Home Blog Page 1235

Cimraan Khaan oo ku guuleystay doorashadii ka dhacday Pakistaan

Islamabad-(SNTV)-Hoggaamiyaha xisbiga Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ayaa ku guuleystay doorashooyinkii Baarlamaaniga ahaa ee ka dhacay Dalka Pakistaan, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka.

Ciyaar yahanka u xuub siibtay Siyaasadda ee Cimraan Khaan, ayaa Saacado ka hor sii sheegtay inuu isagu ka guuleystay Axsaabtii la loollamayay oo uu ka mid yahay Xisbiga  haatan talada haya ee uu hoggaamiyo Nawaaz Shariif.

Kuraasta Baarlamanka ayaa ka kooban 135, iyadoo awoodda Xisbiga uu ku soo dhiso karo Xukuumad ay ku xiran tahay inuu helo 95%, waxayna taasi ugu dhigan tahay Cimraan Khaan inuusan lahayn awood dhammays tiran.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Pakistaan, Sardar Mohammad Raza, ayaa meesha ka saaray tuhunka ah in Xisbiga PTI loo eexday, wuxuuna sheegay ineysan dhicin wax is daba marin.

Dhinaca kale waxaa natiijada la shaaciyay ee guusha Cimraan Khaan, ku Gacan sayray Axsaabtii la tartamaysay oo uu ka mid yahay Xisbiga ,Pakistan People’s Party, (PPP) oo uu hoggaamiyo Raiisul wasaaraha haatan talada haya ee Nawaaz Shariif.

Isha/ Agencies

Madaxweyne Farmaajo oo booqanaya berri dalka Eritrea

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya  Mudane; Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in Madaxweynaha JFS uu Berri booqasho Taariikhi ah ku tegi doono Magaalada Asmara ee caasimadda Dalka Eretrea.

Mudane; Geelle oo la hadlay war-baahinta Qaranka ayaa intaa raaciyay in Soomaliya iyo Eretria ay sameynayaan xiriir Diblumaasiyadeed oo cusub, isagoo Madaxweyne Madaxamed C/laahi Farmaajo halkaasi kulan kula qaadan doono dhiggiisa Eretrea Isaias Afwerki.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Booqashada uu Madaxweyne Farmaajo ku tegi doono Eretrea ay noqoneyso tii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Soomaaliyeed ku tago Dalkaasi, taasoo sare u qaadeysa xiriirka Labada Dowladood.

Weerar qorsheysan oo lagu dilay mid ka mid ah horjoogayaashii Al-shabaab

Bokool(SNTV) Wararka ka imaanaya gobolka Bokool ayaa sheegay in howlgal qorsheysnaa oo ay fuliyeen ciidamada Darwiishta Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ay ku dileen horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyada Alshabaab iyo tiro maleeshiyaada ah oo la socotay,iyadoo sidoo kale laga furtay hubkii ay wateen.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed(Xasan Eeley) oo u waramayay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa sheegay in horjoogaha la kharijiyay oo magaciisa lagu sheegay Macalin Deerow uu Alshabaab u qaabilsanaa jidgooyooyinka wadada isku xirta Bay iyo Bakool.

“Howlgal qorsheysanaa oo ay saaka ciidamada Darwiishta Koonfur Galbeed ay ka fuliyeen deegaanka Lafaale oo qayaas ahaantii 28 KM u jira degmada Waajid ee Gobolka Bokool ayaa lagu dilay horjooge Macalin Deerow,waxaa sidoo kale goobtaasi lagu dilay ilaa 5 ka tirsan maleeshiyadii la socotay,waxaana laga soo furtay hubkii ay wateen oo gaaraya ilaa 8 qoryaha loo yaqaano AK47,way sii socon doonaan howlgalada inshaa allaah”. Ayuu yiri Wasiir Xasan.

Talaabadan ayaa wuxuu wasiirka amniga Koonfur Galbeed uu ku sheegay in ay qeyb k atahay howlgalada ka dhanka ah maleeshiyada nabadiidka Alshababa,kuwaasi oo ay iska kaashanayaan Darwiishta Koonfur Galbeed iyo Militariga Soomaaliya.

Dilka horjooge Macalin deerow ayaa noqonaya mid mid ay shacabku ku farxaan maadaama uu inta badan uu ka shaqeyn jiray dhibaataynta ganacsatada iyo shacabka kunool gobolka Bokool,waxaana dhowr goor ooh ore ay gubeen badeeco ganacsi iyo sahayda ay dadka shacabka ah oo safraya ay qaataan.

Ciidanka Xooga Dalka oo kaashanaya ciidamada gaarka ah ee dowlad goboleedyada ayaa guulo ka gaaray gulufka alshabaab looga soo horjeedo,iyadoo howlgaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Koonfurta Soomaaliya ay ku dileen horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan,sida Jubaland,Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele.

Wasaaradda Diinta oo ku dhawaaqdey in la bilaabay bixinta Dal-ku Galka Sacuudiga ee Xujeyda Soomaaliyeed

0

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafra XFS ayaa ku dhawaaqadey in Toddobaadka soo socda ay billaaban doonaan Socdaalka Xujeyda Soomaaliyeed  magaalada Barakeysan ee Makah.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna sii hayaha xilka wasiirka Mudane Cabdixakiin Xasan Ibraahim (Ashkir) oo Teleefanka kula hadlay Warbaahinta Qaranka isaga oo jooga Sacuudiga ayaa sheegay in masuuliyadda Wasaaraddu iyo Xukuumaddu in ay aheyd sidii Xujeyda Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa sannadkaan Arrimaha iyo Xajka laguna guuleystay oo aysan jirin wax caqabad ah.

Waxa uu hoosta ka xariiqay wasiiru dowlaha in la kordhiyey shirkadihii ka shaqeynayey Arrimaha Xajka oo la gaarsiiyey ilaa 5 Shirkadood, waxa uu carrabka ku dhuftey in la daah-furay bixinta dal ku galka Sacuuciga ama (Visa) ee xujeyda Soomaaliyeed.

Wasiiru dowlaha Diinta iyo Awqaafta ayaa sheegay in sannaadkaan shirkadaha  la saaray masuuliyad dheeri ah, Xukuumadduna ay kor joogteyn joogto ah ku sameyn doonto.

“Umadda Soomaaliyeed waxaa ugu bishaareynayaa in Xajka uu qabsoomayo,  kaalin aad weyn ayeey ka qaateen xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, shirkadaha waxaan kula dardaarmayaa in ay go’aankii Xukuuamdda ay sideeda u fuliyaan, wasaaradda Xajka Sacuudigu si wanaagsan ayeey noola shaqeeyeen, kaslooni buuxdo ayaan qabnaa saacaddaan,  laga bilaabo shalay waxaa la qeybiyey Kaararkii shirkadaha, annagana dabagal iyo qiimeyn ayaan ku sameyn doonnaa” ayuu yiri  Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdixakiim Xasan Ibraahim (Ashkir)

Wasiiru dowlaha ayaa ugu dambeyn sheegay in Xajka uu u furan yahay, shirkadaha ka shaqeynaya Xajka, marka waajibaadka Xujeyda soo dhammaadana lagu xisaabtami doonno adeeggii ay sanandkaan la siiyey sida uu ahaa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya.

0

Muqdisho(SNTV):— Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Mudane Xasan bin Xamsa Asad Haashim, Safiirka Dowladda Qatar u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Safiirka Qatar ayaa gudbiyay salaan uu ka siday wasiirkiisa uu ku socotay Wasiir Axmed Cawad, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu salaan u diray walaalkiisa Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan bin Jaasim Aala taani, Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar.

Kulanka ayaa la iskula eegay xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa, waxaa kale oo la is dhaafsaday aragtiyo ku salaysan arrimaha gobolka iyo dunida.

Danjire Xasan Xamsa ayaa gaari qafilan oo aanu xabadda karin ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya si ay ugu adeegsato arrimaha muhiimka ah, iyadoo ah hadiyad ka timid Xukuumadda iyo Shacabka Qatar.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Mudane Mustafa Aadam Dagaal, Agaasimaha Waaxda Carabta ee Wasaaradda.

Goloaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Qorsha amniga Caasimadda

Muqdisho, July 26, 2018— Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir-gudoomiyay shirka golaha Wasiirrada oo looga hadlay adkaynta amniga, ahmiyadda Shirkii caalamiga ahaa ee waxbarshashada sare iyo natiijadii kasoo baxday Shirkii Madasha iskaashiga Soomaaliyeed ee Brussels.

Ugu horreyn wasiirka amniga gudaha xukuummadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale) ayaa golaha u soo ban-dhigay qaraar qeexaya in ciidamada ku howlan sugidda amniga caasimadda ay hoostagaan Booliiska, arrinkaan oo goluhu isla qaateen si loogu guuleesto hadafka guud ee ah in bulshadu ay hesho nabad-gelyad buuxda.

Goloha wasiirrada ayaa faray taliyaha Booliiska Soomaaliyeed in uu hawl geliyo Guutada ciidanka Booliska 14-ka Oktoobar si ay uga qayb qaataan sugidda amniga, iyada oo sidoo kale golohu uu wasaaradda maaliyadda ku war-geliyay in ay bixiso mushaarka iyo xuquuqda guutada 14-ka October.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa golaha wasiirada usoo jeediyay in Cabdullaahi Maxamed Odawaa, Maxamed Axmednuur Tarsan iyo Cabdirisaaq Axmed Sh. Maxamed Shoolle ay u ogolaadaan in ay qaban karaan xil safiirro, arintaas golohu uu cod aqlabiyad leh ku ansixiyay.

Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimmadda uu dalka u leeyahy shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare ee lagu qabtay Muqdisho, kaas oo intii uu socday la iskula gartay in waddamada colaadaha ka soo kabanaya loo sameeyo urur jaamacadeed ay hormuud u tahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa uga mahacdeliyay bahda waxbarashada Soomaaliyeed dadaalkii ay u galeen in ay dhisaan aqoonta bulshada xilligii burburka isaga oo qiray in ay usoo dul-qaateen xilli ay adkayd in lagu dhiirrado fulinta qorshayaal horumarineed oo bulshada lagu bad-baadinayo.

Madaxweyne Farmaajo oo ugu baaqay shacabka in ay ka qeyb qaataan ololaha Isxilqaan

Muqdisho, Luuliyo 26, 2018; Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad u jeediyey kumannaan mutadawiciin ah oo hormuud u ah xoogagga waddaniyiinta ee laga hirgeliyey Gobolka Banaadir ayaa bogaadiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu heellan yihiin in ay ka qeyb qaataan difaaca iyo dib u dhiska dalka .

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta dhaqdhaqaaqa ku saleysan isxilqaannimada iyo wax-wada-dhiska.

“Barnaamijkan isxilqaanka oo aan dooneyno dalka oo dhan iyo qurbajoogta Soomaaliyeedba in aan gaarsiinno idinka ayaa aasaas u ah. Marka naloo eego si shakhsi shakhsi ah adduunka waa ka tilmaaman nahay, meel kasta oo aan joognana horumar la taaban karo ayaan ka gaarnaa, waxaa kaliya oo inaga dhiman waa in aan dadaalladeenna mideyno oo innagoo isku duuban oo wadajir ah aan wax wada qabsanno. Taas weeye ujeedka barnaamijkan.”

Madaxweynaha ayaa ku baraarujiyey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed qof kasta oo ka mid ah in uu shaqo mutadawacnimo ah u qabto dalka toddobaad kasta labo saac iyo bar ka mid ah wakhtigiisa, arrinkaas oo fure u noqonaya sidii aan uga soo kaban lahayn burburkii ku habsaday dalka.

“In aan si dhab ah u wada shaqeyno ayaan caalamka kula tartami karnaa laakiin si shaqsi ah caalamka kulama tartami karno, shaqsi ma ahan wax horumar lagu gaaro oo dal dhisa qabiilna ma ahan waan soo tijaabinay ee labo sano aan qabsanno oo aan u shaqeyno si wadareed iyo isku duubni.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay dhammaan xoogagga isxilqaamayaasha Soomaaliyeed ee sida waddaniyadda leh ugu istaagay dalkooda tan iyo xilligii burburkii dowladdii dhexe, kuwaas oo gacan ka geystay hawlaha nabadeynta, bilic soocelinta, waxbarashada, ganacsiga, caafimaadka iyo guud ahaan dadaallada samatabixinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan oo ka dhacday Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod, Taliyeha Ciidanka Booliska Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenkiisa Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah hoggaanka Ururrada Haweenka iyo Dhallinyarada.

DHAMMAAD

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo cambaareeyey Weerarkii Xarunta Hormuud ee deegaanka Dhuuntoow

0

(Muqdisho, 26 Luulyo 2018) Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa cambaareeyey Weerarkii lagu qaadey Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Dhuuntoow ee degmada Ceel-waaq.

Wasiirka oo u tacsiyeeyey ehellada dadkii ku dhintey weerarkaasi ayaa sheegay in ay kulan gaar ah arrintan kala qaateen Wasaaraddaha Amniga, Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha & Dibedda degdegna looga bixin doono jawaabta ku habbon, isaga oo ku tilmaamey weerarkaas mid aan loo dulqaadan karin.

“Waxa aan ka qaadi doonaa weerarkan talaabooyinka ku habboon kadib kolka ay soo dhamaadaan baaritaanada hay’adaha ku shaqadda leh” ayuu yiri wasiir Cashuur.

“Waxaa muhiim ah in la ogaado in uu dhamaadey xiliggii isla xisaabtan la’aanta oo ay tahay in cid weliba ay si dhab ah u qaadato masuuliyadeedda, waxa aanna rajaynaynaa in ay degdeg u soo dhamaadaan baaritaanadan” ayuu yiri wasiir Cashuur.

Madaxweyne Farmaajo oo dalacsiiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Muqdisho (SNTV), Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa maanta hal darajo dalacsiiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” oo ka hor intaan la dalacsiin ahaa Sarreeye guuto.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayey Xaflad loogu magac daray Kulanka Xoogagga Wadaniyiinta Soomaaliyeed ayaa ugu  hambalyeeyay Halka darajo ee uu dalacay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko”.

Dalacsiinta Taliyaha  ayaa timid kadib markii wax qabad muuqda uu ka sameeyey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana  Taliska Booliska uu ku guuleystay dib u dhiska Ciidanka iyo  in dib u dayactir lagu sameeyo qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka, kuwaasi oo ku burburay dagaalladii dalka ka dhacay.

Madaxweye Farmaajo ayaa soo xiray ololaha Xoogaga wadaniyiinta Gobolka Banaadir

0

Muqdisho (SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo xiray ololaha Xoogaga wadaniyiinta Gobolka Banaadir kuwaas oo ka qeyb qaadanayo barnaamijyada wacyi-galinta iyo xasilinta Caasimadda.

Kusimaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir mudane Xuseen Maxamed Nuur, taliya-yaasha ciidamada qalabka sida iyo maamullada degmooyinka   ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda.


Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in xoogaga wadaniyiinta Soomaaliyeed ay aas-aas u yihiin horumarinta amniga Caasimadda.

Kusimaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir mudane Xuseen Maxamed Nuur oo munaasabadda ka hadlay waxa uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu ku guuleestay hir-gelinta barnaamijka dariseynta oo guula muhiim ah laga gaaray,  waxa uu sidoo kale sheegay in uu meel gaba- gaba ah mareyso qorshaha horumarinta Caasimadda ee 5-sano soo socoto ee ka kooban 6-Tiir.

Ugu dambeyn kusimaha duqa magaalada Muqdisho ayaa ka dhawaajiyay in xuquuq ay heli doonan howl-wadeenada xoogaga wadaniyiinta gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Farmaajo) ayaa uga mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir doorka uu ka geestay in ololahani lagu guulesto islamarkaana uu soo gaaro heerkan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladu ay  dhiira-galin doonto qorsha kaste oo lagu xoojinayo qaranimada iyo horumarinta wadajirka umadda Soomaaliyeed si looga guulesto sharwadayaasha.