Home Blog Page 1255

Muritaaniya oo hambalyo u soo dirtay Shacabka Soomaaliyeed

0

Muqdisho(SNTV);- Soomaaliya ayaa xuseysa maanta  58 sano guuradii kasoo wareegatay markii ay gobonimada ka qaadatay Gumeystaha, arrintaasi awgeed Dowlado badan oo Caalamka ah ayaa tahniyad usoo diray Soomaaliya, waxaana ka mid ah Murataaniya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Muritaaniya Sayid Maxamed Walad Cabdicasiis ayaa dhambaal hambalyo ah usoo diray Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo munaasabadaan awgeed.

“Mudane Madaxweyne, Saxiib, aniga oo ku hadlaya Magaca Xukuumadda iyo Shacabka Muritaaniya, , waxaan idin kugu hambalyeenayaa farxada maanta, caafimaadkiina iyo horumarkiina, waxaana idiin rajeynayaa baraare” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxa uu xaqiijiyay in ay sii wadayaan xiriirka iskaashiga ee ka dhaxeeya labada Dal ee u adeegaya danaha labada Shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Murataaniya.

Dowlado badan oo Caalamka ah ayaa hambalyo taasi la mid ah u diray Madaxda iyo Shacabka Soomaaliya oo ay ka mid tahay Mareykanka.

Maxamed Cali Axmed Rooraaye.

Michael Keating oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda 1-da Luulyo

0

Muqdisho, 1 Luulyo 2018 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, ayaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad-guurada 58aad ee kasoo wareegtay madaxbanaanida dalkooda.

“Hambalyo! Tani waaa maalin aad ugu weyn dhammaan dadka Soomaaliyeed, ee ku nool wadanka iyo dunida dacaladiisa, In kastoo ay jiraan dhibaatooyin badan oo ay sii wajahayaan wali, haddana Soomaalida waxay ku faani karaan horumarka la sameeyay,” ayuu yiri Mudane Keating. “Dabaal-deggani wuxuu kusoo aadayaa xilli ay jirto fursad siyaasadeed iyo rajo badan oo laga qabo nabadgalyadda iyo mustaqbal wanaagsan.”

“Waxaan si diirran u amaanayaa Madaxweynaha, Ra’iisul iyo dowladdiisa inay ka go’an tahay in ay dib u habeyn ku sameeyaan dhan kasta ha ahaato dhaqaalaha, amniga ama arimaha siyaasadeed, waxayna ku boorinayaan dhammaan hoggaamiyeyaasha, ha noqdaan qaybaha dadweynaha guud ama qaybaha gaarka ah, in ay la shaqeeyaan iyaga si ay u gaaraan natiijooyinka {Himilooyinka} dadka. Gaar ahaan Dhalinyartu waxay ka rajeynayaan hoggaamiyayaashooda waddanka  shaqooyinka iyo fursaddo, xasilooni xag amniga ah iyo helitaanka adeegyada kale.”

“Wax badan ayaa laga guul gaaray 12 bilood ee lasoo dhaafay. Waxaa laga hortegay [inay dillaacdo] macluul soo fool lahayd, iyadoo la kordhinayo dakhliga iyo deeqaha, loo marayo sharciyo muhiim ah iyo iyado la cadeynayo  xirirka shaqo ee ka dhaxeeya Xukuumadda federalka iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda, iyado ay sii dheertahay dib u eegista dastuurka iyo hanaanka doorashooyinka, iyo dib u habeynta qeybaha amniga”

“Wadada horteena ah waa mid aad u dheer, caqabadahuna waa in aan la dhayalsan, ugu yaraan awoodda burburinta rabshadaha xagjirnimada iyo khatarta khilaafka siyaasadeed iyo khilaafaadka kale waxay wiiqi doonaan dadaalada lagu doonayo in lagu gaaro natiijooyin  faa’iido u leh Soomaalida. Laakiin ajandaha ay dawladdu samaysay waa mid wanaagsan oo u qalma midnimada qaranka iyo taageerada caalamka waqtigan.

“Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka waxay si dhow ula shaqaynayaan dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada si ay uga caawiyaan in ay gaaraan natiijooyinka, oo ay ugu muhiimsan yihiin Amniga, Shaqooyin iyo Adeegyada kale, iyo in la sameeyo arimahan si ay u xoojiso nidaamka sharciga, wadajirka iyo isla xisaabtanka. Qaramada Midoobay waxay u soo jeedineysaa sanad guuradan iyadoo u rajeyneysa midnimo dhammaan umadda soomaaliyeed sanadyada soo socda.”

Madaxweyne Farmaajo “waxaan diyaar u nahay inaan soo celinno wada-hadalladii Somaliland” (Sawirro)

0

Muqdisho, 1-da Luuliyo, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad loogu dabbaal-dagayay sanad guuradii 58-aad ee kasoo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koofureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur taas oo ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabaddan oo ay kasoo qeybgaleen kumannaan shacab ah ayaa ugu horreyn si kooban uga hadlay taariikhda xornimadda Soomaaliya iyo sidii looga adkaaday isticmaarkii Talyaaniga iyo Ingiriiska.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maanta ay mudan tahay in qofkasta oo Soomaali ah uu is waydiiyo 58 sano keddib in aan gaarnay himiladii ay lahaayeen Soomaalidii gobannimo doonka ahayd.

Mar uu ka hadlayay wada hadalladii hakadka galay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ayuu yiri; “Soomaaliland waa dad walaalaheen ah, duruufo badan oo na kala qaybiyay ayaan soo marnay. Dowladdan waxa ay diyaar u tahay in ay wada hadalladii soo celiso, si kasta oo aan kalsooni ku galin karnana aan ku galinno, maxaa yeelay waa walaalaheen, waana gacan iyo garab naga maqan.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka soo noqnoqday ee degaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, isaga oo adkeeyay in Soomaaliya aysan u baahnayn in colaad iyo dhiig dambe lagu daadiyo.

Madaxweynaha oo ka hadlayay dhibaatada argagixisadu ay ku hayso ummadda Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka in ay dowladda garab istaagaan si looga adkaado Alshabaab iyo Daacish oo doonaya in ay dalka dib u dhigaan ayaga oo adeegsanayo aragtiyo dadyow kale laga soo minguuriyay kuwaas oo lid ku ah diinta Islaamka iyo dhaqanka suubban ee ummadda Soomaaliyeed.

“Al Shabaab, Alqaacida iyo ISIS (Daacish) waxay isticmaalaaan qaabkii gumeystuhu u isticmaali jiray kala qeybinta dadkeenna. Waxay adeegsadaan qabaayalad iyaga oo isku dira qabiilladda, sameysatana odayaal dhaqmeed u gaar ah. Waa inaan ka xorownaa kooxahaas canaasiirta ah si aynu u gaarno nabadda iyo barwaaqadda aynu hiigsaneyno.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Maanta waxaad heystaan dowlad uu aduunku u arko in ay tahay dowlad wanaagsan, dowlad sharafkiinna iyo sumcaddiinna ilaalineysa oo idiin keeneysa magac wanaagsan. Waxaa la doonayaa in aad gacan siisaan, lana shaqeysaan dowladdiina.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa isla maanta ubax dhigay Taalladda Dajirka Dahsoon oo ka mid meelaha taariikhiga ah ee lagu xasuusto dadkii usoo halgamay xornimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dul istaagay dhakhaatiir iyo dhallinyaro mutadawiciin ah, oo gargaar degdeg ah u fidinayay shacabka danyarta ah, si uu ugu dhiirrigeliyo hawlaha samafalka ah ee ay u fidinayaan shacabkooda.

Munaasabadda 1-da Luuliyo ee lagu qabtay Garoonka Banaadir waxaa ka qeyb galay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiirro, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisow, wafdi ka socday Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, safiirada dowladaha Turkiga, Qatar, Shiinaha iyo Imaaraadka, xubno ka socday Midowga Afrika, Ciidamada qalabka sida iyo kumannaan shacab ah.

Shacabka Muqdisho oo soo dhaweeyey gaadiidka ay dowladda Soomaaliya u diyaarisay dadweynaha

0

Muqdisho(SNTV) Iyadoo lagu guda jiro dabaal dega todobaadka xoriyadda Soomaaliya maantana ay ku beegantahay 1-da Luulyo oo ah maalintii gobolada Koonfureed ay qaateen xoriyadda ayna midoobeen Waqooyi iyo Koonfur ayaa waxaa amaanka magaalada Muqdisho loo adkeeyey si wanaasgan.

Wadooyinka ayaa lagu arkayaa ciidamada  amniga qeybohoodi kaladuwan,taasi oo qeyb ka ah dabaaldegga farxadda xoriyadda,iayadoo taasi ay jirto ayaa dhanka kale Dowladda soomaaliya waxaa ay Shacabka Magaalada muqdisho u diyaarisay gaadiid waaweyn oo Basas ah,kuwaasi oo loogu talagalay in lagu daabulo dadweynaha ka qeybqaadanaya dabaal dega iyo kuwa kale oo doonayaa in ay isaga kalagooshaan gudaha magaalada,maadaama waddooyinku ay xiran yihiiin inta uu dabaal dega socdo.

Gaadiidka ay dowladda Soomaaliyeed shacabku ay u diyaarsiyay ayaa meelaha ay gaari doonaan waxaa kamid ah:-

Laga soo bilaabo Ex-Kantorool Afgooye,Daljirka,garoonka kubadda cagta Koonis,isgoyska Terbuunka iyo isagoyska Sanca ee magaalada Muqdisho,taasi oo ku dareensiinaysa sida dowladda Soomaaliya ay waxbadan uga taxadirtay daryeelka dadweynaha.

Talaabadan oo ay dowladda Soomaaliya shacabka ugu diyaarisay gaadiid lagu daabulo inta uu socdo dabaaldegga ayaa sahlaya wadashaqeyn dhexmarta laamaha ammaanka iyo shacabka,waxaana siweyn u soo dhaweeyey talaabadaasi oo ay dowladda qaaday shacabka kunool magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Trump oo Soomaaliya ugu hambalyeeyey 1-da Luulyo

0

Madaxweynaha dalka Mareykanka  Donald Trump ayaa madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ugu hambalyeeyay munaasabadda maalinta Xorriyadda wadanka ee 1-da Luulyo.

Donald Trump Madaxweynaha dalka Mareykanka , ayaa hadalkiisa ku bilaabay:

Mudane Madaxweyne, anigoo ku hadlaya magaca dowladda Mareykanka  waxaan adiga iyo shacabka Soomaaliyeed u soo gudbinayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan sanad guurada 58 aad ee maalinta xorriyadda.

Dowladda Mareykanka waxaa ay naawileysaa in ay  jaal la ahaato shacabka iyo dowladda federaalka Soomaaliya si ay u gaaraan mustaqbal ifaya.

“Ka wada shaqeynta dhismaha deganaansho, nabad iyo barwaaqo in Soomaaliya u hesho waa danta labada qaran, waana sii wadaynaa taageerada dhabihii arrintaas lagu gaari lahaa”. ayaa lagu soo gabegebeeyay qoraalka ka soo baxay dowladda Mareykanka.

Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo Ku Aaddan 1-da Luuliyo u Diray Shacabka Soomaaliyeed

0

Muqdisho, 1-da Luulyo, 2018: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 58-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed iyo israacii labada qeybood ee dalka, taasoo asaas u noqotay curashada Jamhuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuskan oo lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in haddii facii naga horreeyay ay dhidibada u taageen qaran xor ah oo calan iyo cudud mideysan leh, kana tilmaamnaa Qaaradda Afrika iyo Caalamkaba in dadka haatan joogana ay dib u yagleeli karaan qaran iyo dawladnimo ka qurux badan kuwii hore.

“Xuska maalmaha gobannimada, wuxuu na barayaa in haddii sidii uu dadkeenu shalay gacmaha isu qabsaday ee ugu hawl galay xaqiijinta himilada ummadda, haddii aan maantana gacmaha is qabsano in aan mustaqbal qurux badan oo aan ku faanno aan dhisan karno.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dareenka midnimo iyo wadajireed uu ku dhex noolyahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, inkastoo duruufo adag ay soo mareen.

“Waxaa xusid mudan in maanta ummadda Soomaaliyeed ay yeesheen dawlad sharaftoodii iyo karaamadoodii soo celinaysa, dawlad ku hawlan hirgelinta iyo xoojinta ammaankii iyo nabaddii dadka Soomaaliyeed in badan ka maqnayd, dawlad caalamka aqoonsi iyo kalsooni buuxda ka haysata, lana hubo in ay buuxinayso kaalintii Soomaaliya ay ku lahayd caalamka.”

Dhanka kale, gunaanadkii munaasabadda ayaa Madaxweynuhu waxa uu u istaagay calan saarka, isagoona salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidammada Qalabka sida.

Munaasabadda 1-da Luuliyo waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Guddoomiye K/xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda iyo Taliyeyaasha ciidammada,

Sidoo kale, waxaa munaasabaddan kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirrada Difaaca iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, diblomaasiyiin, fannaaniin iyo saraakiil ciidan oo reer Jabuuti ah oo Muqdisho u yimid in ay farxadda la qeybsadaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Gaas”Waxaan u rajeynayaa umadda Soomaaliyeed horumar iyo midnimo waarta”

0

Puntland(SNTV) Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo  ku aadan Xuska sanad guurada 58-aad ee  1- Luulyo,  maalintaas oo ahayd maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, ayna midoobeen Gobolada Koonfur iyo Waqooyi  ee Soomaaliya.

Madaxweye ayaa ku tilmaamay maalintaas in ay ahayd maalintii midnimadda ummadda Soomaaliyeed,ayna ahaanayso waligeed, loona baahan yahay in umadda Soomaaliyeed ka hormariso midnimadeeda wax walba.

Madaxweynaha oo ka hadlya qiimaha ay leedahay maalinta xornimada iyo midowga Soomaaliya ayaa waxaa uu yiri.

“Waxaan rabaa inaan halkaan tahniyad uga diro Shacabweynaha Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan, maalinta 1- Luulyo ay kasoo wareegtay 58 sano curashadii Dowlad Soomaaliyeed, maalintii ay xoroobeen Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya iyo ayadoo ku astaysan maalintii ay midoobeen Gobolada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya, waxaana hambalyadaa u dirayaa Shacabka Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan, waxaan leeyahay meelkasta aad joogtaan ku ciida nabad galyo, midnimo, wadajir iyo Soomaalinimo, waxaan Alle ka rajeeynayaa in sanadkan sandkiisa kale aan ku gaarno Dowladdnimodeenii oo gaamurta, horumar Soomaaliyeed, midnimo Soomaaliyeed, wadajir Soomaaliyeed, Soomaaliya oo is cafida, Soomaaliya oo mid noqota, Soomaaliya oo sharafteedii iyo karaamadeedii dib ulasoo laabata, maalintaas waa maalin xusuus wayn ku leh qalbiga Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan

Ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  sheegay inuu rajeenayo in marxalada ay ku sugantahay Soomaaliya mid ka duwan sandaha soo socda ay isku wareysan doonaan Insha Allaah..

Madaxweyne Farmaajo “Xuska maalmaha gobonimada waxa uu na barayaa in aan dhisan karno mustaqbal qurux badan”

Muqdisho, 1-da Luulyo, 2018:Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 58-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed iyo israacii labada qeybood ee dalka, taasoo asaas u noqotay curashada Jamhuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuskan oo lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in haddii facii naga horreeyay ay dhidibada u taageen qaran xor ah oo calan iyo cudud mideysan leh, kana tilmaamnaa Qaaradda Afrika iyo Caalamkaba in dadka haatan joogana ay dib u yagleeli karaan qaran iyo dawladnimo ka qurux badan kuwii hore.

“Xuska maalmaha gobannimada, wuxuu na barayaa in haddii sidii uu dadkeenu shalay gacmaha isu qabsaday ee ugu hawl galay xaqiijinta himilada ummadda, haddii aan maantana gacmaha is qabsano in aan mustaqbal qurux badan oo aan ku faanno aan dhisan karno.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dareenka midnimo iyo wadajireed uu ku dhex noolyahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, inkastoo duruufo adag ay soo mareen.

“Waxaa xusid mudan in maanta ummadda Soomaaliyeed ay yeesheen dawlad sharaftoodii iyo karaamadoodii soo celinaysa, dawlad ku hawlan hirgelinta iyo xoojinta ammaankii iyo nabaddii dadka Soomaaliyeed in badan ka maqnayd, dawlad caalamka aqoonsi iyo kalsooni buuxda ka haysata, lana hubo in ay buuxinayso kaalintii Soomaaliya ay ku lahayd caalamka.”

Dhanka kale, gunaanadkii munaasabadda ayaa Madaxweynuhu waxa uu u istaagay calan saarka, isagoona salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidammada Qalabka sida.

Munaasabadda 1-da Luuliyo waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Guddoomiye K/xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda iyo Taliyeyaasha ciidammada,

Sidoo kale, waxaa munaasabaddan kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirrada Difaaca iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, diblomaasiyiin, fannaaniin iyo saraakiil ciidan oo reer Jabuuti ah oo Muqdisho u yimid in ay farxadda la qeybsadaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Wafdi uu Hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Lagu Soo Dhaweeyay Mourutania.

0

Nouakchott(SNTV):- –Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritania Yahya Ould Hademine, ayaa magaalada Nouakchott ee caasimadda dalkaas kusoo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ka qeyb gelaya Shir Madaxeedka Midawga Afrika.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa Ra’iisul Wasaare Yahya Ould Hademine uga mahad celiyay soo dhaweynta Balaaran ee loo sameeyay wafdiga uu hogaaminayo.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa July 1-2, 2018 magaalada Nouakchott uga qeyb gelaya shir madaxeedka 31-aad ee Midawga Afrika oo looga hadlayo sidii loogu guuleysan lahaa dadaallada loogu jiro la dagaalanka Musuq-maasuqa si loo gaaro horumar ballaaran oo ay qaaraddu ku tilaabsato, iyada oo si gaar ah diiradda loogu saari doono furdasaha fududeyn kara la dagaalanka musuq-maasuqa iyo Caqabadaha jira.

Kulan madaxeedka oo ka qeyb galayaan madaxda Afrika ayaa sidoo kale looga hadlayaa Qorshayaal Muhiim ah oo ay kamid yihiin dib u qaabeynta hey’adaha kala duwan ee ururka midawga Afrika, sidii loo heli lahaa Maaliyad lagu wado howlaha hor-tebinta leh ee Midawga Afrika, nabadeynta iyo amaanka qaaradda, horumarinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda (AfCFTA), sida qaaraddu ay mowqif mideysan uga qaadan laheyd wada xaajoodka Heshiiska Iskaashi ee u dhexeeya Afrika, Caribbean iyo Pacific (ACP) iyo meel marinta Miisaaniyadda Ururka Midawga Afrika ee 2019.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 1-luulyo

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxmed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta Xorriyadda ee 1-da Luulyo.

“Waxaan ugu hambalyaynayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan maalinta Xorriyadda Gobalada Koofureed ee dalka iyo Midowgii Gobalada Waqooyi iyo Koofur Soomaaliya.” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Magaalada Muqdisho Gobalada Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacaya Munaasabado waawayn oo loogu dabaal gadayo maalinta xorrnimada Golada Koofureed ee dalka.