Wasaaaradda Haweenka Soomaaliya oo Muqdisho ka furtay Shir looga hadlayo Sharciga Daryeelka Carruurta Afrika.

Date:

Muqdisho (SNTV):-Wasaaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ka furtay Shir looga hadlayo Sharciga Daryeelka Carruurta Africa.

Shirka waxaa kasoo qeyb galay Masuuliyiin ka socday Midowga Africa, Unicef UNCR iyo NGO-yo Gudaha iyo Dalka dibeddiisa ka shaqeeya, kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha Carruurta , waxaana soo qaban qaabiyey Wasaaradda Haweenka iyo Xuquul Insaanka Soomaaliya.

Waxaa kasoo qeyb galayaasha ka doodayeen sida loo hagaajin karo Sharciga Xuquuq siinta Carruurta Africa kuwaas oo Soomaaliya kamid tahay.

Soomaaliya ayaa qeyb ka ah Waddamada Ansixiyey Sharcigan, waxaaase yimid dib u dhac kadib burburkii Dowladii Dhexe.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka, Samra Ibraahim oo Shirkan furtay ayaa sheegtay in Sharciga Carruurta Soomaaliya faa’iido badan u leeyahay Dalka iyo Bulshada.

Faadumo Maxamed Cali, Agaasimaha Waaxda Carruurta iyo Daryeelka ee Wasaaradda Haweeenka ayaa dhankeeda sheegtay in Wasaaaradda Haweenka ka qeyb qaadaneyso sidii loo hagaajin lahaa Sharciga Carruurta Africa.

Muddada uu socdo Shirka ayaa looga hadli doonaa qaabka Dalalka Midowga Africa ay u sameysan karaan sharciga Daryeelka Carruurta Africa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....