Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka oo shaqadii ka joojiyey hawlwadeeno ka kala tirsan Maxkamadaha darajada 1aad iyo 2aad.

Date:

Muqdisho(SNTV);-  Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Garaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa shaqo joojin ku sameeyay kaaliyeyaal gaaraya 9 xubnood oo ka hawlgala maxkamadaha darajada 1aad iyo 2aad.

Shaqo joojinta ayaa  timid kadib markii ay badatay cabashooyinka ay ka soo gudbiyeen dadweynaha u soo doonta adeega cadaaladeed oo loogu shaqeyn waayay sida sharcigu qabo, kadib markuu ku  qancay soo jeedinta Guddoomiyaha Maxkamada Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi.

” Markaan arkay cabashada joogtada ah ee ka taagan Kaaliyeyaashan,markaan arkay kuna qancay soo jeedinta Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir,markaan arkay kuna qancay in danta cadaaladda ay ku jirto in shaqada laga joojiyo kaaliyeyaashan.

“Laga bilaabo maanta waxaa shaqadii ka joojiyay kaaliyeyaashan inta laga sameynayo baaritaan dhammeystiran,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf  Axmed.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka ayaa faray Maxkamadaha Racfaanka Gobolka iyo degmooyinka Gobolka Banaadir iney amarkaan siduu yahay u fuliyaan.

Tallaabadan uu qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee shaqada looga joojiyay Kaaliyeyaashan ka howlgalayay Maxkamadaha degmooyinka,Gobolka,iyo Rafcaanka ayaa qeyb ka ah balan qaadyadii uu sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka,taasi oo ku aadan inuu dib u habayn dhammeystiran ku samayn doono Garsoorka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...