Home Blog Page 1253

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan amniga looga hadlayo la qaatay Hay’adaha Amniga iyo Maamulka G/banaadir

Muqdisho (SNTV), dar-dar galinta amniga caasimadda  ayaa looga hadlayey shirkaan uu Ra’iisul Waasaaraha xukumadda federaaLka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu la qaatay hay’addaha amniga  iyo maamulka gobolka Banaadir.

shirkaan oo ka qabsoomay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa lagu soo bandhigay guulihi ay ku najaxeen shacabka Soomaaliyeed  ee xagga amniga ahaa oo ay soo hoyeen hay’addaha amniga bilooyinka lasoo dhaafay, kana  mid ahayd bishii barakaysneyd ee Ramadan iyo dajinta qorshaha Labaad ee bilooyinka soo socda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane  Xasan Cali kheyre oo  shirka ka hadlay ayaa  xusay in hay’addaha amniga dalku ay shaqo wanaagsan  qabteen oo mudan  in loogu Hambalyeeyo , loogana bahan yahay in Muqdisho ay noqoto maagalo  Nabdoon, islamarkaana  Ciidanka Booliska  ay la wareegaan Amaanka  guud ee Caasimadda , si ay ula jaan qaado Magaalooyinka  ku horumaray  xagga amniga iyo xasiloonida.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka banaadir ahna duqa Caasimadda Soomaaaliya  Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ENG Yarisow  oo la hadlay Warbaahinta qaranka, ayaa  tilmaamay guulaha amni ee caasimada ay ku timid wada shaqaynta  hay’addaha amniga iyo shacabka oo muujiyey  in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada  sugida amniga.

Wasiirka Difaaca XFS oo la kulmay saraakiil ka socota Mareykanka, Midowga Yurub iyo Turkiga

0

Muqdisho (SNTV), Wasiirka wasaaradda Gaashandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay saraakiil ka socota howlaglka Mareykanka ee Soomaaliya, Midowga Yurub iyo saraakiisha xeradda tabbabarada TURKISOM ee lagu tabbabaro ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

Kulanka, ayaa waxaa looga hadlay dardargelinta tayaynta iyo qalabeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo u diyaar garowga ka bixitaanka ciidanka AMISOM, kaas oo loogu magac daray qorshaha kala guurka.

Mudane, Xasan Maxamed (Amar-dambe) wasiirka Gaashaandhigga dalka oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in kulanka sidoo kale looga wada hadlay qorshaha wada shaqeyneyd ee arrintaas ku aadan oo ay wada yeelanayaan wasaaradda Gaashaandhigga iyo wadamada iyo hey’adaha caawiya dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

Kulanka, oo qaatay saacado badan, ayaa labada dhinac waxaa ay isla garteen ahmiyadda ay leedahay in qorshaha dib u dhiska ciidanka xoogga dalka ee wasaaradda Gaashaandhigga ay hormuud ka tahay loo baahan yahayin si wadajir ah looga wada shaqeeyo.

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa tan iyo markii xilkaas loo magacaabay waxaa uu xil weyn iska saaray siddii looga miro dhalin lahaa qorshaha dib u dhiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, isaggoo kulamo iska daba joog ah oo arrintaas ku aadan la yeelanaya dhammaan dhinacyada howshaas ay khuseyso.

Maamulka Gobolka Banaadir oo daah furay Barnaamijka Qorshaha Horumarinta Caasimadda ee shanta Sano

0

Muqdisho-(SNTV)-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa daah furay shir soconaya muddo shan casho ah oo looga hadlayo qorshaha horumarinta Caasimadda ee shanta sano ee soo socoto, kaa soo ujeedku yahay in Caasimaddu ay yeelato qorshe ku saleysan baahida degmooyinka si loo fuliyo adeegyo bulsho oo huffan.

Qorshaha Horumarinta Gobolka Banaadir ayaa diiradda saaraya qodobo lagu maalgelinayo kaabayaasha bulshada, sida waxbarshada,caafimaadka ,bilicda magaalada, Waddooyinka iyo adeegyada kale ee muhiimka ah, si looga hortago hoos u dhac ku yimaado howllaha uu maamulku u hayo shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur oo furitaanka shirka hadal ka jeediyey ayaa sheegay in barnaamijkani uu yahay kii ugu horeeyey ee Gobolka Banaadir uu yeesho, isagoo dhabaha u xaaraya hannaan lagu wada xisaabtamo oo bulshada 17-ka degmo u sahalaya in ay helaan adeegyada aasaasiga ah ee xaqa u leeyihiin kuna saleysan baahiyo la isla wada og yahay.

“Inaan maanta daah-furno barnaamijkan muhiimka ah ee qorshaha horumarinta Caasimadda shanta sano ee soo socota waa guul taariikhi ah oo muujinaysa soo kabasha horumarka Caasimadda, ma jiro maamul shaqeyn kara haddii uusan lahayn qorshe cad oo qeexaya hawllaha uu qabanayo.”Ayuu yiri Guddoomiye Xuseen Maxamed Nuur.

Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa sheegay in barnaamijka horumarinta Caasimadda uu muhiim u yahay horumar waara oo la gaarsiiyo bulshada, iyadoo sameyntiisa la geliyey wakhti, maal iyo feker, si looga miro-dhaliyo looguna guuleysto qorshe u sameynta Gobolka Banaadir. Waxuna ka codsaday ka qeyb galayaasha shirka in talooyinkooda ay ku biiriyaan si uu uga tarjuma baahida ka jirta dhammaan degmooyinka Muqdisho.

Qorshaha Horumarinta Caasimadda oo socon doona muddo 5 sanno ah ayaa hadafkiisu yahay dhimista fakhriga, dib-u-dhiska iyo dib-u-habeynta kaabayaasha maamulka.

Madaxweynaha oo Casho Sharaf u Sameeyay Guddigii Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa waxa uu Xarunta Madaxtooyada ugu sameeyay casho sharaf Guddigii Qabanqaabada Munaasabadihii 26ka Juunyo iyo 1-da Luuliyo.

Madaxweyne Farmaajo oo hadal kooban oo mahadnaq ah goobta ka jeediyay ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay Guddiga Qabanqaabada, oo uu hormuud u ahaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Daahir Maxamuud Geelle, sidii habsamida lahayd ee ay uga soo dhalaaleen hawlihii loo igmaday.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay jiraan shakhsiyaad Soomaaliyeed oo naftooda u huray sidii ay u ilaalin lahaayeen taariikhda umadda Soomaaliyeed kuwaas oo mudan in mar walba la xuso si jiilka dambe ay u helaan dad ay kaga daydaan waddaniyadda iyo dal jacaylka.

Madaxweynaha ayaa xusay saddex sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kuwaas oo badbaadiyay dukumintiyadii yaallay Xarumihii Dowladda ee ay ka tirsanaayeen, wuxuuna ku sifeeyay saraakiishan in ay tusaale nool u yihiin waddaniyiin badan oo dhiig iyo dhaqaale usoo huray badbaadinta dalka.

Saraakiishan oo kala ah G/ Sare Jaamac Cilmi (Timir) oo badbaadiyay kaydka Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, G/ Sare Abshir Xaashi Cali oo gacanta ku hayay kaydka heesaha ee Radio Muqdisho iyo Dhamme Cabdi Maxamed Samatar (Cabdi Dheere) oo isna ilaaliyay dukumintiyadii muhiimka ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu dallacsiiyay min hal darajo.

“Saddexdan sarkaal waxa ay qabteen in ay xafidaan taariikhda Soomaaliya oo ay ilaaliyaan sharafka iyo qarannimada Soomaaliyeed, xitaa in ay naftooda u huraan. Waa mahadsanyihiin, mana idin ilaawi doonno, qarankuna waa idiin abaal gudi doonaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cashadan mahadnaqa ah ee uu Madaxweynuhu u sameeyay Guddigii Qaban-qaabada maalmaha xorriyadda waxaa kasoo qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, xubnaha Guddiga Qabanqaabada, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida, Hobollada Waaberi iyo Horseed iyo marti sharaf kale.

Dagaal culus oo Maleeshiyada Al-shabaab iyo dad shacab ah ku dhex maray G Mudug

Dagaal u dhaxeeya Maleeshiyada Alshabaab iyo dadka deegaanka ayaa ka dhacay Tuulada Caad oo hoos timaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa xalay laga saary deegaanka, ka dib dagaal culus oo ay ku qaadeen dadka deegaanku, balse saaka ayay mar kale maleeshiyadu soo weerareen deegaanka, iyagoo doonaya inay dadka ka qaadaan xoolo baad ah.

Dad ku sugan magaalada Camaara oo u dhaw deegaanka Caad ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in wali xaalad dagaal ay ka jirto deegaankaas, waxaana ay ka dalbadeen maamulka Galmudug inuu dadka deegaanka ku gacansiiyo dagaalka ay kula jiraan maleeshiyada xagjirk ah ee Al-shabaab.

Dhawr jeer oo hore ayay dadka deegaanka iyo maleeshiyada Al-shabaab ku dagaalameen tuulooyin hoos yimaada degmada Xarardheere, ka dib markii dadka shacabka ah ee aagaasi ku nool ay diideen in laga qaado xoolo baad ah Carruurtoodana la askareeyo.

Wadfi ka socda Dawladda Qatar Oo Qiimayn Ku Sameynaya Dekadaha Soomaaliya Ayaa la Kulmay Ra’iisul Wasaare Khayre

0

Muqdisho, July 03, 2018 –Wafdi ka socda dawladda Qatar oo maanta soo gaaray Caasimmadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha
Xukuummada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay ka wada hadleen horumarinta dekadaha Soomaaliya.

Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka Badda Xukuummadda Federaalka
Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac oo kulanka qeyb ka aheyd ayaa
sheegay in ujeedka wafdiga ay aheyd in daraasad iyo kormeer ay ku
sameeyaan dekada Soomaaliya si loo ogaado dekadaha dayactirka u
baahan iyo dekadaha Dhismaha cusub lagu sameynayo.

Wasiir Maryan ayaa sheegtay in booqashada wafdiga Qatar uu ku yimid Muqdisho ay fursad wanaagan oo dhanka shaqo abuurka iyo kobaca dhaqaalaha ah u tahay ummadda Soomaaliyeed, loona baahanyahay in looga faa’iideeyo.

Booqashada Wafdiga Qatar ka socda ay ku yimaadeen Muqdisho ayaa ka dambaysay booqashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi la socday ay ku tageen magaalada Dooxa halkaas oo leeskula soo af-gartay
in la fuliyo Mashruucyo dhawr ah oo khuseeya dekadaha Soomaaliya .

Wafdiga ka socda dawladda Qatar ayaa inta ay joogaan dalka waxa ay
booqashooyin ku tagi doonaan maamul goboleedyada dalka si ay u tagaan
dekadaha ay qiimeynta ku sameynayaan.

Qodobo laga soo saaray Shir looga hadlayay arrimaha maalgashiga dalka oo Muqdisho ka dhacay

0

Muqdisho(SNTV) Kulankaan maanta ay iskugu yimaadeen xubnaha guddiga maalgashiga shesheeye ayaa looga doodey 4 qodob oo muhiim u ahaa fadhigoodan oo bishiiba mar qabsooma,waxaana ka mid ahaa qodobada laga doodey maanta In la sameeyo siyaasada maalgashiga shisheeye.

Markii kulanka gudigu soo geba geboobay ayaa waxaa laga soo saaray illaa sided qodob oo muhiim ah,waxaana ay kala ahaayeen sidan.

  1. Guddigu waxa uu u madax bannaan yahay  oo uu ka masuul ah Maalgashiga Shisheeye
  2. Guddigu si uu u shaqeeyo wuxuu dhamaystiri doonaa qabyo-tirka baahidiisa.
  3. Guddigu waxa ay soo jeedinayaan in Maalgashiga lagu ogaado Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo madmadawga laga saaro oo arrintaasna lasoo afjaro.
  4. Guddigu waxa uu isla qaatay inuu yeesho xafiis u gaar ah oo uu ku shaqeeyo kaas oo ku dhexyaalla Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
  5. Guddigu wuxuu isla qaatay in si degdeg ah English iyo Arabic loogu turjumo Xeerka Maalgaashiga Shisheeye ee AfSomaaliga ku qoran.
  6. Sida xeerku dhigayo, waxa guddigu isla qaatay in meeqaamka shirku noqdo sida xeerku qoran.
  7. Guddigu wuxuu isla qaatay in la sameeyo xoghaymo hoosaadyo iyo sharci yaqaanno ka hoos shaqeeya Guddiga.
  8. Guddigu wuxuu hagi doonaa isla markaana farsamo ka gaysan doonaa dhamaan shirarka maalgashiga Shisheeye ee Soomaaliya ee ka dhici doona dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba

R/wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Wafdi ka socda dowladda Qadar

Muqdisho(SNTV) Mas’uuliyiintaan oo ka socotay Wasaaradda Dekadaha dowladda Qatar ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Wasiirka dekadaha iyo Gadiidka Badda Soomaaliya iyo masuuliyiin ka socota Madaxtooyadad.

Ujeedada wafdigaan ayaa ahaa in ay sahmin iyo qiimayn ku sameeyaan qaar ka mid ah Dekadaha dalka taas oo qayb ka ah heshiisyo dhex maray dowlaha Soomaaliya iyo Qatar kadib booqashadii uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ku tagay maagaalada Dooxa ee dalka Qadar.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa xubnahaan ku qaabilay xafiiskiisa waxuuna uga mahadceliyey boqashada ay Muqdisho ku yimaeen, isagoo u sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhawaynayso cid kasta oo maalgashi ku samaynaysa dalka, iyadoo loo marayo habrac shariciga ee u yaalla Soomaaliya.

Wasiirka dekadaha iyo gadiidka Badda ee xukumadda Federalka Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac oo warbaahinta qaranka kula hadashay xafiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u mahadcelisay wafdiga ka socda Qadar, waxaana ay sheegtay in labada waddan uu ka dhaxeeyo xiriir aad u wanaagsan.

Guddoomiyaha G/Banaadir oo xariga ka jaray Saldhigga Degmada Boondheere

0

Muqdisho(SNTV) Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xariga ka jaray Saldhigga degmada Boondheere oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyey, waxana munaasabadda xarig jarka kala qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/G Bashiir Cabdi Maxamad Ameeriko.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku ammaanay shacabka iyo maamulka degmada Boondheere iskutashiga ay sameeyeen ee lagu dhisay saldhigga iyo sida ay diyaarka ugu yihiin horumarinta degmadooda.

“Saldhiggan wuxuu kaalin wanaagsan ka qaadanayaa amniga iyo caddaaladda deegaanka, dadka Boondheere waxaan ku ammaanayaa iskutashiga ay sameeyeen iyo sida ay uga fekerayaan horumarka deegaankooda, degmo walba oo ku taalla Caasimadda waa in ay iskutashataa oo la dhisaa magaalada.”Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Taliyaha Ciidanka Booliska Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad Ameeriko ayaa boggaadiyey wada shaqeynta ka dhaxeysa Maamulka Gobolka iyo Hay’adaha ammaanka, isagoo xusay in dhismaha saldhigga degmada Boondheere tusaale u yahay isku xirnaanta shacabka iyo maamulka.

Ugu danbeyn, Duqa Muqdisho ayaa dhinaca kale kormeer ku sameeyey MHC ka degmada Boondheere, isagoo la kulmay qaar kamid ah dadkii lagu daaweynayey. Waxuna ku dhiirigeliyey maamulka in la sii xoojiyo dhismaha iyo horumarinta adeegyada bulshada ee degmada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Imaaraatka ee Soomaaliya

0

Muqdisho(SNTV):–Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Cusmaan.

Intii uu socday kulanka Mudane Axmed Ciisa Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda uu la qaatay Safiirka ayaa la iskula eeggay xiriirka laba geesoodka ee labada dal u dhexeeya.

Sidoo kale waxyaabihii looga hadlay inta uu socday kulanka Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya iyo Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya ayaa waxaa kimid ahaa waxa ka cusub xaaladda gobolka iyo dunida inteeda kale.