Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay guddiga madaxa bannaan ee Xuduudaha

Date:

Muqdisho(SNTV):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa  kulan kula qaatay gudigga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo federaalka ee Qaranka.

Gudoomiyaha Gudigga madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo federaalka Mudane Khaliif Cabdikariin Mohamed ayaa waxaa uu guddoomiyaha Barlamaanka ugu warbixiyay howlaha U qabsoomay gudigga mudada ay jireen.

Sidoo kale, mudane Khaliif Cabfikariin Maxamed ayaa sharaxaad ka bixiyay howlaha ay rabaan in ay ka qabtaan arrimaha Xuduudaha iyo Federaalka maadaama ay hadda meel wanaagsan marayaan Shaqooyinkaasi.

Dhanka kale, gudoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Gudiga u balan qaaday wada shaqeyn joogta ah in ay yeelan doonaan Xafiisyada Barlamaanka iyo Kan gudiga Xuduudaha .Waxaan uu Ku dhiira galiyay in ay dardar galiyaan howlaha dhameystirka ah uga Baahan gudigga Xuduudaha iyo Federaalka

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kula dardaarmay in ay Xoojiyaan Sidoo kalena ku dadaalaan gudiga waajibaadkoosa qaran ee loo igmaday isla markaana la soo wadaagaan warbixinadooda gudiyadda Joogtada ee Barlamaanka Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...