Home Blog Page 1234

R/wasaaraha XFS oo Saaka Salaadda Ciidda kula tukaday kumannaan Qof Masjidka Isbahaysiga.

0

Muqdisho(SNTV):–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa saaka Salaadda Ciidda kula tukaday kumannaan qof Masjidka Isbahaysiga ee Magaalada Muqdisho.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo, isu damqasho iyo is garab qabasho.

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciid ul-Adxa, una rajeeyay in ay sannadkaan sannadkiisa ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.

Ciidanka Amniga oo xiray nin ka been sheegay NISA

0

Ciidammada Amniga ayaa soo xiray nin sameystay warqado been abuur ah, kaas oo sheegtay in hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranku u magacowday Jubaland.

Hay’adda NISA ayaa arrintan ku sheegtay war la soo dhigay barteeda twitter.

Saraakiil ka tirsan hay’adda NISA ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ninkan xabsiga la dhigay, lana baarayo sababaha ku riixay in uu sameysto warqado been abuur ah oo uu ku sheeganayo in hay’adda NISA u magacowday Jubaland.

 

Maamulka G/Banaadir oo Qalabka Naafada u qeybiyey qaar ka mid ah Dadka Naafada ah

0

Muqdisho (SNTV)- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa u qeybiyey gawaarida dadka naafada ah, qaar ka mid ah naafada ku nool Gobolka.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in tallaabadani ay qeyb ka tahay qorsheyaasha maalmaha Ciidul Adxaaga ee Maamulka Gobolka Banaadir uu kaga qeyb qaadanayo farxad gelinta dadka danyarta ah.

“Dadkeenna naafada ah waxa ay mudan yihiin daryeel joogta ah, cidda ay ka sugayaanna Alle ka sakow waa inaga, sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka, gaar ahaan ganacasatada Gobolka Banaadir in ay kaalintooda ka qaataan sidii wax loogu qaban lahaa.”

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed ayaa sheegtay in dadkan tiradoodu ay gaarayso boqol qof, lagana soo xulay dhammaan 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, dadkan waxaa qeyb ka ahaa qaar ka mid ah naafada Barakacayaasha ku dhaqan Gobolka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalmaha Ciidda fulinaya barnaamijyo ciidsiin ah oo loo sameynayo dadka danyarta ah, gaar ahaan barakacayaasha iyo dadka naafada ah.

 

Ra’iisul wasaare Kheyre oo soo gaba gabeeyey La xisaabtanka Sanadlaha ah ee Wasiirada+Sawirro

0

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta soo gaba gabeeyey wajiga 2aad ee Barnaamijka uu kula xisaabtamayey xubnaha Golaha Wasiiradda  ee sannadlaha ah si loo qiimeeyo hawlaha Wasaaradaha uga hir-galay qorshayaashii u degsanaa ee ay ahayd in ay fuliyaan.

Wasiiradda maanta Ra’iisul wasare khayre uu shaqsi shaqsiga ula xisabtamay ayaa kala ah, Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha , wasiirka  shaqada iyo Arrimaha bulshadda, wasiirka  xanaanada xoolaha , wasiirka Boostadad iyo isgaarsiinta , wasiirka Amniga iyo wasiirka  Ganacsiga iyo warshadaha , isagoo  wasiir kasta  oo kamid ah lasoo hor-dhigay qorshayaashii lagu ballamay in uu fuliyo, iyada oo wasiirrada ku cusub xukuummadda uu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay diyaarinta qorsha hawleedkooda.

Wasiirrada ayaa Ra’iisul Wasaaraha usoo bandhigaey waxyaabaha u qabsoomay iyo qorsha hawleedkooda oo qoran si isla xisaabtanka sannadka xiga loogu qiimeeyo wixii uga qabsooma.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaraha xukumada federaalka Soomaaliya Cabdullahi Xaamud ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in isla xisaabtanku uusan ku ekayn kaliya Wasiiradda balse cid kasta lala xisaabtami doono oo dowladda mas’uuliyada u haysa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sannadkii hore sidaan oo kale mid mid ula fariistay wasiirrada si ay isula ogaadaan qorsha hawleedka wasaarad waliba si loogu korjoogteeyo, waxa uuna isla-xisaabtankaani qayb ka yahay howlaha kor-joogtaynta iyo dabagalka lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha si looga mira dhaliyo qorshaha xukuummadda ee ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Hambalyada Ciida u diray Umadda Soomaaliyeed

0

Muqdisho (SNTV)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guud ahaan umadda Muslimka ah gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabada Ciidul-Adxa.

“Waxaan guud Umadda Muslimiinta ah meel walba oo ay joogaan gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeynaa Munaasabada Ciidul-Adxa,waxaana u rajeynaa in ciidaan teeda kale ay ku gaaraan bash bash iyo barwaaqo iyo sidoo kale horumar intaan kasii badan oo dowladnimo ah” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dhexdooda ay is caawiyaan oo ay gargaaraan midkooda liita sidoo kalena ay ka shaqeeyaan horumarka Dowladnimadeena.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo Munaasabada Ciida ugu Hambalyeeyay Shacabka

0

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciid Al-adxa, una rajeeyay in ay sannadkaan sannadkiisa ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.

“Waxa aan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyaynayaa munaasabadda Ciid Al-adxa. Waxa aan leeyahay sannadkaan sannadkiisa ku ciida Bashbash, barwaaqo, nabad iyo Ciid wanaagsan”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed xasuusiyay muhiimmadda ay munaasabaddani u leedahay sugidda amniga, la dagaalanka musuqa iyo dib-u-heshiisiinta.

“Waxa aan rabaa in munaasabadan aan uga faa’iidaysto maalintan barakaysan muhiimmada ay u leedahay in lees cafiyo, kulligeen gacmaha is qabsanno, soo celinno dawladnimada, ka wada shaqayno amniga iyo xasiloonida, dib-u-heshiisiinta iyo muhiimmadda ay leedahay in aan isla xisaabtanno oo meel uga soo wada jeesanno musuqmaasuqa”.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ummadda xusuusiyay in la ilaaliyo midnimada dalka, maadaama uu yahay dalka kaliya ee aan leenahay isaga oo shacabka ka codsaday in ay garab istaagaan dadaallada dib loogu dhisayo nidaam dowladeed oo sal adag.

Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidda Carafo

0

Muqdisho, August 20, 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta daafaha adduunka ku nool ee u dabbaaldegaya munaasabadda Ciidda caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.

“Maalmahan barakaysani waa ayaamo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmo ku suntan isjacayl, wadajir iyo is-taakulayn, taasi oo muujinaysa dareenka walaaltinnimo ee ka dhexeeya dadkeenna.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay istaakuleeyaan, isla markaasna garab istaagaan kooda itaalka daran maadaama isku-duubni , walaalnimo, wadajir iyo wax wada qabsi lagu gaari karo horumarka iyo himilooyinka la hiigsanayo.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale ku guubaabiyey shacabka inay ka shaqeeyaan xoojinta nabadda iyo xasiloonida dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Muslimiinta gudatey waajibaadka Xajka,

“Dhammaan Muslimiinta gudatey waajibaadka Xajka sannadkan waxaan Alle uga baryayaa inuu ka aqbalo acmaashooda wanaagsan. Xajku waa tiir weyn oo kamid ah tiirarka ay ku taagan tahay diinteennu, dawladda Soomaaliyeedna waxaa ka go’an inay u fududeyso muwaadiniinteeda gudashada waajibaadka Xajka.”

Taliska Ciidanka Asluubta oo qalab Xafiiseed ku Wareejiyay Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka iyo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada

0

Muqdisho (SNTV)- Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka iyo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ka guddoomay qalab xafiiseed loogu talagalay inuu ku shaqeeyo Golaha Murtida iyo Wacyigalinta ee (National Theatre) qalabkaas oo sameyntiisa uu hore u amray Madaxeynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomalaiyeed S/gud Bashiir Maxamed jaamac ayaa sheegay in qalabkan uu wax badan ka badali doono howlaha Tiyaatarka Qaranka, sharaf gaarana ay u tahay in qalabkan ay wareejiyaan iyagoo ka jawaabaya amarkii Madaxweynaha.

Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka ayaa bogaadiyay waxsoosaarka Warshada Ciidanka Asluubta oo ay ka hawlgalayaan Maxaabiista kujirta xabsiga dhexe ee Xamar, isagoo sheegay in dib u howlgalinta Tiyaatarka Qaranka ay muhiimad weyn u leedahay bulshada.

Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure ayaa uga mahadceliyay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed qalabkan ay ku warejiyeen, isagoo xusay in farxad gaara ay u tahay in Madaxweynaha Dalka uu ahmiyad gaar ah siinayo soo nooleynta Tiyaatarka Qaranka.

Wasiir Beyle oo maanta kormeeray Dekadda Muqdisho

0

Muqdisho(SNTV);- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Dekadda Muqdisho oo ka mid ah illaha dhaqaalaha dalka kuwa ugu muhiimsan.

Ujeedka kormeerka Wasiir Beyle uu ku tagay Dekadda Muqisho ayaa ku saabsan hubinta qaabka ay shaqada Dekadda u socoto iyo u adeegida Shacabka wax kala soo degaya Dekadda magaaada Muqisho.

“Maanta waxaan kormeer ku tagay Dakadda Muqdisho ka mid ah ilaha dhaqaalaha Dalka kuwa ugu muhiimsan, si aan u hubiyo qaabka ay shaqadu usocoto. Waxaan dul istaagay goobaha ay sida gaarka ah uga socotay shaqada iyo u adeegida shacabka wax kala soo dagaya Dakadda Magaalada Muqdisho.” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorshe lagu dardar gelinayo laguna kobcinayo dhaqaalaha dalka,iyadoo loo marayo hagaajinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka gaar ahaan ilaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalka uu ka soo galo.

Madaxweynaha iyo wafdiga u hoggaaminayay oo dib dalka ugu soo labtay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomalaiya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo isniin ah dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdiga ballaaran uu horkacayay ayaa safaro shaqo ku kala tagay dalalka Jabuuti iyo Turkiga,halkaasi oo uu kullamo kula soo qaatay madaxda Labada dal,iyagoo ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Wadamadaasi.

Madaxweynaha waxaa booqashadan ku weheliya, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdi Cashuur Xasan, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa.

Kulamada madaxweynaha dalka u layeelanay madaxda wadamada Jabuuti iyoTurkiga ayaa u jeedkisa waxa u yahay sidi labada dalalkasi ay u hagajin lahayeen xiriirka iskaashi ee ka dhexeya dalalka Turkiga iyo Jabuuti oo mid qooto dheere.