka.

Balse dimuqraadiyiinta ayaa kasoo horjeeda talaabooyinkani waxaana lagu soo waramayaa in aysan kala cadeeyn in ay meelmarin doonaan iyo in kale.

Trump ayaa siyaasaddiisa la sheegay inuu si khalad ah u leexiyay siyaasadda kadibna waxaa cirka isku shareeray buuq iyo qaylo dhaan gudaha iyo dibadda taasi oo ku qotanta siyaasadda muhaajiriinta.

Sharciga uu soo saaray madaxweynaha jamhuuriga katirsan ayaa ku baaqaya in si wadajir ah xabsi loogu taxaabayo qoysaska marka la miisaamo xaaladahooda kadib.

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Addis Ababa

0

Addis Ababa-(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya, si uu ugu qayb galo shirka deg-degga ah ee Urur Goboleedka IGAD, kulankaas oo looga hadli doona xaaladda koofurta Suudaan.

Waxaa sidoo kale Magaalada Addis Ababa ku sugan madaxda Dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD, wakiillo ka socda midowga Afrika , QM, Madaxweynaha Dalka Koofurta Suudaan Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar , si loo xalliyo dagaallada sokeeye ee tan iyo 2013-kii ka aloosan Dalka koofurta Suudaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa hor dhigi doona Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan in la xoojiyo nabad galyada Gobolka, lana soo afjaro dhammaan colaadaha sokeeyo, iyadoona loo marayo is-qancin, isu-tanaasul iyo wada xaajood, si looga gudbo caqabadaha dib-u-dhigay horumarka Qaaradda Afrika.

Shirka looga hadlayo xaaladda Suudaanta koofureed ayaa lagu wadaa inuu gelinka dambe ee Maanta furmo, iyadoo ay waddamada ku bahoobay IGAD ka go’an tahay inay Labada dhinac ku dirqiyaan xal waara oo laga gaara colaadda daba dheeraatay ee ka taagan Suudaanta koofureed.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway oo Ra’iisul Wasaare Khayre Kulan soo Dhaweyn ah ugu Sameeyey Oslo

Norway(SNTV) Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khaye, ayaa magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddankaasi ku dhaqan, kadib munaasabad ballaaran oo ay u sameeyeen wafdiga Ra’iiul Wasaaraha oo maalmihii u danbeeyey halkaasi ku sugnaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb galayaasha Munaasabadda u jeediyay khudbad dhinacyo baadan taabanaysa oo khuseysa xaaladda dalka, horumarrada la gaaray iyo rejada wanaagsan ee laga qabo in Soomaaliya ay mar kale cagadeeda isku taago, isaga oo u sheegay in looga baahanyahay bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas in ay ka qayb qaataan horumarka dalka.

Munaasabaddaan ballaaran ee lagu soo dhowaynayey Ra’iisul Wasaaraha, ayaa waxaa soo agaasimay ururka ardayda Soomaaliyeed ee dalka Norway oo aasaasayaashiisii uu kamid ahaa Ra’iisul Wasaare Khayre sannadku markuu ahaa 1994-kii, sidoo kalana uu gudoomiye ka soo noqday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay inuu aqoon wanaagsan u leeyahay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Norway maadaama uu in badan ku noolaa dalkaasi, waxuuna tilmaamay in ay yihiin bulsho hadii ay dawladda taageeraan wax badan ku soo kordhin kara horumarinta dalka iyo dawladnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid uga jawaabay Su’aalo ay weydiiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Norway, waxuuna ku boorriyay inay dadaalaan, oo ay taladooda, aqoontooda iyo waaya-aragtinamadooda u biiriyaan dawladda.

Wasiirka maaliyadda Xukuummada Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo munaasabadda ka hadlay ayaa faahfaahiyay horumarka dhanka dhaqaalaha ee laga sameeyey dalka muddadii ay jirtay xukuummadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Khayre.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Nowray ayaa iyana waxa ay Dawladda Soomaaliyeed ku ammaaneen waxqabadka muuqda, iyaga oo ugu duceeyey in Illah uu ku guuleeyo hawlaha qaran ee loo igmaday.

Duqa Muqdisho oo guddoomiyeyaasha degmooyinka kala hadlay xuska toddobaadka xorriyadda

0

Muqdisho, June 20, 2018–Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo oo shir guddoominayey Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa looga hadlay amniga, daadajinta adeegyada asaasiga ah, sidii kor loogu qaadi lahaa ololaha nadaafadda iyo bilic soo celinta magaalada, u-diyaar garowga maalmaha xoriyadda ee foodda nagu soo haya.

Ugu horeyn, ayaa warbixinno la xiriira xaaladaha degmooyinka laga dhageystay qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka, iyagoona ka hadlay xaaladda degmooyinkooda, islamarkaana tilmaamay in meel wanaagsan uu marayo daadajinta adeegyada iyo wada shaqeynta shacabka iyo Maamulka.

Warbixinta amniga oo laga dhageystay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed C/laahi Maxamed ayaa lagu xusay in qorsheyaasha sugidda amniga Caasimaddu uu meel wanaagsan marayo, iyadoo shacabka laga codsaday in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta kala dhaxeysa hay’adaha amniga.

Duqa Muqdisho ayaa kulanka ka sheegay in maamulkiisu uu mudnaan siiyey sidii amni buuxa loogu heli lahaa Caasimadda, kaas oo horseed u yihiin guddoomiyeyaasha degmooyinka, Taliyeyaasha ciidamadda iyo shacabka oo iskaashanaya.

Madaxda Maamulka Gobolka iyo kuwa heer degmo ayaa ka arrinsaday u diyaar garowga maalmaha Xoriyadda ee 26-ka Juun iyo 1da Luuliyo oo qorshuhu yahay in magaalada Caasimadda lagu qabto munaasabado lagu maamuusayo qiimaha ay leeyihiin maalmaha xoriyadda.

Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo ayaa intii uu socday waxuu Duqa Muqdisho warbixinno la xiriira Nadaafadda iyo bilicda, dakhliga, amniga iyo siyaasadda ka dhageystay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Ku-xigeennada Goddoomiyaha ee Arrimaha, Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed C/laahi Maxamed, Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, iyo Xog-hayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen.

Ugu danbeyn, Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho in loo istaago horumarinta Caasimadda, isagoo u sheegay shaqsiyaadka deegaamaystay dhulalka danta guud in gacanta dawladda dib loogu soo celin doono, ugana digay ganacsatada Soomaaliyeed in dhaqaalahooda ay geliyaan dhulalka danta guud ah.

Madaxweyne Farmaajo “Mucaarad waan u baahannahay”

0

Madaxweynaha J.F.S ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo Dhaliilaha Mucaaradka, hasa yeeshee ugu yeeray in Danaha siyaasaddeed ee gaarka ah ay ka horumariyaan danta dadka iyo dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi siinayey SNTV ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo Dhaliilasha muraadka iyo tallada wax dhista ee dhankooda ka imaaneysa isla markaana quseysa danta dalkan, dowladdiisa dhexdeeduna uusan ka jirin wax khilaaf ah oo horumarrada la gaaray taasi ay keentay.

Dhinaca kale Madaxweynaha dalka oo ka hadlayey Aragtida dowladdiisa ayaa sheegay in  ahmiyaddiisa ugu weyn ay tahay sidii dalkaan looga saari lahaa Faqriga, dariiq walba oo lagu maalgashan karana la marsiinayo waddada saxda ah oo ah dowladda Federaalka iyo Barlamaanka sharciyadda u leh ogollaanshaha heshiisyada dowladda  la gaarto waddamada iyo hey’adaha caalamka.

Ugu dambeyn Madaxwyene Farmaajo ayaa ugu baaqay mar kale Somaliland iyo Puntland in ay codaalaadaha dhaxeeya ku dhammeeyaan wada hadal oo la joojiyo dhiigga dadka walaalaha  ah ee daadayana isaguna uu door nabaddoonimada ka qaadanayo.

Haweeneey ku eedeeysneyd Al-Shabaab oo isu dhiibtay Booliiska Kenya

0

Nairobi-(SNTV)-Mumina Eroba oo ay Boliiska Dalka Kenya Madaxeeda dul dhigeen Hal Milyan oo Shilin Bil ka hor ayaa Maqribnimadii Talaadada isku dhiibtay laamaha ammaanka ee Dalkaasi.

Haweeneydan ayaa lagu tuhmayay in ay ka tirsan tahay Al-Shabaab, waxaana lagu eedeeyay in ay wax ka qorsheysay weerarkii Bishii Febuary ee Sanadkan ka dhacay Tuulada Qarsa oo ka tirsan Wajeer, halkaasoo ay ku dhinteen Saddex  Qof oo Laba ka mid ihi ay ahaayeen Macallimiin.

Isku duwaha Gobolka waqooyi-bari Dalka Kenya, Maxamuud Saalax ayaa Jariiradda The Star u sheegay in isa soo dhiibista Haweeneydani ay guul weyn u tahay dagaalka lagula jira argagixisada,

Mss; Eroba, ayaa ah Hooyada Cabdiwaaxab Cusmaan Axmed, oo isna lala xiriirinayo weerar ay ku dhinteen Siddeed Askari oo ka dhacay Wajeer, waxanay sidoo kale hay’adaha amnigu weli raadinayaan Axmed Debar, oo ka mid ah eedeysanayaasha.

Dowladda Kenya ayaa wadda qorshe lagu wacyi gelinayo Bulshada qaybaheeda kala duwan oo ku aaddan sidii looga feejignaan lahaa xubnaha Dadka ka dhaadhiciya fekerka Argagixisanimada ee ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo ay Dowladda Kenyana ku guuleysatay inay dib ugu soo laabtaan Dhallinyaro badan aragtiyadii hore.

Kenya oo laga dalbaday in ay Qaxootiga u ogolaato in ay si xor ah u Ganacsadaan

Muqdisho(SNTV); Qaramada Midoobay ayaa Xukuumadda Kenya ka dalbatay in ay u ogolaato Qaxootiga dalkeeda ku sugan dhaq-dhaqaaqa xorta ah oo awood u siinaya in ay ganacsi ka sameeyaan dalka.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga Soomaaliya Amb: Maxamed Affey,ayaa sheegay in xorriyadda awood buuxda siin doonto dadka magan-galyo doonka ah.

Mr. Affey wuxuu sheegay in Qaxootiga loo arkayay in ay culeys ku yihiin wadamada martida loo yahay,hase yeeshee, wuxuu dhanka kale tilmaamay in ay faa’ido yeellan karaan haddii xorriyad la siiyo.

“Qoxootiga waa raasu-maal meel kasta oo ay joogaan, in lagu darana horumarinta dhaqaalaha waa mid ka mid ah xalalka,” ayuu yiri Affey.

Hadalkaan ayuu ka jeediyay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga Soomaaliya Amb: Maxamed Affey munaasabad lagu xusayay maalinta Qaxootiga Adduunka oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Kenya ayuu sheegay in ay martigelisay Qaxooti fara badan oo ka  kala yimid wadamada deriska la ah Kenya sida Soomaaliya,Burundi iyo Koonfurta Suudaan,kuwaasi oo intooda badan ka soo barakacay colaado sokeeye,Amnidaro iyo isku dhacyo hubeysan.

Ugu danbeyntii,Xoghayaha Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya Patrick Ntutu ayaa u sheegay qaxootiga inay u hoggaansamaan sharciyada Kenya ee nabadda ee Bulshada martida loo yahay.

Xigasho: The Star