Wasaaaradda Haweenka Soomaaliya oo Muqdisho ka furtay Shir looga hadlayo Sharciga Daryeelka Carruurta Afrika.

Date:

Muqdisho (SNTV):-Wasaaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ka furtay Shir looga hadlayo Sharciga Daryeelka Carruurta Africa.

Shirka waxaa kasoo qeyb galay Masuuliyiin ka socday Midowga Africa, Unicef UNCR iyo NGO-yo Gudaha iyo Dalka dibeddiisa ka shaqeeya, kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha Carruurta , waxaana soo qaban qaabiyey Wasaaradda Haweenka iyo Xuquul Insaanka Soomaaliya.

Waxaa kasoo qeyb galayaasha ka doodayeen sida loo hagaajin karo Sharciga Xuquuq siinta Carruurta Africa kuwaas oo Soomaaliya kamid tahay.

Soomaaliya ayaa qeyb ka ah Waddamada Ansixiyey Sharcigan, waxaaase yimid dib u dhac kadib burburkii Dowladii Dhexe.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka, Samra Ibraahim oo Shirkan furtay ayaa sheegtay in Sharciga Carruurta Soomaaliya faa’iido badan u leeyahay Dalka iyo Bulshada.

Faadumo Maxamed Cali, Agaasimaha Waaxda Carruurta iyo Daryeelka ee Wasaaradda Haweeenka ayaa dhankeeda sheegtay in Wasaaaradda Haweenka ka qeyb qaadaneyso sidii loo hagaajin lahaa Sharciga Carruurta Africa.

Muddada uu socdo Shirka ayaa looga hadli doonaa qaabka Dalalka Midowga Africa ay u sameysan karaan sharciga Daryeelka Carruurta Africa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...