Maamulka Hirshabeelle oo Hay’adaha Samafalka ugu baaqay iney soo wargeliyaan Xilliyada ay shaqaalaha cusub qaadanayaan

Date:

Muqdisho(SNTV);- Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Hirshabeelle ayaa ugu baaqday Hay’adaha kala duwan ee ka howgala deegaanada Hirshabeelle iney Wasaaradda ku soo wargeliyaan xilliyada ay qaadanayaan shaqaalaha cusub si loo hubiyo in hab cadaalad ah loo soo xulo shaqaalaha la qaadanayo.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Maamul Gobolleedka Hirshabeelle Mudane Axmed C/llaahi Bashiir oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Hay’adaha samafalka ee ka howgala Maamul Gobolleedka Hirshabeele ay howlo muhiim ah u hayaan Bulshada aadna ugu ammaanayaan,wuxuuna ugu baaqay iney Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha soo wargeliyaan xilliyada shaqaalaha cusub ay qaadanayaan si hab cadaalad oo la isla ogyahay loogu qaato shaqaalaha.

‘” Hay’adaha ka howlagala Maamul Gobolleedka Hirshabeelle marka hore aadbaan u ammaaneynaa howlaha ay hayaan iyo baahiyaha kala duwan ay ummadda ka daboolayaan,laakiin waxaan rabaan inaan ugu baaqno maadama ay hoostagaan Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Maamul Gobolleedka Hirshabeelle,si looga hortago far isku fiiqida iyo reer hebel,waxay Wasaaradda go’aansatay in gacanta lagu dhigo Hay’adihii,waxay qaadayaan lala ogaado,lana ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha,” ayuu yiri Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Maamul Gobolleedka Hirshabeelle Axmed C/llaahi Bashiir.

Baaqaan ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha Hirshabeelle ayaa ku soo aadaya xilli shalay Wasaaradda dib ugu fasaxday Hay’adda International Medical Corpse (IMC) oo ah Hay’ad Caafimaad oo ka howlgasha Gobolka Shabeellaha dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar iney qaadato shaqaalo caafimaad ka dib markii 16-ka bishii June laga joojiyay qorshe ay dooneysay iney shaqaalo cusub ku qaadato.

Wuxuu Wasiirka shaqada iyo Shaqaalaha Hirshabeelle uu sheegay in baaritaan dheer ay sameeyeen ka dib Hay’addaasi loo fasaxay iney shaqaalo qaadan karto markii horana looga joojiyay tabasho badan oo ka timid shacabka Hirshabeelle gaar ahaan kuwa ku dhaqan Shacabka magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle waxaa ka howlgala Hay’ado samafal oo aad u fara badan kuwaasi oo howlo muhiim ah Shacabka u haya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...