Tirinta codadka doorashada dalka Zimbabwe oo socota

Date:

Harare (SNTV):-Sida uu qoray wargeyska The Guardian, waxaa billaabatay tirinta codadka doorashadii Madaxweynenimada shaley ka dhacday dalka Zimbabwe oo dad aad u badan ay isugu soo baxeen.

Labada dhinac ayaa mid kasta sheeganaya guul balse lama hayo natiijo sax ah.

Labada murashax ee hoggaaminaya doorashada dalka Zimbabwe ayaa Twitterka ku soo qoray sida ay kalsoonida ugu qabaan in ay jirto fursad ay xilka ku hanan karaan.

Madaxweyne Emmerson Mnangagwa oo xilka qabtay markii xilka laga tuuray Robert Mugabe sannadkii hore ayaa sheegay in uu “ku diirsanayo” xogta uu ka helayo doorashada.

Mr Mnangagwa oo Zanu-PF y ah iyo Mr Chamisa oo ah MDC Alliance,  ayaa labadaba waxa ay la tartamayeen 23 musharrax oo iyagana u tartamay xilka madaxtimada  president.

Waa doorashaddii ugu horreysay ee dalkan ka dhacdo tan iyo markii xilka uu is casilay Robert Mugabe, oo Zimbabawe xukumayey tan iyo markii ay xornimada ka qaateen waddanka Ingiriiska.

Malaayiin qof ayaa ka qeybgalay doorashadii Isniintii dhacday, waxaana la arkayey dad safaf dhaadheer ku jiray goobaha codadka markii doorashada ay billaabatay shaley 7-dii subaxnimo.

Goor horre, oo galabtii shaley ayaa la billaabay tirinta codadka caasimadda Harare halkaasoo ay iska diiwangaliyeen dad lagu qiyaasay tiradooda 75% illaa 85%.

Natiijada doorashada ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa dabayaaqada toddobaadkan, waxaana laga yaabaa in lagu dhawaaqo maalinta Jimcaha.

Qaar ka mid ah dadka Zimbabwe ayaa ka hadlay dareenka doorashadii shaley, Tinashe Musuwo, waa 20-jir waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu ka qeybgalo doorashadii ugu horreysay ee ka dhacda dalkiisa.

“Saaka dareenkeyga aad u wanaagsan yahay waxaa ka qeybgalayaa doorashadii ugu horreysay nolasheyda marka farxad ayey ii tahay”ayuu yiri Musuwo oo saxaafadda kula hadlay isku yaalla caasimadda Harare.

Labada musharrax ee doorashada ugu adag ay dhexmaraty ayaa kala ah madaxweyne Emmerson Mnangagwa oo 75 jir oo markale doonaya in uu xafiiska sii joogo. waxa uu loolan adag uu  kala kulmayaa Nelson Chamisa, oo ah 40 jir kaasoo hoggaaminaya xisbiga mucaaraadka ee (MDC).

Ninkan da’da yer waa qareen waana nin aad u garanaya dalkan wuxuu dhowr sanno ka hor ahaa xukuumadda isbahaysiga.

Mucaaradka ayaa isku dayaya in ay ku guuleystaan doorashadii shaley isla markaana soo gunaanadaan xukunka xibiga talada haya ee ZANU-PF oo dalkaas ka jiray ku dhawaad afartan sanno.

Chamisa ayaa sheegay in uu rajo fiican ka qabo doorashada in uu ku guuleysto.

 

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...