Golaha Ammaanka oo Mudadii u kordhiyey Amisom

Date:

Muqdisho (SNTV):- Golaha Ammaanka ee QM ayaa muddo kordhin u sameeyay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada New York, waxaana ay gaarsiiyen illaa dhamaadka bisha May sanadka soo socda ee  2019.

Goluhu waxa uu sheegay in ay muhiim tahay howlaha nabad ilaalinta ee midowga afrika ee haatan ka hayaan Soomaaliya.

U qaabbilsanaha cunaqabataynta QM ee Soomaaliya iyo Eretria, Khayrat Cumaraof, ayaa kulanka kaga war-bixiyay socdaal uu dhawaan ku tegey Waddamo dhowra oo ku yaalla geeska Afrika.

Mr. khayrat Cumaraof ayaa Golaha ugu war bixiyay booqashadii ugu danbaysay ee uu ku tagay Dalalaka Jabuuti, Kenya iyo Soomaaliya, isagoo intaas ku daray inaysan u suura gelin inay tagaan Dalka Eritrea.

Mudane Cumarof ayaa aad u soo dhaweeyay dadaalada xoogga leh ee ay xukuumadda Soomaliya ugu jirto sugidda amniga iyo ka hagaajinta hay’adaha kala duwan ee Dowladda, isagoo ku baaqay inaan si buuxda cuna qabataynta Hubka looga qaadin Soomaaliya inta ay wax iska beddelayaan arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Sarkaalkan ayaa soo dhaweeyay heshiiska nabadeed ee ay Dowladaha Itooboiya iyo Eritera ay ku gaaraeen Asmara 8-dii July ee Sanadkan, ayagoo soo gaba gabeeyay is fahan waagi ka dhexeeyay muddo 20 sano ah, soona celiyay xiriirka diblomaasiaydeed ee Labada Dal.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...