Home Blog Page 1236

Ra’iisul Wasaare Khayre oo qaabilay wafdi ka qeyb galay shirka Waxbarashada sare ee Dalka

0

Muqdisho (SNTV):– Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socoda waddamada Thailand, koonfur Afrika, Suudaan, Turkiga iyo Talyaaniga kuwaas oo ka qayb galay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare  ee  dhawaan ka furmay magaalada Muqdisho kaas oo si wadajir ah ay usoo qaban-qaabiyeen jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo wasaaradda waxbarashada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wafdiga kala hadlay heerka waxbarashada sare ee Soomaaliya ay soo gaartay, rajada wanaagsan ee jirta iyo dowrka horumarineed ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo jaamacadaha kale ee dalka ka jira ay ku leeyihiin, waxa uuna sidoo kale uga mahad-celiyay ka qayb galkooda shirkan caalamiga ah ee waxbarashada sare.

Xubnaha wafdiga ayaa dhankooda ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyay soo dhaweynta ballaaran ee loo sameeyay, iyadoo  xubnaha wafdiga qaarkood ay sannadkii hore kasoo qayb galay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare ay qireen in uu jiro horumar ballaaran oo dhanka waxbarashada ah, waxa ayna  ballan qaadaeen warbixinta horumarka dalka ku arkeen ay  gaarsiin doonaan dalalkii ay ka yimaadeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula ballamay masuuliyiinta Wasaaradda waxbarashada iyo jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo kulanka goob joog ka ahaa in ay badiyaan shirkarka lagu horumarinayo waxbarashada dalka iyo in ay la shaqeeyaan dhinacyada daneeya horumarina waxbarashada dalka Soomaaliya.

Tahriibayaal laga soo bad-baadiyay xeebaha Marooko

Rabat-(SNTVA)- Ciidamada Badda ee Dalka Marooko ayaa Arbacadii Shalay ahayd soo badbaadiyay 110 Qof oo Tahriibayaal ah, kuwaas oo ku safrayay Saddex Doonyo, sida ay sheegeen laamaha ammaanka Dalka Marooko.

Howl-gallo kale oo ay Ciidamada Badda ee Dalka Spain ka sameeyeen marinka Gibraltar ee u dhexeeya Labada Dal ayaa sidoo kale lagu soo bad-baadiyay 399 Muhaajiriin sharci darra ah, kuwaas oo iyana ku socdaalayay 29 Doonyood.

Hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM ayaa xog uruurintii ugu dambeysay ee ay soo saartay, waxa ay ku sheegtay Sanadkan oo keliya in ay ku tahriibeen marinka u dhexeeya Marooko iyo Spain in ka badan 50,000 oo Qof, kuwaas oo 1,500 oo ka mid ay ku Naf waayeen.

Isha/ Anadolu

Filim-qaadihii Daacish oo ay Maxkamadda Ciidamada Xukuntay..

Muqdisho (SNTV)-Jaamac Xuseen Xasan Nuuni oo ahaa Filim-qaadihii kooxda Daacishta Soomaaliya qala-laasaha ka waddo, sidoo kala  ahaa  mid ka mid ah kuwooda u qaabilsan kooxda qaraxyada ay  ku dhibaateeyaan  shacabka ku dhaqan goballada shabeelaha-Hoose  iyo Benaadir ayaa  maxkamadda darajada 1-aad go’aan ka soo saartay.

Maxkamadda ayaa  u cuskatay xukunkeeda qodobo  kale duwan sida Qiraalka Eedeysanaha,  Caddeymaha laga qoray markaatiyaasha, Kaamiro video uu watay eedeysanaha oo ay kuu duubnaayeen muuqaallo muujinayo ficilada kooxda, Batari, Fiilooyin iyo agab kale oo loo isticmaallo farsamada qaraxyada.

Caddeymaha muuqaal laga duubay Qarax uu aasay eedeysanaha  inta aysan qarxin ciidamada amniga ka hor , codsiga qareenada u doodayay eedeysanaha ee aheyd in loo naxariisto maadaama markii ugu horreysay ee aheyd ee uu geysto ficil nuucaas ah, waxa ay garsoorayaasha go’aamiyeen In jaamac Xuseen Xasan Nuuni uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo eedeeyay waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Xabsi daa’in”- Sida uu u sheegay warbaahinta  G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

Eedeysanah ayaa  ku biiray kooxda  Daacish  kadib markii ay is qabteen kooxda Al-shabaab uu horay uga tirsanaa, waxa uuna cel-celis ahaan ku soo qaatay kooxahaasi in ka badan 5-sano.

Goballada bari ee dhulka  Puntland gaar ahaan qandalla ayuu ka soo dagaalamay balse mar dambe oo ay kooxdu u soo wakiilatay dhibaateynta shacabka ku dhaqan Shabeelaha -Hoose iyo Benaadir ayaa  waxa isaga oo ku jira dhagridda shacabka weliba ku mashquulsan qarxinta miino ay ku aaseen wada-da dhinaceeda,     waxa ay ciidamada amniga ka soo qabteen halka loo yaqaano Bood-boodka  oo ah degmada Afgo’e ee gobalka shabeelaha hoose.

Ku simaha Wasiirka Warfaafinta XFS oo Xafiiskiisa ku qaabbilay Madax ka socotay Hay’adda TIS

0

Muqdisho-(SNTV)-Ku simaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Wasiirka ku xiggeenka Wasaaraddaasi, Mudane Aadan Isaaq Cali, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay  Madax ka socotay Hay’adda (TIS+) oo Dawladda Soomaaliya ka taageerta Horumarinta iyo Xasilinta dalka.

Kulankaasi, ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudan C/raxmaan Shiikh Yuusuf Alcadaala, Agaasime Waaxeedyada wasaaradda iyo Masuuliyiin kale.

Labada dhinac, ayaa kawada hadlay Horumarinta Qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Qaranka,  siddii Wasaaradda Warfaafinta XFS looga taageeri lahaa isku xirka Wasaaraddaha Warfaafinta Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada dalka.

Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Aadan Isaaq Cali, ayaa uga mahad celiyey Hay’adda TIS  horumarka iyo howlaha wanaagsan ee ay ku taageerayaan Wasaaradda.

Mas’uul loo xiray eedeymo musuq maasuq

0

Agaasime ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka , ayaa xabsiga loo taxaabay iyadoo loo haysto eedeymo la xiriira musuq maasuq.

Warar aan ka helnay hoggaanka  dambi baarista (CID) ayaa xaqiijiyay in Daahir Maxamed Nuur oo ahaa Agaaasimihii Waaxda Dib u dejinta barakacayaasha,lagu soo eedeeyay “Xatooyo Xoolo dadweyne”

Waxaa loo haystaa in uu lunsaday lacag dhan $ 84,000 (Siddeetan iyo Afarkun oo Doollar).

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn ugu cel celisay in ay ka go’an tahay in ay tallaabooyin dhab ah u qaaddo la dagaallanka musuq maasuqa, si aan loogu tagri falin hantida dadweynaha.

Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Xilka laga qaaday

0

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 26ka July 2018 waxaa Xilkii Wasiirnimo laga qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan.

Wareegtadan ka soo baxday xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa xilkan sii heynaya Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir.

Ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Xildhibaan Aadan Isxaaq Cali ayaa Warbaahinta Qaranka ka akhriyey Digreetadan

Arday u fariisatay Imtixaan ay kaga mid noqonayaan Ciidamada Xoogga Dalka

0

Muqdisho (SNTV), 450 dhalinyaro Soomaaliyeed oo soo codsaday inay ka mid noqdaan Ciidanka Xoogga dalka, kadib markii Taliska Ciidanka Difaaca dalka uu soo bandhigay Fursado shaqo, ayaa maanta u fariistay imtixanaadka Sargaal iyo Sargaal xiggeeno, kaasi oo lagu qabtay dugsiga tababarka ee TurkSom.

Goobta Imtixaanaadka lagu qaadayey, ayaa waxaa  goob joog ka ahaaa gudigga imtixaanadka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dawladda Turkey.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas C/wali Jaamac Xuseen oo ay wehliyaan,  ayaa maanta kormeeray xarunta dugsiga tababarka ee TurkSom oo ay ka socotay qaadista imtixanaadka Sargaal  iyo sargaal xigeenada ka mid noqonaya ciidamada xoogga dalka.

Gen. C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa mid mid u xog wareestay Ardeydii galeysay imtixaanaadka, isaggoona weydiiyay sida ay u arkaan ka mid noqoshada Ciidanka Xoogga Dalka.

Saraakiisha Ciidamada dawladda Turkiga ee gacanta ku hayo Dugsiga tababarka ciidanka ee TurkSom, ayaa  waxay Taliyaha Ciidanka Xoogga u faah faahiyeen qaabka loo kala xulay Ardeydaasi,  waxaana Taliyaha Saraakiisha qaadeyso imtixanaadka uu ka dalbaday in ay ku shaqeyaan si cadaalad ah.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka,  ayaa dawladda Turkiga ugu mahad celiyay kaalinta muuqato ay ka qaadanayaan dhismaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Ra’isalwasaare kuxigeenka dalka : Dowlada Waxaa ka Go’an baabi’inta Gudniinka Fircooniga ah

0

Muqdisho (SNTV)  Waxaa maanta magaalada muqdisho lagusoo gabagabeeyey Aqoon isweydaarsi ku saabsanaa ka hortagga iyo suulinta gudniinka fircooniga ah ee gabdhaha.

Shirka oo ay soo qabanqaabisay ifrax axmed oo ah gabar u ololeysay xuquuqda aadanaha gaar ahaanna ka hortagga gudniinka fircooniga ayna maalinayeen hay’ado badan oo ay wada shaqeyn la leedahay ayaa waxaa ka qeybgalayey inkudhow 100 qof oo kala socday bulshada qeybaheeda kala duwaan, sida culimaa’udiin, waxgarad, haween, dhalinyaro,  saxafiyiin iyo dad u ololeeyo dumarka, qaarkoodna ay yimaadeen gobolada dalka,

mudada shirka uu socday oo aheyd  shan bari waxaa looga doodayey dhibaatada gudniinka fircooniga ah, waxyeelada iyo dhibaatada uu ku keeno gabdhaha, diinta islaamku waxa ay ka qabto, iyadoo la isku raacay  sidii siwada jir looga hortagi lahaa gudniinka fircooniga.

Ifraax Axmed oo ah gabadha soo qabanqaabisay shirka ayaa sheegtay in ujeedada ay usoo qabanqaabisay shirka ay tahay sidii wacyigalin looga sameyn lahaa dhibaatada uu gabdhaha kuhayo gudniinka fircooniga, waxayna ugu baaqday madaxda qaranka inay arintaas garab istaagaan,

Xaaji Maxamed qeyrow oo ah xogyaha joogtada ee wasaarada diinta iyo awqaafta ee dawlada somalia ayaa isna sheegay mudooyinkan ay wasaaradu waday shirar iyo kulamo arinsanayey gudniinka gabdhaha, go’aanno ay isla gaareen iyaga iyo culimada soomaaliyeed in gudniinka fircooniga uu mabnuuc kayahay dalka, hadda kadibna lagu dhaqmayo gudniinka sunniga ah.

waxaa sidoo kale isna gabagabada shirka ka hadlay xildhibaan Cabdifataax Qaasim oo ah mudane ka tirsan golaha shacabka ee parlamaanka somalia oo sheegay in loo baahanyhay in masuuliyad la iska saaro sidii dadkeenna looga waxyigalin lahaa dhibaatada gudniinka gabdhaha, wuxuuna intaas kudaray inay muhiim tahya in si tartiib loo suuliyo gudniinka gabdhaha,

Dr Axmed Cali daahir oo ah xeer ilaaliyaha qaranka, ayaa isna sheegay in dhibaatada gudniinka fircooniga ay aad u badantahay sidaas darteedna uu ugu baaqayo culimada diinta inay door muuqda ka qaataan sidii bulshada looga baab’in lahaa falkan foosha xun.

Dr daahir wuxuu kaloo sheegay in kiiska gabadhi dhawaan gudniinka fircooniga ugu geeriyootay degmada dhuusamareeb laga furay gal baaris ah, ayna rajeynayaan in maxkamad lasoo taago cidii kadambeysa arintaas, si bulshada kale ay farriin ugu noqoto loona ogaado in dowlada federaalka ah ee somalia aysan ka raali ka aheyn arintan.

ugu dmabeyntii waxaa shirka soo gabagabeeyey ra’isalwasaare kuxigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (khadar) waxana uu sheegay in gudniinka fircooniga uu dhibaato maskaxeed iyo maskaxeed iyo mid caafimaadba kuleeyahay gabdhaha, waxana  eedda arinta uu  kusheegay inay tahay gaabis laga gaabiyey taasoo keentay in wili uu sii jiro gudniinka.

Mudane Khadar ayaa sheegay in gudniin fircooniga uu aad ugu badanyahay deegaanada miyiga ee fog, loona baahanayhay in la ballaarinayo dadaalada wacyigalinta ee socda.

wuxuu kaloo sheegay in dowlada federaalka ee somalia ay ka go’antahay baabi’inta Gudniinka fircooniga ah, sidoo kale ay  dadjineyso sharciyada iyo siyaasadaha ka hortagga faldambiyeedkan, iyo sidii loo  ciqaabi lahaa  cidii kukacda.wuxuuna culimada ku booriyey inay wacyigalin badan sameeyaan,

gabagabadi shirka ayaa lagasoo saaray warmuriyeed dhawr qodob ka kooban oo ay siwadajir ah usoo saareen ka qeybgalayaasha shirka kuwaasoo dhammaantood qeexayey in la joojiyo gudniinka fircooniga ah.

Gudniinka fircooniga ayaa ah caado dhaqameed looga dhaqmo waddamo badan oo caalamka ah, gaar ahaan Afrika oo soomaaliyana ay  kujirto, waxaana inkastoo ay wali socoto wacyigalin la xiriira arinta haddana aan wali la suulin caadadaas oo dad badan wili ay aaminsanyihiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo abuuray Golaha Dhaqaalaha Qaranka

0

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xeeriyay abuurista  Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

Xeerka   madaxweyne oo lambarkiisu yahay  98 ayaa qeexaya in madaxweynuhu markii uu arkay Qodobbada 87 iyo 90 ee Dustuurka KMG ee Soomaaliya iyo war-murtiyeedkii laga soo saaray Shirka Golaha Amniga Qaranka (Baydhabo 3-5 Juun 2018, Qodobka 2.11

Markii uu garwaaqsaday soo jeedinta wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka iyo baahida loo qabo in la abuuro Gole Dhaqaale Qaranka ee ka talo bixiya arrimaha la xiriira Siyaasadda Dhaqaalaha ee Dalka.

Madaxweynuhu waxa uu soo saaray xeerkan oo qodobkiisa koowaad yahay Dhismaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

Qaab dhismeedka Golaha Dhaqaalaha Qaranku waxa uu ka kooban yahay

1- GUddi hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada
2- Guddoomiyaha Bangiga Dhexe
3-Madaxda Dowlad goboleedyada
4-Shan (5) Xubnood oo la taliyeyaal ah (National Advisory) oo lagu soo xulo aqoontooda Cilmiga dhaqaalaha iyo khibraddooda dhaqaalaha isla markaana aqoon dheer u leh maamulka maaliyadda dowladda, kuwaas oo kala taliya golaha dhanka farsamada iyo diyaarinta dokumentiyada la hor geynayo golaha.

Mas’uuliyadda Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa noqoneysa sida xeerku caddeynayo:
1- Kala talinta Dowladda dhaqaalaha iyo diyaarinta istiraatiijiyadda siyaasadda dhaqaale iyo maaliyadeed ee dalka.
2-Waxa uu dowladda kala talinayaa sida ugu habboon ee lagu hanan karo himilooyinka dhaqaale iyo maaliyadeed ee heer Qaran
3-Waxa uu talo ka bixinayaa shuruucda arrimaha Federaalka ee la xiriirta dhaqaalaha iyo kheyraadka dalka
4- Waxa uu ka caawinayaa dowladda u hoggaansanaanta qawaaniinta gudaha iyodibadda ee la xiriirta arrimaha dhaqaalaha iyo shuruudaha waajibaadka taageerada maaliyadeed e dibadda laga helo.

 

Duqeyn cirka ah oo lala beegsaday Maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab

Muqdisho (SNTV) Maleeshiyo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa xalay fiidkii isku dayey in ay weerar ku qaadaan fariisimo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed qeybtooda  ka howl-gasha gobolka Shabeelaha-Dhexe ku leeyihiin deegaanka Qalimow oo u dhaxeeya Degmooyinka Jowhar iyo Balcad balse waxaa ka hortgay Ciidanka Daraawiishta kuwaas oo sidoo kale u geystay qasaaro badan.

Maleeshiyada ayaa markii ay isku dayeen in ay dib u laabtaan waxay la kulmeen duqeymo dhanka Cirka ah  taas oo looga bur-buriyey labo gaari oo ay wateen.

Warar kale ayaa sheegaya in duqeynta ay uga dhinteen Maleeshiyo badan kuwaasi oo saarnaa Gawaarida duqeynta lala beegsaday.

Horay Xarumo Ururka Al Shabaab ku lahaayeen meelo kamida Gobolka Sh. Dhexe ayey isaga guureen kadib markii dagaallo xoogan kala kulmeen Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.