Home Blog Page 1254

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo warbixin ka bixisay dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka

0

 

(Muqdisho, Luulyo 3, 2018) Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa ka warbixiyay guulaha laga gaaray dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo dhowaan loo sameeyay Hay’ad Maamul (Borad of Directors), taasoo ahayd tallaabo kale oo loo qaaday in nidaam iyo kala-dambeyn loo sameeyo isgaarsiinta dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in dhismaha guddigan uu yimid muddo 6 bilood ah ka dib oo ay Wasaaraddu wada-tashiyo caddeymo leh la yeelanaysay dhinacyada uu sharcigu dhigayo oo kala ah dawladda, dhinacyada isgaarsiinta (sectorka), iyo xubno ka kala imanaya bulshada rayidka iyo bahda sharci-yaqaannada, si loo dhiso guddi dhammeystiran. Wuxuu xusay inuu ku faraxsan yahay aqoonta iyo waayo-aragnimada xubnaha guddigan ka dib markii uu la kulmay dhammaadkii bishii hore, isagoo intaasi ku daray in guddigan uusan ahayn mid siyaasadeed, balse uu yahay mid farsamo oo aqoon iyo waayo-aragnimo lagu xushay.

Wasiirka oo uu dhinaciisa fadhiyay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, wuxuu sheegay in Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ay gacan ka geysan doonto sidii loo fulin lahaa sharciga isgaarsiinta, isagoo xusay in loo baahan yahay in fursad la siiyo si ay u gutaan waajibaadkooda.

Isaga oo ka hadlayay ahmiyadda Hay’addan, ayaa Wasiirku waxa uu sheegay in uu culeys badan kala kulmay ansixintii sharcigan oo muddo 12 sano ah soo jiitamayay, balse aysan Xukuumaddu oggolaan doonin in sanado kale ay qaadato dhaqan-gelinta sharcigan maadaama ujeeddada ansixinta sharcigan aysan ahayn inuu warqado ku qornaado.

Wasiirka oo ka hadlayay farqiga u dhexeeya nuqulka ku soo baxay faafinta rasmiga iyo asalkii ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka, gaar ahaan xubinta ka imanaysa sharciyaqaannada, ayaa sheegay in khaladka uu yimid kadib markii nuqulka uu Golaha Shacabka soo gudbiyay uu soo xigtay asalkii sharciga ay Xukuumaddu u gudbisay Baarlamaanka, balse isbeddelkii uu sameeyay Baarlamaanka aan lagu xusin. “Waxaa asal ah nuqulka ay ansixiyeen Golayaasha Baarlamaanka, sixitaanka arrintaana waxay u taallaa xafiisyada ay khuseyso, kuwaasoo haatan ku hawlan,” ayuu yiri wasiirku.

Ugu dambeyntii Wasiirku wuxuu sheegay in albaabka Wasaaradda uu u furan yahay ciddii tabasho qabta oo soo mareysa nidaamka dawladeed. “Waxaan ogsoonnahay in sharciga la ansixiyay iyo guddiganba aysan ahayn kuwo aan ceeb lahayn. Laakiin si loo gaaro wax dhammeystiran waa in meel eber ah laga billaabo oo sanad walba la horumariyo. Haddiise laga fekerayo in laga billaabo 100%, waxaa cad inaan joogeyno halkii aan joognay intii aan sharciga la ansixinin,” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray “waxaan rajeynayaa in waxqabadka Hay’addan iyo Guddiga la magacaabayba la mahadin doono mustaqbalka, waayo hadda dadka uma muuqan karaan faa’iidooyinka sharciga iyo Hay’addaba. Marka waxaan leeyahay yaan laga hordhicin oo waqti ha la siiyo, hana lala shaqeeyo Hay’adda.”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo la Kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midawga Afrika

0

Nouakchott(SNTV:-Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo magaalada Nouakchott ee caasimadda dalka Mauritania uga qeyb galay shir madaxeedkii Midawga Afrika, ayaa la kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Moussa Faki Mahamat ayaa ka wada halay nabadda iyo xasilloonida guud ahaan gobolka gaar ahaan dalka Soomaaliya iyo sida Midawga Afrika ay usii wadi lahaayeen taageerada Dawladda Soomaaliya la siiyo iyo hannaanka Soomaaliya ay amnigeeda kala wareegayso ciidamada nabad ilaalinta Midawga Afrika (AMISOM).

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ethioipia Hailemariam Desalegn, waxa ayna isla soo hadal qaadeen arrimo ay kamid yihiin adkaynta xariirka labada dal.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa labadii maalin ee tagtay magaalada Nouakchott uga qeyb gelay shir madaxeedka 31-aad ee Midawga Afrika oo looga hadlay sidii loogu guuleysan lahaa dadaallada loogu jiro la dagaalanka Musuq-maasuqa, furdasaha fududeyn kara la dagaalanka musuqa iyo Caqabadaha jira.

Duqa Muqdisho oo baabi’iyey heshiiyadii lagu bixiyey Jardiinooyinka

0

Muqdisho 03 July 2018 – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta soo saaray wareegto dib loogala noqday, isla markaana lagu baabi’iyey dhammaan heshiisyadii lagu bixiyey dhulka Jardiinooyinka.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho. Markuu Arkay heshiisyadii lagu bixiyay dhulka jardiinooyinka ah ee ku yaal Isgoysyada Waddooyinka Laamiga ah ee Magaalada Muqdisho; isla markaasna uu hubsaday in heshiisyada loo maray hab khilaafsan shuruucda dalka, Madaama goobahaasi ay yihiin dhul Dan/Guud ah oo ka dhexeeya Bulshoweynta Soomaaliyeed ee ku nool Gobalka Banaadir;
Markuu hubsaday in lacagaha kirada ah ee dhulkaas lagu kireeyay ay yihiin Kuwo aad u hooseeya oo qiimo ahaan aan u qalmin dhulkaas Jardiinooyinka ah iyo sidoo kale muddada heshiiyada oo nidaam ahaan xad dhaaf ah iyo in goobahaas bixintooda lala baal maray habka toosan ee lagu maamulo hantida Dawladda oo ah in lagu bixiyo qandaras;
Isagoo waajib ahaan ay ugu muuqatay in ay lagama maarmaan tahay in dib loo soo celiyo billicda Magaalada iyo hantida Ummadda ka dhexysa.

Wuxuu Soo Saaray Xeerkan:

Qodobka 1aad.
Laga billaabo maalinta Xeerkan la Saxiixo, waxaa dib looga noqday, isla markaana baabi’yay dhamaan heshiisyadii lagu bixiyay dhulka Jardiinooyinka ah ee ku yaal Isgoysyada Waddooyinka Laamiga ah ee Magaalada Muqdisho, maadaama goobahaasi ay yihiin dhul Dan/guud ah oo loogu tala galay in Dadweynaha Soomaaliyeed ay ku nastaan, waqtiyada fasaxa ay ka yihiin shaqadooda, isla markaana jardiinooyinku ay ka mid yihiin adeegyada ugu muhimsan dhanka aragtida guud iyo dib u soo cellinta billicda Magaalada Muqdisho;

Qodobka 2aad.
Ganacsatada Go’aankani sida tooska u quseeyo, waxaa la farayaa in muddo 30 maalmood gudohood ah ay ku banneeyaan ama ay kala baxaan wax allaale iyo agab shaqo ah ee u dhex yaal dhismooyinka dhulka Jardiinooyinka ah ee kor ku tilmaaman, maadaama qorshe ahaan lagu tala jiro in hatidaas dib loogu soo celiyo gacanta Maamulka D/Hoose ee Xamar, waxeyna muddadu ka billaabaneysaa maalinta Xeerkan la Saxiixo;

Qodobka 3aad.
Cid allaale iyo Ciddii Xeerkan jabisa ama u hogaansami weyda fulintiisa, waxaa laga qaadi doona tillaabo sharci ah oo arrimahooda waafaqsan, haddii ay jirto cid wax ka qabta amarkan, waxay waqtiga fullinta ka hor kala xiriiri karaan Maamulka Sare ee Gobalka Banadir iyo D/Hoose ee Xamar.

Dood Aqoon-Isweydaarsi ah oo ku saabsan Dib-u-Eegista Dastuurka oo ka dhacday London.

0

Muqdisho(SNTV):-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa dood Aqoon-Isweydaarsi ah oo ku saabsan sidii loo heli lahaa Dastuur dhameystiran oo Soomaali leedahay la yeelatay qaar kamid Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga London ee dalka Ingiriiska.

Doodda oo ay ka soo qaybgaleen waxgarad, culumaa’udiin, haweenka, dhallinyarada iyo oday dhaqameedyo ayaa waxaa lagu gorfeeyay sidii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool UK uga qaybqaadan lahaayeen dib-u-eegista Dastuurka.

Zahra Cali Xasan oo kamid ah La-taliyayaasha Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa Jaaliyadda warbixin ka siisay horumarka ilaa iyo hada laga gaaray arrimaha dib-u-eegista Dastuurka iyo howlaha hortabinta leh bilooyinka soo socoda ee la qaban doono.

Ka qaybgalayaashii doodda oo ay kamid ahaayeen Consullar Harbi Farah iyo Siyaasi Cabdi Cumar oo mar soo qabtay xilka Guddoomiyaha Jaaliyadda UK ayaa soo jeediyeen in waqtiga dhow ay Wasaaradda iyo labada Guddi ee ku hawlan dib-u-eegista Dastuurka ay wada qabtaan shir shacabka Soomaaliyeed ugu soo bandhigayaan dib-u-eegista la sameeyay.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ayaa waxay tallaabo horumar leh ku tilmaameen Shir-weynihii Qaran ee Daahfurka Dib-u-Eegista Dastuurka, iyagoo bogaadiyay wadashaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeysa Wasaaradda iyo labada Guddi ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka

Dhanka kale, Jaaliyadda waxay tilmaameen in ay yihiin wakiillo u taagan in Wasaaradda iyo labada Guddi ay ku garab siiyaan howlaha dib-u-eegista Dastuurka.

Ugu dambayn, doodda ayaa ku soo dhamaatay in wafdi ka kooban Wasaaradda iyo Guddiyada Qaran ee ku howlan dib-u-eegista Dastuurka ay yimaadaan UK si kulan ballaaran oo wadatashi ah loo la yeesho Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool UK.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo la Kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midawga Afrika

0

Nouakchott, July 03, 2018—-Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo magaalada Nouakchott ee caasimadda dalka Mauritania uga qeyb galay shir madaxeedkii Midawga Afrika, ayaa la kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Moussa Faki Mahamat ayaa ka wada halay nabadda iyo xasilloonida guud ahaan gobolka gaar ahaan dalka Soomaaliya iyo sida Midawga Afrika ay usii wadi lahaayeen taageerada Dawladda Soomaaliya la siiyo iyo hannaanka Soomaaliya ay amnigeeda kala wareegayso ciidamada nabad ilaalinta Midawga Afrika (AMISOM).

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ethioipia Hailemariam Desalegn, waxa ayna isla soo hadal qaadeen arrimo ay kamid yihiin adkaynta xariirka labada dal.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa labadii maalin ee tagtay magaalada Nouakchott uga qeyb gelay shir madaxeedka 31-aad ee Midawga Afrika oo looga hadlay sidii loogu guuleysan lahaa dadaallada loogu jiro la dagaalanka Musuq-maasuqa, furdasaha fududeyn kara la dagaalanka musuqa iyo Caqabadaha jira.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Shir-gudoomiyay Kulanka Tubta Siyaasadda loo Dhanyahay

0

Muqdisho, July 02, 2018—-.. Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shir-gudoomiyay kulanka Tubta siyaasadda loo dhanyahay oo looga hadlayay dabagalka iyo dhaqan gelinta qodobbadii kasoo baxay shirkii amniga Qaranka ee Baydhabo iyo diyaar garowga shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliyeed (Somali partnership forum) ee dhawaan ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Wasiiru dawlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo ka warbixiyay kulanka ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee shirka ay aheyd dabagalka iyo dhaqan gelinta qodobadii kasoo baxay Shirkii amniga qaranka Baydhabo lagu qabtay horraantii bishii Juun ee sanadkaan inii uu socdayna la isla gartay in dhammaan hey’adaha iyo wasaaradaha ku shaqada leh in ay guda galaan dhaqan gelinta waxyaabihii lagu heshiiyay.

shirkii amniga Qaranka ee Baydhabo qodobadii kasoo baxay waxaa kamid ahaa in sannadka 2020 dalka ay ka dhacdo doorasho cod iyo qof ah, waxaana intii uu socday Tubta siyaasadda loo dhanyahay uu Ra’iisul Wasaare Khayre faray guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka in ay si huffan uga shaqeeyaan dhaqan gelinta doorashada, dhawaanna ay ummadda Soomaaliyeed usoo ban-dhigaan hannaanka loo wajahayo doorashada si awoodda dalka loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed.

kulanka Tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa sidoo kale looga hadlay u diyaar garwoga shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliyeed ee ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium kaas oo ay ka qeyb gelayaan wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)

Doorashada Mexico: Lopez Obrador oo ballan qaaday isbedel qotodheer kadib guushiisa ‘Sawirro’

Muqdisho (SNTV) Musharaxa xisbiga garabka bidix Andres Manuel Lopez Obrador ayaa sheegay inuu la imaan doono isbedel inta badan ku wajahnaan doono dhinaca masuq maasuqa.

Madaxweynaha cusub ee dalka Mexico ayaa la sheegay in la sugayo sida uu u wajihi doono cilqaaqaadka dalkiisa kala dhaxeeya xukuumadda Washinton, inkastoo fariin xagga Twitter-ka uu madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu ugu hambalyeyay hogaamiyaha cusub ee dalka Mexico, balse waxaa weli taagan caradii ka dhalatay cambaareeynta Donald Trump ee xagga ganacsiga iyo Socdaalka uu usoo jeediyay Mexico.

Hogaamiyaha cusub ee dalka Mexico Andres Manuel Lopez Obrador oo ay da’diisu tahay 64-sano jir ayaa ballan qaaday inuu xushmeeyn doono xorriyadda rayidka waxaana uu sheegay in uusan doonayn inuu noqdo keli talis muuqata ama mid dahsoon intaba.

Qaar kamid ah mucaaradka ayaa cabsi ka muujinaya in ninkan kasoo jeeda garabka bidix iyo siyaasadiisa baabulaaristaha ay dhaawici karayso dhaqaalaha horey uliitay islamarkaana ay Mexico ka dhigi karto mid lamid ah sida Venezuela oo kale taasi oo wajahaysa dhibaatooyin xagga dhaqaalaha ah iyo sicir barar faraha kasii baxay.

Tariikh nololeedka Hogaamiyaha cusub ee Mexico

– a brief biography

  • Andrés Manuel López Obrador, waxa uu kasoo jeeda qoys dukaan leey ah waxaa uu dhashay 13 bishii Nofeember ee sanadkii 1953 tuulo kutaala miyiga Tepetitán, oo katirsan gobolka dhinaca koonfurta ee Tabasco state
  • Waxa uu caan ku ahaa magaca Amlo, oo ahaa mid uu isticmaali jiray bilowga magaciisa.
  • Waxaa loo doortay duqa mgaalada ee Mexico sanadkii 2000
  • Kadib markii uu ku guuldareystay doorashooyinkii madaxweynenimo sanadihii u dhaxeeyay 2006-2012, waxa uu hogaaminayay qatigan isbahaysi uu horkacayay Xisbiga Dhaq-dhaqaaqa Dhalinta Qaranka ee Garabka Bidix ee loo soo gaabiyo (Morena) kaasi oo uu aas aasay sanadkii 2014-kii.

Wejiga labaad ee dib u eegista Dastuurka oo la daah-furay

0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka iyo Hirgelintiisa ayaa kullan ay ku yeesheen Magaaladda Muqdisho waxay ku daahfureen Wajiga labaad ee dib-u-eegista Dastuurka KMG-ah.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee dib-u-eegista Dastuurka Maxamed Daahir Afrax ayaa sheegay in guddigoodu u taagan yahay sidii uu ugu shaqeyn lahaa in Soomaaliya hesho Dastuur aan KMG aheyn.

“Waxaan u taaganahay in aan dib-u-eegis rasmi ah ku sameyno Dastuurka KMG ah, waxaana maanta Daahfurnay Wajigii labaad waxaa noo yaala shaqo badan taasi oo waliba aan rabno in aan ku dhameystirno waqti yar”  Gudoomiyaha Gudiga Madaxa Bannaan ee dib-u-eegista Dastuurka ayaa sidaasi sheegay”.

Sidoo kale Gudoomiyaha Guddigan ayaa tilmaamay in Dastuurku yahay Heshiis Bulsho uuna ku socon karo wadatashi iyo in Bulshada loo soo bandhigo arrimaha jira.

“Dastuurka waa heshiis Bulsho kaasi oo leysku raacayo waxaana muhiim ah in markasta laga wadatashado sidii wax loo sameyn lahaa iyada oo Bulshada Soomaaliyeed loo soo bandhigayo arriamaha muhiimka ah”.

Cutubyada Dastuurka ayaa loo kala qaaday Seddex qeybood waxaana Gudiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka hadda ka shaqeynayaan qeybtii ugu horeysay taasi oo rajeynayaan in sidda ugu dhaqsiyaha badan ku soo gabagabeeyaan.

Khilaaf Xooggan oo ka dhex-taagan  R/wasaaraha Jarmalka & W/A/gudaha dalkaasi oo kudhow inuu xilka iska casilo. ‘Sawirro’

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Arrimaha gudaha dalka Jarmalka ayaa qorshaynaya in kulankii ugu dambeeyay uu la qaato R/wasaaraha Jarmalka Angela Merkel kadib markii uu ku hanjabay in uu ka degayo xilka markii ay soo if baxeen dibadbaxyo looga soo horjeedo siyaasadda Merkel ee kuwajahan xagga Socdaalka .

Horst Seehofer oo ah wasiir Arrimaha gudaha dalka Jarmalka ayaa lagu soo waramayaa inuu ku wajahan yahay xarunta xisbiga CSU oo ah xisbiga ugu muhiimsan oo katirsan isbahaysiga Merkel.

Wasiir Horst Seehofer ayaa qaba in booliiska ay ka qaadaan muhaajiriinta ku sugan xadka Bavaria islamarkaana ay kuwa magangelyo doonka ahi ay la aadaan meelo kale, halka ay Merkal oo ah R/wasaaraha jarmalka ay ku adkeysanayso in heshiis ballaaran oo kuwajahan muhaajriinta lala galo midowga reer Yurub.

Warka ayaa intaasi ku daraya in waqtigan ay si weyn cirka isku sii shareertay mashkiladda muhaajiriinta ee ka dhex-taagan wasiirka Arrimaha gudaha Jarmalka Horst Seehofer iyo Ra’iisul wasaare Angela Merkal, mana jiraan wax waan-waan ah oo suurtagal ah in laga dhex sameeyo si ay laysagu soo dhoweeyo aragtida kala gedisan ee labada mas’uul ee kusaabsan maareeynta muhaajiriinta.

Khatarta Mrs Merkel ayaa ah in Mr Seehofer uu xisbiga CSU ka saaro Isbahaysiga, halkaasi oo ay Angela ku lumin doonto aqlabiyadda ay ku lahayd gudaha baarlamaanka dalka Jarmalka.

 

 

 

 

0

 

Duqa Muqdisho oo ku bogaadiyey bulshada caasimadda kaalintii ay ka qaateen xuska todobaadka xorriyadda

Muqdisho, 2-da Luulyo, 2018; Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo la kulmay guddiyada heer gobol ee qaban qaabada xuska maalmaha xoriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo ayaa uga mahad celiyey shacabka gobolka kaalinta mugga weyn ee ay ka qaateen dabbaal degyadii lagu xusayey sannad guurada 58-aad ee ka soo wareegtay xorriyadda gobollada koonfureed iyo midowga labada qeybood ee dalka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in shacabka Gobolka Banaadir ay taariikh dheer ku leeyihiin sooyaalka xornimo-doonka dalka iyo qaban qaabada munaasabadaha taariikhiga ah ee heer qaran.

“Waxaan ku bogaadinayaa guddiyada kala duwan ee 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir dadaalka ay ugu jireen maalmahaan oo idil qabsoomidda munsaabadaha todobaadka xorriyadda, iyagoona muujiyey dareenka wadaniyeed ee ay u qabaan dadkooda iyo dalkooda.”

Sidoo kale, Guddoomiye Yarisow ayaa bogaadiyey sida shacabka Gobolka Banaadir ay ula shaqeeyeen hay’adaha ammaanka iyo Maamulka Gobolka oo xaqiijiyey in si nabad ah ay ku qabsoomaan dhammaan munaasabadihii ku aaddanaa todobaadka xurriyadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kula dardaarmay bulshada in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka si looga hor tago falalka falalka gurracan ee argagixisada Alshabaab u maleegayaan shacabka.

“Amniga Caasimadda ee soo hagaagay waxaa ka dhashay horumar iyo isku-xirnaan bulsho iyo Ciidan, sidaas darteed, argagixisadu waxay bilowday hoobiye in ay ku garaacaan goobaha shacabka, waan ka xunnahay falkii argagixiso ee degmada Wadajir, waana la qeybsanaynaa murugada ehellada dadkii dhibaatadu soo gaartay maamulkuna gurmadka qeybtiisa ayuu ka qaadanayaa.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Kulankan waxaa ka qeeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Xoghayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen, Agaasimeyaal iyo qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo guddiga qaban-qaabada ee heer gobol.