Home Blog Page 1265

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo ka Hadlay Muhiimmadda ay Leedahay Dejinta Siyaasadda Daryeelka Barakacayaasha iyo Qaxootiga

0

Muqdisho, June 20, 2018 – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed ( Khader) oo maanta furay Mashruuca taageerada horumarka iyo dhaqan gelinta siyaasado lagu Daryeealyo Qaxootiga dalka kusoo laabanaya iyo Barakacaasha gudaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga wada tashado sidii xal waara loogu heli lahaa siyaasad mideysanna looga yeelan lahaa arimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha.

“Qof kasta oo Soomaali ah waxa uu noqday Qaxooti ama Barakece. Waa fududdahay in dhibkii kugu dhacay aad ka hadasho kadibna aad qeyb ka noqoto xalka iyo sida loogu heli karo siyaasadda ugu habboon ee daryeelka Baracayaasha iyo qaxootiga soo laabanaya”, ayuu yiri ku-simaha Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda ayaa sheegay in ay sameynta siyaasadda ay saldhig u yihiin Dawlad gobaleedyada iyo maamulka Gobalka Banaadir maadaama barakacayaashu ay kula suganyihiin goballada dalka, Qaxootiga soo laabanaya ay deegaansanayaan goballada.

Waxa uu sheegay ku-simaha Ra’iisul Wasaaruhu in Colaadaha, Abaaraha iyo Daadadku ay kamid yihiin Sababaha keena Barakaca, ayna tahay in qorshaha lagu daro sidii loo yareyn lahaa dhamaan waxyaabaha laga dhaxlo barakaca.

“Siyaasadda Daryeelka Barakacayaasha iyo Qaxootiga kusoo laabanaya dalka waa Masuuliyad qaranka Saaran si gaar ahna u saaran Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir. Waa laga maarmaan in aan isla fahamno daryeelka, xuquuda iyo waxyaabaha aasaasiga u ah”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya.

Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa sheegay in Ku dhawaad 2.6 milyan oo Soomaali ah ay barakac ku yihiin gudaha dalka sidoo kale 1.1 milyan oo Qaxooti Soomaaliyeed ah ay ku suganyihiin guud ahaan caalamka ayna lagama maarmaan tahay in siyaasadda lagu daryaalayo la meel mariyo si tacaddiyada ay la kulmaan meesha looga saaro.

—DHAMMAAD—-

Itoobiya oo mar kale Gogol nabadeed u fidisay Dowladda iyo mucaaradka koofurta Suudaan

Addis Ababa-(SNTV)-Madaxweynaha Koofurta Suudaan,Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Dalkaasi , Riek Machar , ayaa Maanta oo Arbaca ah gaaray Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Dalka Itoobiya.

Socdaalka Labada Nin ayaa yimi markii uu Gogol nabadeed u fidiyay Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed Cali, si loo soo gabagabeeyo colaad sokeeye oo tan iyo Sanaddii 2013-kii ka aloosnayd Koofurta Suudaan, taasoo galaafatay nolosha Tobanaan Kun oo Qof.

Meles Alem, oo ah Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Itoobiya ayaa sheegay in uu hoggaamiyaha mucaaradka Koofur Suudaan, Riek Machar la kulmi doono Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, ka hor intuusan furmin wada xaajoodka uu la geli doono Madaxweyne Salva Kiir.

Riek Machar, oo tan iyo 2016-kii Xabsi Guri ku ahaa Dalka Koofur Afrika markii uu kasoo baxsaday Dalkiisa ayaa wuxuu haatan diyaar u yahay in lasoo afjaro colaad sokeeye oo Shantii Sana ee ugu dambaysay ka taagnayd Koofurta Suudaan, sida uu sheegay Afhayeenkiisa oo lagu Magacaabo Lam Paul Gabriel.

August 17, 2015  ayay ahayd markii uu bur-buray heshiis ay Labada dhinac ku yeesheen Magaalada Addis Ababa, kaasoo sababay Gacan ka hadal dhaliyay dagaallo lagu riiqmay oo saamayn ba’anna ku yeeshay Dadka Shacabka.

Isha/ The Star

Danjire Faqi “Soomaaliya wax wadahadal ah kama galayso Dacwadda Badda”

Muqdisho (SNTV) Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Saciid Faqi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegaya in dhageysiga dacwadda Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ay billaabaneyso sanadka 2019.

Maxkamadda ayaa iyadu sitoos ah dacwadda u dhageysandoonta sida uu sheegay Ambassador Cali Saciid Fiqi oo Soomaaliya u qaabilsan wadamada Yurub.

Danjire Faqi ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya horay isaga diiday inay heshiis hoose oo arrinta badda lagu xalinayo wadagaan Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya sidaasna uu amar ku bixiyey Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu jawaab ka bixisay falcelin ay horay Maxkamadda u gudbisay Dowladda Kenya balse waxaa haatan kaliya laga sugayaa Maxkamadda inay ku dhawaaqdo xiliga ay dacwadda sidda taas ah u qaadeyso.

Isias: Ergo ayaan u direynaa Addis Ababa si ay wadahadallo Nabadda uga qayb galaan

Muqdisho (SNTV) Dowladda Eritrea ayaa shaaca ka qaaday in ay ergo u direyso dhinaca dalka Itoobiya, si arrimo dib u heshiisiin xagga nabadda ah ay ula billaabaan dowladda Itoobiya taasi oo soo afjari doonta dagaaladii khasaaraha badan geystay ee dhexmaray labada dowladood.

Isias Afwerk oo ah madaxweynaha Eritrea oo ka hadlayay munaasabadda maalinta loogu magacdaray maalinta Shuhadada ee wadankiisa ayaa sheegay inuu wakiilo ka socda Eritrea ay tagi doonaan Itoobiya halkaasi oo la filayo in ay ka billaabato wadahadalada nabadda ee labada dal.

Isias ayaa soo dhoweeyay is bedelka ka dhacay Itoobiya iyo hadalka ka soo yeeray dowladda cusub ee dalkaasi ee dhowaan la wareegtay talada wadanka Itoobiya.

Abiy Axmed oo ah R/Wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa ogolaaday in Eritrea ay si rasmi ah u leedahay magaalada Badme oo ahayd halka ay ku muransanaayeen labada dhinac cidda iska leh, isagoo sheegay inuu aqbalay go’aamada kasoo baxay guddigii xadeeynta ee 2002-dii, go’aannadaasi oo sheegayay in Eritrea ay leedahay dhulka lagu muransan yahay.

Heshiis nabadeed oo dhexmaray labada dhinac ayaa ka dhacay magaalada Algeris ee dalka Algeria sanadkii 2000 kaasi oo xal looga gaaray joojinta dagaalka labada dal.

Waxaana tani waagaasi sideedii u jiitamayay sheegashada labada dhinac ee kuwajahan magaalada Badme iyadoo uusan jirin wax heshiis ah si rasmi ay dhinacyadu ka gaareen magaalada Badme.

Dowladda Itoobiya ayaa ku gacanseyrtay go’aannadii nabadda ee ay soo saareen guddiga xadeeynta ee ku saabsanayd in deegaanka Badme ay leedahay Eritrea .

Sanadihii 1998-200 ayay ahayd markii ay Eritrea iyo Itoobiya uu dhexmaray dagaal aad u kharaar kaasi oo intii uu socday ay ku nafwaayeen tobanaan kun oo qof.

Dalka Eritrea ayaa Itoobiya ka qaatay madax banaanida sanadkii 1993-kii kaddib markii ay afti u qaadeen.

Akhriso:-Nuxurka Wareysiga Madaxweynaha JFS ee Warbaahinta Qaranka

Muqdisho(SNTV):–Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi gaar ah siiyey Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha horumarineed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay, caqabadaha jira, xiriirka laamaha dowladda iyo arrimaha ay muhiimka tahay in loo iftiimiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan heshiiskii dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu waxqabadkiisa ku saleeyey dhaqan siyaasadeed oo mideynaya shacabka Soomaaliyeed kaas oo ka madax bannaan dano shakhsiyadeed, eex iyo qabyaaladda oo uu sheegay in ay yihiin cudurrada wiiqay dowladnimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo wax laga weydiiyey xiriirka Dowlad Goboleedyada dalka ayaa sheegay in mira dhalkii shirkii Baydhabo ee sanadkan uu soo jitay indhaha caalamka iyo wadammada dariska ah, maadama ay ka soo baxeen qodobbo iyo heshiis taariikhi ah oo ku saabsan qeybsashada khayraadka dalka.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ka warbixiyey guulihii dhaqaale ee la gaaray oo horseeday in daymaha laga cafiyo Soomaaliya, loo ogaalado dib u habaynta lacagta dalka iyo deeqo kala duwan oo ay ku yabooheen beesha caalamku, kaddib markii ay ku qanceen hannaanka hufnaanta ku saleysan ee lagu maamulay dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu adkeeyey Madaxbannaanida iyo ilaalinta qarannimada Soomaaliya, isagoona sheegay in xiriir iyo heshiis kasta ay la galeen caalamka uu ku salaysnaa soo celinta magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo sare u qaadista maqaamka ay ku leedahay dunida.

Madaxweynaha oo wax laga weydiiyey heshiiskii dhawaanay ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa yiri”Inta badan Madaxda Adduunka markii aan hor fariisanno waxaan kala hadli jirnay Amni oo kaliya, balse booqashadaan uu Soomaaliya noogu yimid Dr.Abiya  waxa uu ahaa mid ku saabsan kor u qaadista xiriirka labada dal, iyadoona lagu saleynayo iskaashi, wax wada qabsi iyo isixtiraam. Dalkastana uu ixtiraamayo madaxbannaanida, jiritaanka iyo qarannimada dalka kale.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in heshiiskan mira dhalkiisu uu muhiim u yahay shacabka Soomaaliyeed maadamaada dalkaasi uu suuq weyn u noqon karo ganacsatada Soomaaliyeed, isagoona meesha ka saaray cabsida laga muujiyey heshiiskan, maadama arrimahan ay asaas u ahaayeen safarrada Gobolka uu ku maray Dr.Abiye oo heshiisyo ku saabsan dekadaha iyo ganacsiga uu la soo galay dalalka Suudaan iyo Jabuuti.

“Waxaan aaminsanahay in aan soo gaarnay heer aan kala hadli karno dalalka kale, gaar ahaan kuwa dariska ah isu socodka xorta ah ee dhaqaalaha iyo bulshada. Waxaan aaminsannahay in ay guul tahay in nala kala xaajoodo arrimahan iyadoona dowladuhu ay aaminsanyihiin in Soomaaliya soo kabsatay, lagu kalsoonaan karo lagalana xaajoon karo horumarka.”

 

Ciidanka Xoogga dalka oo Argagixisada Alshabaab ka Xoreeyay Deegaanno hoos yimaada G/Jubbada Hoose

Muqdisho (SNTV), Ciidanka Xoogga dalka, ayaa howlgal qorsheysan kula wareegay degaanada Maano Muufo iyo Araare oo kawada tirsan Gobolka Jubadda Hoose.

Ciidanka oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka, ayaa ka amabaxay deegaanka baar-sanguuni, iyaggoona  ku guuleestay in ay la wareegaan degaanadaasi.

Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga dalka Gen. Ismaciil Saxardiid oo wareysi siiyay Idaacadda codka  ciidamada qalabka sida, ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ku guuleesteen in ay la wareegaan degaanada Araare, Maano iyo muufo halkaasi oo nabadiidka ay ku dhibaateen jireen dadka shacabka ah.

Gen. Ismaciil Saxardiid, ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka nabadiidka Al-shabaab lagu gaarsiiyay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, isaggoo xusay in gaadiid dagaal ay ka qabsadeen, waxaana uu intaasi raaciyey in 12 ka tirsan Argagixisada oo uu ku jiro Horjoogihii Alshabaab u qaabilsanaa deegaanka Araare lagu dilay howlgalkaasi.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Oslo Kula Kulmay Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay

0

Oslo, June 19, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Oslo ee dalka Norway kulan kula yeeshay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres oo ay ka wada hadleen arrima badan oo khuseeya Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa António Guterres uga warbixiyay guulihii ay Dawladda Soomaaliya gaartay, waxuuna sidoo kale kala hadlay arrimo la xiriira nabad gelyada iyo siyaasadda qaranka, Dhaqaalaha iyo sidii loo sii joogteyn lahaa taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa codsaday in Qaramada Midoobay ay taageero buuxda la siiyo Dawladda Federaalka Soomaaliya si ay ugu guuleysato in ay ku guuleysato Qorshaha Horumarinta dalka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterre ayaa bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay gaartay Dawladda Soomaaliya, waxuuna sheegay in Qaramada Midoobey ay mar walba diyaar u tahay iney taageerto Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale kulan la qaatay agaasimaha Xarunta Wadatashiga arrimaha Aadamiga David Harland, waxa ayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay kamid tahay xaaladda Bini’aadaninimo ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, la filayaa in sidoo kale uu kulamo gaar gaar ah la yeesho madaxda kale oo u yimid Norway ka qeyb galka Madasha Oslo.

—DHAMMAAD—-

Ra’iisul Wasaare Khayre, Xog-haya Guud ee Qaramada Midoobay iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Norway oo Wadajir u Furay Shirka Madasha Oslo

0

Oslo, June 19, 2018—-.. Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa si wadajir ah uga furay magaalada Oslo Shirka Madasha Oslo oo looga hadlayo dejinta Xasaradaha caalamka.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khare oo kulanka khudbad ka jeediay ayaa aad ugu nuux-nuuxdsay sida ay muhiim u tahay in xasaradaha la dejiyo oo nabad loogu wada noolaado dunida oo dhan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa inta uusan shirku furmin waxa ay si warbaahinta kula hadleen afaafka hore ee xarunta uu shirku ka socdo, iyada oo Ra’iisul Wasaare Khaye uu uga mahadceliyay dawladda Nowray casuumaadda shirkaan muhiimka ah.

António Guterres iyo Ine Marie Eriksen Søreide ayaa ku ammaanay Dawladda Soomaaliya shaqada wanaagsan ee ay hayso iyo sidoo kale barnaamijka xukuumadda ee ku dhisan isla xisaabtanka, daah-furnaanta iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa.

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb gashay Madasha Oslo ee dalka Norway.

—-DHAMMAAD—-

Hirshabeelle oo soo dhoweeysay heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynaha maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa soo dhoweeyay heshiiskii Taariikhiga ahaa ee ay 16-kii Bishan wada gaadheen Dowladaha Soomaaliyea iyo Itoobiya.

Maxamed Cabdi Waare, madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay ka maamul Goboleed ahaa ugu jirto faa’iido weyn oo dhanka maal gashiga ah.

“Annagu Hirshabeelle haddaan nahay xuduud baan ku naallaa, aad baanu usoo dhaweynaynaa in la furo Kastanka Feerfeer, in meeshaasi ay tahay meel laga ganacsada oo intay xero Millieri ku oolli lahayd, waxaa ka habboon in Kastan ku yaal in Immigration ku yaal ayaa fiican, ayuu yidhi mudane Waare.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale sheegay inay fursan weyn u tahay Dadka ku dhaqan Hirshabeelle in la dhiso waddooyinka isku xira Itoobiya iyo Hirshabeelle, lana dhiso Dekedaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kuwa Hirshabeelle, halkaasoo ay Shacab badani shaqa ka helayaan.

Waare ayaa sidoo kale sheegay inay ku han weyn yihiin ka Hirshabeelle ahaan in qorshaha Dekedaha la dhisayo lagu daro tan Cadale, si degaannada maamulkaasi uu u heli Khad Internet jaban, Koronto iyo adeegyo kale oo muhiim u ah Bulshada Geeska Afrika.

Shir looga hadlayo Xoojinta Howlgalada ka dhanka ah Maleeshiyada Al Shabaab oo Maalintii Labaad ka socda Kismaayo

0

Muqdisho (SNTV)- Shirkan oo ay ka qeyb galayaan Madaxda Dowlad Gobaleedka Jubbaland uu ugu horeeyo Madaxweyne Axmed Madoobe, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, Kuwa AMISOM iyo Xubno ka socda Beesha caalamka ayaa diirada lagu saarayaa Howlgalada ka soconaya deegaanada Gobalka Jubbada hoose gaar ahaan deegaanada Gosha oo ay howlgalo xoogan ka wadaan Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo aysan la socon AMISOM.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa inta uu shirka socday Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ku amaanay howlgalada guulaha badan laga gaaray oo ay ka wadaan Gobalka Jubbada hoose gaar ahaan deegaanka Baarsan-guuni oo dhawaan ay ka saareen Maleeshiyada jid iyo jihadiidka ee Al shabaab, wuxuuna Ciidamada AMISOM ugu baaqay inay ku biiraan Howlgaladaasi si loo adkeeyo Nabad gelyada loogana saaro Nabad diidka ku dhuumaaleysanaya deegaanada qaar.

Shirka oo lagu wado in maanta lasoo gaba gabeeyo ayaa waxaa laga soo saari doonaa Warmurtiyeed ku aadan sida loo sii dardar galin karo Howlgalada socda iyo sida Ciidamada AMISOM ay ugu biiri karaan.

Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Juubaland ay Maleeshiyada Al shabaab ka saareen Tuulooyinka  Wurkooy, Baarsan-guuni iyo Singaleer, iyadoona haatan la filayo in ciidamada ay gaaraan deegaanka Kamsuuma oo katirsan Degamada Jamaame ee Gobalka Jubbada hoose.

Ciidamadda Xoogga iyo kuwa Maamul Gobaleedyada ayaa guud ahaan dalka ka wada Howlgalo lagu baacsanayo Maleeshiyada Al shabaab oo laga burburiyay Saldhigyo dhowr ah oo ay kasoo abaabuli jireen weeraro iyo qaraxyo ay ku dhibaateeyaan shacabka, waxaana balanqaaday inay naftooda u huri doonaan Shacabka Ciidamada geesiyada dalka ee sooma jeestayaasha ah oo nabad diidka baxsadka ka raadinaya meel kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan.