Madaxweyne Farmaajo oo dalka ku soo laabtay kaddib Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Brussels

Date:

Muqdisho, 19 Luuliyo 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib shirkii miro dhalka ahaa ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa intii uu ku sugnaa Brussels waxa uu la kulmay madax ka socotay Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, oo uu kala hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo taageerada ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyey qaar ka mid ah qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku soo saagootiyey magaalada Brussels, isagoona ku adkeeyey in ay dardar geliyaan kaalintooda kaga aaddan dib-u-dhiska dowladnimada iyo soo-celinta maqaamkiii Soomaaliya ay ku lahayd saaxada caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay howlaha adag ee horyaalla Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu muhiimsan tahay tayeynta iyo dib-u-habeynta Ciidammada Qalabka Sida, kobcinta ganacsiga, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo in dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab iyo Daacish ee duullaanka ku ah jiritaanka iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadal-jeedintiisa ugu dulmaray qurbajoogta Soomaaliyeed ee Qaaradda Yurub guulihii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha Dowladda Federaalka ah, kordhinta ilaha dakhliga, xaqiijinta kalsoonida beesha caalamka, dib-u-soo-celinta maamulka hawada iyo maxaabiistii ku dhibaataysnayd xabsiyada dalalka shisheeye oo waddanka dib loogu soo celiyey.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...