Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo cambaareyey falalka lagu bartilmaamsado shaqaalaha gargaarka

Date:

Muqdisho(SNTV);- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobey in ay kaalinteeda ka qaadato qorsheyaasha dib u dajinta loogu sameynayo barakacayaasha ku dhaqan Gobolka.

Guddoomiyaha ayaa hadal jeedintiisa ku aaddanayd Maalinta Caalamiga ah ee Gargaarka Bani’aadannimo waxa uu kaga warbixiyey dadaallada joogtada ah ee Maamulka Gobolku uu ugu jiro xallinta dhibaatooyinka Bani’aadannimo ee ay la nool yihiin barakacaayasha ku dhaqan Gobolka Banaadir.

“Gobolka Banaadir waxaa ku nool in ka badan 500,000 oo barakacayaal ah, waana deegaanka ugu badan Soomaaliya ee barakacayaal ay ku nool yihiin. Marti gelinta tirada intaas le eg waxa ay u baahantahay dadaal joogta ah iyo wada shaqeyn buuxda oo ka dhaxeysa Hay’adaha Gargaarka Caalamiga ah, Dawladda Dhexe iyo Maamulka Gobolka.”

Eng.Yarisow ayaa cambaareyey falalka lagu bartilmaamsado shaqaalaha gargaarka, maadama ay wakhtigooda iyo nolashoodaba u hibeeyeen gurmadka dadka dhibaateysan.

Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu siidaayo kalkaaliso Sonja Nientiet oo bartamaha sannadkan ay koox hubaysan ku afduubatay magaalada Muqdisho, iyadoo ku howllaneyd u adeegidda dadka dhibaateysan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ayaa uga mahad celiyey dhammaan howlwadeennada arrimaha gargaarka ee ku soo dhiirraday in ay dadka Soomaaliyeed wax u qabtaan xilliyadii adkaa ee dalku soo maray.

Munaasabadda lagu qabtay magaalada Muqdisho ee lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Bani’aadaminimada waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Saciid Xamsa, Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada Qaramada Midoobey Mudane Peter de Clercq, Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Caroline Van Buren, saraakiil ka tirsan Hay’adaha Qaramada Midoobey, Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyadeeyay geerida Agaasime Ku-xigeenkii Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay Duqa Magaalada St. Louis Park ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo kulan la qaatay Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawladda...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay geerida AUN Weriye Maxamed Diiriye Dhakat

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdulfitax...