Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo kormeerey wasaaradda caafimaadka

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta kormeeray xarunta wasaaradda caafimaadka dalka, ayaa kulan xog-waraysi ah la qaatay wasiirka iyo wasiir ku-xigeenka Wasaaradda.

Wasiirka caafimaadka XFS Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka uga war-bixisay hannaanka ay u socdaan hawlaha wasaaraddu ay u hayso bulshada Soomaaliyeed, waxyaabaha u qabsoomay iyo qorshayaasha horumarinta caafimaadka ee wasaaradda.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku amaannay wasiirka, wasiir ku-xigeenka, agaasimaha guud iyo dhammaan shaqaalaha wasaaaradda caafimaadka shaqada ay hayaan, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii laba jibbaaraan si loogu guulaysto tayaynta caafimaadka dalka loona wanaajiyo bed-qabka ummadda Soomaaliyeed.
“Kormeer shaqo ayaan maanta ku tegay wasaaradda caafimaadka, waxa aan la kulmay wasiirka iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda, waxa aan indhaheyga kusoo arkay hawsha wanaagsan ee ka socota”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalku.

“Kormeerkaan waxa uu qayb ka yahay dadaallada lagula soconayo gudashada xilka iyo waajibaadka saaran wasiirrada. Waxa aan u hambalyaynayaa wasiirrada sida wanaagsan ee ay u shaqeynayaan waxa aan leeyahay halkaas kasii wada kormeerraduna waa sii socon doonaan”, ayuu hadalkiisa raaciyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa howlaha kor-joogteynta lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u yaalla.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...