Talyaaniga oo ballanqaaday inuu dhisayo xarunta Maxkamadda Sare ee dalka, Daawo “Sawirro”

Date:

01, Aug, 2018 Muqdisho (SNTV) Kulan ay maanta yeesheen Guddoomiyaha Maxakamadda sare ee dalka iyo Danjiraha Talyaaniga u fadhiya magaalo Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Kulanka dhexmaray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashi Yuusuf Axmed iyo Danjire Mr Carlo Campanile ayaa looga hadlay sidii lagu xoojin lahaa dib u habeeynta dhinaca garsoorka dalka oo ay ugu horreyso dhismaha xarunta Maxkamadda sare ee dalka.

Dowladda Talyaaniga oo saaxibtinimo qoto dheer la leh dalkeena Soomaaliya ayaa ballanqaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ka caawin doonto dowladda Soomaaliya dhismaha xarunta Maxkamadda sare.

Mr. Carlo Campanile ayaa ballanqaaday in dowladdiisa Talyaaniga ay ka go’antahay in ay bixiso dhammaan dhaqaalaha ku baxaya dhismaha si ay u hesho xafiisyo badan oo ku habboon howl-maalmeedka ay kamid tahay shaqooyinka garsoorka ee Maxkamadda sare ee dalka.

Kulanka ay wada qaateen Guddoomiyaha maxkamadda Sare ee dalka iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday dibu hagaajinta iyo horumarinta cilaaqaadka garsoorka ee ay wadaagaan labada dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Shirka ayaa sidoo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin tayeynta iyo horumarinta heerka aqooneed ee howl-wadeennada ka howlgala Maxkamadda sare ee dalka iyadoo baahi weyn loo qabo tababarada xagga aqoonta xirfadaha shaqo ee kala gedisan ee shaqaalaha ka howlgala xarunta Maxkamadda sare.

Safiirka Talyaaniga Mr. Carlo Campanile ayaa aqbalay dhammaan codsiyadii loo soo jeediyay mudadii uu socday kulanka oo sidoo kale looga hadlay kor uqaadista heerka aqoonta iyo xirfadaha kala gedisan ee howl-wadeenada maxkamadda sare taasi oo ay kamid tahay in la helo tababaro dheeraad ah si loo dar-dargeliyo howlaha adeegga garsoorka dalka.

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...