Madaxweynaha JFS oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgiumka ugu baaqay iney ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka

Date:

Muqdisho(SNTV);-  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Jaaliydda Soomaaliyeed ee dalka Belgiumka kula kulmay magaalada Brussels ayaa uga warbixiyay Xaaladda dalka iyo horumarada lagu tallaabsaday.

Wuxuu sheegay madaxweyne Farmaajo in Dowladdiisa dadaal ay ku bixisay saddex arrimood oo kala Ammaanada,Cadaaladda iyo Siyaasad hufan taasi oo ugu danbeyn keentay in Midowga Yurub iyo Bankiga Aduunka kalsooni kaga helaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in Beesha caalamka ku qanceen arrimaha daahfurnaanta ah ee ka jira dalka,islamarkaana ay balan qaadeen iney kordhinayaan joogteynayaana taageerada ay siinayaan Soomaaliya.

Wuxuuna ugu baaqay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgiumka iney u soo jeestaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka iyo iney ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa ummad mid ah.

Ugu danbeyntii,madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya uga qeyb galay magaalada Brussels kaasi oo muhiimadiisu ahayd sidii Beesha caalamka u kordhin lahayd kaalmada ay siiso Soomaaliya.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...